Tusmo

Bisha Rajab ma fadli gaar ah ayaa kusoo arooray?

Bismillaah:

Ugu horeyn bisha Rajab waxay kamid tahay afarta bilood ee Ilaahay xurmo gaar ah u yeelaya, siduu Allah ku sheegay Quraankiisa:

 ( إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِنْدَ اللَّهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْراً فِي كِتَابِ اللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ فَلا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنْفُسَكُمْ ) التوبة/36

“Tirada bilaha ee Ilaahay agtiisa waa laba iyo toban bilood ee kitaabka Ilaahay dhexdiisa (ku taala) tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo dhulkaba, waxa kamid ah afar xurmaysan, waa taas diinta toosan ee dhexdooda nafihiina haku dulminina” [Suuratu Attawbah:36]

Waxa kale oo lagasoo wariyey Rasuulka Ilaahay xadiis ay soo saareen bukhaari iyo Muslimba:

 عَنْ أَبِي بَكْرَةَ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( السَّنَةُ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا , مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ , ثَلاثٌ مُتَوَالِيَاتٌ : ذُو الْقَعْدَةِ وَذُو الْحِجَّةِ وَالْمُحَرَّمُ , وَرَجَبُ مُضَرَ الَّذِي بَيْنَ جُمَادَى وَشَعْبَانَ ) .

Abibakrah waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Sanadku waa laba iyo toban bilood, waxa kamid ah afar bilood oo xurmaysan, sadex way isku xigaan: Dulqicda, Dulxajj, Muxarram iyo Rajabbta reer mudareed ee u dhaxaysa Jumaada iyo Shacbaan” [Bukhaari: 4662 iyo Muslim: 1679]

Sababta afarta bilood loogu bixiyey “Bilaha xurmaysan” waxa weeyey:

  • Afarta bilood dhexdooda lama dagaalamo, illamaa cadawgu kugu bilaabo mooyee.
  • Danbiga la galo dhexdooda wuu ka waynyahay danbilaga lagalo bilaha kale.

Sidaas darteed ayuu Ilaahay inaga reebay inaynu ku dhacno danbiyo iyo macaasi, wuxuuna dhahay: “فَلا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنْفُسَكُمْ” “Ha dulminina naftiina bilahaas dhexdooda” Ayadoo aynu ognahay in danbiyadu marka horeba ay xaaraanyihiin hadana bilahan dhexdooda way kasii xag jiraan oo ka wayn yihiin.

Mala soomi karaa bisha Rajab soon u gaara?

Bisha Rajab majirto soon u gaar ah, sababtoo ah majirto daliilo saxiixa oo kusoo arooray arrintaas. Waxyaalaha dadka qaar ay la yimaadeen ee bisha Rajab lagu gaaryeelayo malaha wax daliil saxiixa oo si gaar ah ugusoo arooray.

Dabcan waxa jira xadiis kusoo arooray bilaha xurmaysan oo tilmaamaya in la soomo ” صُمْ مِنْ الْحُرُمِ وَاتْرُكْ” “soon bilaha xurmaysan kana tag”.  Xadiiskan waxa soo saaray Abudaawuud (2428), waxaana daciifiyey Sheekh Albaani

Xitaa hadii xadiiskaasi suganyahay maaha xadiis bisha Rajab oo kaliya u gaar noqonaya ee waa Afarta bilood ee xurmaysan dhamaantood, sidaas awgeed waxaynu leenahay maaha in bisha Rajab oo kaliya lagu gaaryeelo soonkaas.

Wuxuu dhahay sheekhul islaam ibnu Taymiyyah;

“Rajab in lagu gaar yeelo soon, dhamaan xadiisyada kusoo aroortay waa daciif, ama waaba lagaga been abuurtay (Nabiga), culumada Islaamkuna waxba kama soo qaadaan, xitaa maaha xadiisyada daciifyadaha ee lagusoo arooriyo fadaa’ilka (cibaadooyinka) ee  guud ahaan waa xasiisyo la allifay oo lagaga been abuurtay nabiga….” [Majmuuc Alfataawa: 25/290]

Waxa kale oo Ibnu Qayyim dhahay:

“Dhammaan xadiisyada kusoo aroortay soonka bisha Rajab, iyo salaada habeenaheeda waa been abuurad” [Manaar Al-maniif, bogga 92]

Sidoo kale Xaafid ibnu Xajar wuxuu dhahay:

” Masoo aroorin fadliga bisha Rajab iyo in la soomo toona, ama in la tukado salaad u gaar ah oo xadiis saxiixa oo la cuskan karo sheegay” [Tabyiin Al-cajab: bogga 11]

Sheekh ibnu Cuthaymiina waxa la waydiiyey soonka 27ka bisha Rajab wuxuuna dhahay;

“Soonka 27ka bisha Rajab iyo in la tukado habeenkii oo lagu gaar yeelo waa bidco, bidco kastana waa baadi” [Majmuuca Al-fataawa ibnu Cuthaymiin: (20/440) .