Tusmo

Radinta shubuhaatka Shiicada 1aad:

Bismillah, kadib markii aan soo bandhignay taariikhda iyo caqiidada shiicada waxa haboonaatay inaan radino shubuhaatka shiicada iyo ismoodsiinta.

Ugu horeyn Ilaahay wuxuu quraankiisa inoogu sheegay in aayadaha Quraanka qaarna ay cadcadyihiin, kuwana qaabka loo daliishanayo ay shubho ku jirto. Wuxuuna amaanay kuwa aayadaha daliilkooda shubhada ay ka gashay u celinaya kuwa cadcada inay kuwaasi hanuuneen. Kuwo kalena ay raacayaan wixii shubhada ahayd, ayagoon u celinayn aayadaha ay daliilkoodu cadcadyihiin.

هُوَ الَّذِي أَنزَلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ مِنْهُ آيَاتٌ مُّحْكَمَاتٌ هُنَّ أُمُّ الْكِتَابِ وَأُخَرُ مُتَشَابِهَاتٌ ۖ فَأَمَّا الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَابَهَ مِنْهُ ابْتِغَاءَ الْفِتْنَةِ وَابْتِغَاءَ تَأْوِيلِهِ ۗ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُ إِلَّا اللَّهُ ۗ وَالرَّاسِخُونَ فِي الْعِلْمِ يَقُولُونَ آمَنَّا بِهِ كُلٌّ مِّنْ عِندِ رَبِّنَا ۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ (7)

”Isagu (Ilaahay) wuxuu kugu soo dajiyey korkaaga kitaabkiisa (Quraanka) waxa kamida aayado cadcad oo ah asalka kitaabka iyo kuwo kale oo isu eeg, kuwa quluubtoodu leexsantahay waxay raacaan wixii isaga ekaaday ayagoo doonaya fitno iyo doonis fasir (leexsan), mana garanayo macnaheed Ilaahay mooyee, kuwa cilmiga ku raasukhayna waxay dhahayaan waan rumaynay dhamaantiis xaga rabbigayaga ayuu ka yimid, kumana waantoobaan kuwa caqliga leh mooyee”[1]

Hadaba waxa inoo cadaatay in dadka shubuhaatka raaca ay yihiin kuwa ka leexsan xaqa, oo ujeedadoodu tahay inay dadka fitneeyaan ayagoo badalaya fasirka iyo macnaha aayada quraanka iyo xadiiska nabiga (scw).

Shubhada 1aad: cadaalada ama run sheegnimada Saxaabada.

Shiicadu waxay duraan saxaabada guud ahaan, waxayna ka aaminsanyihiin inay ridoobeen nabiga (scw) geeridiisii kadib, waxay kasoo reebaan sadex saxaabi oo kaliya sida ku taala kutubtooda:

ارتد الناس بعد النبي صلى الله عليه وآله إلا ثلاثة نفر: المقداد بن الأسود، وأبو ذر الغفاري وسلمان الفارسي، ثم إن الناس عرفوا ولحقوا بعد

”Dadkii way ridoobeen nabiga (scw) kadib, marka sadex laga reebo: Miqdaad ibnu Al-aswad, Abudarr al.qafaari, iyo salmaan al-faarisi, kadibna dadkii way garteen oo raaceen”[2]

Maadaama shiicadu ay rumaysantahay in saxaabadii rasuulku ridoobeen, ma aqbalayaan diinta ay soo wariyeen. Sidaas darteed waxa lagama maarmaan ah inaan ka hadalno cadaalada iyo run sheegnimada saxaabada.

Waa kuma saxaabi luuqad ahaan iyo sharci ahaanba?

Saxaabigu luuqad ahaan waxa weeye waa cida kula rafiiqda ama kula joogta ee ku raaca. Balse qeexida sharciga ah ee culumada sunniyiintu ay ku qeexaan waxa weeye; saxaabigu waa ka la kulmay rasuulka isagoo rumaysan kuna dhintay sidaas.

