Cilmi baadhis ay sameeyeen ururka wadnaha ee Maraykanku (American Heart Association) ayaa shaaca ka qaaday in dadka isticmaala saliid saytuunka ugu yaraan todobaadkii hal mar ay hoos u dhacayso xinjirowga dhiigoodu. Sida lagasoo xigtay diraasadan, saliida saytuunku waxay yaraynaysaa khatarta istarooga ama dhiig karka, waxayna ka caawinaysaa dhiiga inuu si fudud u maro xididada.

Cunitaanka saliida saytuunku waxay kahortagtaa in darbiyada xididadu awdmaan, taasoo yaraynaysa khatarta wadne istaaga iyo istarooga. Diraasadu waxay ku talinaysaa in dadka ka cabanaya cayilka ama buurnida iyo dadka leh wadno xanuunka iyo dhiig karku  inay isticmaalaan saliida saytuunka.

 مِن شَجَرَةٍ مُّبَارَكَةٍ زَيْتُونَةٍ

Geedka barakaysan ee saytuunka [Suuratu Nuur: 35]


Faahfaahin dheeraada ka akhriso halkan:

heart.org