Tusmo

Bukhtanasar, Nabukhadnasar.

Bukhtanasar waa mid kamida afartii boqor ee aduunka ka taliyay, wuxuu caan ku ahaa inuu duulaan ku qaaday magaalada Qudus isagoo burburiyay masaajikii uu dhisay nabi Sulaymaan, khasnadihii yaalayna uu qaatay, dadkii daganaa magaaladana uu qafaashay kana yeelay adoomo.

Sidee ayuu boqor ku noqday?

Waxa taariikhyahanadu muslimiintu sheegaan in nin wanaagsan oo reer bani Israa’iil kamida uu Ilaahay ka baryay inuu tuso ninka burburinaya masaajidka Qudus, kadibna wuxuu riyo ku arkay Bukhtanasar oo faqriir ah oo xanuusanaya oo jooga magaalada Baabil. Kadib wuxuu tagay magaalada Baabil, wuxuu la kulmay Bukhtanasar, wuxuu siiyay cuno waanu daweeyay. Dabadeed Bukhtanasar ayaa yidhi: ma garanayo sida aan kuugu abaalgudo! Ninkii wanaagsanaa ayaa yidhi: markaad boqor noqoto aniga amaan isii.

Bukhtanasar wuu yaabay, kadibna wuxuu raacay ciidamo sahan ahaa oo loo diray dhulka Shaam, wuxuuna halkaa kula kulmay dadkii reer Shaam oo haysta fardo, rag iyo xoolo ay ku duulaan tagi karaan, kadib wuxuu waydiiyay sababta ay ugu duuli waayeen Baabil? Waxay dhaheen: awood aan ku dagaalano ma lihin.

Markuu soo noqday ayuu boqorkii u sheegay wixii uu soo arkay, dabadeedna boqorkii ayaa ciidamo u dhiibay, sidaasbaanu ku qabsaday dhulka Shaam, wuxuuna soo qafaashay reer bani Israa’iil oo ay ku jiraan nabiyadoodii iyo dadkoodii wanaagsanaa, wuxuuna keenay Baabil. Markii boqorkii dhintay ayaa loo doortay inuu noqdo boqorka Baabil, maadaama uu guul usoo hooyay dawladiisii.

Sababta keentay in la qafaasho reer bani Israa’iil:

Dancan markasta oo yahuudu khilaafto amarkii Ilaahay oo layso nabiyadii loo soo diray waxa Ilaahay u gacan galin jiray cadaw ka xoog wayn. Xilligaa Bukhtanasar ka adkaaday Yahuudana waxa la sheegay inay dileen nabi kamida nabiyadooda. Culumada taariikhyahanadu way isku khilaafeen nabiga uu ahaa, qaar waxay dhaheen waa nabi Yaxye binu Sakariya cs, qaarna waxay dhaheen: wuxuu ahaa nabi Ishciyaa ama Irmiyaa. Ilaahbaa og, balse markay kibreen oo diintoodii ka tageen ayaa Ilaahay ku salliday qoom ka xoog wayn.

Nabi Daaniyeel iyo saaxibadii.

Dadkii lasoo qafaashay waxa ku jiray dhashii nabiyada iyo nabi Daaniyeel cs, kaasoo lagu sheegay inuu nabi ahaa diinta Islaamka iyo kutubta yahuuda iyo nasaaradaba.

Boqorkii Bukhtanasar ayaa sarkaal kamida ciidamadiisa u diray inuu barbaariyo dhalinyarada uu soo qafaashay kadibna uu ka dhexdoorto kuwa ugu caqliga wanaagsan, uguna xikmada badan-

Sarkaalkii ayaa dhalinyaradii siiyay khamri iyo doofaar, hase ahaatee waxa diiday afar dhalinyaro oo kala ahaa Daaniyeel, Xanaanyah, Mishaa’iil iyo Casayraah, kuwaas oo laga badalay magacyadoodii. Daaniyeel waxa loo bixiyay Betelshesar, Xanaanyah waxa loo bixiyay Shadrag, Miishaa’iil waxa loo bixiyay Meeshaag, Casayraah waxa isagana loo bixiyay Cabeednoog. Waa sifada lagu yaqaano guumaysiga inuu dadka magacyadooda iyo nasabkoodaba badalo.

Dhalintii markii ay diideen khamrigii iyo doofaarkii waxay ka dalbadeen sarkaalkii cuntada siinaayey inuu mudo toban maalmooda siiyo kimis ama sabaayada qamandida kadibna uu arki doono ayagoo naaxay oo ka jidh qurxoon dhalinyarada kale.

Markii uu dhamaaday tababarkii waxa ugu jidh qurxoonaa afartii dhalinyaro, ayagoo ka xikmad batay dhalintii kale toban jeer laab, sidaas awgeed ayaa Bukhtanasar ka yeelay afartii dhalinyaro kuwa agtiisa jooga oo kamida saraakiisha ugu boqorka agtiisa.

