Tusmo

Khumuska Shiicada:

Qeexid:

Qaniimo (الغنيمة): waxa weeyey xoolaha ay ka cararaan ama laga furto gaalada kula dagaalamaysa, waxaana loo qeybiyaa shan meelood, afar kamida shantaas waxa la siiyaa ciidamadii ka qeybgalay dagaalkaas, qeybta soo hadhay oo ah boqolkiiba labaatana waxa loo sii qeybiyaa shan qeybood oo Ilaahay quraanka ku tilmaamay.

وَاعْلَمُوا أَنَّمَا غَنِمْتُم مِّن شَيْءٍ فَأَنَّ لِلَّـهِ خُمُسَهُ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ

Ogsoonaada wixii aad qaniimaysataan in Ilaahay shan meelood meel leeyahay iyo rasuulku iyo qaraabada iyo agoonta iyo masaakiinta iyo musaafirka (socotada).[1]

Anfaal (الانفال): waxa weeye qaniimada, waxaana markii hore xukunkeeda iska lahaa rasuulka, kadibna waxa soo dagtay aayada ka warramaysa qaabka loo qaybinayo qaniimada.

يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْأَنفَالِ ۖ قُلِ الْأَنفَالُ لِلَّـهِ وَالرَّسُولِ ۖ

Waxay ku waydiinayaan qaniimada (xukunkeeda), waxaad dhahdaa qaniimada waxa iska leh (xukunkeeda) Ilaahay iyo rasuulka.[2]

Fay’i (الفيئ): waxa weeye qaniimada aan ku imanin dagaal ee lagu furto heshiis ama gaaladu ay ka cabsato haybada muslimiinta ayadoon faras iyo geel toona loo raacin, sida dhulkii reer bani Nadiir.

مَّا أَفَاءَ اللَّـهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ مِنْ أَهْلِ الْقُرَىٰ فَلِلَّـهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ كَيْ لَا يَكُونَ دُولَةً بَيْنَ الْأَغْنِيَاءِ مِنكُمْ ۚ

Wixii Ilaahay usoo celiyo rasuulkiisa (fay’i) ee uga yimaada deegankii (Yahuuda) waxa iska leh Ilaahay, rasuulka, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo socotada, si aanay unoqonin mid ku wareegta kuwiina maalqabeenka ah dhexdooda.[3]

Xoolaha muslimiintu furtaan ayadoon wax dagaal ah dhicin (Fayga) waxa loo qeybinayaa shan qeybood sida qaniimada oo kale. Aragtidaas waxa qaba imaamu Shaafic, halka culumo kale ay ka dhaheen Fayga, waxa iska leh guud ahaan dadka muslimiinta.

Maxaa ku waajiba Qaniimada?

 

Marka muslimiintu qaniimo helaan waxa ku waajiba hogaamiyaha, madaxweynaha ama amiirka ciidanka inuu ururiyo xoolihii, kadibna shan meeloo loo qaybiyo. Afar meelood oo shantaas kamida oo u dhiganta boqolkiiba sideetan 80% waxa iska leh askarta ka qeybqaadatay dagaalkaas. Ninkii lugaynayey wuxuu helayaa hal dheef, halka kii farda fuulaha ahaa ka helayo sadex dheef.

Qeybta shanaad ee soo hadhay oo u dhiganta boqolkiiba labaatan 20% waxa loo sii qaybinayaa shan qeybood oo Ilaahay uu ku xusay aayada quraanka ah.

وَاعْلَمُوا أَنَّمَا غَنِمْتُم مِّن شَيْءٍ فَأَنَّ لِلَّـهِ خُمُسَهُ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ

Ogsoonaada wixii aad qaniimaysataan in Ilaahay shan meelood meel leeyahay iyo rasuulku iyo qaraabada iyo agoonta iyo masaakiinta iyo musaafirka (socotada).[4]

1aad: waxa iska leh (Ilaahay iyo rasuulkiisa), markii uu nabigu noolaa (scw) wuu qaadan jiray qeybtiisa, wuxuuna siin jiray cidii uu doono. Ilaahay qeybta uu leeyahay iyo qeybta rasuulku leeyahay waa isku mid, sababtoo ah Ilaahay xoolo lama siiyo, ee waxa Rabbiga wayn u sugunaada koonkan oo dhan.

