Suaal:

asalaamu caleykum dhammaanteen waxaan rabaa in aan ka jaahil baxo su aashan hadii RABI idmo. su aashu waa sidan, salaada tasbiix ma kala mid thy salaada waajibka atixiyaadka?

Jawaab:

Salaada Tasaabiixdu waxay kusoo aroortay xadiis uu soo saaray Abudaawuud,

روى أبو داود في سننه (1297) عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( لِلْعَبَّاسِ بْنِ عَبْدِ الْمُطَّلِبِ يَا عَبَّاسُ يَا عَمَّاهُ : أَلَا أُعْطِيكَ ، أَلَا أَمْنَحُكَ ، أَلَا أَحْبُوكَ ، أَلَا أَفْعَلُ بِكَ ، عَشْرَ خِصَالٍ إِذَا أَنْتَ فَعَلْتَ ذَلِكَ ، غَفَرَ اللَّهُ لَكَ ذَنْبَكَ أَوَّلَهُ وَآخِرَهُ قَدِيمَهُ وَحَدِيثَهُ خَطَأَهُ وَعَمْدَهُ صَغِيرَهُ وَكَبِيرَهُ سِرَّهُ وَعَلَانِيَتَهُ ، عَشْرَ خِصَالٍ أَنْ تُصَلِّيَ أَرْبَعَ رَكَعَاتٍ تَقْرَأُ فِي كُلِّ رَكْعَةٍ فَاتِحَةَ الْكِتَابِ وَسُورَةً ، فَإِذَا فَرَغْتَ مِنْ الْقِرَاءَةِ فِي أَوَّلِ رَكْعَةٍ ، وَأَنْتَ قَائِمٌ قُلْتَ : سُبْحَانَ اللَّهِ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَاللَّهُ أَكْبَرُ خَمْسَ عَشْرَةَ مَرَّةً ، ثُمَّ تَرْكَعُ ، فَتَقُولُهَا وَأَنْتَ رَاكِعٌ عَشْرًا ، ثُمَّ تَرْفَعُ رَأْسَكَ مِنْ الرُّكُوعِ ، فَتَقُولُهَا عَشْرًا ، ثُمَّ تَهْوِي سَاجِدًا ، فَتَقُولُهَا وَأَنْتَ سَاجِدٌ عَشْرًا ، ثُمَّ تَرْفَعُ رَأْسَكَ مِنْ السُّجُودِ ، فَتَقُولُهَا عَشْرًا ، ثُمَّ تَسْجُدُ فَتَقُولُهَا عَشْرًا ، ثُمَّ تَرْفَعُ رَأْسَكَ ، فَتَقُولُهَا عَشْرًا ، فَذَلِكَ خَمْسٌ وَسَبْعُونَ فِي كُلِّ رَكْعَةٍ ، تَفْعَلُ ذَلِكَ فِي أَرْبَعِ رَكَعَاتٍ ، إِنْ اسْتَطَعْتَ أَنْ تُصَلِّيَهَا فِي كُلِّ يَوْمٍ مَرَّةً ، فَافْعَلْ فَإِنْ لَمْ تَفْعَلْ فَفِي كُلِّ جُمُعَةٍ مَرَّةً ، فَإِنْ لَمْ تَفْعَلْ فَفِي كُلِّ شَهْرٍ مَرَّةً ، فَإِنْ لَمْ تَفْعَلْ فَفِي كُلِّ سَنَةٍ مَرَّةً ، فَإِنْ لَمْ تَفْعَلْ ، فَفِي عُمُرِكَ مَرَّةً ) .

