Tusmo

Dardaarankii nabiga (scw) ee maalintii Khamiista:

Kooxda shiicada raafidadu markay rabaan inay duraan saxaabada rasuulka (Ilaahay raali haka ahaadee) iyo markay rabaan inay daliilo u raadiyaan imaamnimada beenta ah ee ay alifteen, waxay xujo ka dhigtaan xadiis kusoo arooray saxiixa Bukhaari iyo Muslim, kaasoo ka warramaya in nabigu (scw) saxaabadiisa faray inay u keenaan kitaab (garabka xoolaaha ee wax lagu qori jiray) si uu ugu qoro dardaarankiisii.

Xadiiskaas oo ayagu u turjunsadeen in nabigu (scw) rabay in Cali ibnu Abudaalib (Rc) u magacaabo inuu isaga ka danbaynayo, balse Cumar ibnu Khadaab iyo saxaabo kale ay ka hor istaageen rasuulka (scw) inuu kitaabkaas qoro, markii ay ogaadeen arrintaas.

Dabcan waxaan cadayn doono been abuuradka shiicada raafidadu ay kaga been abuurteen saxaabada rasuulka (scw), gaar ahaan sayid Cumar ibnu Khadaab (Rc).

Marka hore waxaan soo bandhigaynaa xadiiska ay xujada ka dhigteen iyo shubuhaatka ay kasoo xigteen kadibna waan radin doonaa inshallah.

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ قَالَ لَمَّا اشْتَدَّ بِالنَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَجَعُهُ قَالَ ائْتُونِي بِكِتَابٍ أَكْتُبْ لَكُمْ كِتَابًا لَا تَضِلُّوا بَعْدَهُ قَالَ عُمَرُ إِنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ غَلَبَهُ الْوَجَعُ وَعِنْدَنَا كِتَابُ اللَّهِ حَسْبُنَا فَاخْتَلَفُوا وَكَثُرَ اللَّغَطُ قَالَ قُومُوا عَنِّي وَلَا يَنْبَغِي عِنْدِي التَّنَازُعُ فَخَرَجَ ابْنُ عَبَّاسٍ يَقُولُ إِنَّ الرَّزِيَّةَ كُلَّ الرَّزِيَّةِ مَا حَالَ بَيْنَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَبَيْنَ كِتَابِهِ.[1]

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu yidhi: ”Markii ay adkaatay xanuunkii nabiga (scw) ayuu yidhi: ii keena kitaab, aan idiin qoro kitaab aydaan lumin aniga dabaday markaasuu Cumar dhahay: Nabiga (scw) waxa ka awood batay xanuunkii, agteenana waxa yaala kitaabkii Ilaahay oo nagu filan, markaasay is khilaafeen oo buuqiina batay wuxuu yidhi: iga kaca xagayga, mana haboona in agtayda lagu murmo” Ibnu Cabbaasna wuu baxay isagoo leh: musiibada oo dhan waa wixii laga dhex galay rasuulkii Ilaahay iyo kitaabkiisii. [Bukhaari: 114]

Waxa kale oo jira riwaayado kale oo xadiisku leeyahay, kuwaasoo tilmaamay in nin kamida saxaabadu uu yidhi: nabigu miyuu hajray (isku darsamay), fahansiiya. Dabcan qofka ereygaas dhahay lama garanayo, hase ahaatee shiicadu waxay eeda dusha ka saareen Cumar ibnu Khadaan oo ay ku eedeeyeen inuu hadalkaas dhahay, bal marka hore aan akhrino xadiiska:

عَنْ سَعِيدِ بْنِ جُبَيْرٍ قَالَ قَالَ ابْنُ عَبَّاسٍ يَوْمُ الْخَمِيسِ وَمَا يَوْمُ الْخَمِيسِ ثُمَّ بَكَى حَتَّى بَلَّ دَمْعُهُ الْحَصَى فَقُلْتُ يَا ابْنَ عَبَّاسٍ وَمَا يَوْمُ الْخَمِيسِ قَالَ اشْتَدَّ بِرَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَجَعُهُ فَقَالَ ائْتُونِي أَكْتُبْ لَكُمْ كِتَابًا لَا تَضِلُّوا بَعْدِي فَتَنَازَعُوا وَمَا يَنْبَغِي عِنْدَ نَبِيٍّ تَنَازُعٌ وَقَالُوا مَا شَأْنُهُ أَهَجَرَ اسْتَفْهِمُوهُ قَالَ دَعُونِي فَالَّذِي أَنَا فِيهِ خَيْرٌ أُوصِيكُمْ بِثَلَاثٍ أَخْرِجُوا الْمُشْرِكِينَ مِنْ جَزِيرَةِ الْعَرَبِ وَأَجِيزُوا الْوَفْدَ بِنَحْوِ مَا كُنْتُ أُجِيزُهُمْ قَالَ وَسَكَتَ عَنْ الثَّالِثَةِ أَوْ قَالَهَا فَأُنْسِيتُهَا[2]

