Bismillah:

Ruuxa Muslimka ah hadafkiisa ugu wayn ee uu Aduunka u joogo waa inuu Ilaahay raali galiyo iyo inuu ku guulaysto abaalmarinta wayn ee Ilaahay ku yaboohay, taasoo ah “Jannada”.

Hadii ujeedadaada iyo yoolkaaguba yahay inaad Jannada gasho, wuxuu Ilaahay kuu sharciyeeyey camalo badan oo hadii aad la timaado ku gayna Jannadiisa, kuuna xaqiijinaya himiladaadii.

Sidaynu la socono abaalgudkasta wuxuu ku xidhanyahay cida bixinaysa, hadii nin orodyahan ah ku guulaysto cayaaraha Olympics ka, wuxuu helaa billada Dahabka ah. Si kastaba ha ahaatee inaad billad Dahab ah ku guulaysato waxay kaaga baahantahay dadaal farabadan iyo isku day badan oo aad u hurayso qeybo badan oo waqtigaaga kamid ah.

Sidaas darteed qiimaha jannadu ay leedahay maaha wax sahlan, waa abaalgudka ugu wayn ee makhluuq Alle abuuray ku guulaysankaro. wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw):

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَنْ خَافَ أَدْلَجَ وَمَنْ أَدْلَجَ بَلَغَ الْمَنْزِلَ أَلَا إِنَّ سِلْعَةَ اللَّهِ غَالِيَةٌ أَلَا إِنَّ سِلْعَةَ اللَّهِ الْجَنَّةُ 

“Wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw): cidii cabsataa way orod carrowdaa (guclaysaa habeenka bilowgiisa), ruuxii orod carraabana wuu gaadhaa Guriga, waar hooyaay! abaalmarinta Ilaahay waa qaali, abaalgudka Ilaahayna waa Jannada” [Tirmadi:2450]

Xadiiskan, nabigu (scw) wuxuu inoogu cadeeyey in qofka safarka ah ee ka cabsanaya dhibaatooyinka iyo kadeedka safarku leeyahay inuu ruuxaasi u carraabo isagoo tallaabo dheeraynaya oo ka walwalayaa mugdiga habeenka iyo waxa ku guda jira, isla markaana ruuxii u adkaysta ee markuu carraabayo orda, wuu gaadhaa meeshuu u socday.

Sidaas oo kale abaalgudka Ilaahay oo Jannada ahna, waa loo dadaalaa illamaa aad ka xaqiijinayso hadafkaagii oo ahaa inaad gasho Jannada Ilaahay (scw)

Si aad uga dhabayso himilooyinkaaga waa inaad la timaadaa qorshayaal cadcad oo ku gaadhsiinaya hadafkaaga, waxaanan halkan idiinku soo gudbinaynaa camalo badan oo si toos ah kuu gaynaya Jannada.

Tusmo

Shuruudaha Camalada:

Camalkasta oo aad qabanaysid waa in laga helaa laba shardi si Ilaahay u aqbalo camalkaas, kadibna uu kuugu horseedo inuu Ilaahay Jannadiisa ku geeyo.

  1. Ikhlaas, waa inaad camalka u gaaryeelayso Ilaahay (swt), oo aanad cid kale ugu dhowaanaynin Ilaahay mooyee.
  2. Mutaabaca: inaad camalkan kaga daynayso Rasuulkii Ilaahay (scw) wixii ka ansaxay.

Camalada Jannada ku geynaya:

