Tusmo

Beenaale Musaylama iyo nabinimadii uu sheegtay.

Qeexid Kooban:

Musaylama waxa la dhahaa Musaylama ibnu Thamaama ibnu Kathiir, wuxuuna kasoo jeedaa qabiilka reer bani Xaniifa. Wuxuuna naftiisa ku magacaabay (Raxmaan Alyamaama). Yamaama waa magaaladii Musaylama dagana, waxayna ku taala iminka Sacuudiga, gaar ahaana gobolka Najdi.

Musaylama wuxuu ahaan jiray sixiroole iyo faaliye. Waxyaalhii uu dadka ku qaldi jiray waxa kamid ahaa: xabad beeda/ukun ayuu dhex galn jiray quraarad ama dhalo, waxa kale oo uu isku xidhi jiray baalasha shinbiraha.

Wafdigii reer banu Xaniifa:

Musaylama wuxuu soo raacay qabiilkiisa, markii ay u yimaadeen Rasuulka (scw) sanadkii 9aad ee hijriyad si ay u qaataan diinta Islaamka. Hase ahaatee Musaylama wuxuu dhihi jiray: Hadii Muxamed ii ogolaado inaan nabinimada shuraako kula ahay, ayaan raacayaa.

Nabigu (scw) markuu arkay Musaylama ayaa wuxuu ku yidhi: “Hadaad i waydiisato qorigaas kuma siinayo, kamana baxsan karti amarka Ilaahay, hadaad dhabar jeedisana waxa ku boqmo goynaya Ilaahay, waxaanan kuu arkaa inaad tahay kii la igu tusay riyada” Ibnu Cabbaas (Rc) oo xadiiska soo warinaya ayaa yidhi: Saxaabada ayaan waydiiyey, wixii Rasuuulku (scw) ku arkay riyada, kadibna Abuhurayra ayaa dhahay: Rasuulka Ilaahay wuxuu nagu yidhi: Hurdada waxaan ku arkay aniga oo sita laba shuuli/jijimood oo dahaba, kadibna waxa la i faray inaan afuufo, waanan afuufay wayna duuleen. Waxa la waydiiyey: Maxaad ku fasirtay Rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu dhahay: waa laba beenaale oo soo baxaya aniga gadaashay, mid waa Aswad Alcunsi kan kalena waa Musaylama.

Musaylama markuu laabtay ayuu gaaloobay, wuxuuna sheegtay inuu nabi yahay, wuxuuna bilaabay inuu alifo ereyo wata (sajci) sajci waa ereyada xuruufta u danbaysa ay isu eegyihiin. Waxyaalhu dhihi jiray waxa kamida: “Ilaahay naagta uurka leh wuu u nicmaystay, wuxuu kasoo saaray ruux ordaya, meel u dhaxaysa uus iyo calool..

Kadibna wuxuu qoomkiisii u xalaaleeyey khamriga, zinada iyo xaaranta. Wuxuuna qabiilkiisii ka saamaxay salaadii Muxamed, kadib markuu guursaday naagta la dhaho Sajaax oo ayaduna nabinimo sheegatay.

Warqadii Musaylama soo diray:

Musaylam wuxuu warqad usoo diray nabigii Ilaahay (scw) isagoo leh: “Waxay ka timid Musaylama oo rasuulkii Ilaahay ah, kuna socota Muxamed oo Rasuulkii Ilaahay ah, nabadgalyo korkaaga ha ahaato, waxaan shuraako kugula ahay nabinimada, dhulkana qeyb anagaa leh, idinkuna qeyb qaata, hase ahaatee reer Qureesheed ayaa xadgudbaya..”

Warqada waxa siday laba nin oo Musaylama soo diray, waxayna u dhiibeen Rasuulkii Ilaahay (scw). Labadii nin ayuu rasuulku waydiiyey: maxaad rumaysantihiin? waxay dhaheen: masaylama ayaa nabi noo ah. Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: Hadii dadka farriimaha sida la dilayo, waan idin dili lahaa.

