Tusmo

”Aaya Soofiya” ayaa mar kale dib masaajid looga dhigay!

Masaajidka Aaya Soofiya ayaa ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxa masaajidkani soo maray xaalado kala duwan.

Sanadkii 532 kii miilaadiga ayaa boqorkii dawladii Roomaanka Bariyeed ee Biisandiiniyiinta ee justiniankii 1aad uu dhaax dhigay kaniisadii ugu waynayd aduunka, taasoo loo bixiyay Aaya Soofiya, macnaheeduna tahay ”Xikmadii Ilaahay”

Taarikhyahanadu waxay sheegaan in markii dhismaha kaniisadu dhamaaday in boqorkii Roomaanku galay kaniisada uuna yiri isagoo jeesjeesaya: ”Waan kaa adkaaday Sulaymaanow” isagoo ujeeda nabi Sulaymaan (scw) oo ay jinku u dhisi jireen dhismaha uu rabo.

Boqorkii wuxuu ku qurxiyay kaniisada farshaxano iyo sawiro dahabiya iyo midabyo kalda duwan iyo  dhagxaan qaaliya oo meelo kala duwan laga keenay.

Kaniisada Aaya Soofiya waxay ahayd kaniisadii ugu waynayd aduunka ilaa laga dhisayay kaniisada ku taala Ishbiiliya ee dalka Spain sanadkii 1520 kii.

Saliibiyiintii ayaa weerar kusoo qaaday magaalada Qusdandiiniya (Istanbuul) waxayna kaniisadii u badaleen kaniisada Kaatooligu leeyahay sanadkii 1204 tii balse mudo kadib ayay dib ugu noqotay ganacntii Biisandiiniyiinta.

Sanadkii 1453 kii

ayaa Cusmaaniyiintii oo uu hogaaminayo Maxamed binu Muraad oo loo yaqaano ”Alfaatix” uu furtay magaalada Qusdandiiniya ama Istaanbuul. Wuxuuna kaniisadii u badalay masaajid, maadaama uu dagaal ku qabsaday.

Mudadii Cusmaaniyiintu ay talinayeen waxay dhismaha ku dareen mixraabka, meelaha laga adimo, farshaxano islaamiya iyo dugsiyo wax lagu barto.

Mudo ku dhow 500 oo sanadood ayuu ahaa masaajid ilaa sanadkii 1934 tii oo habaarqabihii Kamaal Ataturk uu ubadalay matxaf kadib go’aan ay soo saareen golaha wasiirada ee Turkigu.

Sanadihii u danbeeyay ayaa  waxa batay dalab ka yimid Turkida oo ay ku dalbanayaan in matxafka Aaya Soofiya dib loogu celiyo masaajid.

Ugu danbayn 12kii bishan Luulyo ee sanadkan 2020 ayaa maxkamada sare ee dalka Turkigu ay laashay go’aankii looga dhigay masaajidka matxfka, kadibna madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Ordogan ayaa saxeexay in Aaya Soofiya dib loogu soo celiyay masaajid, albaabadana loo furi doona maalinta Jimcaha ee 24ka bisha Luulyo ee sanadkan 2020.

Maxay ka dhigantahay in dib loo soo celiyay Masaajidka Aaya Soofiya?

Run ahaantii, waxay cadaynaysaa in dalka Turkigu uu si tarttiib tartiib ah uu dib usoo ceshanayo awoodii uu ku lahaa caalamka Islaamka. Aaya Soofiya soo noqoshadeedu waa saxansaxo udgoon oo saadaalinaysa in khilaafadii Islaamku dib usoo noqonayso.

Hanbalyo:

Waxaan u hanbalyeynaynaa caalamka Islaamka gaar ahaana dal waynaha Turkiga inay dib usoo celiyaan khayraadkii iyo hantidii Islaamka.