Qeexidaas waxa ka baxay qof kasta oo aan la kulmin nabiga, ma noqonayo saxaabi sida Abu Muslim Al-khawlaani. Kii la kulmay ee aan rumaynina maaha saxaabi, sida Abujahal iyo Cabdilaahi ibnu Salool. Kii ridoobay ee diinta islaamka aan ku dhimanina maaha saxaabi.

Saxaabada nabiga way badanyihiin, wayna sii kala fadli badanyihiin. Caqiidada sunniyiintu waxa weeye dhamaan saxaabadu waa cadaaliyiin, xitaa hadii ay ka dhaceen danbiyo yaryar iyo kuwo waaweynba.

Sababtuna waxa weeye ma rumaysnin in saxaabadu yihiin macsuumiin aanu qaladku ka dhicin sida shiicada raafidadu ay ka rumaysantahay imaamyada. Ayagoo aan macsuumiin ahayn, ayey hadana yihiin cadaaliyiin.

Saxaabada soo warisa Sunnada nabiga (scw):

Saxaabada soo warisa sunnada nabigu (scw) waxay u qeybsamaan sadex qeybood: kuwa xadiis badan soo wariyey, kuwo xadiis yar soo wariyey iyo kuwo dhawr xadiis oo naadira soo wariyey.

Saxaabada soo warisay xadiisyo badan waa laba iyo toban saxaabi, todoba kamida waxa xadiisyadoodu ay dhaafeen kun xadiis. Todobadaas afar kamida waa muhaajiriin, sadexna waa reer Ansaareed.

  1. Ka ugu horeeya waa Abuhurayra (Rc), wuxuu soo wariyey 5374 xadiis, sida ibnu Xazmi uu kasoo xigtay musnadkii Baqiyy ibnu Mukhlid. Hase ahaatee musnadka Baqiyy ibnu Mukhlid, lama hayo, waanu lumay. Sidaas darteed kitaabka ugu wayn ee xadiisyada nabigeenu (scw) ay ku diiwaangashan yihiin ee gacanteena ku jira waa musnadka imaamu Axmed. Musnadka imaamu Axmed, waxa ku qoran in Abuhurayra soo wariyey ku dhowaad 1700 oo xadiis. Kuwaas oo isugu jira kuwo xitaa soo noqnoqnaya.
  2. Waxa kusii xiga Anas ibnu Maalik (Rc) wuxuuna soo wariyey 2200 oo xadiis.
  3. Waxa kusii xiga Cabdilaahi ibnu Cumar (Rc), wuxuuna soo wariyey 2100 xadiis.
  4. Waxa kusii xiga Caasha bintu Abubakar (Rc), waxayna soo warisay 2100 xadiis.
  5. Waxa kusii xiga Abusaciid Al-khudriyy (Rc), wuxuuna soo wariyey 1700 xadiis.
  6. Waxa kusii xiga Jaabir ibnu Cabdilaah (Rc), wuxuuna soo wariyey 1500 xadiis.
  7. Waxa kusii xiga Cabdilaahi ibnu Cabaas (Rc), wuxuuna soo wariyey 1300 xadiis.

Todobadaas saxaabi, waxay soo wariyeen guud ahaan sunnada Rasuulka (scw), waxa xadiisyadoodu noqonayaan boqolkiiba lixdan iyo shan (65%). Sidaas darteed cidii mid kamida saxaabadaas durtaa wuxuu durayaa shareecada islaamka oo dhan.

Waxa todobadaas ka danbeeya saxaabada xadiis yar soo wariyey sida: Cabdilaahi ibnu Camaru ibnu Caas (Rc), wuxuuna soo wariyey 700 oo xadiis, waxa kusii xiga Ibnu Mascuud (Rc) wuxuuna soo wariyey 700 xadis, kadibna waxa kusoo xiga Cali ibnu Abudaalib (Rc), Cumar ibnu Khadaab (Rc), Abu Muuse al-ashcari (Rc), Umu Salama (Rc).

Guud ahaan saxaabadaas aan soo xusnay waxay soo wariyeen boqolkiib 90% diinta islaamka, waana isla saxaabada soo warisay Quraanka Kariimka.