Dabadeedna Rasuulku (scw) wuxuu habaar qabe Musaylama u qoray warqadan: “Ku bilaaban, magaca Ilaahay ee naxariista naxariista guud iyo ta gaarka ahba, Ka timid Muxamed oo rasuulkii Ilaahay ah, kuna socota Musaylama oo beenaale ah, nabadgalyo korkooda ha ahaato cidii hanuunka raacda, dhulka Ilaahbaa iska leh, wuxuuna dhaxal siiyaa adoomadii cidii uu doono, cidhib danbeedkana dadka Alle ka cabsada ayaa iska leh”

Rasuulku (scw) wuxuu warqadii u dhiibay saxaabiga la dhaho Xabiib ibnu Zayid, oo kamid ahaa saxaabadii reer Ansaareed. Xabiib wuxuu warqadii u geeyey habaarqabe Musaylama.

Musaylama wuxuu saxaabigii waydiiyey: Ma rumaysantahay in Muxamed yahay Rasuulkii Ilaahay? wuxuu yidhi: Haa. Musaylama wuxuu dhahay: anigana ma i rumaysantahay inaan nabi ahay? Saxaabigii wuxuu yidhi: Kuma maqlayo. Sadex jeer ayuu musaylama waydiiyey su’aashaas, isaguna isla jawaabtii unbuu ku jawaabayey, dabadeedna Musaylma wuu cadhooday, waanu dilay saxaabigii, isagoo hilibkiisa jarjaray.

Sanadku markuu ahaa 11 kii hijriyada ayaa la oofsaday nabigii Ilaahay ee Muxamed (scw), kadibna carabtii reer baadiyaha ahayd ayaa gaalowday. Waxa khaliif ahaa Abubakar Sidiiq (Rc), wuxuuna go’aansaday inuu la dagaalamo dadkii gaaloobay, wuxuuna diray ciidamo uu hogaaminayo Khaalid ibnu Waliid, kuwaas oo la dagaalamay Dulayxa Al-asadi iyo ciidamiisii, waanu ka adkaaday, kadibna wuxuu usoo ruqaansaday dhanka Yamaama ee ciidama Musaylama joogeen.

Guurkii Musaylama iyo Sajaax:

Xilligaas waxa batay dadka iska sheegta nabinimada, waxa sidoo kale nabiyad sheegatau naagta la dhaho Sajaax oo ahayd gabadh reer Thaqlib ah, haysatayna diinta Nasaarada. Markii ay nabiyad sheegatay, ayaa waxa soo raacay ciidamo qabiilkeeda ka tirsan, waxayna go’aansadeen inay la dagaalamaan Abubakar Sidiiq (Rc), waxa ciidamadeedii ku biiray qabiilka reer Tamiim, hase ahaatee waxay u leexatay dhankaas iyo Yamaama, waxayna tidhi: Musaylama ayaan dhulka ka qaadaynaa.

Musaylma, markuu maqlay in gabadhan Sajaax kusoo socoto, wuxuu diray ciidamo amaan ka dalbanaya, kadibna musaylama iyo afartan nin ayaa u tagay Sajaax, wuxuuna u bandhigay inuu dhulka kala badh siinayo, qeybtii Qureesh haysatay. Sajaax, way ku qanacday wayna ogolaatay.

Musaylama wuxuu la kali noqday naagtii Sajaax, wuxuuna waydiiyey: Maxaa adiga laguu waxyoodaa? Waxay tidhi: Anigu gabadhbaan ahay, ee adigu bilow oo maxaa laguu waxyoodaa? Wuxuu yidhi: waxa la i waxyooday sidan soo socota: “Ilaahbaa dumarka u abuuray furuuj (xubanaha taranka), wuxuuna nimanka ka yeelay ragoodii,…..” Wuxuu ku hadlay hadalo faaxisho ah.

Dabadeedna wuxuu ku dhahay: Kawarran hadii aan ku guursado oo labadeena qabiil ay carabta oo dhan ay cunaan? Waxay tidhi: waa caadi. Kadibna wuxuu tiriyey hadalo kale oo faaxisho ah oo ka warramay galmo iwm.

Markiia ay sadex maalmood la joogtay ayey ka dalbatay maherkeedii. Habaarqabe Musaylama wuxuu maher uga dhigay in laga daayey salaadihii Muxamed oo uu ka saamaxay, wuxuuna u baneeyey zinada iyo xaaranta oo dhan.

Khaalid oo usoo ruqaansada dhankaas iyo Yamaama:

Khaalid markii uu soo dhowaaday, ayaa gabadhii Sajaax carartay. Musaylamana ciidamo Afartan kun sare u dhaafaya ayuu diyaarsaday, wuxuuna saldhig ka yeedhay meel la dhaho Caqrabaa.