Sidaas darteed waxaynu ogaanay in qeybta Ilaahay ay hoos galayso qeybta rasuulka (scw). Culumo kale waxay dhaheen: nabigu (scw) qeybta Ilaahay wuxuu ku bixin jray Kacbada daryeelkeeda.

Si kastaba ha ahaatee qeybta Ilaahay iyo qeybta rasuulka waxa xukumi jiray nabiga (scw) markuu noolaa, hase ahaatee markii uu dhintay nabigu (scw) waxa qeybtii Ilaahay iyo rasuulka lagu bixinayaa danta guud, sida masaajidada, iskuulada, cusbitaalada, hubka, xabaalaha, ceelasha, wadooyinka iwm.

Sababtoo ah, Ilaahay wuu ka deeqtoonyahay in wax la siiyo, nabigana (scw) wixii uu ka geeriyoodo waa sadaqo, sidaas darteed qeybtii (Ilaahay iyo rasuulka) waxa lagu bixinayaa danta guud.

Maxaad ku ogaata in qeybta Ilaahay iyo qeybta rasuulku inay isku mid tahay?

Waxaan ku ogaanay, maadama Ilaahay dhahay xoolaha waxa loo qaybinayaa shan meelood (khumus), hadii aynu Ilaahay iyo rasuulkiisa mid kastaba qeyb xisaabino tiradu waxay noqonaysaa lix meelood, tirada lixna uma qeybsamayso labaatankii kasoo hadhay qaniimada. Sidaas darteed, tirada u quebsamaysa labaatan ee quraankuna tilmaamay waa shan, markaasbaan ogaanaynaa in qeybta Ilaahay iyo rasuulku inay isku mid yihiin.

2aad: waxa la siinayaa qaraabada rasuulka (scw), sababtoo ah Ilaahay wuxuu qaraabada rasuulka ka xarrimay inay qaataan sadaqada iyo zakadaba.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ الْحَسَنَ بْنَ عَلِيٍّ أَخَذَ تَمْرَةً مِنْ تَمْرِ الصَّدَقَةِ فجعلها في فيه فقال النبي صلى الله عليه وسلم كخ كخ ليطرحها ثم قال أما شعرت أنا لا نأكل الصدقة

Abuhurayra waxa laga wariyey (Rc) in Xasan ibnu Cali uu qaatay timid kamida timirtii sadaqada, oo uuna galiyey afkiisa markaasuu nabigu (scw) ku yidhi: kikh kikh tuur, markaasu dhahay: miyaanad ogayn inaanaan cunin sadaqada.[5]

Waxa qaraabada rasuulka laga xarrimay sadaqada ayadoo la sharfayo darteed, kadibna Ilaahay wuxuu siiyey qeyb kamida qaniimada, oo u dhiganta boqolkiiba afar 4%. Waxaana loo qeybinayaa cidii ku abtirsata reer bani Haashim iyo reer bani Mudalib, ayadoo rag iyo dumarba loogu qaybinayo si siman.

3aad: waxa la siinayaa agoonta, waana kuwa aabayaashood geeriyoodeen ayagoo yaryar.

4aad: waxa la siinayaa masaakiinta, waxaana soo hoos galaya fuqarada.

5aad: waxa la siinayaa dadka socotada ah ee jidcinkii ama sahaydii ka go’day si ay u gaadhaan magaaladii ay ku socdeen.

Halkaas waxa ku dhan qaabka ay muslimiinta sunniyiintu u qaybiyaan qaniimada dagaalka, ayadoo quraanka iyo sunnaduba ay sidaas inoo cadaynayaan.

Waa maxay qaniimadu iyo khumusku shiicada agtooda?

 

Khumuska oo ah shan meelood hal meel waxay shiicadu ku qeexeen in qof kasta oo haysta xoolo ka badan quudkiisa iyo quudka caruurtiisa in laga qaaday boqolkiiba labaatan ama khumus. Sida faa’dooyinka ganacsiga, jagooyinka, warshadaha, beeraha, guryaha la kireeyo, xujaajta tagaysa magaalada Makkah, dun iyo irbad, ha yaraato ama ha badnaato, wax kasta oo laga faa’ido waxa lagu leeyahay boqolkiiba labaatan oo ah khumus.

