Dhoola cadaynta waa arrin ay diinteenu ina fartay oo walibana kamid ah sadaqooyinka ruuxa muslimka ah uu ku helayo ajar aad u balaadhan, wuxuu Rasuulkii Ilaahay dhahay:

«فتبسمك في وجه أخيك صدقة » (رواه الترمذي)

“U dhoola cadaynta wajiga walaalkaas waxay kuu tahay sadaqo” [Waxa soo saaray Tirmadi: 1956 ]

Hadaba diinteena macaan waxay dhoola cadaynta ka dhigtay arrin lagaa abaalarinayo maalinta Qayaame. Dhanka kale dhoola cadaytu waa daawada qalbiga, waa cilaajka bulshada iyo qoysaska.

Maanta guryo badan waxay ku dumaan aabaha oo aan ubadkiisa u dhoola cadaynin ama hooyada cudurdaar ka dhigata in hawlihii ku bateen kadibna ay ka tagto u dhoola cadaynta ninkeeda iyo ubadkeedaba.

Dhoola cadaynta waxa awooda cid kasta, ruux maalqabeena iyo ku faqiira ama ku caafimaad iyo ku xanuusanayaba, manaha aha ilkuhu cawro ee way banaantahay in lagu qoslo iyo in lagu dhoola cadeeyaba.

Nabigeena (scw) wuxuu ahaa mid u dhoola cadeeya saxaabadiisa, ehelkiisa iyo dadka muslimiinta dhamaantood, illamaa uu saxaabiga Jariir uu ka dhahay:

عن جرير رضي الله عنه قال ما حجبني النبي صلى الله عليه وسلم منذ أسلمت ولا رآني إلا تبسم في وجهي 

“Jariir waxa laga wariyey ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Nabigu iimuu celinin tan iyo markii aan soo islaamay, haduu i arkana wuxuu ka dhoola cadayn jiray wajigiisa” [Bukhaari: 2871]

Sidoo kale dhoola cadayntu waxay kamid tahay macruufka iyo samo falka, waana shayga ugu wayn ee soo jiidanaya bani aadamka, sidaas awgeed ayuu Rasuulkii Ilaahay dhahay:

لا تحقرن من المعروف شيئا ولو أن تلقى أخاك بوجه طلق

“Ha xaqirin (ha yaraysanin) waligaa macruufka xitaa haba ahaato inaad walaalkaa waji furan kula kulanto” [Muslim: 2626]