Tusmo

Dayaxa:

Dhulkeenu wuxuu leeyahay hal dayax oo kaliya, halka qaar kamida meerayaasha kale ay ka leeyihiin wax ka badan hal dayax. Meeraha Mars wuxuu leeyahay laba dayax, halka meeraha Jupitar uu ka leeyahay 53 dayaxood, waxaana ilaa iyo hadda aan la xaqiijin 26 dayax oo Jupiter uu leeyahay. Hadii la xaqiijiyo inay dayax yihiin markaa Jupiter wuxuu yeelanayaa 79 dayaxood.

  1. Dayaxa dhulkeenan, dhumuciisu waa 3,475 km, wuxuuna dhulka ka fogyahay 384400 km, sidaas awgeed waa meeraha ugu dhow dhulka.
  2. Dayaxu wuxuu dhulka uga dhigmaa rubuciisa hal-afaraad (1/4), hadii afar loo qeybiyo dhulka wuxuu dayaxu noqonayaa hal qeyb.
  3. Dayaxu wuxuu ku wareega dhulka hal wareeg oo dhamaystiran 27 kii maalmood hal mar, hase ahaatee dhulka oo isaguna ku wareegaya qorraxda waxay ku qaadataa 29 kii maalmoodba inuu hal mar dhasho.
  4. Heer-kulka oogada dayaxu way kala duwantahay, marka ay ilayska qorraxdu si toosa ugu dhacayaan oogada dayaxa waxa heer kulkiisu gaadhaa 127 decree. Dhinaca madow ee dayuxuna wuxuu gaadhaa -173 decree. Sababtuna waxa weeye dayaxu malaha lakab sare oo kaydiya diirimaadka qorraxda sida dhulka oo kale.
  5. Dayaxu wuxuu masuul ka yahay butaacida mowjadaha badda iyo dib u noqoshadoodaba. Maadaama dayaxu aad ugu dhow yahay dhulka, waxa cufus jiidadkiisuu saameeya badaha dhulka. Marka dayaxu dhamaystirmo iyo markuu dhalanayaba waxa sare u kaca butaacida mowjadaha badda, halka todobaadka koowaad iyo todobaadka sadexaadna ay badato biyaha oo dib ugu laabta badweynta.
  6. Labada waji ee dayaxa mid kamida ayunbay arkaan dadka dhulka joogaa.
  7. Dayaxa dhulkeenu aad ayuu u iftiimaa, waana mid la arki karo nuurkiisa, sababtuna waxa weeye ilayska qorraxda ee ku dhacda oogadiisa ayuu dib usoo falaadh celiyaa.
  8. Quraanka Kriimka ah wuxuu iftiinka dayaxa u bixiyey “Nuur” Taasoo macnaheedu tahay in iftiinkiisu meel kale uga yimaado, halka qorraxda oo ayadu ilayska iska leh iyo xararaadaba uu quraanku u bixiyey inay tahay “Siraad iyo Wahhaaj”
  9. Dayaxa dhulkeena waxa lagu xusay Quraanka Kariimka, xataa waxa loogu magac daray suurad kamida Quraanka Kariimka, waana suuratu Qamar.

Dayax Madoobaadka:

Dayax madoobaadka waxa sababa marka laga yimaado qudrada Ilaahay, marka dayaxu marayo hadhka iyo hooska dhulka ayaa waxa madoobaada nuurkii dayaxa. Dayaxa madoobaadku wuxuu u qeybsamaa sadex nooc oo kala ah, dayax madoobaad dhamaystiran, dayax madoobaad qeyba iyo dayax madoobaadka yar.

Dayax Madoobaadka dhamayska tiran:

Ugu horeyn dayax madoobaadka dhamayska tiran wuxuu dhacaa marka dayaxu si dhamaystiran u galo hadhka dhulka, taasoo xijaabaysa in la arki karo dayaxa.

Dayax Madoobaadka Qeyba:

Waa marka qorraxda, dhulka iyo dayuxu aanay si toosa isugu beegnayn, ee dayuxa qeyb kamid ah marayso hadhka dhulka. Taasoo keenta in dayaxa qeyb kamid ah ay madoobaato.

Dayax Madoobaadka Yar:

Waa marka dayuxu marayo hadhka ama hooska dibada ah ee dhulku leeyahay. Dayax madoobaadka noocan ah, waxa adag in isha lagu arko marka loo barbar dhigo labadii nooc ee horeeyey.

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa Dayax Madoobaadka?

