Tusmo

Radinta shubuhaatka Shiicada 2aad: Dhaxalkii Faadima.

Nabiga Muxaxmed (scw) markii uu geeriyooday wuxuu ka tagay dhulka loo yaqaano Fadak oo ah dhul beereed magaalada Madiina u dhow. Waxa kale oo uu ka tagay qeybtii uu ku lahaa Khaybar iyo Bani Qurayda.

Markii nabigu (scw) uu ka adkaaday yahuudii daganayd Khaybar, waxa loo qeybiyey dhulkii laba qeybood, qeyb ku timid dagaal iyo qeyb ku timid heshiis. Qeybta heshiiska ku timid, wuxuu nabigu (scw) kulahaa dheef wayn.

Geeridii nabiga (scw) kadib waxa Abubakar (Rc) oo khaliif ahaa u timid Faadima bintu Muxamed (Rc) ayadoo dalbanaysa dhaxalkii aabaheed. Dabcan ogsoonow, marka Faadima (Rc) ay u imanayso Abubakar (Rc) waxay aqoonsantahay inuu yahay khaliifka muslimiinta hogaaminaya.

Kadibna Abubakar (Rc) wuxuu u sheegay Faadima iyo dadkii kale ee dhaxalka nabiga lahaa, in wixii rasuulka (scw) uu ka tagay yahay sadaqo, oo aan nabiyada la dhaxlin.

عن عائشة أن فاطمة عليها السلام بنت النبي صلى الله عليه وسلم أرسلت إلى أبي بكر تسأله ميراثها من رسول الله صلى الله عليه وسلم مما أفاء الله عليه بالمدينة وفدك وما بقي من خمس خيبر فقال أبو بكر إن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال لا نورث ما تركنا صدقة إنما يأكل آل محمد صلى الله عليه وسلم في هذا المال وإني والله لا أغير شيئا من صدقة رسول الله صلى الله عليه وسلم عن حالها التي كان عليها في عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم ولأعملن فيها بما عمل به رسول الله صلى الله عليه وسلم فأبى أبو بكر أن يدفع إلى فاطمة منها شيئا فوجدت فاطمة على أبي بكر في ذلك فهجرته فلم تكلمه حتى توفيت وعاشت بعد النبي صلى الله عليه وسلم ستة أشهر…

Caasha waxa laga wariyey: ”in Faadima Ilaahay nabadgalyo korkeeda ha yeelee, gabadhii rasuulku dhalay (scw) ay utimid Abubakar ayadoo waydiisanaysa dhaxalkeedii ay ku lahayd rasuulkii Ilaahay (scw), oo kamida wixii Ilaahay qaniimo usiiyey ee Madiina, Fadak iyo wixii ka hadhsanaa khumuskii Khaybar. Abubakarna wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ”Nalama dhaxlo, wixii aan ka tagno waa sadaqo, ee reer Muxamed (scw) way cunayaan xoolahaas (biilka)” aniguna Ilaahbaan ku dhaartee waxba kama badalayo sadaqadii rasuulkii Ilaahay (scw) sidii ay ahayd xilligii rasuulkii Ilaahay (scw), waxaanan ku samaynayaa wixii rasuulkii Ilaahay (scw) uu ku samayn jiray, Abubakar wuu diiday inuu wax ka siiyo Faadima. Faadimana way u cadhootay Abubakar, wayna ka haajirtay lamanay hadlin (kamanay hadlin) illamaa ay ka geeriyootay, waxayna noolayd nabiga (scw) kadib lix bilood..”[1]

Dabcan markii Faadima loo sheegay in aabaheed aan la dhaxlaynin, way ku qanacday wayna iska tagtay.

Sida xadiisku uu tilmaamayo Faadima way cadhootay, sababtoo ah waxay u malaynaysay in dhaxalkaas ay leedahay. Ereyga ah lamay hadlin, waxa looga jeedaa kalamay hadlin arrintaas illamaa intii ay ka dhimanaysay, oo mowduucaas mar kale kalamay hadlin.

Ereyga ah way ka haajirtay, wax dhibaato ah oo ay ku keenaysaa majirto Abubakar (Rc) hadii ay Faadima ka haajirto, sababtoo ah marka horeba maxramkeeda maaha.

Dhanka kale waxa jira xadiisyo kale oo cadaynaya in Abubakar Sidiiq (Rc) uu siyaartay Faadima (Rc) uuna raali galiyey[2]

Guud ahaan dhacdadaasi sidaas ayey ku dhamaatay, kadib markii Abubakar u cadeeyey in wixii Rasuulku (scw) katagay yahay sadaqo.

