Tusmo

Dardaarankii nabi Yaxye (scw)

Nabi Yaxye ibnu Zakariye Ilaahay nabad galayo korkiisa ha yeelee waxa Ilaahay faray shan eray oo uu ku dhaqmo iyo inuu reer bani Israa’iil faro inay ku dhaqmaan, kadibna wuxuu ku dhowaaday inuu ka gaabiyo fulinta arrimahaas. Dabadeedna nabi Ciise (csw) oo ay habro wadaag ahaayeen ayaa ku yidhi: Yaxyow; Ilaahay shan kalmadood ayuu ku faray inaad ku dhaqanto iyo inaad u sheegto reer bani Israa’iil ee u sheeg ama aniga ayaa u sheegaya. Nabi Yaxye (cs) wuxuu yiri: hadii aad iga hor sheegto waxaan ka cabsanayaa in dhulka la ila jaro ama in la cadaabo, kadibna reer banii Israa’iil ayuu ku kulmiyay masaajidka Qudus, ayadoo dadkiina ay buuxiyeen masaajidka wuxuuna u sheegay shantii arrimood.

Xadiiska dardaaranku kusoo arooray waxa soo saaray Imaamu Tirmadi sunankiisa, waana xadiiskii Xaarith Al-ashcari Ilaahay haka raali ahaadee: Si aad u ogaato shanta arrimood, akhriso macnaha xadiiska hoos ku qoran.

الحارث الأشعري حدثه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال إن الله أمر يحيى بن زكريا بخمس كلمات أن يعمل بها ويأمر بني إسرائيل أن يعملوا بها وإنه كاد أن يبطئ بها فقال عيسى إن الله أمرك بخمس كلمات لتعمل بها وتأمر بني إسرائيل أن يعملوا بها فإما أن تأمرهم وإما أن آمرهم فقال يحيى أخشى إن سبقتني بها أن يخسف بي أو أعذب فجمع الناس في بيت المقدس فامتلأ المسجد وتعدوا على الشرف فقال إن الله أمرني بخمس كلمات أن أعمل بهن وآمركم أن تعملوا بهن أولهن أن تعبدوا الله ولا تشركوا به شيئا وإن مثل من أشرك بالله كمثل رجل اشترى عبدا من خالص ماله بذهب أو ورق فقال هذه داري وهذا عملي فاعمل وأد إلي فكان يعمل ويؤدي إلى غير سيده فأيكم يرضى أن يكون عبده كذلك وإن الله أمركم بالصلاة فإذا صليتم فلا تلتفتوا فإن الله ينصب وجهه لوجه عبده في صلاته ما لم يلتفت وآمركم بالصيام فإن مثل ذلك كمثل رجل في عصابة معه صرة فيها مسك فكلهم يعجب أو يعجبه ريحها وإن ريح الصائم أطيب عند الله من ريح المسك وآمركم بالصدقة فإن مثل ذلك كمثل رجل أسره العدو فأوثقوا يده إلى عنقه وقدموه ليضربوا عنقه فقال أنا أفديه منكم بالقليل والكثير ففدى نفسه منهم وآمركم أن تذكروا الله فإن مثل ذلك كمثل رجل خرج العدو في أثره سراعا حتى إذا أتى على حصن حصين فأحرز نفسه منهم كذلك العبد لا يحرز نفسه من الشيطان إلا بذكر الله … قال أبو عيسى هذا حديث حسن صحيح غريب