Saxaabada inta kale waa naadir ama aadbay u yartahay waxay soo wariyeen, sida Zubayr ibnu Cawaam (Rc), Dalxa ibnu Cubaydilaah (Rc), Abubakar Sidiiq (Rc), Cusmaan ibnu Cafaan (Rc), Mucaad ibnu Jabal (Rc), iyo Ubay ibnu Kacab (Rc).

Saxaabada ugu badan ee soo warisay sunnada Rasuulka (scw) waa saxaabadii nabiga la rafiiqday inabadan, sida Abuhurayra, Caasha, ibnu Cumar, ibnu Cabaas, Anas. Dabcan waxayna ahaayeen saxaabo dhalinyaro ah oo mudo dheerna noolaa geeridii rasuulka kadib (scw).

Su’aal: maxaa saxaabadii Rasuulka (scw) ee inbadan la rafiiqday nabiga sida Abubakar iyo Cumar (Rc), maxay xadiisyo badan ugasoo warin waayeen nabiga (scw)?

Jawaab: saxaabada inbadan la rafiiqay rasuulka (scw), waxay noolaayaan mudo yar kadib geeridii rasuulka (scw), sida Abubakar (Rc) wuxuu geeriyooday laba sano kadib geeridii rasuulka (scw), halka Cumar ibnu Khadaab (Rc) uu ka geeriyooday laba iyo toban sanadood kadib geeridii Rasuulka (scw).

Sidoo kale saxaabada nabigu waxay ku kala duwanaayeen xaga xirfada, tusaale khulada raashidiinku waxay ahaayeen madaxweynayaal oo inay macalimiin noqdaan way adagtahay, sababtoo ah waxay ku mashquulsanaayeen maamulka iyo maareynta dawlada islaamka.

Halka aynu arkayno saxaabada soo warisay xadiisyada badan inay yihiin saxaabadii dhalinyarada ahaa xilligii rasuulka. Abuhurayra (Rc) wuxuu geeriyooday sanadkii 59 kii hijriga, wuxuu rasuulka (scw) ka danbeeyey 48 sanadood. Kamana wariyo sunnada nabiga (scw) oo kaliya, ee waxa kale oo uu kasoo saxaabadii waaweynayd sida Abubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali Ilaahay raali haka ahaadee.

Hadaba saxaabadaas kor ku xusan dadka dura ee wax ka sheega cadaaladooda, waa kuwo raba inay buriyaan shareecada islaamka. Ujeedadoodu waa sidii ay meesha uga saari lahaayeen diinta ay soo wariyeen saxaabadaasi, waxa Imaamu Abuzuraca Al-raazi uu yidhi:

: ” إذا رأيت الرجل ينتقص أحداً من أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم، فاعلم أنه زنديق، وذلك أن الرسول صلى الله عليه وسلم عندنا حق، والقرآن حق، وما جاء به حق، وإنما أدى إلينا هذا القرآن، والسنن، أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم، وإنما يريدون أن يجرحوا شهودنا ليبطلوا الكتاب والسنة، والجرح بهم أولى، وهم زنادقة “[3]

”Hadaad aragto ninka oo duraya ama yaraysanaya mid kamida saxaabada rasuulkii Ilaahay (scw), ogsoonow inuu yahay Zindiiq (munaafiq ama ruux muujisanaya islaamnimada oo qarsanaya caqiido xun), sababtoo ah anaga agtayada (muslimiinta) rasuulku (scw) waa xaq, quraankuna waa xaq, wixii uu la yimidna waa xaq, waxaana nasoo gaadhsiiyey quraanka iyo sunnada waa saxaabadii rasuulkii Ilaahay (scw). Waxayna doonayaan inay duraan markhaatiyaashayada si ay u buriyaan kitaabka iyo sunnada, ayagaana mudan in la duro, waa munaafiqiin”

Saxaabadu way kala fadli badanyihiin:

Dabcan sida nabiyada Ilaahay oo ah bani aadamka kuwa ugu khayrka badan ayaa Ilaahay agtiisa hadana ku kala fadli badan, sida Ilaahay Quraankiis inoogu sheegay:

تِلْكَ الرُّسُلُ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ

”Kuwaas oo rususha ah waan kala fadilnay badhkoodba badhka kale…” [4]

Hadii Ilaahay (swt) kala fadilay rusushii Ilaahay, sidoo kale waxa Ilaahay kala fadilay saxaabadii nabiga (scw). Sidaa darteed, muhaajiriintu way ka fadli badanyihiin reer Ansaareed, ehelkii Badar way ka fadli badanyihiin saxaabada inta kale, ehelkii baycada ridwaan ka qeyb galay way ka fadli badanyihiin kuwii aan ka qeybgalin.

Maxaa u daliila in saxaabadu yihiin Cadaaliyiin (Run sheegayaal)?

Saxaabadu ayagoo kala fadli badan oo aan ahayn macsuumiin, ayey hadana ku sifaysan yihiin cadaalad iyo runsheegnimo. Waxaana u daliila aayado Quraana iyo xadiisyo saxiiixa oo ka sugan rasuulkii Ilaahay (scw).

Daliilka 1aad:

لَّقَدْ رَضِيَ اللَّهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَنزَلَ السَّكِينَةَ عَلَيْهِمْ وَأَثَابَهُمْ فَتْحًا قَرِيبًا (18)

“Ilaahay raali ayuu ka noqday mu’miniinta markii ay kugula heshiinayeen geedka hoostiisa wuxuuna ogaaday waxa ku jira quluubtooda wuxuuna kusoo dajiyey xasilooni korkooda wuxuuna ku abaalmariyey furasho dhow”[5]

Ilaahay (swt) wuxuu ina ogaysiinayaa inuu saxaabadii rasuulka (scw) ee geedka hoostiisa kula gashay baycada inuu raali ka yahay. Raalina Ilaahay kama noqdo, qof ku dhimanaya khaatumo wanaagsan mooyee, sababtoo ah Ilaahay wuxuu ogaa mustaqblkooda.

Saxaabada ka qeybgalay baycada ridwaan tiradoodu waa 1400 oo saxaabi, sida xadiiska Jaabir cadaynayo.[6]

Ilaahay wuxuu ogaaday wixii saxaabada qalbigooda ku jiray oo khayra iyo wanaaga, waxaadna ku garanaysaa abaalgudka loogu ballan qaaday ee ahaa inay furanayaa magaalada Makkah dhowaan.

Markaa aayadan sharafta leh waxay dhabarka ka jabisay ku kasta oo duraya saxaabada rasuulka. Kuwa dura ee wax ka sheega saxaabada nabiga (scw) waxay u qeybsamaan laba qeybood; qolo waxay dhahaan: saxaabadu waagii hore dad wanaagsan ayey ahaayeen, balse markii nabigu geeriyooday ayey ridoobeen. Qolada kalena waxay dhahaan: maya, ee markii horeba munaafiqiin ayey ahaayeen oo diintaba may soo galin.

Labada qolaba waxa u jawaabtay aayadan sharafta leh, kuwa dhahaya way ridoobeen, waxaan leenahay sideebaa Ilaahay uga raali noqanayaa qoom mustqablka ridoonaya? Ilaahay qeybka ma oga miyaa?

Kuwa kale ee dhaha: munaafiqiin ayey ahaayeen, waxaan leenahay side Ilaahay munaafiq raali uga noqday, ma Ilaahaybaa dadka been u sheegaya? Labada qoleba jawaabta ay ku jawaabaan waa gaalnimo, haday dhahaan Ilaahay ma oga mustaqbalka wuxuu dafiray cilmigii Ilaahay waanu ku gaaloobayaa, haduu dhaho Ilaahbaa been noo sheegayna, ayadana wuu ku gaaloobaya.