  1. Xaqiijinta Tawxiidka; hadii si dhaba aad u xaqiijiso tawxiidka waxaad ku galaysaa Jannada Ilaahay (swt).
  2. Inaad si dhamaystiran ula timaado shanta tiir ee Islaamka oo kala ah, Shahaada, Salaada, Sakada, Soonka iyo Xajka.
  3. Inaad rumaysantahay dhamaan tiirarka iimaanka.
  4. Sifiican oo aad u wayso qaadato.
  5. Salaada oo aad waqtigeeda ku tukato.
  6. Salaada oo aad Jamaaco ku tukatid.
  7. Sunooyinka raatibada ah oo aad la timaado.
  8. Salaada habeenkii oo aad oogto.
  9. Salaadaha ciidaha oo aad tukato.
  10. Janaabada, xaydka iyo nifaaska oo la iska daahiriyo.
  11. Ilkaha oo la cadayo.
  12. Soonka sunnaha ah oo aad badsato.
  13. Quraanka Ilaahay oo aad akhrisato.
  14. Ilaahay oo aad xusto dikrigiisa sida; tasbiixda, taxmiida, tahliisha iyo takbiirtaba.
  15. Waalidkaa oo baari u noqoto.
  16. Jiiraankaaga oo aad wanaajiso.
  17. Qoyskaaga oo aad wanaag kula dhaqanto.
  18. Xaaska oo ninkeeda wanaaga ku adeecda.
  19. Irsaaqad xalaal ah oo aad shaqaysato.
  20. Fuqurada iyo masaakiinta oo aad quudiso.
  21. Agoonta oo aad kafaalo qaadato.
  22. Dadka oo aad wanaaga farto iyo xumaanta oo aad ka reebto.
  23. Goobaha Ilaahay lagu xusayo oo aad ka qaybgasho.
  24. Ruux buka oo aad soo booqato.
  25. Qof Muslima oo geeriyooday oo aad janaasadiisa raacdo.
  26. Afkaaga oo aad beenta, xanta, cayda, isku dirka iyo xasadka ka ilaaliso.
  27. Calooshaada oo u fayow dadka muslimiinta ah.
  28. Ilaahay jidkiisa oo aad ku jihaado.
  29. Caruurtaada oo barto Quraanka Ilaahay.
  30. Ducooyinka galinka hore iyo galinka danbe oo aad akhrisato.
  31. Baytka Ilaahay ee xaramka oo aad u cimraysato.
  32. Masaajid aad dhisto ama aad ka qaybgasho dhismihiisa.
  33. Xayawaanada iyo wixii beer qoyanba leh oo aad u naxariisato.
  34. Inaad cilmiga sharciga barato oo aad dadka sii barto.
  35. Muslimiinta oo cadawgooda aad ka waardiyeyso.
  36. Qoyskaaga oo aad xiriiriso.
  37. Xubintaada taranka oo dhawrsanaata.
  38. Nadarka aad gasho oo aad fuliso.
  39. Rasuulka iyo saxaabadiisa oo aad jeclaato.
  40. Ilaahay oo aad marwalba u toobad keento.
  41. Aadaanka salaadaha oo aad adinto.
  42. Qalbigaaga oo ku xidhnaada Masaajidka.
  43. Ilaahay cabsidiisa oo aad u ilmayso adigoo kaligaa ah.
  44. Qof muslima oo aad ujeclaato Ilaahay wajigiisa.
  45. Ilaahay oo aad talo saarato.
  46. Cabsida Ilaahay oo qalbigaaga ku wayn.
  47. Malo fiican oo aad Ilaahay ka filato.
  48. Xaaraanta oo aad ka fogaato sida zinada, ribada, khamriga, hilibka doofaarka iwm.
  49. inaad noqotid ruux Muslima oo aqoon iyo xirfad lehba
  50. Dadka muslimiinta ah oo aad ceebahooda asturto.
  51. Inaad cadaalad kula dhaqanto ubadkaaga, haweenkaaga iyo bulshada dhamaantoodba.
  52. Cawradaada oo aad asturto iyo xijaabka sharciga waafaqsan oo aad qaadato.
  53. Indhahaaga oo aad laabato.
  54. Cadowga Islaamka oo aad necbaato.
  55. Nabiga Ilaahay oo aad ku sallido (scw).
  56. Sadexda masaajid ee muqadaska ah oo aad ku tukato, Masaajidka Qudus, Madiina iyo Xaramka.
  57. Dadka oo aad u nasteexayso.
  58. Salaanta oo aad faafiso.
  59. Dadka oo aad quudiso.
  60. Muslimiinta oo aad farxadood ku hanbalyeyso.

Camalada khayrka ah way badanyihiin, mana jirto cid wada koobi kartaa balse waxa la inaga rabaa inaynu mid walba dheef ka qaadano.