Qisadii Maanta: Soomaali badan, ayaa xilligan in qofku naaxo ama uu cayilo waxay u arkaan inay qurux iyo caafimaad tahay.

Xitaa dhalinta soomaalidu waxay cabaan shaaha caanuhu ku badanyahay, waxayna joojiyeen gabi ahaanba jimicsiga iyo jidh dhiska, si ay calool ugasoo baxdo. Marka la waydiiyo maxaad caloosha u weynaynaysaa? Waxay ku jawaabaan: hadii aanaan calool lahayn nalama aaminayo, ninba ninkuu ka clool waynyahay ayaa lagu kalsoonyahay.

Run ahaantii dhaqankaas, waxa rumaysnaan jiray reer galbeedka waagii hore ee aanay ilbaxnimada gaadhin, hase ahaatee markii dadka cilmiga iyo aqoonta ay heleen, waxa la ogaaday in baruurta iyo cayilka badan uu keeno cuduro aad u badan, sida jilbo xanuunka, kolestaroolka kiisa xun oo sare u kaca, wadno xanuun, dhiig kar, cudurka sonkorta iyo qaarkale oo badan.

Hadii aynu fiirino dhaqankii hore ee soomaalida, wiilku wuxuu ahaa geeljira murquhu u go’aynihiin, gabadhuna waxay ahayd gashaanti shaqada guriga ka adag oo jidhkoodu dhisanyahay.

Laakiin maanta soomaalida boqolkiiba 21.9 miisaankoodu aad ayuu uga weynayahay kii caadiga ahaa. Fiiri liistada wadamada ugu miisaanka badan. (https://en.wikipedia.org/wiki/List_of…)

Dhibaatada cayilku waa mid haysta aduunyada oo dhan. Labaatanka wadan ee miisaankoodu aad u culusyahay waxa kamida 5 dal oo islaama, waana wadamada Kuwait, Qatar, Masar, Baxrayn iyo Sacuudiga.

Waxa cajiiba, ayadoo nabigeena (scw) uu ahaa nin jidhkiisu dhisanyahay, oo xataa maalintii uu geeriyooday isagoo 63 sano jir ah, ay isla sinnayd calooshiisa iyo laabtiisu, xagee ayey umadiisa uga timid dhibaatadani???

Nabigeenu (scw) wuxuu ahaa orodyahan, wuxuu la tartarmay xaaskiisii Caasha (Rc), wuxuu lalagdamay ninkii Jaziirada Carbeed ugu haystay lagdanka ee Rukaana, waanu ka awood batay.

Wuxuu ahaa Rasuulku (scw) Farda fuule ka dagaal gali kara meel kasta. Daawo Muuqaalkan oo ka warramaya lagdankii xorka ahaa ee dhex maray Rasuulka (scw) iyo Rukaana: https://www.youtube.com/watch?v=eQfr66G6Udc

Rasuulku (scw) wuxuu dagaalkii Tabuuk u safray deegaanka Tabuuk oo aad uga fogaa magaalada Madiina, dagaalkaas oo sii socod iyo soo socod qaatay 50 maalmood.

FG: Nabigu (scw) markuu Tabuuk aadayey, waxa cimrigiisu ahaa 61 sano jir, hadana mar qudha muu daalin manuu caajisin (scw).

Ugu Danbayn, waxaynu leenahay ragga iyo dumarka cayilku asiibay, waar fadhiga kakaca oo jimicsiga sameeya, cuntooyinka aan nafta lahayn sida (Fast foods) ka iyo kuwa sonkorta iyo duxdu ku badatahay iska ilaaliya.

Bisha Septemper, waxaan bilaabaynaa inshallah, koorso loogu talo galay jidhdhiska, cuntooyinka wanaagsan iyo xaqiijinta hadafyada. Waan idinla soo socodsiinaynaa markay diyaar noqoto Inshallah.