Bismillah:

Waxa karaahiyo ah in lagu tukado qol ay yaalaan wax kaa mashquulinaya Salaada, shakina kuma jiro in telefshanka baxaya uu kamid yahay aaladaha mashquuliya ruuxa tukanaya, sidoo kale qofku isagoo salaada ku jira ayey hees soo gali kartaa ama muuqaalo xun oo danbiya. Wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw):

 (  فَإِنَّهُ لَيْسَ يَنْبَغِي أَنْ يَكُونَ فِي الْبَيْتِ شَيْءٌ يَشْغَلُ الْمُصَلِّيَ ) روى أبو داود (2030) وصححه الألباني في ” صحيح الجامع ” برقم : (2504) .

“Ma haboona in guriga ay taalo shay kaa mashquulinaya Salaada” [Waxa soo saray Abudaawuud, waxaana saxiixiyey Albaani]

Sidoo kale Dabaraani wuxuu soo saaray xadiiskan uu nabigu ku reebay in lagu tukado dadka hadlaya gadaashooda ama dadka hurda, wuxuuna dhahay:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( نُهِيتُ أَنْ أُصَلِّيَ خَلْفَ الْمُتَحَدِّثِينَ وَالنِّيَامِ ) روى الطبراني في “الأوسط” (5246) وحسنه الألباني في “الإرواء” (2/96) .

Abu hurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “waa layga reebay inaan ku tukado kuwa sheekaynaya iyo kuwa hurda gadaashooda” [ Dabaraani “Al-awsad” waxa taxsiiniyey Albaani]

Sababta loo diiday in lagu dabo tukado dadka hadlaya iyo dadka hurdaba waxa weeye inaan lagu mashquulin hadalkooda iyo hurdadoodaba. Hadiiba la diiday in lagu dabo tukado dadka sheekaynaya bal kawaran telefashanka oo daaran oo hadlaya, waxay arrintaasi keenaysaa in ruuxii khushuucdii salaadu ka yaraato, sidaas awgeed waa karaahiyo la necbaysto in lagu tukado goobtaas tvgu ka baxayo.