Riyadii uu ka argagaxay Bukhtanasr:

Habeen ayuu Bukhtanasar arkay riyo argagax galisay kadibna wuxuu u yeedhay sixiroolayaashii, faaliyayaashii iyo kuwii xidiga wax ka akhrin jiray wuxuuna ku yidhi: xalay riyo xun ayaan ku riyooday, iisheega riyadii iyo fasirkeediiba, hadaydaan ii fasirin waxa la idinka goynayaa madaxa. Sixiroolayaashii waxay dhaheen: boqorow, noo sheeg riyada aan kuu fasirnee, wuxuu yidhi; ma garanayo, ee idinku ii sheega riyadii aan arkay iyo fasirkeediiba. Waxay dhaheen: boqorow, ma awoodno, kadibna ciidankiisii ayuu faray in madaxa laga gooyo sixiroolayaasha.

Nabi Daaniyeel cs ayaa maqlay in la laynayo sixiroolayaashii iyo xidigyahanadii, dabadeena wuxuu baryay Ilaaha muujiya waxa qarsoon, kaasoo u muujiyay riyadii iyo fasirkeediiba. Kadib wuxuu u tagay boqorkii wuxuuna yiri: Boqorow, waxaad aragtay sanam wayn oo madaxiisu ka samaysan yahay macdanta dahabka, laabtiisa iyo gacmihiisuna yihiin macdanta qalinka, calooshiisa iyo bawdyihiisuna yihiin naxaas, lugihiisuna yihiin birta xadiida, cagihiisuna yihiin dhoobo iyo xadiis isuku jira, kadibna waxa ku dhacay dhagax cid soo rujisay aan la arkayn, kaasoo burburiyay sanamkii, kadibna dhagaxii wuxuu noqday buur. Fasirkeeduna waa boqortooyooyin soo socda, boqortooyadaadu waa dahab, waa mid adag oo aduunka maamusha, waxa kugu xigi doona mid qalin ah, waxa kusii xigaya mid naxaasa, waxa kusii xiga mid xadiida, kadibna waxa iman doono boqortooyo isugu jirta xadiid iyo dhoobo, waa boqortooyo adag dhinacna ka jilicsan, dhagaxa ku dhacayna waa mid burburiyay boqortooyooyinkii, kadibna waxa iman doonta boqortooyada Ilaahay oo waaraysa.

Boqorkii markuu warkii maqlay ayuu usujuuday nabi Daaniyeel cs, wuxuuna yiri; xaqiiq rabbigaagu waa mid muujiya waxa qarsoon.

Boqorkii wuxuu madax Baabil uga dhigay nabi Daaniyeel iyo saaxiibadii, taas oo keentay in sixiroolayaashii xaasidaan darajada ay gaadheen awgeed. Kadibna waxay maleegeen qaabkii ay uga takhalusi lahaayeen nabi Daaniyeel iyo saaxiibadii.

Sixiroolayaashii waxay arkeen in nabi Daaniyeel cs u tukuda dhanka masaajidka Qudus, kadibna waxay qorsheeyeen in dhanka diintiisa lagag yimaado. Sixiroolayaashii waxay usoo bandhigeen Bukhtanasar inuu sameeyo sanam wayn oo loo ekaysiiyo boqorka, kaasoo cid kasta usujuudo, qofkii ka horyimaadana lagu tuuro foormo gubanaysa, boqorkiina wuu yeelay, waanu saxeexay.

Markay sanamkii sameeyeen ayaa loo yeedhay madaxdii dawlada oo dhan, waxa la amray inay u sujuudaan sanamka boqorka loo ekaysiiyay isla markay maqlaan musikada iyo qalabkeeda. Markii la garaacay muusikadii waxa sujuuday madaxdii oo dhan, marka laga reebo dhalinyaradii. Sixiroolayaashii ayaa boqorkii u yimid oo warkii u sheegay, boqorkiina wuxuu amray in foormada gubanaysa lagu tuuro, waana lagu tuuray balse Ilaahay ayaga waxba kuma yeelin, waxa dhintay ragii ayaga waday oo xidhxidhay, taasoo ahayd mucjiso Ilaahay wax ku tusayay boqorkii Bukhtanasar.

Xayawaankii loo nasakhay Bukhtanasar:

Kadib markuu mucjisooyinkii wax ku qaadan waayay ayuu riyo arkay, wuxuuna u yeedhay nabi Daaniyeel cs oo u fasiray riyadii, wuxuna yiri: waxaad aragtay geed dheer oo cirka gaadhay, kaasoo leh caleemo iyo laamo qurxoon, oo midho wanaagsan leh, hoostiisana ay joogaan xayawaano iyo duurjoog. Kadibna mid quduusa ayaa soo dagay oo amray in la gooyo caleemaha iyo laamaha, xayawaankana laga fogeeyo balse jirrida sideeda loo daayo. Fasirkeeduna waa boqortooyadii oo lagaa qaaday, waxaadna noqonaysaa xayawaan dibiya oo waxaad cuni cawska.

Isla markiiba waa la nasakhay Bukhtanasar, waxaana laga kaxeeyay boqortooyadiisii, isagoo daaqay cawska sida xayawaanada.

Kutubta Yahuudu waxay sheegaysaa in mudo todoba sano uu xaalkiisu sidaas ahaa, kadibna Ilaahay usoo celiyay boqortooyadiisii, isaguna uu rumeeyay nabi Daaniyeel cs. Ilaahbaana og, oo taariikhyahanada muslimiintu waxay sheegaan inuu gaal ahaa. Wallahu aclam.