Aragtida Shiicada iyo dadka baadilka waheshada:

Hase ahaatee shiicadu waxay ku doodeen ayagoo been abuuranaya, dhulka Fadak waxay ahayd hibo ama waxay ahayd dhaxal oo nabiga (Scw) waa la dhaxlaa. Abubakarna sideebuu u dhahayaa nabiyada lama dhaxlo ayadoo Quraanka Kariimka ah lagu sheegay in nabiyada ubadkoodii ay dhaxleen.

Radinta Aragtida Shiicada:

Shubhada 1aad: Dhulka waa loo hibeeyey Faadima:

Waxaynu leenahay goorma ayaa loo hibeeyey dhulka Fadak Faadima? Waxay dhaheen isla markii Khaybar la furtay.

Hadaba goormaa la furtay Khaybar? Khaybar waxa la furtay bilowgii sanadkii 7aad ee hijriyada.

Hadii sanadkii 7aad la furtay Khaybar, isla markaana loo hibeeyey dhulkaas Faadima, ma kaligeed ayaa la siiyey dhulkaas? Sababtoo ah xilligaa waxa noolaa nabiga (scw) laba hablood oo kale oo uu dhalay, waa Saynab iyo Umu Kalthuum.

Nabigu (scw) wuxuu ina barayaa in ubadka loo cadaalad sameeyo, wuxuuna yidhi:

عَنْ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ قَالَ تَصَدَّقَ عَلَيَّ أَبِي بِبَعْضِ مَالِهِ فَقَالَتْ أُمِّي عَمْرَةُ بِنْتُ رَوَاحَةَ لَا أَرْضَى حَتَّى تُشْهِدَ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَانْطَلَقَ أَبِي إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِيُشْهِدَهُ عَلَى صَدَقَتِي فَقَالَ لَهُ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَفَعَلْتَ هَذَا بِوَلَدِكَ كُلِّهِمْ قَالَ لَا قَالَ اتَّقُوا اللَّهَ وَاعْدِلُوا فِي أَوْلَادِكُمْ فَرَجَعَ أَبِي فَرَدَّ تِلْكَ الصَّدَقَةَ

Nucmaan ibnu Bashiir waxa laga wariyey inuu yidhi: Aabahay ayaa isiiyey wax kamida xoolihiisa, markaasay hooyaday  Camratu bintu Rawaaxa tidhi: raali noqon mayo, ilaamaa aad markhaati galiso rasuulka Ilaahay (scw), markaasuu aabahay ii geeyey nabiga (scw) si uu markhaati uga noqdo, kolkaasuu Rasuulkii Ilahaay (scw) yidhi: Ubadkaaga oo dhan ma wada siisay? Wuxuu yidhi: Maya. Wuxuu dhahay: Ilaahay ka cabsada oo ubadkiina u cadaalad sameeya. Aabahayna wuu soo laabtay, waanu ceshtay xoolihii.[3]

Hadaba nabigii Ilaahay ee ina faray in loo cadaalad sameeyo ubadka, ma isaga ayaa cadaalad darro ku kacaya. Oo mid kamida ubadkiisa siinaya hibo, halka kuwa kalena laga qadinayo. Dabcan waxay cadaynaysaa beenta shiicada raafidada ah.

Saynab bintu Muxamed (Rc) waxay geeriyootay sanadkii 8aad ee hijriyada, halka Umu Kalthuumna ay ka geeriyootay sanadkii 9aad ee hijriyada. Markaa hubaal sanadkii 7aad ee hijriyada way noolaayeen Saynab iyo Umu Kalthuum.

Walibana shiicadu waxay dhaheen: aayada ku jirta suuratu al-israa ayaa soo dagtay isla markii Khaybar laga yimid oo faraysa nabiga inuu siiyo dhulkaas Faadima.

وَآتِ ذَا الْقُرْبَىٰ حَقَّهُ وَالْمِسْكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ وَلَا تُبَذِّرْ تَبْذِيرًا ﴿٢٦﴾

“Sii qaraabadaada xaqeeda iyo miskiinka iyo musaafirka hana ku xadgudbin xoolaha xadgudub (six xun ha ubixin xoolaha)”[4]

Hadaba shayaadiinta shiicada culumada u ah sidee ayey u fasireen aayadan: Wuxuu yidhi Ibraahim Al-Qummi, isagoo fasiraya aayadan:

قوله: { وآت ذا القربى حقه والمسكين وابن السبيل } يعني قرابة رسول الله صلى الله عليه وآله وأنزلت في فاطمة عليها السلام فجعل لها فدك والمسكين من ولد فاطمة وابن السبيل من آل محمد وولد فاطمة.

