Tusmo

Camalo hadii aad la timaado, jidhkaaga laga xarrimayo cadaabka Naarta.

Guud ahaan, marka la adeeco Ilaahay iyo rasuulkiisa, dadkuna ay la yimaada amaradii Ilaahay iyo rasuulkiisa (scw) sidoo kalena ay ka hadhaan waxyaalaha Ilaahay iyo rasuulkiisuba ay reebeen, waxay ku galayaan Jannada, waxaana laga xarrimayaa naarta. Ilaahay wuxuu dhahay:

(…..وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ يُدْخِلْهُ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا وَذَلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ * وَمَنْ يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُ يُدْخِلْهُ نَارًا خَالِدًا فِيهَا وَلَهُ عَذَابٌ مُهِينٌ) النساء/13 ، 14 .

“Ruuxa adeeca Ilaahay iyo rasuulkiisa, wuxuu galinayaa jannooyin ay qulqulayso hoosteeda wabiyoyaalkii, ayagoo dhexdooda ku waaraya, waana taas liibaanta wayni.  Ruuxiise caasiya Ilaahay iyo rasuulkiisa ee ku xadgudba xuduudiisa, wuxuu galinayaa naar isagoo ku waari dhexdeeda, wuxuuna ku leeyahay cadaab dullaysan” [Suuratu Nisa’: 13, 14]

Waxa kale oo jira camalo hadii ruuxa muslimka ah la yimaado, Ilaahay ka xarrimayo jidhkiisa cadaabka naareed, waxaana kamid ah:

Ereyga barakaysa ee “Laa’ilaaha ilaa Allah” oo si yaqiina loo dhaho:

عن أَنَس بْن مَالِكٍ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لمعاذ رضي الله عنه : (مَا مِنْ أَحَدٍ يَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ صِدْقًا مِنْ قَلْبِهِ إِلَّا حَرَّمَهُ اللَّهُ عَلَى النَّارِ) رواه البخاري (128) ومسلم (32) .

Waxa Anas ibnu Maalik (Rc) laga wariyey in nabigii Ilaahay (scw) ku yidhi Mucaad (Rc): “Majiro qof qiraya in Ilaah xaq lagu caabudo uu jiro Allah mooyee, muxamedna yahay rasuulkiisa isagoo qalbigiisu ka run sheegayo, (haduu jiraba) Ilaahay wuxuu ka xarrimaa dushiisa naarta” [Bukhaari:128 iyo Muslim:32]

Sidoo kale waxa Bukhaari iyo Muslimba soo saareen xadiiskan:

وروى البخاري (425) ومسلم (33) عن عِتْبَانَ بْن مَالِكٍ الْأَنْصارِيَّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : (إِنَّ اللَّهَ قَدْ حَرَّمَ عَلَى النَّارِ مَنْ قَالَ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ يَبْتَغِي بِذَلِكَ وَجْهَ اللَّهِ).

Citbaan ibnu Maalik al-ansaari, ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Ilaahay wuxuu ka xarrimay naarta qofkii dhaha “Laa’ilaaha ilaa Allah” isagoo ku doonaya wajiga Ilaahay” [Bukhaari:425 iyo Muslim:33]

Akhlaaqda Wanaagsan iyo dabacsanaanta:

روى الترمذي (2488) عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : (أَلَا أُخْبِرُكُمْ بِمَنْ يَحْرُمُ عَلَى النَّارِ أَوْ بِمَنْ تَحْرُمُ عَلَيْهِ النَّارُ ؟ عَلَى كُلِّ قَرِيبٍ هَيِّنٍ سَهْلٍ) . وصححه الألباني في سلسلة الأحاديث الصحيحة (938) .

Tirmadi wuxuu soo saaray (2488). Cabdilaahi ibnu Mascuud ilaahay raali ahaka ahaadee wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Miyaanan idiinka warrmaynin, qof laga xarrimayo naarta ama qof naartu korkiisa xaaraan ka tahay? Waa ku kasta oo qariiba, dabacsan (dhimirsan) oo sahlan” [Dabeecad fiican leh]

Cagaha oo u boodhooba jidka Ilaahay:

روى البخاري (907) أَن النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قال : (مَنْ اغْبَرَّتْ قَدَمَاهُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ حَرَّمَهُ اللَّهُ عَلَى النَّارِ) .

Bukhaari wuxuu soo saaray: [907] in nabigu (scw) dhahay: “Ruuxii ay cagihiisu u boodhoobaan jidka Ilaahay, waxa Ilaahay ka xarrimayaa naarta”

Salaada:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( حَرَّمَ اللَّهُ عَلَى النَّارِ أَنْ تَأْكُلَ أَثَرَ السُّجُودِ ) متفق عليه .

Abuhurayra waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee in nabigu (scw) dhahay: “Ilaahay wuxuu naarta ka xarrimay inay cunto raadka sujuuda” [Bukhaari: 773 iyo Muslim:183]

In la ilaaliyo afar rakcadood ee kahoreeya kana danbeeya salaada Duhuruka:

 عن أُمّ حَبِيبَةَ زَوْجَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رضي الله عنها قالت : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : ( مَنْ حَافَظَ عَلَى أَرْبَعِ رَكَعَاتٍ قَبْلَ الظُّهْرِ وَأَرْبَعٍ بَعْدَهَا حَرَّمَهُ اللَّهُ عَلَى النَّارِ ) روى أبو داود (1269) والترمذي (428) وصححه.

