Dhowaan ayay ahayd markii cudurka uu dhaliyo Fayraska Corona uu ka dilaacay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan, kadibna wuxuu ku faafay guud ahaan dhulka Shiinaha, kadibna wuu kasii gudbay isagoo gaadhay wadamada Jabaan, Kuuriya, Taylaan, Maraykanka, Faransiiska iyo Itoobiya.

Cudurkan uu dhaliyo fayraska Corona ayaa asalkiisu ka yimid xayawaanka, wuxuuna la nooc yahay fayraska sars oo laayay boqolkiiba 9 dadkii uu asiibay, sidoo kale mrsa oo isaguna laayay boqolkiiba 23 dadkii uu ku dhacay.

Tusmo

Calaamadaha lagu garto Cudurkan:

  1. Madax xanuun.
  2. Hargab.
  3. Hnidhiso ama duuf qoyan.
  4. Neefta oo qofka qabata.
  5. Xumad.
  6. Kalyo xanuun.

Cudurkan wuxuu ku bilaabmayaa xumad qabanaysa qofka kadibna waxa ku xiga hargab qalalan. Hal usbuuc kadib waxa bilaabmaya neefta oo qofka qabanaysa iyo qofka oo ubaahanaya in cusbitaal la dhigo.

Maxaa keena inuu cudurkan inuu faafo?

Cudurkan waa mid lagu kala qaadi karo habka ugu fudud ee xanuun lagu kala qaado:

  1. Qof qaba cudurkan oo ku taabta ama ku salaama.
  2. Qofka qaba cudurkan oo kugu ag qufaca ama hinhdisa.
  3. Adigoo taabta meel uu yaalo Faraska Corona kadibna gacantaada ku taabta afka ama isha.

Maxaa lagaga hortagi karaa Cudurkan?

  1. In la dhaqo labada gacmood (si fiican loo faraxasho) lagu maydho saabuun iwm.
  2. In afka lagu daboolo maro ama shukumaan/tuwaal yar markaad qufacayso ama hindhisayso.
  3. Inaad ka fogaato inaad ku dhex darsanto dadka qaba cudurkan.
  4. Inaad hubsato inaad sifiican u karisay hilibka iyo beedka.
  5. Inaad ka fogaato isku xoqa xayawaanada sida eyda, bisadaha iwm.

Cudurkan markuu ka dilaacay dalka Shiinaha waxay isku dayeen inay xakameeyaan ayagoo magaalooyinka kusoo rogay bandow inaan cidina gali karin, cidina ka bixi karin. Taasoo ujeedadeedu tahay inaan cudurkaasi ku faafin dad kale, si kastaba ha ahaatee dad badan oo muslimiina ayaa qaba in cudurkan uu yahay ciqaab ku habsaday dalka Shiinaha, kadib markii ay dulmiyeen muslimiinte ree Iigoor, kuwaasoo lood diiday inay muujistaan diintooda, iyo inay akhriyaan kitaabka Quraanka, iyo xataa inay safraan ama cid kale booqato.

Hal milyan oo muslimiinta reer Iigoor oo xasuuqa diimeed lagu hayay ayaa dhashay cadhadii Ilaahay oo ah cudurka Corona, kaasoo ku qasbay indhayrtii Shiinaha in loo 18 milyan oo kamida inay safraan ama magalaada ay kasoo baxaan. SubxaanaAllah.

Isku soo wada duub, waxa dalka Shiinaha ka dhacay waxa ku duugan mucjisooyin badan oo diinta Islaamku ay ka warrantay 15 qarni kahor.

Mucjisooyinka diinta Islaamka:

Faraxalka:

In la dhaqo gacmaha ama la faraxasho waa mid kamida sunooyinka waysada ee diintu ina farayso, waxa rasuulkii Ilaahay (scw) laga wariyay inuu yiri:

وإذا استيقظ أحدكم من نومه فليغسل يده قبل أن يدخلها في وضوئه فإن أحدكم لا يدري أين باتت يده

“Hadii midkiin uu kasoo kaco hurdadiisa ha dhaqo gacantiisa kahor intaanu galinin waysadiisa maxaa yeelay midkiin ma garanayo meesha ay seexatay gacantiisu” [Bukhaari: 160]

In la nadiifiyo Sanka:

Sanku waa xubnaha ugu baahida badan in la nadiifiyo sidaa darteed ayuu rasuulkii Ilaahay inagu baraarujiyay in sanka biyaha lagu arooriyo si shayaadiinta looga hortago. Wuxuu yiri Rasuulkii Ilaahay (scw):

إِذَا اسْتَيْقَظَ أُرَاهُ أَحَدُكُمْ مِنْ مَنَامِهِ فَتَوَضَّأَ فَلْيَسْتَنْثِرْ ثَلَاثًا فَإِنَّ الشَّيْطَانَ يَبِيتُ عَلَى خَيْشُومِهِ

