Tusmo

Su’aal:

Salaam Calekum wll. Salaad ayaan tujiyay jamac, waan dhamaysnay rakcadihii, hase yeeshee rakcad dheeraad ah baan ku daray anigoon ogayn, waana salaama naqsaday qolo safka danbe ah ayaa igu yidhi ‘Walaal waxaad na tujisay salaadii oo rakcad siyaado ku tahay ee sidee wax yeeshay?

Maxaa ii yaala walaal?

Jawaab:

Alxamdlilaah:

– Qofkii tukada rakcad dheeraad ah ha ahaado imaam salaada tujinaya ama ruux kaligii tujinaya oo rakcadaas si badheedha oo ula kaca u tukada isagoo og inay siyaado tahay kolkaas shakhsigaas salaadii way ka buraysaa, waana arrin aan loo baahnayn inay dhacdo.

– Hadiise rakcadaasi siyaadada ah ay tahay mid uu halmaansanaa oo uu sahwiyey kolkaas haduu xasuusto inuu tukanayo rakcad dheeraad oo uuna ku gudo jira rakcadaas markaas waxa ku laasimaya inuu dib u laabta, ha ahaado ruuxaas mid Imaam ah oo dadka tujinaya, ama ku la tujinayo iyo ruux kaligii tukanayaa, hadii kalena oo isagoo ogsoon uu sii wado waxa buraysa salaadiisa, wuxuuna u fadhiisanayaa atixiyaadka hadaanu hore ugu fadhiisanin, wuxuuna sujuudaya sujuuda sahwiga markuu salaamo naqsado kadib.

Wuxuu yidhi Sheekh ibnu Cuthaymiin (I.H.U): haduu ogaado in rakcada uu ku jiraa ay siyaado tahay, wuu fadhiisanayaa markuu garwaaqsadaba, dibna uma dhigayo, xitaa haduu ku dhex jiro rukuucda oo uu ogaado inay siyaado tahay wuu fadhiisanayaa. Dadka qaarna waxay u maleeyaan in xukunkeedu uu lamid yahay sida ruuxa hilmaama atixiyaadka ee istaaga, oo markuu istaago oo uu qiraa’adii akhriyo aanay u banaanayn inuu dib u noqdo, taasi waa arrin khaldan, ee wixii siyaado ah lama sii wadayo. Markuu xasuusto waxa ku waajibaysa inuu soo laabto, oo uu joojiyo siyaadadaas, sababtoo ah haduu sii wato siyaadadaas isagoo ruuxu ogyahay wuxuu salaada kusoo darayaa wax dheerad oo aan banaanayn, sidaa awgeedna waxa ka buraya salaadii.

– Haduuse xasuusto markuu salaada ka baxay kadib markaas salaadii wa ansaxaysaa, wuxuuna sujuudayaa sujuuda sahwiga salaada kadib.

Waxa lagu waydiiyey Sheekh ibnu Cuthaymiin (I.H.U) majmuuc fataawa ibnu Cuthaymiiin, ” (14/31) : ” in nin uu tukaday salaada duhurka shan rakcadood, oo aanu xasuusanin markuu atixiyaadka u fadhiyey mooyee, waa maxay xukunkiisu?

Wuxuu yidhi: haduu qofku salaadiisa ku siyaadiyo rakcad, oo aanu ogaanin jeer ay rakcadaasi dhamaatay, wuxuu sujuuada sujuuda sahwiga oo waajib ku ah, sujuudaasina waxay ahaanaysaa mid ka danbaysa salaada, waxaana u daliila in markuu Rasuulku (scw) uu tukaday shan rakcadood, markuu ka baxayna loo sheegay inuu tukaday siyaado, markaas ayuu sujuuday laba sujuudood salaada kadib, kolkuu sujuudii uu sujuuda salaamo naqsigii kadib oo aanu sheegina in sujuudaas booskeedu yahay salaama naqsiga kahor ayaa la ogaaday in sujuudaasi ahayd sujuud ka danbaynaysa salaama naqsiga. waxaana laga soo qaataa arrintaas xadiiska dul yadayn. Allahualam.