Xaarith Al-ashcari wuxuu ka warramay in nabigu (scw) yiri: “Ilaahay ayaa amray Yaxye binu Zakariye shan kalmadood inuu ku camal falo iyo inuu amro in reer bani Israa’iil ay ku camal falaan, wuxuuna ku dhowaaday inuu ka gaabiyo. Markaasuu Ciise yiri: Ilaahbaa ku amray shan kalmadood inaad ku dhaqanto iyo inaad farto reer bani Israa’iil inay ku dhaqmaan, waa inaad fartaa ayaga ama aniga ayaa amraya. Yaxyena wuxuu yiri: waxaan ka cabsanayaa hadaad iga hor sheegto in la ila jaro dhulka ama in la i cadaabo, wuxuuna ku kulmiyay dadkii Baytul Maqdaska (Qudus), wuuna buuxsamay masaajidkii, waxayna buux dhaafiyeen barandayaashii, wuxuuna yiri: Ilaahay wuxuu i amray shan kalmadood inaan ku camal falo, waxaan idin farayaa inaad ku dhaqantaan, ta u horraysaana waa: inaad caabudaan Ilaahay oo aydaan cidna la wadaajinin cibaadadiisa, tusaalaha qofka shirki ula yimaada Ilaahay waa sida nin ku iibsaday adoon xoolihiisa gaarka ah oo siistay dahab iyo fidho, dhahayna; tani waa daartaydii, tanna waa shaqadaydii ee ka shaqee, kadibna wuu shaqeeyay wuxuuna u geeyay cid aan sayidkiisa ahayn. Kiineeba raali ku ah in adoonkiisu yeelo sidaas oo kale?  Ilaahay wuxuu idin faray salaada, markaad tukanaysaan ha jeesjeesanin maxaa yeelay Ilaahay wuxuu wajigiisa kusoo qaabilaa wajiga adoonkiisa hadii aanu jeesjeesanin. Waxaan idin farayaa soomka, waxaana tusaale u ah nin koox la socda oo sit aweel uu ku jiro Miski (cadar udgoon), dhamaantoodna way la cajabeen ama way la cajabsanyihiin udugiisa, urta qofka soomana waxa Ilaahay agtiisa ka wanaagsantahay Miskiga.  Waxaan idin farayaa sadaqada, waxaan tusaale u ah nin cadaw uu xidhay oo lagu silsiladeeyay gacantiisa qoortiisa, waxaan la keenay si loo dilo, markaasuu yiri: anigu waxaan isku furanayaa waxyar iyo wax waynba, waanu furtay naftiisii (wuu badbaaday). Waxaan idin farayaa xuska Ilaahay waxaana tusaale u ah nin cadawgii ka daba yimid raadkiisa oo ay eryanayaan, ilaa uu ka tagay dhufays adag, waanu la gabaday naftiisa (wuu badbaaday), sidaasoo kale ayaa adoonku ma iska ilaalin karo shaydaanka hadii aanu xusin Ilaahay…”[1]

Faa’idooyinka Xadiiska:

  1. Xadiiskan waxaa ka faa’idaynaa in dhamaan nabiyadu ay isku diin yihiin, sababtoo ah caqiidadadoodu waa isku mid haba ku kala duwanadaan xaga sharcigabee.
  2. Waynida ay leedahay in dadka loo nasteexeeyo.
  3. Fadliga ay leedahay shanta tiir ee Islaamka oo ay ugu horrayso shahaadada, salaada, soonka iyo zakaduba.
  4. Nabi Ciise iyo nabi Yaxye Ilaahay nabadgalyo korkooda ha yeelee waxay noolaayaan isku xilli, waxayna ahaayeen laba habro wadaaga, waxaana kala dhalay laba gabdhood oo walaalo ah sida raajixa ah.
  5. Shanta arrimood ee nabi Yaxye qoomkiisii u dardaarmay waa shan nabiguna inoo dardaarmay (scw).
  6. Muhiimada ay leedahay tusaalooyinku, sababtoo ah dadku waxay wax ku fahmaan badanaa waa hoga tusaalaynta.
  7. Aftahanimada nabi Yaxye Ayaan ka faa’idaynaa, sababtoo ah arrin kasta tusaale ku haboon ayuu usoo qaatay.
  8. Muhiimada ay leedahay in lagu khushuuco salaada oo aan la fiirinin hore iyo gadaal toona.

[1] Sunanu Tirmadi: 2863