Abudaawuud wuxuu sunankiisa kusoo saaray (12097) in Ibnu Cabbaas (I.R.H) uu ka wariyey Rasuulka (scw) inuu ku dhahay Cabbaas ibnu Cabdulmudallib: “Cabbaasoow, Adeer: Ma ku siiyaa, ma kuu hadyeeyaa, ma kugu deeqaa, makuu sameeyaa, toban arrimood hadaad la timaado, Ilaahay ayaa danbigaaga dhaafaya, kiisa hore iyo kiisii danbeeyeyba, kii qadiimiga ahaa iyo kii cusbaaba, gafkiisii iyo kii kaska ahaaba, kiisii yaraa iyo kiisii waynaaba, kii qarsoonaa iyo kii muuqdayba, toban arrimood, waa inaad tukataa Afar rakcadood ood akhrinaysid rakcad kasta Faatixada Quraanka iyo suurad kale, kolkaas ka faaaruqdid Quraan akhrinta rakcada koowaad, adigoo taagan ayaad dhahaysaa: SubxaanAllah, AlxamduliAllah, Laa’ilaaha ilaa Allah, Allahu akbar, shan iyo toban jeer, kolkaas ayaad rukuucaysaa ood dhahaysaa adigoo rukuucsan Toban jeer, hadana rukuucda ayaad kasoo kacaysaa waxaad dhahaysaa Toban, kadibna waad sujuudaysaa markaas ayaad akhrinaysaa adigoo sujuudsan Toban jeer, kolkaas ayaad kasoo kacaysaa Sujuuda oo aad akhrinaysaa Toban, markaas ayaad sujuudaysaa ood akhrinaysaa Toban, markaas ayaad soo kacaysaa ood akhrinaysaa oo aad akhrinaysaa toban, waxayna isku noqonaysaa todobaatan iyo shan rakcadood, sidaas ayaad samaynaysaa Afar rakcadood, hadaad awoodo inaad tukato maalin kasta samee, hadii aanad awoodina Jimce kasta samee, hadii aanad falayna bil kasta hal mar samee, hadii aanad falaynin sidaasna sanad kasta samee hal mar, hadii aanad fali karaynina la imo cimrigaaga hal mar” [Abudaawuud:1297]

Xukunka Salaada Tasaabiix:

– Culumadu way isku khilaafeen mashruuciyada salaada Tasaabiixda, qolo waxay ku tilmaamtay in xadiisku yahay saxiix, qolo kale waxay dhaheen waa Xasan, qolo kale waxay dhaheen waa Daciif, iyo xitaa culumada qaar tidhi xadiisku waa Mawduuc (lagaga been abuurtay nabiga).

– Wuxuu ydhi Ibnu Cuthaymiin (I.H.U): (“مجموع فتاوى ابن عثيمين” (14/327) : “) ” Sida aniga ila xooga badan waa in salaada Tasaabiixdu aanay ahayn sunnada, xidiiska soo aroorinayaa waa daciif dhawr meeloodba:

  1. Asalka cibaadooyinku waa inaanay banaananyn illamaa laga helayo daliil sheegaya mashruuciyadeeda.
  2. Xadiiska (salaada tasaabiixdu) wuu qasanyahay, meelaha kala duwan ayuu iska khilaafay.
  3. Qofka kamida Imaamyadii waaweynaa muu jeclaysanin, wuxuu dhahay Sheekh Al-islaam ibnu Taymiyah (I.H.U): “Wuxuu sheegay Axmed iyo imaamyadii asxaabtiisu in ay karaahyeysteen, mid ayaga kamid ahna muu jeclaysanin” Wuxuu yidhi: “Abuxaniifa, Maalik iyo Shaaficina maysan maqalba”
  4. Hadii salaadaasi ay ahaan lahayd salaad la sharciyeeyey waa lasoo guurin lahaa mid aan shaki ku jirin, dadkana dhexdooda caan ayey ka noqonlahayd. Ayadoo ka baxsan cibaadooyinka, oo walibana khayrkaas ku jiro, ayadoo lala imanayo maalinkasta ama todobobaadkiiba maalin ama bishiiba hal mar ama sanadkiiba hala ama cimrigiiba hal mar, kolkaas maadaama ay ka baxsantahay Cibaadooyinka, oo ayna caan baxsanayn, sidoo kalena lasoo guurinin, waxaan ogaanaynaa inaanay asal lahayn. Sababtuna waxa weeye wixii ka dhex baxa dhigooda, ajarkeeduna wayn yahay, dadka ayaa soo guurin lahaa, waxayna noqon lahayd arrin caan ah, hadii aanay jirin markaa waxaa la garanayaa inaan salaadaasi sharciyeysnayn, dhanka kalena Imaamyadii weynaa mid kamid ah muu jeclaysanin, siduu sheegay ibnu Taymiyahay (I.H.U).

Ugu danbayn waxaan leenahay Salaadan mashruuciyadeeda ayaaba laysku haystaa, kolkaa waxa kuu dhaama inaad la timaado cibaadooyinka shariyeysan ee aadka ubadan, sidoo kalena khayrkoodu suganyahay. Wallahuaclam.