Waxa kale oo jira xadiis tilmaamaya in saxaabadii baycada ridwaan gashay aanay galaynin cadaabka naareed:

عَنْ جَابِرٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَا يَدْخُلُ النَّارَ أَحَدٌ مِمَّنْ بَايَعَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ

“Jaabir waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: Naarta gali mayo mid kamida kuwa baycada ku galaya geedka hoostii”[7]

Daliilka 2aad:

وَمَا لَكُمْ أَلَّا تُنفِقُوا فِي سَبِيلِ اللَّـهِ وَلِلَّـهِ مِيرَاثُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ لَا يَسْتَوِي مِنكُم مَّنْ أَنفَقَ مِن قَبْلِ الْفَتْحِ وَقَاتَلَ ۚ أُولَـٰئِكَ أَعْظَمُ دَرَجَةً مِّنَ الَّذِينَ أَنفَقُوا مِن بَعْدُ وَقَاتَلُوا ۚ وَكُلًّا وَعَدَ اللَّـهُ الْحُسْنَىٰ ۚ وَاللَّـهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ ﴿١٠﴾

“Maxaad wax ugu bixin waydeen jidka Ilaahay ayadoo Ilaahay iska leeyahay dhaxalka samooyinka iyo dhulka, ma simna xagiina mid wax la baxay kahor furashada oo dagaalamay, kuwaasaa ka darajo wayn kuwa wax la baxay kadib (furashada) ee dagaalamay, dhamaantoodna Ilaahay wuxuu ugu ballan qaaday Janno, Ilaahayna xogogaal ayuu u yahay waxaad camal falaysaan”[8]

Ilaahay wuxuu inoo cadeeyey in saxaabada nabigu kala fadli badanyihiin oo kii wax la baxay heshiiskii Xudaybiya kahor iyo ka wax la baxay heshiiskii Xudaybiya kadib inaanay simnayn. Sababtoo ah xaalada lagu jiray ayaa kala duwanayd.

Hadana dhamaantood waxa Ilaahay ugu ballan qaaday (alxusnaa) oo ah Jannada, Ilaahayna qof janno uguma ballan qaado qof uu ogyahay masiirkiisa mooyee. Alxusnaa inay jannada tahay waxa u daliila:

إِنَّ الَّذِينَ سَبَقَتْ لَهُم مِّنَّا الْحُسْنَىٰ أُولَـٰئِكَ عَنْهَا مُبْعَدُونَ ﴿١٠١﴾

”Kuwa ay u hormartay xagaayaga Jannadu kuwaas waa laga fogeynayaa (naarta)”[9]

Maadaama Ilaahay jannada ugu ballan qaaday saxaabada rasuulka (scw), waxa inoo cadaatay inay yihiin dad wanaagsan oo qalbigoodo daahir yahay. Wixii qalad ka dhacana ay ujeedadoodu tahay sidii ay u koryeeli lahaayeen diintan wayn ee islaamka.

Daliilka 3aad:

لِلْفُقَرَاءِ الْمُهَاجِرِينَ الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِن دِيَارِهِمْ وَأَمْوَالِهِمْ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ اللَّـهِ وَرِضْوَانًا وَيَنصُرُونَ اللَّـهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَـٰئِكَ هُمُ الصَّادِقُونَ ﴿٨﴾ وَالَّذِينَ تَبَوَّءُوا الدَّارَ وَالْإِيمَانَ مِن قَبْلِهِمْ يُحِبُّونَ مَنْ هَاجَرَ إِلَيْهِمْ وَلَا يَجِدُونَ فِي صُدُورِهِمْ حَاجَةً مِّمَّا أُوتُوا وَيُؤْثِرُونَ عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ ۚ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ ﴿٩﴾ وَالَّذِينَ جَاءُوا مِن بَعْدِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا اغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَانِنَا الَّذِينَ سَبَقُونَا بِالْإِيمَانِ وَلَا تَجْعَلْ فِي قُلُوبِنَا غِلًّا لِّلَّذِينَ آمَنُوا رَبَّنَا إِنَّكَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ ﴿١٠﴾

” Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa Saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo xoolahoodii ayagoo ku doonaya fadliga Ilaahay iyo raali ahaanshihiisa, waxayna u gargaarayaan Ilaahay (diintiisa) iyo Rasuulkiisa, waana kuwa runloowayaala. (8) Kuwii Madiino deganaa ee xaqa rumeeyey waxay jecel yihiin dadka u soo hijroonaya (u soo qaxaya) kamana helayaan laabtooda wax cadho ah oo ay u qabaan wixii la siiyey, waxayna Naftooda ka doorbidayaan (muhaajiriinta) inkastoo ayagana (ansaarta) ay baahi hayso, cidii naftiisa ka dhawrta bakhaylnimada waa kuwo liibanaya.(9) iyo kuwa yimid ayaga dabadooda oo dhahaya Rabbigayagow noo danbi dhaaf anaga iyo walaaladayo nooga horeeyey iimaanka, hana ka yeelin quluubtayada kuwo xaasidaya mu’miniinta , rabbigayagow adigu waxaad tahay mid tudhid badan oo naxariis badane(10)[10]

Ilaahay subxaanahu, wuxuu ka hdalayaa sadex qolo oo xaq uleh in la siiyo qaniimada (fayga), kuwaasoo kala ah muhaajiriinta, ansaarta iyo kuwa u duceeya labadooda.

Muhaajiriinta markuu Ilaahay tilmaamayey wuxuu ku sheegay inay Ilaahay dartii guryahoodii iyo xoolahoodii ugasoo baxeen ayagoo raadsanaya deeqda Ilaahay iyo raali ahaashihiisa. Ilaahay wuxuu ka warramayaa quluubta muhaajiriinta.

Reer Ansaareed Ilaahay wuxuu ku tilmaamay in ayagoo baahan ay naftooda kahor marinayaan walaaladooda soo qaxay ee Muhaajiriinta, naftoodana ay ka daahiriyeen bakhaylnimo. Dacbcan ayagana quluubtooda ayuu Ilaahay ka warramayaa.

Kuwa labadaas qolo ka danbeeyey ee xaqa u leh qaniimada waxa lagu yaqaana inay u duceeyaan oo ay sharfaan muhaajiriinta iyo ansaarta.

Waxa laga wariyey Cali ibnu Xuseen Zaynu Al-caabidiin (Rc) inay u yimaadeen niman caayaya saxaabada nabiga Abubaka iyo Cumar, markaasuu ku yidhi: idinku ma muhaajiriinbaad tihidiin? Waxay dhaheen: maya. Wuxuu ku yidhi: ma reer Ansaareed ayaad tihidiin? Waxay dhaheen: maya. Wuxuu yidhi: hadaba aniguna waxaan markhaati ka ahay inaydaan ahayn qolada sadexaad ee Ilaahay amaanay.[11]

Sidaas awgeed ruuxii nacayb, xiqdi, cadho, xaasidnimo iyo cuqdad u haya saxaabada rasuulka (scw) suurtagal maaha inuu kamid noqdo qolada sadexaad ee Ilaahay amaanay, subxaanahu.

Waxa Imaamu Maalik Ilaahay ha unaxariistee laga wariyey inuu dhahay: Qofka caaya saxaabada rasuulka, xaq umalaha in la siiyo qaniimada (fayga).

Daliilka 4aad:

كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ

“Waxaad tihiin ummad ta ugu khayrka badan ee dadka loosoo bixiyey, waxaad fartaan (dadka) wanaaga, waxaad ka reebtaan xumaanta, waxaydaan rumaysantihiin Ilaahay…”[12]

Ilaahay wuxuu lahadlayaa nabigiisa (scw) iyo saxaabadii la noolayd, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin ummad ta ugu khayrka badan, sababtana wuu raaciyey. Sidaas darted, waligeed ma imanayo cid ka khayr badan nabiga iyo saxaabadiisa.