“Qawlka ah (وَآتِ ذَا الْقُرْبَىٰ حَقَّهُ وَالْمِسْكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ) waxa looga jeedaa qaraabada rasuulka Ilaahay, waxayna kusoo dagtay Faadima Ilaahay nabadgalyo korkeeda ha yeelee, wuxuuna siiyey Fadak, miskiinkuna waa ubadka faadima, ibnu sabiilkuna waa reer Muxamed iyo ubadka Faadima”[5]

Shiicigaasi wuxuu miskiinkii ku fasiray ubadkii Faadima iyo inay aayadani kusoo dagtay Faadima oo la siiyey dhulka Fadak. Aayadan waxay ku jirtaa suuratu Al-Israa, oo ka warramaysa markii la dheelmiyey nabigeena (scw) waana suurad kusoo dagtay Makkah, sideebuu shiicagani uga yeelay mid soo dagtay markii Khaybar la furtay, sanadkii 7aad ee hijriyada!

 

Hadiiba aynu eegno fikirka raafidada ee shiicada ee dhahaya Fadak waxa hibo ahaan loo siiyey Faadima (Rc), Abubakarna wuu u diiday, waanu dulmiyey.

Waxaan is waydiinaynaa goormaa la siiyey hibada? Sida ay sheegteen waa sanadkii todobaad ee hijriyada ayaa la siiyey, waxayna dalbatay dhulkii Fadak sanadkii 11aad ee Abubakar khaliifka ahaa.

Sanadkii 7aad ee la siiyey Faadima dhulka Fadak iyo xilliga ay dalbatay oo ahayd sanadkii 11aad ee hijriyada waxa u dhaxeeya 4 sanadood. Waxayna noqonaysaa laba mid un:

  1. In la siiyey dhulkaas sanadkii 7aad ee hijriyada, oo ayna hanatay. Markaa Faadima (Rc) maxay kasoo doontay Abubakar? Ileen waa dhul ay ayadu hanti ahaan u leedahaye. Imaanshaha ay utimid Abubakar waxay cadaynaysaa in dhulkaas aan la siinin Faadima (Rc) ee ay u malaynaysay inay ku helayso dhaxal ahaan.
  2. Inaan la siinin Faadima (Rc) dhulkaas, ee loogu ballan qaaday in lasiin doono. Hadii qofkii wax ballanqaaday uu geeriyoodo, wixii uu ubadkiisa u ballanqaaday lama siinayo sababtoo ah waa dadka dhaxlaya. Sidaa darteed, hadii aynu nidhaahno nabiga (scw) wuu u ballanqaaday dhulkaas Faadima (Rc) manuu ku wareejinin, kadibna Rasuulku (scw) wuu geeriyooday. Markaa Faadima (Rc) wixii nabigu ugu ballan qaaday ee rasuulku ka geeriyooday lama siinayo, sababtoo ah waa mid kamida dadka dhaxlaya rasuulka (scw), waa hadii rasuulka la dhaxli lahaa.

Shubhada 2aad: Dhulka Faadima (Rc) way dhaxlaysay:

Muslimiinta ehlu sunnahu waxay isku waafaqsan yihiin in dhulka Fadak iyo qeybtii rasuulku uu ku lahaa Khaybar inaanu hibo ahaan usiinin cidna. Laakiin waxay sugayaan in Faadima (Rc) ay dhulkaas u rabtay dhaxal ahaan, ayadoo u malaynaysay in nabiga (scw) wixii uu ka tagay la dhaxlayo.

Waxay dhaheen Shiicadu: sideebuu Abubakar u dhahayaa nabiga (scw) wixii uu ka geeriyooday lama dhaxlayo ayaduu Quraanku uu leeyahay Sulaymaan wuxuu dhaxlay Daawuud, Yaxyana wuxuu dhaxlay nabi Zakariye.

يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنْ آلِ يَعْقُوبَ ۖ وَاجْعَلْهُ رَبِّ رَضِيًّا ﴿٦﴾

“kaasoo i dhaxlaya oo dhaxlaya reer Yacquub, kana yeel rabbiyoow mid laga raali noqdo”[6]

Sidoo kale waxa Quraaku leeyahay:

وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ

“Waxa Sulaymaan dhaxlay Daawuud”[7]

Hadaba labadan aayadood ee Shiicadu daliishatay ayeynu cadynaynaa in dhaxalka ay ka warramayso yahay dhaxalkii xoolaha lakala dhaxli jiray iyo inuu yahay dhaxalkii nabinimada.