Waagii hore waxa jiray warar ku tidhi ku teena oo sheegaya in qorraxda iyo dayuxuba u madoobaadaan dhimashada ama dhalashada qof ibnu Aadama. Xilligii Rasuulka (scw) waxa dhacday qorrax madoobaad, waxayna ku beegantay maalintii uu dhintay wiilkii Rasuulkii Ilaahay (scw) ee Ibraahiim. Dabadeedna dadkii ayaa dhahay: Qorraxdu waxay la madoobaatay dhimashada Ibraahiim, sida xadiiska saxiixaynka ku yaalaa tilmaamayo.

عن المغيرة بن شعبة قال كسفت الشمس على عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم يوم مات إبراهيم فقال الناس كسفت الشمس لموت إبراهيم فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم إن الشمس والقمر لا ينكسفان لموت أحد ولا لحياته فإذا رأيتم فصلوا وادعوا الله

Muqiir ibnu Shucbah waxa laga wariyey inuu dhahay: Qorraxdii ayaa madoobaatay xilligii Rasuulka (scw), maalintii uu dhintay Ibraahiim (wiilkii yaraa ee ka saqiiray Rasuulka), markaasay dadkii waxay dhaheen: Qorraxdu waxay la madoobaatay dhimashada Ibraahiim, markaasuu Rasuulkii Ilaahay dhahay: “Qorraxda iyo Dayaxuba uma madoobaadaan ruux dhintay iyo mid noolaaday toona, ee hadii aad aragtaan tukada oo Ilaahay barya” [Saxiixu Albukhaari: 996 ]

Xadiiskan nabigu wuxuu ku cadeeyey in qorraxda iyo dayuxuba aanay u madoobaanin dhimashada ama nolosha qof ibnu aadama, ee ay ku yimaadaa qudrada Ilaahay.

Waxa kale oo nabigu Xadiis kale ku dhahay:

عَنْ أَبِي مَسْعُودٍ الْأَنْصَارِيِّ رضي الله عنه قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( إِنَّ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ آيَتَانِ مِنْ آيَاتِ اللَّهِ يُخَوِّفُ اللَّهُ بِهِمَا عِبَادَهُ ، وَإِنَّهُمَا لَا يَنْكَسِفَانِ لِمَوْتِ أَحَدٍ مِنْ النَّاسِ ، فَإِذَا رَأَيْتُمْ مِنْهَا شَيْئًا فَصَلُّوا وَادْعُوا اللَّهَ حَتَّى يُكْشَفَ مَا بِكُمْ )

Aba Mascuudkii reer Ansaareed waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Qorraxda iyo Dayaxuba waa labada aayadood oo kamida aayadaha Ilaahay, oo Ilaahay ku cabsi galiyo adoomadiisa, ayaguna lama madoobaadaan dhimashada qof dadka kamida, ee hadii aad aragtaan tukada oo Ilaahay barya illamaa laydinka faydayo” [Bukhaari: 1041 iyo Muslim: 1041]

Hadaba axkaamta laga qaadanayo daliiladan waxay yihiin:

  • Qorraxda iyo Dayaxu waa laba calaamadood oo Ilaahay waynidiisa lagu garto.
  • Qorraxda iyo Dayaxu lama madoobaadaan dhimashada iyo nolosha qof ibnu Aadama.
  • Hadii labadooda mid kamida madoobaadana waxa la tukanayaa salaada Qorrax iyo Dayax madoobaadka.
  • Xikmada Ilaahay isugu beego qorraxda, dhulka iyo dayaxuba waa inuu Ilaahay ku cabsi galiyo adoomadiisa, iyo si loo ogaado waynida iyo qudrada Ilaahay. Waxa kale oo ay daliil u tahay in maalin maalmaha kamida ay Qayaame dhacayso oo Ilaahay kulminayo dayaxa iyo qorraxdaba.

Qaabka loo tukanayo salaada Qorrax Madoobaadka iyo Dayax Madoobaadka:

Qaabka loo tukado waxa weeye: Imaamka ayaa dadka salaada ugu yeedhaya, wuxuuna bilaabaya salaada qiraa’adeeda isagoo codkiisa sare u qaadaya, waanu rukuucayaa kadib markii uu quraan badan akhriyey. Rukuucdana wuu dheeraynayaa, kadibna isagoo aan sujuudin ayuu istaagaya, wuxuuna akhrinayaa quraan akhrin badan oo ka yar rakcadii hore, kadibna wuu rukuucayaa rukuuc dheer oo ka yar tii hore kadibna wuu sujuudayaa, sujuud dheer, sidaasbaana la yeelayaa rakcada labaadna.