Saciid ibnu Jubayr waxa laga wariyey inuu yidhi: Ibnu Cabbaas wuxuu dhahay: ”Maalintii Khamiista, ma ogtahay maalintii Khamiista? Markaasuu ooyey illamaa oohintiisu ay qoysay qururxii, markaasaan idhi: Ibnu Cabbaasow, maalinta Khamiistu maxay ahayd? Wuxuu yidhi: Waxa ku adkaaday rasuulkii Ilaahay (scw) xanuunkii markaasuu dhahay: ii keena aan idiin qoro kitaab aydaan lumaynin aniga dabaday, kolkaasbay murmeen, umana haboona in nabi agtiisa lagu murmo, waxayna dhaheen: waa sidee arrinkiisu miyuu hajray (hadal qofka buka ku hadlo sida taaha iwm) fahansiiya. Wuxuu yidhi: idaaya, waxaan ku suganahay khayr, waxaan idiin dardaarmayaa sadex, mushrikiinta jasiirada carbeed ka saara, wafdigana siiya ku dhowaad wixii aan siin jiray, wuxuu yidhi (Saciid ibnu Jubayr): tii sadexaadna wuu ka aamusay ama wuu dhahayba oo waan halmaamay” [Muslim iyo Bukhaari]

Shubuhaatka Shiicada?

  1. Saxaabadu waxay ka cadhaysiiyeen rasuulka (scw).
  2. Cumar oo eedeeyey nabiga (scw) siduu ka aqoon badanyahay.
  3. Miyuu hajray (isku dhex darsamay)?
  4. Waxay ogaadeen ujeedada rasuulka (scw) oo ah khilaafada Cali wayna ka hor istaageen.

Radinta Shubuhaatka Shiicada:

Ugu horayn: kamay ansixin Cumar ibnu Khadaab (Rc) inuu dhahay ereyga ah (miyuu hajray) Haduu Cumar ahaa cidii hadalkaa tidhi waxa cadayn lahaa Ibnu Cabbaas (Rc), siduu u cadeeyey markuu Cumar yidhi: waxa nagu filaan kitaabka Ilaahay.

  • Qawlka saxda ah waxa weeye (أَهَجَرَ) oo ah su’aal ama waydiin.
  • Qawlka ahajara (miyuu isku darsamay) cida tidhi: waa qof sadexaad oo Cumar u jawaabay markuu dhahay: kitaabka Ilaahay ayaa nagu filan.
  • Cidii ereygaas tidhina lama garanayo. Hadii shiicadu dhahdo waxa laga yaabaa inuu Cumar yahay. Waxaan leenahay maxaa diiday inuu Cali ibnu Abudaalib uu noqdo. Maadaama Cali (Rc) isaguna uu goobtaas joogay.
  • Qawlka Cumar ee ah (waxa nagu filan kitaabka Ilaahay), wuxuu ujeedaa in diintii islaamku dhamaystirantay sida Ilaahay quraankiisa ku sheegay:

اليَومَ أَكمَلتُ لَكُم دينَكُم وَأَتمَمتُ عَلَيكُم نِعمَتي وَرَضيتُ لَكُمُ الإِسلامَ دينًا

Maanta ayaan idiin kamilay diintiinii, waxaanan idiin dhamaystiray korkiina nicmadaydii, waxaanan raalina idiinka noqday islaamka diin ahaan.[3]

Aayadan waxa la isku waafqasanyahay inay soo dagtay xajkii sagootinta. Markuu nabigu (scw) dardaarmayeyna waa maalintii khamiista ee geeridiisa kahor sadex maalmood. Markii aayadaasi soo dagtay arrin waajiba oo diinta Islaamka ka hadhsanaa may jirin, sidaasbayna ku dhamaystirantay diinta Islaamku.