Aayada 1aad: (يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنْ آلِ يَعْقُوبَ)

 

Ugu horeyn waxaan is waydiinaynaa Ilaahay ducadii maka aqbalay nabi Zakariye? Jawaabtu waa Haa. Oo Ilaahaybaa Quraankiisa inoogu sheegay:

فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَوَهَبْنَا لَهُ يَحْيَىٰ وَأَصْلَحْنَا لَهُ زَوْجَهُ ۚ

“Waan ka ajiibnay (ducadii nabi Zakariye) waxaanan u hibaynay Yaxye, waxaanan u hagaajinay haweenaydiisii..”[8]

Dabcan Rabbi wuu ka ajiibay oo wuxuu u hibeeyey nabi Zakariye (scw) nabi Yaxye (scw) oo ahaa adoon wanaagsan oo nabiya, sida Ilaahayba Quraankiisa ku sheegay:

فَنَادَتْهُ الْمَلَائِكَةُ وَهُوَ قَائِمٌ يُصَلِّي فِي الْمِحْرَابِ أَنَّ اللَّـهَ يُبَشِّرُكَ بِيَحْيَىٰ مُصَدِّقًا بِكَلِمَةٍ مِّنَ اللَّـهِ وَسَيِّدًا وَحَصُورًا وَنَبِيًّا مِّنَ الصَّالِحِينَ ﴿٣٩﴾

“Waxa u dhawaaqay malaa’igti isagoo taagan oo ku tukanaya mixraabka (waxaana la yidhi) Ilaahay ayaa kuugu bishaaraynaya Yaxye oo rumaynaya kalimada Ilaahay (nabi Ciise) oo sayidna ah oo dhawrsoon oo ahna nabi kamida kuwa wanaagsan”

Hadaba nabi Zakariye (cs) ducadiisii ahayd (Ilaahaow isii wiil i dhaxla oo dhaxla reer Yacquub) waa laga aqbalay, waxaana la siiyey nabi Yaxye (csw). Waxa is waydiin mudan, muxuu nabi Yaxye dhaxlay? Ma xoolo ayuu ka dhaxlay aabihii mise nabinimo?

Kow: nabi Yaxye (scw) isagaa kahor dhintay aabihii, manuu ka dhaxlin wax xoolo ah, maxaa yeelay marka aabahaa geeriyoodo ayaad dhaxlaysaa, laakiin hadaad aabahaa kahor dhimato ma dhaxli kartid.

Laba: nabi Zakariye (scw) wuxuu ahaa nin faqiira oo shaqadiisu ay ahayd nijaarnimo, oo cuni jiray wixii gacantiisu shaqayso, maxaa laga dhaxlayaa?

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ كَانَ زَكَرِيَّاءُ نَجَّارًا

Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: “Zakariye wuxuu ahaa nijaar”[9]

Hadii nabi Zakariye nijaar yahay, muxuu aabihii ka dhaxlayaa Yaxye? Ma faarad iyo masaamiir!

Sadex: miyey ku haboontahay in nabi kamida nabiyada Ilaahay inuu Rabbigiis waydiisto wiil isaga dhaxla xoolihiisa, si dadka kale ee qaraabadiisu aanay u dhaxlin! Suurta gal ma tahay arrintaasi?

Afar: nabi Zakariye (scw) wuxuu yidhi: kaasoo i dhaxlay oo dhaxlaya reer Yacquub. Sidee ayuu u dhaxlayaa nabi Yaxye (scw) nabi Yacquub, ayadoo ay u dhexeeyeen jiilal aad ubadan iyo nabiyo badan, sida nabi Yuusuf, Muuse, Haaruun, Yuushac, Yuunas, Ayuub, Daawuud, Sulaymaan, Shamweel iyo quruumo badan oo kale.

Ma wuxuu dhahaa: nabi Yacquub dhaxalkiisii ayaan rabaa, subxaanaAllah. Hadii taasi ay banaantahay, aniga oo ah Sh Abdulaziz Oogle waxaan dalbanayaa dhaxalkii aabahay nabi Aadam iyo dhaxalkii aabahay nabi Nuux! Suurtagal matahay?

