Tusmo

Waa maxay camalka saalixa ah malaa’iktu baalashooda ku qaadayaan?

Ilaahay wuxuu dhahay:

إِلَيْهِ يَصْعَدُ الْكَلِمُ الطَّيِّبُ وَالْعَمَلُ الصَّالِحُ يَرْفَعُهُ ۚ وَالَّذِينَ يَمْكُرُونَ السَّيِّئَاتِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۖ وَمَكْرُ أُولَـٰئِكَ هُوَ يَبُورُ ﴿١٠

Xagiisa (Ilaahay) ayaa sare loogu qaadaa ereyga wanaagsan, camalka saalixa ahna wuu kor yeelaaa. Kuwa ayaguana dhagraya xumaantana waxay leeyihiin cadibaad daran, dhagartooduna waa halaagsami (10). [Suuratu Faadir:10]

Ilaaha sareeya ee koreeya waxa xagiisa loo sare qaadaa ereyga wanaagsa oo ah dikriga, quraan akhrinta, tasbiixda, taxmiida, tahliisha, halka camalka wanaagsan (oo looga jeedo camalada faralka ah) ay ka kor yeelayaan dikriga.

Waxay dhaheen culumada tafsiirku: hadii aanu qofku camalada farlka ah la imanin, waa lagu celinayaa ereygiisa wanaagsan, lamana aqbalayo ilamaa uu faralkii la yimaado.

عن عبد الله – هو ابن مسعود إن العبد المسلم إذا قال : ” سبحان الله وبحمده ، والحمد لله ، ولا إله إلا الله ، والله أكبر ، تبارك الله ” ، أخذهن ملك فجعلهن تحت جناحه ، ثم صعد بهن إلى السماء فلا يمر بهن على جمع من الملائكة إلا استغفروا لقائلهن ، حتى يجيء بهن وجه الرحمن عز وجل ، ثم قرأ عبد الله : ( إليه يصعد الكلم الطيب والعمل الصالح يرفعه ) .

Cabdilaahi (Ibnu Mascuud) waxa laga wariyey inuu dhahay: adoonka muslimka ah markuu dhaho: “SubxaanaAllah wa bixamdihii, alxamdulilaah, wa laa ilaaha ilaa Allah, Allahu akbar, tabaaraka Allah” waxa qaata malak, wuxuuna yeela baalkiisa hoostiisa, markaasuu sare ula kacaa xaga samada, haduuba lasii maro koox malaa’ika waxay danbidhaaf u waydiiyaan (ilaahay) cidii akhriday, illamaa looga geeyo Allaha raxmaanka ah, markaasuu Cabdilaahi akhriyey: ( إليه يصعد الكلم الطيب والعمل الصالح يرفعه ) [Ibnu Jariir addabari, tafsiirka suuratu Faadir, aayada 10 aad]

Sidoo kale waxa Imaamu Axmed uu soo saaray:

 عن النعمان بن بشير قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” الذين يذكرون من جلال الله ، من تسبيحه وتكبيره وتحميده وتهليله ، يتعاطفن حول العرش ، لهن دوي كدوي النحل ، يذكرون بصاحبهن ألا يحب أحدكم ألا يزال له عند الله شيء يذكر به ؟ “ .

Nucmaan ibnu Bashiir waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Kuwa xusaya waynida Ilaahay, tasbiixdiisa, takbiirtiisa, taxmiidiisa, tahliishiisa, waxay (dikrigu) uga baryootamaan  carshiga hareerihiisa, ayadoo codkooda lamoodo kuwa shinnida, waxayna xusayaan cidii akhriday, miyaanu midkiin jeclayn inay utaalo Ilaahay agtiisa shay xusaya” [Waxa soo saaray Imaamu Axmed musnadkiisa: 17990]

Hadaba waxa inoo cadaatay in kalimada fiican iyo ereyga wanaagsan inay yihiin dikriga Ilaahay, halka camalka wanaagsan ee sare kuu qaadayaa uu ka yahay camalada faralka ah sida salaadaha, soomka ramadaanka, zakada, iyo xajka.