Umu Xabiiba, xaaskii nabiga (scw) waxay tidhi: Waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) isagoo leh: “Cidii ilaalisa afar rakcadood oo kahoreeya duhurka iyo afar ka danbeeya, waxa Ilaahay ka xarrimayaa naarta” [Abudaawuud:1269]

Xuska Ilaahay:

أبي هريرة وأبي سعيد أنهما شهدا على رسول الله صلى الله عليه وسلم قال إذا قال العبد لا إله إلا الله والله أكبر قال يقول الله عز وجل صدق عبدي لا إله إلا أنا وأنا أكبر وإذا قال العبد لا إله إلا الله وحده قال صدق عبدي لا إله إلا أنا وحدي وإذا قال لا إله إلا الله لا شريك له قال صدق عبدي لا إله إلا أنا ولا شريك لي وإذا قال لا إله إلا الله له الملك وله الحمد قال صدق عبدي لا إله إلا أنا لي الملك ولي الحمد وإذا قال لا إله إلا الله ولا حول ولا قوة إلا بالله قال صدق عبدي لا إله إلا أنا ولا حول ولا قوة إلا بي  فقال من رزقهن عند موته لم تمسه النار

Abuhurayra iyo abasaciid waxay ka xaadireen Rasuulkii Ilaahay oo leh: Haduu adoonku dhaho “Ilaah xaq lagu caabudo majiro, Ilaahayna wuu waynyahay” wuxuu Allah dhahaya: run ayuu sheegay adoonkaygu, ilaah xaq lagu caabudo majiro aniga mooyee, anigaana wayn. Haduu adoonku dhaho: ilaah xaq lagu caabudo majiro Ilaahay mooyee, waana kalidii, wuxuu dhahayaa: runbuu sheegay, ilaah xaq lagu caabudo majiro aniga mooyee, kalina waan ahay. Haduu dhaho: ilaah xaq lagu caabudo majiro Ilaahay mooyee, cibaadadiisana cidna lama wadaagto, wuxuu dhahayaa: runbuu sheegay adoonkaygu, ilaah xaq lagu caabudo majiro aniga mooyee, cibaadadana cid ilama wadaagto, haduu dhaho: laah xaq lagu caabudo majiro, isagaana iska leh mulkiga iyo mahaddaba, wuxuu dhihi: run ayuu sheegay adoonkaygu, ilaah xaq lagu caabudo majiro aniga mooyee, anigaana iska leh mulkiga iyo mahaddaba. Haduu dhahana: Ilaah xaq lagu caabudo majiro ilaahay mooyee, xeelada iyo awoodna majirto oo aan ka ahayn ta Ilaahay, wuxuu dhahaya: run ayuu sheegay adoonkaygu: Ilaah xaq lagu caabudo majiro aniga mooyee, xeelad iyo awoodna majirto oo an ka ahayn tayda mooyee.” Rasuulku wuxuu dhahay: “Cidii lagu arzaaqo dhimashadiisa kahor, ma taabanayso naartu”  [ Sunan ibnu Maajah: 3794 ] Waxaana saxiixiyey: Albaani (saxiixa jaamica: 713]

Indhaha oo u ilmeeya cabdisa Ilaahay iyo indho usoo jeeday jidka Ilaahay:

روى الترمذي (1639) وحسنه عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : ( عَيْنَانِ لَا تَمَسُّهُمَا النَّارُ : عَيْنٌ بَكَتْ مِنْ خَشْيَةِ اللَّهِ ، وَعَيْنٌ بَاتَتْ تَحْرُسُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ) وصححه الألباني في صحيح الترمذي .

Tirmadi wuxuu soo saaray (1639) wuuna taxsiiniyey: Ibnu Cabbaas ilaahay raali haka ahaadee wuxuu yidhi: Waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Laba indhood naartu taaban mayso: il u ilmaysay cabsida Ilaahay, iyo indho usoo jeeday ayagoo wax waardiyeynaya, kuna sugan jidka Ilaahay”

Indhaha oo laga laabto xumaanta:

 عن بهز بن حكيم عن أبيه عن جده رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( ثلاثة لا ترى أعينهم النار : عين حرست في سبيل الله ، وعين بكت من خشية الله ، وعين غضت عن محارم الله ) روى الطبراني في “المعجم الكبير” (1003) . وصححه الألباني في “الصحيحة” (2673).

Bahuz ibnu Xakiim wuxuu ka wariyey aabihii, isagoo kasoo wariyey awoowgii Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Sadex, indhohoodu arki maayaan Naarta: indho wax waardiyeey ayagoo ku sugan jidka Ilaahay, indho u ilmeeyey cabsida Ilaahay iyo indho ka laabtay waxyaalaha Ilaahay xarrimay” [Waxa soo saaray Dabaraani, mucjamka wayn: 1003]

Ruux ku samray sadex caruura oo ka saqiiray (ka dhintay):

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : (لا يَمُوتُ لِأَحَدٍ مِنْ الْمُسْلِمِينَ ثَلَاثَةٌ مِنْ الْوَلَدِ فَتَمَسَّهُ النَّارُ إِلَّا تَحِلَّةَ الْقَسَمِ) متفق عليه .

Abuhurayra, Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu nabiga (scw) ka wariyey inuu dhahay: “Kama dhimato ruux kamida muslimiinta sadex caruura (hadiiba ay ka dhimato) ma taabanayso naartu marka laga reebo dhaar furka” (Dhaar furka waa jidka siraad in dushiisa la maro). [Bukhaari : 102 iyo Muslim: 2632 ]


Waxa Diyaariyey: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: Islamqa