Tusmo

Dalka Iiraan siduu ku shiicoobay?

Dalka Iiraan waagii hore waxa loo yaqaanay Faaris, waxayna ahayd dawlad awood ku leh caalamka.

Xilligii saxaabada gaar ahaana Abubakar iyo Cumar ayaa la furtay dalka Faaris. Dadkii daganaa wadankaasina waxay qaateen diinta Islaamka.

Iiraan waxay haysatay madhabka sunniyiinta, waxaana kasoo jeeda culumada ugu waawayn diinta Islaamka, sida Imaamu Al-Bukhaari, Imaamu Muslim, Imaamu Tirmadi, Imaamu Abudaawuud, Imaamu Dabari, Siibawayhi iyo qaar kale oo badan. Haddaba waxa is waydiin mudan dalka Iiraan oo sunniyiin ahaa, ayna kasoo jeedaan culumadaas waawayn ee aan kor kuk u xusnay sidee ayey ku shiicoobay?

Qarnigii 9aad hijriyada waxa dalka Iiraan daganaa laba qabiil oo turkiya oo ahaa muslimiin sunniyiina, waana qabiilka Qaraaqooyoonlo (Idaha Madow) iyo Aaq Qooyoonlo (Idaha Cadcad). Waxaan dalka Iiraan xilligaas kajirtay qalalaanse siyaasadeed, kadib markii ay burburtay dawladii Taymooriyiinta ee uu hogaaminayey Taymorlink.

Dalka Iiraan, gaar ahaana magaalada Ardabil waxa daganaa wadaad suufiya oo sunniya, wuxuuna wadaadkaasi lahaa xer badan oo cilmiga ka qaadata, waxa wadaadkaas la odhan jiray Safiyyu Diin Al-ardabiili. Wadaadkan waa awoowga shanaad ee boqorkii aasaasay dawladii Safawiyiinta ee la odhan jiray Shaah Ismaaciil.

Wadaadkii markuu dhintay, waxa xertiisii uga danbeeyey wiilkiisii oo la dhaho Sadru Diin Muuse, isaguna dariiqii aabihii ayuu raacay. Markuu dhintayna waxa xertii madax u noqday wiilkiisii oo la dhaho Sadru Diin Khuwaajah  Cali Sayahboosh.

Ninkan markuu xilka wadaadnimo qabtay wuxuu qaatay madhabka shiicada raafidada, sidoo kale xertiisuna way shiicoobeen.

Markuu dhintay Sayahboosh, waxa uga danbeeyey xilkii wadaanimo wiilkiisii Suldaan Janiid oo isaguna weerar ku qaaday hogaamiyihii Sharwaan[1] kadibna dagaalkii ayaa lagu dilay.

Dabadeedna madaxtinimadii waxay kusoo wareegtay wiilkiisii Xaydar oo isaguna isku dayey inuu u aargudo aabihii balse wuu ku fashilmay, waana la dilay.

Xilkii wuxuu ku wareegay wiilkii Suldaan Xaydar oo la dhaho Shaah Ismaaciil binu Xaydar Assafawi, waana aasaasaha rasmiga ah ee dawladii Safawiyiinta.

Shaah Ismaaciil wuxuu weerar ku qaaday xaakimkii Sharwaan, waanu jabiyey. Wuxuuna ahaa nin ku ba’an dagaalada oo si fool xun u layn jiray una xasuuqi jiray muslimiinta sunniyiinta ah. Dagaalkaas oo uu aabihii ugu aarguday wuxuu ka helay laba faa’ido oo waawayn.

  1. Sumcad wayn iyo isagoo kasbaday shiicadii daganayd dalka Iiraan oo xilligaa ahaa dad laga tiro badanyahay.
  2. Hubkii iyo saanadii uu qaniimaystay ayuu u qaybiyey ciidankiisii.

Dabcan waxa baraarujin mudan, xilligaas dalka Iiraan sunniyiinta dagan waxay ahaayeen afar meelood sadex meel ama wax ku dhow boqolkiiba 80.