Daliilka 5aad:

عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا تسبوا أصحابي لا تسبوا أصحابي فوالذي نفسي بيده لو أن أحدكم أنفق مثل أحد ذهبا ما أدرك مد أحدهم ولا نصيفه

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Ha caayina asxaabtayda, ha caayina asxaabtayda, kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, hadii midkiin uu bixiyo buurta Uxud oo dahab ah ma gaadhayo muga gacantooda ama badhkeedba” [Muslim: 2540 ]

Nabigii Ilaahay ayaa inaga reebay in la caayo asxaabtiisa, sababtoo ah waxay wax la baxeen xilli ay xaaladu adagtahay, mana jiro cid gaadhaysa wixii ay bixiyeen. Bal waxaad qiyaastaa ninka maanta buurta Uxud oo dahaba la baxa gaadhi mayo wixii ay saxaabadu la baxeen muga labadooda gacmood ama gacan kaliya mugeeda.

Subxaana Allah, ma mug kaliya ayey la baxeen mise wixii ay haysteenba way bixiyeen. Cusmaan ibnu Cafaan (Rc) wuxuu diyaariyey ciidankii Tabuuk, intee in la eegbuu la baxay? Cumar wuxuu bixiyey xoolihiisa kala badh, isagoo la tartamaya Abubakar, halka Abubakar (Rc) uu ka bixiyey xoolihiisii oo dhan.

Daliilka 6aad:

وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا

“Waxaan idinka yeelnay Ummad dhexdhexaada (cadaaliyiina)”[13]

Ereyga dhexdhexaad waxa fasiray rasuulkii Ilaahay (scw) markuu ka warramayey qoomkii nabi Nuux. Wuxuuna yidhi:

الْوَسَطُ الْعَدْلُ

“Dhexdhexaadka cadaalada ah”[14]

Sidaas darteed in ummada nabigeenu yihiin cadaaliyiin waxa inoo tibaaxay Rabbiga wayn (swt). Ummada nabi Muxamedna (scw) waxa ugu mudan saxaabadiisa, Ilaahay raali haka ahaadee.

Daliilka 7aad:

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِّلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (28)

”Waxaan kuusoo dirnay un dadka dhamaantood adigoo u bishaaraynaya una digaya hase ahaatee dadka badankoodu ma oga”[15]

Nabiga (scw) waxa loo diray dadka oo dhan iyo sidoo kale jinka, waana rasuulkii ugu danbeeyey. Hadaba dadka yaa gaadhsiinaya diintii ugu danbaysay, hadii rasuulkii u danbeeyey saxaabadiisu ay badaleen diintiisii.

Cidii shiicada kamida ee tidhaahda: nabi Muxamed (scw) waa nabigii ugu danbeeyey, ee hadana dhahaya saxaabada ayaa badashay diintiisii, waa inay qirtaan in loo baahanyahay rasuul kale.

Sababtoo ah umadihii hore markay badalaan kutubtooda waxa Ilaahay soo diri jiray nabi kale. Hadaba waxa musiibo ah qofka dhahaya nabi Muxamed (scw) waa rasuulkii ugu danbeeyey, ee hadana ku dhahay saxaabadiisii diinta sii gudbinaysay ayaa badashay.

Subxaana Allah, iska horyimaadku waa calaamad lagu yaqaano hadalka baadilka ah ee aan Ilaahay xagiisa ka imanin.


[1] Suuratu Al-cimraan:7

[2] الاختصاص – الشيخ المفيد – الصفحة ٦

[3] رواه الخطيب فى الكفاية ص 97، والحافظ ابن حجر فى الإصابة 1/10

[4] Suuratu Albaqarah: 253

[5] Suuratu Al-fatxi: 18

[6] Saxiixu Muslim: 1856

[7] Sunanu Tirmadi: 3860

[8] Suuratu Al-xadiid: 10

[9] Suurat al-anbiya: 101

[10] Suuratu Al-xashri: 8,9,10

[11] Tafsiirka Imaamu Qurdub ee suuratu Alxashri, aayada 10aad

[12] Suuratu Al-cimraan:110

[13] Suuratu Albaqarah: 143

[14] Saxiixu Bukhaari: 4487

[15] Suuratu Saba: 28