Khaalid ibnu Waliid (Rc) waxa ciidankiisa afaafka hore u hogaaminayey saxabiga Shuraxbiil ibnu Xasanah, labada dhinacna waxa kala hogaaminayey Zayid ibnu Khadaab oo ahaa Cumar ibnu Khadaab walaalkii oo xataa islaamnimada uga horeeyey iyo Abuxudayfa (rc). Saxaabada muhaajiriinta waxa calanka u siday Saalim mawla abu xudayfa halka reer ansaareedna uu calanka u siday saxaabiga Thaabit ibnu Qays (Rc).

Dhanka kale Musaylama waxa ciidamadiisa hogaaminayey Muxkam ibnu Dufayl iyo Rajaala ibnu Canfawah. Labada nin ka danbe wuxuu ahaa habaarqabe wayn oo baadiyeysiiyey qabiilkiisa reer bani Xaniifa. Rajaala wuxuu kamid ahaa dadkii islaamay, hadana ridoobay ee Musaylama u qiray nabinimada.

Abuhurayra wuxuu yidhi: Anaga oo koox ah oo uu nala joogo Rajaala ibnu Canfawah ayaa nabigu nagu yidhi: “Waxa idinku jira nin gawskiisu naarta dhexdeeda ka waynyahay buurta Uxud” wuxuu yidhi: dadkii way wada dhinteen, aniga iyo Rajaala mooyee. Waxaana uga cabsanayey naftayda, illamaa uu Rajaala u qiray Musaylama nabinimada.

Bilowgii Dagaalka:

dagaalkii wuu bilaabmay, waxaana judhadii hore la jabiyey ciidamada muslimiinta, illamaa ciidankii Musaylama ay soo gaadheen taandhadii Khaalid oo ay joogtay xaaskii Khaalid oo la dhaho Umu Tamiim, waxa kale oo ku xidhnaa taandhada ninka la dhaho; Majaac ibnu Muraara, oo ka tirsanaa qabiilka reer bani Xaniifa. Ciidamadii reer banii Xaniifa, waxay dooneen inay dilaan xaaskii Khaalid, hase ahaatee Majaaca ayaa u diiday, oo u sheegay inay si fiican u daryeeshay.

Saxaabadii ayaa Khaalid ka dalbaday in lakala saaro ciidamada, sababtoo ah waxa muslimiinta ku dhex jiray qabiilo reer baadiye ahaa oo dhankooda muslimiinta looga soo dhacay. Kadibna Khaalid, ciidamadii ayuu kala saaray, wuxuuna u qeybiyey muhaajiriin iyo ansaar iyo qabiilooyinkii carbeed ee kale, si loo ogaado meesha lagasoo dhacayo.

Waxa dhawaaqay saxaabigii Zayid ibnu Khadaab (Rc), wuxuuna yidhi: “Gawskiina qaniin, oo ragga iska dhiciya, oo hore u socda, aniguna Ilaahbaan ku dhaartee hadli maayo, illamaa aan ka jabinayo reer bani Xaniifa, ama aan Ilaahay kala kulmayo oo aan xujaydayda u sheeganayo”

Saxaabiga Thaabit ibnu Qays ayaa lugihiisa u qoday god, si aanu u cararin oo uu udhiiri galiyo ciidamada Muslimiinta, waanu dagaalamay, waana la dilay. Saxaabiga Saalim mawla abu xudayfa ayaa lagu dhahay: Saalimow, ma dhankaaga nalooga soo dhacayaa, kolkaasbuu yidhi: Hadii aniga xagayga la idiinka soo dhaco, waxaan ahay ka ugu xun cida xifdiday Quraanka Kariimka. Abuxudayfana wuxuu yidhi: Ehelkii Quraankoow, ku qurxiya Quraanka maanta ficil ahaan.

Maalintaas, halhayska muslimiintu wuxuu ahaa: (Ya muxamdaah), waxaana goobtaas ku shahiiday saxaabo badan, sida Zaydi ibnu Khadaab, Thaabit ibnu Qays, Saalim mawla Abu xudayfa iyo Abuxudayfa ibnu Cutbah.

Saxaabadii way samreen illamaa ay jabiyeen reer bani Xaniifa, kadibna way yaaceen oo waxay galeen dhufays loo bixiyey beertii dhimashada. Waxaana u tilmaamay inay beertaas galaan ninkii wasiirka u ahaa Musaylama ee la dhihi jiray Muxkam ibnu Dufay, hase ahaatee isagiina goobtaasbaa lagu dilay, waxaana dilay Cabdiraxmaan ibnu Abubakar Sidiiq (rc). Sidoo kale waxa la dilay habaarqabe Rajaala ibnu Canfawah, waxaana dilay saxaabigii Zayid ibnu Khadaab.

