Tusmo

Dawlada Israa’iil maxay ula baxday ”Israa’iil”

Sida aan ogsoonahay waxa magaca Israa’iil la odhan jiray nabi Yacquub (scw), caruutiisana waxa la dhahaa banu Israa’iil. Ilaahay wuxuu ku sheegay Quraanka in Israa’iil uu yahay nabi Yacquub (scw).

كُلُّ الطَّعَامِ كَانَ حِلًّا لِّبَنِي إِسْرَائِيلَ إِلَّا مَا حَرَّمَ إِسْرَائِيلُ عَلَىٰ نَفْسِهِ مِن قَبْلِ أَن تُنَزَّلَ التَّوْرَاةُ ۗ قُلْ فَأْتُوا بِالتَّوْرَاةِ فَاتْلُوهَا إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (93)

”Dhamaan cuntooyinku xalaal ayay u ahayd bani Israa’iil marka laga reebo wixii uu Israa’iil uu ka xarrimay naftiisa kahor intaan lasoo dajinin Tawraad. Waxaad tidhaahdaa (Nabiyow) la kaalaya Tawraad oo akhriya hadaad run sheegaysaan (93)”[1]

Aayadan sharafta leh waxay cadaynaysaa in nabi Yacquub la dhaho Israa’iil, caruurtiisana loogu yeedho reer bani Israaiil.

Waa maxay macnaha reer bani Israa’iil?

Ereyga Israa’iil wuxuu ka koobanyahay laba kalmadood oo kala ah Isra iyo iil. Isra macnaheedu waa adoon ama qof la doortay, iilna waa Ilaahay, sidaa darteed macnaheedu waa adoonkii Ilaahay.

Maxay Yahuudu ula baxeen Israa’iil?

Yahuuda agtooda ereyga Israa’iil waxay ka tahay ninkii ka adkaaday dad iyo Ilaah, ayagoo xiganaya war been abuurad ah oo ku qoran Baybalka, gaar ahaan kitaabka 1aad ee Baybalku ka bilaabmo, cutubka 32aad, waxa lagu sheegay in Yacquub habeen dhan la dagaalamayay nin, ninkaasina uu bawdada jabiyay, markii waagii la gaadhayna uu ninkii u sheegay in maanta laga bilaabo loogu yeedhi doono Israa’iil maadaama uu ka adkaaday Ilaah iyo Dadba. subxaanaAllah sida Yahuudu rumaysantahay ninkan la dagaalamay ayaa Ilaah ahaa, sida ay ku sheegeen kitaabkooda ayagoo ka been abuuranaya Ilaahay iyo nabi Yacquuba.  Halkan hoose ka akhriso warka been abuuradka ah ee Baybalka lagu sheegay, kitaabka Bilowgii, Cutubka 32aad, faqradaha 24 ilaa 30aad.

24 Markaasuu Yacquub keligiis hadhay, nin baana la legdamayay isaga ilaa markii waagu beryayay.
25 Oo markuu arkay inuusan ka adkaanayn ayuu taabtay godkii bowdadiisa, bowdadii Yacquubna way murkacatay, intuu la legdamayay isagii.
26 Markaasuu yidhi, I sii daa, maxaa yeelay, waagii waa beryayaa. Isna wuxuu yidhi, Ku sii dayn maayo inaad i barakaysid mooyaane.
27 Mar kaasuu ku yidhi isagii, Magacaa? Isna wuxuu yidhi, Yacquub.
28 Markaasuu ku yidhi, Magacaaga hadda ka dib lama odhan doono Yacquub, waase Israa’iil; waayo, Ilaah iyo dadba waad la dagaallantay, waanad ka adkaatay.
29 Yacquubna wuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg magacaaga. Oo wuxuu yidhi, Bal maxaad u haybsanaysaa magacayga? Halkaasuuna ku barakeeyey.
30 Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii’eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay.

Waxay sheegeen in Yacquub ka adkaaday dad iyo ilaahba, sidaa darteedna loogu bixiyay Israa’iil. Sababta ay dawlad ku sheegooda ugu bixiyeen Israa’iilna waa inay ka kulaalaan awoodii Yacquub uu kaga adkaaday dad iyo Ilaahba. SubxaanaAllah, Ilaahbaa ka hufan oo ka dheer waxay gaaladu ku tilmaameen.[2]

[1] Suuratu Aala Cimraan: 93

[2] Gen: 32:24,25,26,27,28,29,30