Ma Ogtahay ayadoo xilligan dunidu la sirirsantahay cudurka COVID 19 inay jiraan talaabooyin wax ku ool ah oo nabi Muxamed (scw) uu kugula talinayo inaad kaga hortagto cudurada safmareenka ah ee u gudba qof ilaa qof.

Ma Ogtahay markaad maqasho haayada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO inay lagama maaraamaan ku tilmaantay inuu qofku daboolo afkiisa iyo sankiisa markuu qufacayo ama uu hindhisayo. Ma ogtahay in arrintaasi ay tahay sunnadii rasuulka ee sharafta lahayd;

عن أبي هريرة أن النبي صلى الله عليه وسلم كان إذا عطس غطى وجهه بيده أو بثوبه وغض بها صوته قال أبو عيسى هذا حديث حسن صحيح

Abihurayra waxa laga wariyay: “ in nabigu (scw) markuu hindhiso inuu wajigiisa ku dabooli jiray gacantiisa ama maradiisa, wuxuuna dabooli jiray codkiisa”[1]

Ma Ogtahay markaad aragto inay lagama maarmaan tahay in la dhaqo gacmaha ugu yaraan 20 ilbidhiqsi inay arrintaasi tahay awaamirtii nabiga (scw). Markaad wayso qaadanayso waxa laga rabaa inaad dhaqdo gacmahaaga sadex, sidoo kale wajiga iyo dhudhunka iyo cagahana waxaad maydhaysaa sadex jeer taasoo kaa dhigaysa inaad biyo ku hoos jirtay ugu yaraan 40 ilbidhiqsi.

Ma Ogtahay madaarada, suuqyada, dugsiyada iyo wadooyinka la xidhay markii uu yimid cudurka COVID19 ay tahay mid kamida sunnooyinka nabiga (scw) marka cudurada safmareenka ah ay yimaadaan.

Waxa Cabdiraxmaan binu Cawf (RC) laga wariyay markii Cumar waydiiyay cudurka Daacuunka inuu yiri:

فأخبره عبد الرحمن بن عوف أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال إذا سمعتم به بأرض فلا تقدموا عليه وإذا وقع بأرض وأنتم بها فلا تخرجوا فرارا منه

Waxa Cabdiraxmaan binu Cawf u sheegay in Rasuulka Ilaahay (scw) yiri: “Hadaad ku maqashaan dhul ha galina, haduu ka dhaco dhul aad joogtaana haka bixina idinkoo ka cararaya”[2]

Ma Ogtahay in Dadka ku takhasusay caafimaadku ay uga digayaan dadka qaba cudurka COVID 19 inaanay u galin dadka caafimaadka qaba. Digniintaas mid lamida ayuu Rasuulku (scw) uga digay in dadka bukaanka ah aanay ugalin dadka caafimaadka qaba si aanay u qaadsiinin cudurka.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ” لَا يُورَدُ مُمْرِضٌ عَلَى مُصِحٍّ

Abihurayra waxa laga wariyay inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Yaanu u galin mid buka qof caafimaad qaba”[3]

Ma Ogtahay in diintaadu ku farayso in dadku ay ka nabad galaan Carraabkaagaa iyo gacantaadaba, waxa nabigii Ilaahay laga wariyay:

أَلَا أُخْبِرُكُمْ بِالْمُؤْمِنِ، مَنْ أَمِنَهُ النَّاسُ عَلَى أَمْوَالِهِمْ، وَأَنْفُسِهِمْ، وَالْمُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ النَّاسُ مِنْ لِسَانِهِ، وَيَدِهِ، وَالْمُجَاهِدُ مَنْ جَاهَدَ نَفْسَهُ فِي طَاعَةِ اللَّهِ، وَالْمُهَاجِرُ مَنْ هَجَرَ الْخَطَايَا وَالذُّنُوبَ

“Ma idiin ka warramaa mu’minka, waa ka dadka xoolahoodu ka nabad galaan iyo nafahooduba, muslinkuna waa ka dadku ka nabad galaan carrabkiisa iyo gacantiisa, mujaahidkuna waa ka naftiisa ku dadaala daacada Ilaahay, muhaajirkuna waa ka danbiyada ka hijrooday”[4]

Ma Ogtahay in reer galbeedku ogaadeen in muhiimada ay leedahay in la istijoodo kadib markii ay dhamaadeen waraaqihii suuliyada, waxa usoo baxday inu Muslimiintu ay kaga horreeyaan xaga nadaafada.

Ma Ogtahay in shareecada Islaamku ku farayso inaad masuul ka tahay caafimaadkaaga iyo inay lagama maarmaan tahay inaad ilaaliso.

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: ” فِرَّ مِنَ الْمَجْذُومِ فِرَارَكَ مِنَ الْأَسَدِ

Abihurayra waxa laga wariyay inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “uga carar Juudaanka sidaad uga cararto Libaaxa”[5]


[1] Sunan Tirmadi: 2745 waana saxiix oo waxa saxiixiyay Imaamu Tirmadi iyo Albaani

[2] Saxiix Bukhaari: 5398

[3] Musnadu Imaamu Axmed: 9263 iyo Saxiix Bukhaari: 6437

[4] Saxiix Ibnu Xabbaan: 4862 waana saxiix, waxa saxiixiyay Shucayb Al-arnaa’uudi.

[5] Musnadu Imaamu Axmed: 9722 waxa saxiixiyay Shucayb Al-arnaa’uudii.