Shaah Ismaaciil wuxuu dagaal ku qaaday qabiilkii Aaq Qooyoonlo ee sunniyiinta ahaa, wuxuuna ka qabsaday magaalada Tabriiz, kadibna wuxuu xasuuqay muslimiintii sunniyiinta ahaa ee magaalada daganaa. Habaarqabahan Shaah Ismaaciil wuxuu magaalada Tabriiz oo kaliya ku dilay labaatan kun oo qof oo muslimiin sunniyiina ahaa, wuxuuna dadkii kusoo rogay inay qasab ku shiicoobaan.

Dagaalkaas markuu kasoo baxay waxa loo caleemo saaray inuu yahay boqorka dalka Iiraan. Dabadeedna wuxuu weerar ku qaaday magaalada Baqdaad, isagoo xoog ku qabsaday, laayayna sunniyiintii daganayda magaalada Baqdaad.

Fal danbiyeedyadii uu galay Shaah Ismaaciil waxa kamid ahaa inuu soo faagay xabaalihii culumadii Islaamka, sida xabaashii Abuuxaniifa Ilaahay haka raali ahaadee, isagoo xabaashiisa ku aasay ey madow, waxa kale oo uu xabaasha ka dhigtay suuli ama musqul lagu saxaroodo.

Sidoo kale wuxuu dabo galay durriyadii Khaalid binu Waliid isagoo meeshuu ku arkaba ku dilayey, sababtuna ay tahay maxaad ugu abtirsataa Khaalid binu Waliid!

Habarqabahaasi si dalka Iiraan iyo qaybo kamida Ciraaq u shiicaysiiyo wuxuu dilay dadka ka badan hal milyan oo sunniyiina. Waxayna arrintaasi ku tusaysaa cadaawada iyo cuqdada shiicadu u qabto muslimiinta sunniyiinta ah.

Xilligaas Shaah Ismaaciil fal danbiyeedkaas gaystay, waxa aduunka ka talinayey dawladii Cusmaaniyada oo ku mashquulsanayd furashooyinkoodii qaarada Yurub.

Dawladii Cusmaaniyada oo furatay magaalada Istanbul ee caasimadii dawladii Roomaanka, sidoo kalena furatay dalalka Hangari, Bulgaariya, Ruushka, Giriiga iyo Talyaaniga.

Dawladii Cusmaaniyada waxa qasab ku noqotay inay joojiso furashooyinkeedii si ay uga hortagto dawladan shiicada ah ee dadkii muslimiinta ahaa qasab ku shiicaysay.

Dabcan waxa dhacay dagaalo badan oo dhex maray Cusmaaniyada iyo Safawiyiinta, sida dagaalkii lagu jabiyey Safawiyiinta ee sanadkii 1514kii, ayadoo dawlada Cusmaaniyadu ay qabsatay magaalada Tabriiz.

Dawlada Safawiyiintu waxay garab siiyeen dawladii Burtuqiiska oo xilligaas sahan u ahayd guumaystihii reer Yurub. Habaarqabayaasha Safawiyiintu waxay wado shaqayn dhow la yeesheen Burtuqiiska sidiii loo wiiqi lahaa dawladii Cusmaaniyada.

Maxaa sababay in dadkii reer Iiraan ay Shiicoobaan?

 

  1. Habaarqabihii aasaasay dawladii Safawiyiintu wuxuu ka faa’idaystay qalalaansaha siyaasadeed ee xilligaas Iiraan ay ku jirtay iyo fawdadii ka dhalatay dagaal qabiileedkii ka dhex aloosnaa sunniyiinta.
  2. Shaah Ismaaciil wuxuu soo waariday wadaado shiico ah oo faafiya madhabka shiicada, kuwaasoo uu kasoo kaxeeyey gobolka Lubnaan.
  3. Habaarqabe Shaah Ismaaciil wuxuu adeegsaday xoog iyo awood isagoo madaxa goynayey qof kasta oo diida inuu shiicoobo.
  4. Qoomiyada iiraanimada ama faarisinimada oo uu buunbuuniyey isagoo dadka nacsiiyey carabta, turkida iyo uzbakida sunniyiinta ah.

Xigasho:

تاريخ الاسلام احمد شاكر

الصفويون والدولة العثمانية أبو الحسن علوي بن حسن عطرجي

 

[1] Shawaan waa magaalo ku taala Armiiniya.