“Hadii uu kasoo kaco waxaan u malaynayaa midkiin hurdada ha waysoqaato sadex jeerna biyaha sanka haku shubo maxaa yeelay shaydaanka ayaa u hoyday sanqaroorkiisa” [Bukhaari: 3121]

Hamaansiga:

Qofku markuu hamaansado waa inuu afkiisa celiyo intuu awoodo, wuxuuna dhahay rasuulkii Ilaahay (scw):

وَأَمَّا التَّثَاؤُبُ فَإِنَّمَا هُوَ مِنْ الشَّيْطَانِ فَإِذَا تَثَاءَبَ أَحَدُكُمْ فَلْيَرُدَّهُ مَا اسْتَطَاعَ فَإِنَّ أَحَدَكُمْ إِذَا تَثَاءَبَ ضَحِكَ مِنْهُ الشَّيْطَانُ

“Hamaansigu wuxuu ka ahaaday shaydaanka, hadii uu hamaansado midkiin ha celiyo intuu awoodo, maxaa yeelay midkiin markuu hamaansado waxa ku qosla shaydaanka” [Bukhaari: 5872]

In cuntada la iska kariyo:

Sida aan ogsoonaha cudurka Corona wuxuu ka yimid xayawaanka, waa cudur ku dhici jiray xayawaanka oo iminka usoo gudbay bani aadamka, sidaa darteed waa muhiim in sifiican la isaga kariyo cuntada, gaar ahaan hilibka, kalluunka, digaaga, beedka ama ukunta. Sababtoo ah hilibka dhiiga leh ee sidiisa loo cuno waxa ka buuxa jeermiskii la socday, cudurkanina wuxuu ka yimid dad cunay xayawaano xaaraana iyo dhiiga dareera oo la cabay. Dhiiguna dareerana waa ku xaaraan diinta Islaamka, sidoo kale

حُرِّمَت عَلَيكُمُ المَيتَةُ وَالدَّمُ وَلَحمُ الخِنزيرِ وَما أُهِلَّ لِغَيرِ اللَّـهِ بِهِ

“Waxa la idinka xarrimay korkiina bakhtiga iyo dhiiga iyo hilibka doofaarka iyo wixii loo gawracay cid aan Ilaahay ahayn” [Suuratu Al-Maa’ida: 3]

In la isku masaxo Xayawaanada Najaasada ah:

Xayawaanada najaasada sida eyda iyo doofaarka xikmadaha loo xarrimay waxa kamida in najaaso iyo cudur laga qaadi karo cunidooda iyo taataabashadooda, sidaa darteed ayuu rasuulkii Ilaahay amray in eyda weelka ay wax ku cuneen ee dhareerkoodu gaadhay in la maydho todoba jeer oo mid kamida ay tahay ciid ama carro.
Sidoo kale qofka taabta haraga eyda oo qoyan oo qoyaankaasi soo raacay, isaguna waa inuu gacantiisa dhaqo todoba jeer oo ta u horaysa tahay ciid ama carro. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri:

يُغْسَلُ الْإِنَاءُ إِذَا وَلَغَ فِيهِ الْكَلْبُ سَبْعَ مَرَّاتٍ أُولَاهُنَّ أَوْ أُخْرَاهُنَّ بِالتُّرَابِ وَإِذَا وَلَغَتْ فِيهِ الْهِرَّةُ غُسِلَ مَرَّةً

“waa la dhaqayaa weelka hadii uu ku cabo eygu todoba jeer oo ta u horraysa ama ta u danbaysa tahay ciid (carro) hadii ay cabto bisaduna waxa la maydhayaa hal mar” [Sunan Tirmadi: 91]

Maxaa sababa in cuduro aan la aqoonin ay soo if baxaan?

Cudurudo aan hadda kahor la aqoonin hadii ay soo if baxaan waa ciqaab ka yimaada xaga Ilaahay, kadib markay dadku lasoo banbaxaan faaxishada iyo zinada. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri:

لَمْ تَظْهَرْ الْفَاحِشَةُ فِي قَوْمٍ قَطُّ حَتَّى يُعْلِنُوا بِهَا إِلَّا فَشَا فِيهِمْ الطَّاعُونُ وَالْأَوْجَاعُ الَّتِي لَمْ تَكُنْ مَضَتْ فِي أَسْلَافِهِمْ الَّذِينَ مَضَوْا

“Masoo if baxdo faaxishadu (sinada) hadiiba ay kasoo if baxdo qoom oo ay muujistaan waxa dhexdooda ku faafa Daacuunka, iyo cuduro aan ku dhici jirin dadkii aya kahoreeyay” [Sunan Ibnu Maajah: 4019]