Reer bani Xaniifa markii ay dhufayska galeen ayay soo xidheen albaabkii, kadibna saxaabiga Baraa’ ibnu Maalik ayaa dhahay: aniga igu tuura darbiga shishadiisa, si aan idiinka furo albaabka, waana lagu tuuray wuuna dagaalamay sidaasbaanu ku furay albaabkii.

Muslimiintii waxay galeen beertii, waana la isku madhay sidii la isu laynayey, kadibna Waxshi ibnu Xarbi oo ahaa ninkii Xamse dilay ayaa meel daloosho waran kaga tuuray habaarqabe Musaylama oo taagan oo khudbadaynay, sidaasbaanu ku dhintay.

Dagaalkii markii uu dhamaaday, ayaa reer bani Xaniifa islaameen, waxayna u tageen Abubakar Sidiiq (Rc), wuxuuna waydiiyey: Waxaad ii sheegtaan, wixii Musaylama idinku akhrin jiray? Waxay dhaheen: Khaliifkii rasuulkii Ilaahayow, naga daa ma odhan karnee. Wuxuu yidhi: maya, ee sheega.

Waxay dhaheen: wuxuu dhihi jiray: “Rahoow, kii labada rahaad dhaleenoow, meeshaad rabto ka qayli, adigu biyaha ma dhoobaysid, ku biyaha cabayana uma diidid, madaxaagu biyuhuu ku dhex jiraa, dibkaaguna dhoobada” Abubabakar ayaa dhahay: waar hoogiinee, hadalkani, qof caqli leh kamuu soo bixin.

Musaylama oo ku fashilmay inuu nabiga ku daydo:

Musaylama wuxuu maqlay in nabi Muxamed (scw) oo ceel biyihiisu yaryihiin uu ku tufay, kadibna biyihii ay sare usoo kaceen oo biyihii barakoobeen. Kadibna Musaylama ayaa ceel biyihiisu yaryihiin loogu yeedhay, wuuna ku tufay kadibna biyihiiba way gudheen! Ceel kale ayuu ku tufay, mise biyiiiba waxay isu badaleen dhanaan iyo qadhaadh.

Laba caruura ayaa loo keenay, si uu madaxa uga masaxo oo ay u barakooban, balse kii hore markuu madaxa ka masaxay waxa ka buubay oo ka yaacay timihii, kii labaadna wuu carrab beelay.

Nin ishu xanuunayso ayaa u yimid, markaasuu u masaxay markaasuu indho beelayba.

Camru ibnu Caas oo la kulmay Musaylama:

Camru ibnu Caas ayaa la kulmay Musaylama, markaasuu yidhi: Camaruuyow, maxaa saaxiibkiin lagu soo dajiyey? Camru wuxuu yidhi: waxa lagu soo dajiyey suurad yar oo macna wayn xanbaarsan, wuxuuna ku akhriyey suuratu Al-casri.

Kadibna Musaylama ayaa dhahay: anigana, waxa igu soo dagay: “Waar bakayloow, bakayloow, waxaad tahay adigu laba dhagood iyo shaf kaliya..” Markaasuu Musaylama dhahay: kawarran Camruuyow? Markaasu Camru (Rc) dhahay: “Ilaahbaan ku dhaartee, waad ogtahay inaan anigu ogahay inaad beenaale tahay”..

Musaylama, waxa kashifay Ilaahay (swt) waxaana Ilaahay cadeeyey in cidii ka been abuurata uu gacan bir ah uu ku qabanayo. Wuxuuna dhahay:

وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ الْأَقَاوِيلِ ﴿٤٤﴾ لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِالْيَمِينِ ﴿٤٥﴾ ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ الْوَتِينَ ﴿٤٦﴾ فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَاجِزِينَ ﴿٤٧﴾

Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed). (44) Waxaanu ku qaban gacan adag. (45Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha. (46) Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro. (47) [Suuratu Xaaqah:]


Xigasho:

Kitaabka Al-bidaayah wa al-nihaayahay, ee imaamu Ibnu Kathiir, Ilaahay ha u naxariistee.

Waxa diyaariyey, soona jeedinaya Sh Abdulaziz Mohamed Oogle