  • Markuu Cumar (Rc) yidhi: rasuulkii Ilaahay wuu bukaa ee waxa nagu filan kitaabka Ilaahay, wuxuu ereygan u yidhi isagoo u jidh naxaya rasuulka Ilaahay, waana naxariis uu rasuulka (scw) u muujinayey. Taasoo macnaheedu tahay: nabiga Ilaahay (scw) wuu bukaa ee haku dhibina inuu idiin qoro kitaab ayadoo kitaabkii Ilaahay aynu haysano oo uuna nagu filanyahay.
  • Waxay dhaheen shiicadu: nabiga ayuu kahoryimid oo uu eedeeyey. Waxaan leenahay: hadii ereygan naxariista ah lagaga soo horjeestay nabiga (scw), maxaad ka odhanaysaan markii nabigu (scw) amray Cali ibnu Abudaalib (Rc) inuu tirtiro eryayga ah (rasuulkii Ilaahay) xilligii uu socday heshiiskii Xudaybiya.

Miyaanu Cali ibnu Abudaalib (Rc) diidin inuu masaxo wixii uu qoray. Hadii aad tidhaahdaan Cali ibnu Abudaalib (Rc) waxay ka ahayd naxariis iyo in Muxamed yahay Rasuulkii Ilaahay (scw), waxaan idin leenahay: Cumarna (Rc) waxay ka ahayd naxariis iyo tudhid uu utudhayey nabiga (scw).

  • Arrinta kale ee Shiicadu ku doodaan waxa weeye: nabigu wuxuu rabay inuu khilaafada ama madaxtinimada u magacaabo Cali (Rc). Jawaabtu waxay weeye: sidaad ku ogaateen? Hadii aad tidhaahdaan: waa laga hor istaagay. Waxaan idin leenahay: maxaa diiday inuu nabigu (scw) rabay inuu khilaafada u magacaabo Abubakar ama saxaabi kaleba. Marba hadii aydaan cadayn karayn, idiinma ma noqonayso wuxuu rabay sidaas iyo sidaas.
  • Arrinta kale waxay tahay, goobta doodani ka dhacday ma joogay Cali ibnu Abudaalib (Rc) mise muu joogin? Sida la isku waafaqay, Cali wuu joogay.

Haddaba markii nabigu (scw) yidhi: kitaab ii keena aan idiin qoro, muxuu Cali u kici waayey oo u keeni waayey kitaabka?

  • Ta kale waxay tahay: Cali ibnu Abudaalib (Rc) labada qole kuwee ayuu ka tirsanaa? Ma qolada nabiga (scw) u jidh naxday ee tidhi kitaabka Ilaahaybaa nagu filan mise qolada tidhi: kitaabka haloo keeno rasuulka (scw).
  • Xadiiska imaamu Axmed musnadkiisa kusoo saaray wuxuu cadaynaa in cidii lala hadlay ee rasuulku ku yidhi: kitaab ii keen inuu ahaa Cali ibnu Abudaalib.

عَنْ عَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ أَمَرَنِي النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنْ آتِيَهُ بِطَبَقٍ يَكْتُبُ فِيهِ مَا لَا تَضِلُّ أُمَّتُهُ مِنْ بَعْدِهِ قَالَ فَخَشِيتُ أَنْ تَفُوتَنِي نَفْسُهُ قَالَ قُلْتُ إِنِّي أَحْفَظُ وَأَعِي قَالَ أُوصِي بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ[4]

Cali ibnu Abudaalib ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yidhi: ”nabigu (scw) wuxuu i amray inaan u keeno kitaab uu ku qoro wax aan ummadiisu ka lumin isaga dabadii, wuxuu yidhi: waxaan ka cabsaday inuu geeriyoodo. Wuxuu yidhi: waxaan idhi: waan xifdinayaa, waanan weelaynayaa. Wuxuu yidhi: waxaan idiin dardaarmayaa salaada, zakada iyo waxa gacantiinu hanato” [musnadu Axmed: 697]

  • Ereyga nabiga (scw) ee ah (si aydaan u lumin aniga gadaashay) miyeyna cadaynayn in wixii rasuulku (scw) rabay inuu qor ay ahayd arrin waajiba. Waxaan leenahay hadii ay arrin waajiba ahaan lahayd miyuu nabigu (scw) qoray? Waa maya, ee wuxuu ku jawaabay sida xadiisku tilmaamayo iga kaca, ma haboona in agtayda lagu murmo.