Sida saxda ah ee suurtagasha ah waxa weeye, in nabi Yaxye (scw) uu ka dhaxlay aabihii nabinimada, waana arrintii ay reer Yacquub la gaarka ahaayeen.

Aayada 2aad: (وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ)

Waxay shiicadu ina tidhi: nabi Sulaymaan isaguba wuxuu dhaxlay aabihii Daawuud (scw). Waxaan leenahay:

Nabi Daawuud wuxuu lahaa dumar aad ubadan iyo adoomo fara badan sidoo kale caruur badan ayuu dhalay. Dadkaas oo dhan waa qaraabadiisii, hadii la dhaxlayo nabi Daawuud (scw) waxa dhaxalka xaq uleh, haweenkiisa, ubadkiisa iyo aabihii iyo hooyadii hadii ay noolyihiin.

Maxaa loo gaaryeelay Sulaymaan kalidiis? Dabcan waxay cadaynaysaa in nabi Sulaymaan aabihii ka dhaxlay nabinimada, oo aanay ahayn xoolo. Waxaadna ku garanaysaa aayad markaad akhrinteeda sii dhamaadkeeda:

وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ ۖ وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيْءٍ ۖ إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ الْفَضْلُ الْمُبِينُ ﴿١٦﴾

“Sulaymaan wuxuu dhaxlay Daawuud, wuxuuna yidhi Dadoow waxa nala baray codka shinbiraha waxaana nala siiyey wax kasta, kaasina waa fadli (deeq) cad”[10]

Waxa isla aayadu inoo cadaynaysaa mucjisooyinkii nabi Sulaymaan oo ay kamid ahayd inuu fahmayo codka shinbiraha. Sidaas awgeed, wixii nabi Sulaymaan (scw) uu ka dhaxlay aabihii Daawuud (scw) waa dhaxalkii nabinimada.

Haduu dhaxalku yahay dhaxalka xoolaha, laguma sheegi lahayn Quraanka, sababtoo ah dadku way wada garanayaan in ubadku ay waalidkood dhaxlaan.

 

Kasoo qaad in dhaxalka nabiga (scw) la qaybinayo!

Sida shiicada raafidadu ay sheegteen, Abubakar ayaa u diiday Faadima (Rc) dhaxalkii aabaheed ee ay xaqa ulahayd. Si aan uga jawaabno hadalkaas una cadayno beentooda, waxaynu is waydiinaynaa Faadima (Rc) ma kaligeed ayaa aabaheed dhaxlaysa?

Nabigu (scw) wuxuu ka geeriyooday 9 haweena, adeerkii iyo Faadima Ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodbee.

Hadii dhaxalka loo qaybinayo sideebay ukala helayaan. Kasoo qaad in dhulka nabigu (scw) ka geeriyooday qiimihiisu yahay sideetan kun oo dollar (80000).

Haweenka nabigu waxay helayaan sideed meelood hal meel (Thumun), sida Ilaahay quraanka ku sheegay:

فَإِنْ كَانَ لَكُمْ وَلَدٌ فَلَهُنَّ الثُّمُنُ مِمَّا تَرَكْتُمْ

“Hadii lahaydeen caruur, waxay mudanayaan (xaaska) thumun (sideed meelood hal meel) wixii aad ka tagateen” [Nisa:12]

Markaa xaasaska nabigu waxay helayaan 10000 oo dollar, wayna kala qeybsanayaan. Mid walba waxay helaysaa 1111 oo dollar.

Faadima maadama ay nabiga (scw) ubadkiisii kaligeed ka hadhsantahay, waxay helaysaa kala badh wixii rasuulku (scw) ka geeriyooday.

وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ {النساء:11}.

“Hadii ay tahay gabadh kaliya waxay helaysaa kala badh” [Nisaa:11]

Faadima waxay helaysaa 40000 oo dollar.

Baaqiga soo hadhayna waxa qaadanaya nabiga (scw) adeerkii oo ahaa Cabaas ibnu Cabdu Mudalib.

عن ابن عباس قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ألحقوا الفرائض بأهلها فما بقي فهو لأولى رجل ذكر

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: Dhaxalka siiye ehelkiisa, wixii soo hadhayna waxa iska leh ninka ugu dhow” [Saxiix Muslim: 1615]

Baaqiga soo hadhayna wuxuu noqonayaa 30000 oo dollar, waxaana la siinayaa Cabaas ibnu Cabdulmudalib (Rc).

