Jariidada “Froendin” ee Jarmalku waxay shaaca ka qaaday inay jiraan cuntooyinka qaar hagaajiya niyadda oo farxad galiya qofka cuna maalintii oo dhan.

Jariiradu waxay sharaxaad ka bixisay in cuntooyinku la cuno ay la xidhiidhaan shucuurta iyo niyadda wanaagsan, xitaa waxa jira maadooyinka qaar saamayn toosa ku leh xaalada nafsiga ah.

Waxayna soo jeediyeen dhawr waano, kuwaasoo ah nasteexooyin guud oo hoos galaya cuntooyinka caafimaadka ufiican.

Hase ahaatee, qofka la il-daran xanuunka Depression ka (Walbahaarka), waa inuu la xiriiro dhakhtar, sababtoo ah in la badalo qaabka cuntada loo cuno kuma filna inuu daaweeyo Depression ka, ee waxa loo baahanyahay daawooyin iyo cilaaj xaga nafsiga ah.

Jariiradu waxay sheegtay in maadaada Serotonin ay qaabilsantahay in cuntooyinka qaar saamayn ku yeeshaan xaalada farxadeed ee qofka.  Marka qofku uu cuno cuntooyinka Carbohydrates ka ah, sida Rootida, Muuska iyo Musli (cunto ka kooban boorash iyo faakihooyin), waxay sare u qaadaan dhiiga, taasna waxa ka dhasha in Tryptophan (Amino acids lagama maarmaan u ah jidhka) ay gaadho maskxada, kadibna waxa soo dhibca Serotonin ka, kaasoo keenaya inuu qofku farxo.

Sidoo kale waxa jidhku u baahanyahay Omega 3 si farxad loo dareemo, kuwaasoo laga helo kalluunka iyo faakihooyinka sida Avocadada. Sidaas darteed waxa xaalada farxadeed ee qofka lagu haajin karaa quraac ka kooban; Rooti ama Kibis, Burcad, Boorash, Faakihooyin daray ah iyo Yogurt.