Hadii shiico tidhaahdo arrin waajiba ayay ahayd oo rasuulkuna wuu ka tagay, waxaan leenahay: waxaad durteen Rasuulkii Ilaahay (scw) oo aad ku tilmaanteen in risaaladii aanu gaadhsiinin ummadiisa, Ilaahayna (swt) wuxuu si gaara u faray nabi Muxamed (scw) inuu farriintiisa gaadhsiiyo dadka:

يَا أَيُّهَا الرَّسُولُ بَلِّغْ مَا أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ۖ وَإِن لَّمْ تَفْعَلْ فَمَا بَلَّغْتَ رِسَالَتَهُ ۚ

”Rasuulow gaadhsii wixii lagaaga soo dajiyey xaga rabbigaaga, hadii aanad yeelin maad gaadhsiinin risaaladiisii (dadka)”[5]

Nabigu (scw) hadii arrinku ahaa mid waajiba wuu cadayn lahaa xitaa hadii dadka qaar ay kahor istaageen, sababtoo ah Ilaahay ayaa amray inuu risaaladiisa dadka gaadhsiiyo.

Hadiise arrinku uu ahaa mid sunne ah, waa ta aan qabno hadii aanu nahay Ehlu Sunnah.

Sababta rasuulku (scw) uga aamusayna waxay ahayd inuu ogaaday arrintaasi inay muslimiinta u cadaanayso.

Ama nabiga (scw) waa la halmaansiiyey sidii loo halmaansiiyey markuu usoo baxay inuu saxaabada u sheego habeenka Laylatu Qadriga, wuxuuna arkay laba nin oo is haysta, dabadeedna sare loo qaaday cayimida habeenka Laylatu Qadriga.

Ama waabu sheegay ee waan la qorin oo kaliya, sida ku cad xadiiska Cali ibnu Abudaalib Ilaahay raali haka ahaadee.

  • Shiicadu waxay dhahaan: Cumar iyo intii la fikirka ahayd waxay kasoo horjeesteen arigtidii nabiga (scw) ee ahayd in loo keeno kitaab.

Waxaan leenahay, hadiiba ay taasi sax tahay, miyuu nabigu canaantay Cumar ibnu Khadaab? Ma wuxuu ku yidhi: gaalbaad tahay oo amarkaygaad diiday? Iska dhaaf inuu canaantee, wuxuu rasuulku (scw) ku yidhi labadii qolaba: iga kaca, uma banaana in nabi agtiisa lagu murmee.

Taasina waxay cadaynaysaa in arrinku ahaa arrin sunne ah ama arrin la jeclaysto oo aan marnaba gaadhsiisnayn waajib.

  • Ereyga ibnu Cabbaas ee ahaa (musiibada oo dhan waa wixii laga dhex galay rasuulkii Ilaahay iyo kitaabkiisii) kaasi waa aragtidiisa oo saxaabaduna ay ku khilaafeen. Marka la isbarbar dhigo Cumar ibnu Khadaab iyo Ibnu Cabaas ilaahay raali haka ahaadee, waxa fiqiga sii yaqaana Cumar (Rc).
  • Maalinta dhacdadani ay dhacday waa Khamiistii, sadex ama afar maalmood kahor intaanu rasuulku (scw) geeriyoonin. Sida la ogyahayna, rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu geeriyooday maalintii Isniinta galinkii hore. Rasuulkuna afartaa maalmood oo uu sii noola, muxuu u qori waayey wuxuu rabay inuu qoro ama dadka ugu cadayn waayey hadii ay ahayd arrin waajiba.

Waxa Qoray: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

 

[1] صحيح البخاري » كتاب العلم » باب كتابة العلم: 114

[2] صحيح مسلم » كتاب الوصية » باب ترك الوصية لمن ليس له شيء يوصي فيه:1637

[3] Suuratu Al-maa’idah: 3

[4] مسند أحمد » مسند العشرة المبشرين بالجنة » مسند الخلفاء الراشدين » ومن مسند علي بن أبي طالب رضي الله عنه:695

[5] Suuratu Al-maa’idah: 67