Hadii Abubakar (Rc) uu diiday inuu dhaxalka u qeybiyo ehelka rasuulka (scw) isagoo inantiisii Caasha (Rc) ay kamid tahay dadka wax dhaxlaya. Waxaynu fiirinaynaa hadii Cumar qeybiyey dhaxalkaas iyo inkale.

Faadima Ilaahay raali haka ahaadee, waxay geeriyootay lix bilood kadib geeridii Rasuulka (scw). Xaqii ay Faadima lahayd waxa iska yeelanaya Cali ibnu Abudaalib oo saygeeda ahaa, iyo ubadkii Faadima ay dhashay, waxayna kala helayaan:

Faadima (Rc) dhaxalkeedu wuxuu ahaa tusaalihii aan soo qaadanay Afartan kun oo dollar. Markaa waxay ukala helayaan:

Cali ibnu Abudaalib: wuxuu qaadanayaan 10000 oo dollar (waana rubuc).

Xasan iyo Xuseen: waxay helayaan 20000 oo dollar, waxayna kala helayaan mid kasta 10000 oo dollar.

Saynab iyo Umu Kalthuum: waxay helayaan 10000 oo dollar, mid kastana waxay helaysaa 5000 oo dollar.

Abubakar markuu geeriyooday, waxa uga danbeeyey Cumar ibnu Khadaab, isagana laba meelood ayuu dhaxalka kasoo galayaa. Marna inantiisa Xafsa ayaa dhaxalka qeyb ku yeelanaysa, marna xaaskiisa Umu Kalthuum bintu Cali oo ay Faadima dhashay, Ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodbee.

Cumar Ilaahay raali haka ahaadee, muu qeybinin dhaxalkii isagoo ku dhaqmaya xadiiskii nabiga ee ahaa in dhaxalka nabigu yahay sadaqo.

Cusmaan ibnu Cafaan (Rc) isaguna muu qeybinin, hadaba Cusmaan yaa uga danbeeyey khilaafada? Waa Cali ibnu Abudaalib (Rc), hadaba isagu ma qeybiyey dhaxalkii?

Sida shiicadu ay sheegato waxay dhahaan: Abubakar iyo Cumar ayaa dulmiyey Faadima. Anaguna waxaan leenahay: hadii labada Sheekh ay dulmiyeen Faadima muxuu Cali ibnu Abudaalib oo ahaa khaliifkii afaraad u qeybin waayey dhaxalkii??

Cali waxa uga danbeeyey Xasan ibnu Cali (Rc) oo noqday khaliifka shanaad. Ogsoonow, Xasan waxa dhashay Faadima. Hadii Faadima la dulmiyey muxuu wiilkeeda Xasan u qaybin waayey dhaxalkii??

Xasan waxa uga danbeeyey Mucaawiya ibnu Abisufyaan (Rc), isaguna muu qeybinin isagoo walaashii Umu Xabiiba ay dhaxalka qeyb ku yeelan lahayd!!

Yaziid isaguna muu qeybinin isagoo dhaxalka ay eedadii qeyb ku yeelanayso?

Hadiiba dadkii xaqa ulahaa dhaxalka ay qeybin waayeen dhaxalkii, waxay ku tusinaysaa in dhaxal la qeybinayo aanu jirin.

Hadii shiico wax qaadanayso, haku cibro qaadato sababta uu Cali iyo Xasan ibnu Cali u qeybin waayeen dhaxalkii.

Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi:

وإن العلماء ورثة الأنبياء وإن الأنبياء لم يورثوا دينارا ولا درهما ورثوا العلم فمن أخذه أخذ بحظ وافر

“Culumada ayaa ah kuwa dhaxla nabiyada, Nabiyadana lagama dhaxlin diinaar iyo dirham toona, ee waxa laga dhaxlay cilmi. Cidii qaadatana wuxuu qaatay dheef wayn”[11]


[1] Bukhaari: 3998 iyo Muslim: 3304

[2] الكتب » السنن الكبرى للبيهقي » كِتَابُ الْوَصَايَا » بَابُ لا ضَمَانَ عَلَى مُؤْتَمَنٍ. رقم الحديث: 11798

[3] Saxiixu Muslim: 1623, 3055

[4] Suuratu Al-israa: 26

[5] Tafsiirka Ibraahiim Al-Qummi, suuratu Al-israa, aayada 26aad

[6] [Suuratu Maryam:6]

[7] Suuratu Namli: 16

[8] Suuratu Al-anbiya: 90

[9] Saxiixu Muslim: 237

[10] Suuratu Namli: 16

[11] سنن أبي داود » كتاب العلم » باب الحث على طلب العلم: 3641