عن عائشة أنها قالت خسفت الشمس في عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم فصلى رسول الله صلى الله عليه وسلم بالناس فقام فأطال القيام ثم ركع فأطال الركوع ثم قام فأطال القيام وهو دون القيام الأول ثم ركع فأطال الركوع وهو دون الركوع الأول ثم سجد فأطال السجود ثم فعل في الركعة الثانية مثل ما فعل في الأولى ثم انصرف وقد انجلت الشمس فخطب الناس فحمد الله وأثنى عليه ثم قال إن الشمس والقمر آيتان من آيات الله لا يخسفان لموت أحد ولا لحياته فإذا رأيتم ذلك فادعوا الله وكبروا وصلوا وتصدقوا ثم قال يا أمة محمد والله ما من أحد أغير من الله أن يزني عبده أو تزني أمته يا أمة محمد والله لو تعلمون ما أعلم لضحكتم قليلا ولبكيتم كثيرا

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: Waxa madoobaatay qorraxdii xilligii Rasuulkii Ilaahay (scw), markaasuu Rasuulkii Ilaahay (scw) tujiyey dadkii, waanu istaagay oo wuxuu dheereeyey istaagii, markaasuu rukuucay, wuxuuna dheereeyey rukuucdii, markaasuu istaagay oo dheereeyey istaagiisii oo ka yar kii hore, hadana wuu rukuucay, waanu dheereeyey rukuucdii laakiin mid ka yar rukuucdii hore, markaasuu sujuuday oo dheereeyey sujuudii, sidaasbaanu yeelay rakcadii labaad sidii rakcadii hore oo kale, waanu dhaqaaqay, waxaana faydantay qorraxdii, kolkaasuu u khudbadeeyey dadkii, markaasuu Ilaahay mahadiyey oo amaanay, wuxuuna dhahay: “Qorraxda iyo dayuxuba waa laba aayadood oo kamida aayadaha Ilaahay, umana madoobaadaan dhimashada qof ama noloshiisa, hadii aad argtaan barya Ilaahay oo wayneeya, tukadana oo sadaqaysta. Markaasuu dhahay: Umadii Muaxamdeey, Ilaahbaan ku dhaartee majiro cid kaga masayr badan Ilaahay in adoonkiisu ama adoomadiisu zinaysato, umadii muxamadeey, Ilaahbaan ku dhaartee hadaad ogaan lahaydeen waxaan ogahay, wax yarbaad qosli lahaydeen, inbadana waad ooyi lahaydeen.” [Saxiix al-bukhaari: 997

Mala saadaalin karaa Qorrax madoobaadka iyo Dayax madoobaadka?

Dabcan, wax diidaya majiro in la saadaalin karo, waxay lamid tahay sida roobka loo saadaaliyo. Roobka waxa lasii sheegaa inuu maalintaas da’ayo, hase ahaatee dadku maaha cida soo shubta roobka. Sidaas oo kale ayaa loo saadaalin karaa dayax madoobaadka iyo qorrax madoobaadkaba. Arrintaasina kuma  tusinayso in cilmiga qeyb ay dadku ogyihiin.

Tusaale: Hadii aan ku dhaho albaabka gurigaagu jimcaha soo socda ayuu dumayaa, oo markii la gaadho jimcihii uu albaabkii dumay, ma waxa la dhahayaa cilmiga qeybka ayaad wax ka ogahay? Maya, jawaabtu waxay noqonaysaa, maadaam aan injineer ahaa, waxaan ogaaday in qaabka albaabkaagu u dhisanyahay uu ku burburayo todobaadka soo socda.

Ilaahay wuxuu koonkeenan u sameeyey sunooyin aan is badalin, kuwaas oo la baran karo lana saadaalin karo, mana sheegayso in cilmiga qeybka wax la ogyahay.  Saadaashuna waxay noqon kartaa run iyo beenba. Imisa jeer ayaa la saadaaliyey duufaano lagu hoobanayo oo ka dhici doona meel heblaayo, oo hadana duufaankiiba iman waayey! Taa badalkeeda imisa jeer ayuu dhul-gariir iyo fulkaanooyin ka dhacay aduunka, cid sii saadaalisayna aanay jirin.

Gabagabadii:

Dadka qaar ayaa qorrax madoobaadka iyo dayax madoobaadka ku qanacsan inay tahay shay dabiiciya oo dhici jirtay waligeedba, mustaqbalkana dhici doonta. Waxaan leenahay diinta Islaamku waxay sharciyeysay in la tukado salaada oo la badsado Alle ka cabsiga, lana xasuusto awooda Ilaahay ee wayn ee uu ku maamulo koonkiisan.