Dabcan qaniimada quraanku tilmaamay waa xoolaha laga furto gaalada kula dagaalamaysa, kuwaas ayaa khumus ama boqolkiiba labaatan loo qaybinayaa dadkii Ilaahay sheegay. Laakiin xoolaha dadku ay faa’idaan wax khumusa laguma laha. Oo sidee looga qaadayaa boqolkiiba labaatan ayadoo zakadii Ilaahay waajibiyey ay tahay boqolkii laba iyo badh 2.5%

Waxa inoo cadaatay in magaca khumuska lagu qadhaabsanayo oo xoolaha dadweynaha lagu cunayo xaaraan.

Wuxuu yidhi Kulayni ee qoray kitaabkooda ugu saxiixsan ee Kaafi:

في كل ما أفاد الناس من قليل أو كثير.

Wax kasta oo dadku ay faa’idaan ha yaraato ama ha badnaato.[6]

Waxkasta oo laga faa’ido boqolkiiba labaatan ayaa lagu yeelanayaa, xitaa dunta iyo irbada. Subxaana Allah, zakada Ilaahay waajibiyey ee ah tiir kamida tiirarka islaamka, waxa jira xoolo aanay zakaduba ku waajibin sida gaadhiga aad kaxaysato, guriga aad ku jirto, dharka aad gashato, geela ka yar shan halaad, adhiga ka yar afartan adhiya iwm.

Halka khumuska shiicadu aanu ka lahay nisaab (zako goyn) marka la gaadho ay zakadu waajibto, ee ayaga wax kasta waxay ku yeelanayaa boqolkiiba labaatan.

Xagee lagu bixinayaa xoolahaas xaaraanta ah?

 

Xoolahan u dhigmaya boqolkiiba labaatan waxa loo qaybinayaa lix qaybood sida shiicada raafidadu ay qabto. Lixdaas oo kala ah: Ilaahay, rasuulka, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo socotada.

Dabcan waxay laba qeybood ka dhigeen Ilaahay iyo rasuulkiisa, sababtana gadaal ayaad ka ogaanaysaa!

Lixdaas qeybood ayaa loosii qaybinaya laba qaybood

1aad: (Qeybta Ilaahay, rasuulka iyo qaraabada) waxa iska leh imaamka (12 ka imaam), maadaama imaamka laba iyo tobnaad aan Ilaahayba abuurina, waxa qaadanayaa xoolahaas wadaada matalaya imaamka 12 aad ee maqan siday ayagu sheegteen.

2aad: (Qeybta agoonta, masaakiinta iyo socotada) kuwaaso ah ubadkii ay Faadima dhashay, ee haysta diinta raafida.

Mid kamida culumadooda mucaasiriinta ah wuxuu yidhi:

وجوب دفع الخمس للفقيه زمن الغيبة (منها الخمس) فقد نسب الى المشهور وجوب إيصال جميع الخمس الى الامام (ع) حال حضوره ثمَّ هو يأخذ نصفه له و يقسم النصف الآخر منه على قدر الكفاية فإن فضل كان له و ان أعوز أتمه من نصيبه،

Waa waajib in la siiyo khumuska (boqolkiiba labaatan xoolaha dadka) faqiiha (wadaadka shiiciga) mudada imaamku maqanyahay, sida caanka ah wuxuu u nisbeeyey inay waajib tahay in la gaadhsiiyo khumuska imaamka marka uu joogo, markaana isaga ayaa qaadanaya (wadaadka) kala badhkiisa, badhka kalena wuu qaybinayaa intuu awoodo, hadii ay wax kasoo hadhaana isagaa iska leh (wadaadka shiiciga) hadii la waayana dheeftiisa ayuu dhamaystiranayaa.[7]

 

Marka hore waxay laba ka dhigeen qeybtii Ilaahay iyo qeybta rasuulka oo isku hal ahayd, sababtuna waxa weeye si ay shiicada raafidadu u helaan xoolo badan.

Ta labaad waxa is waydiin leh: sidee ayey ku yeesheen qeybta Ilaahay, qeybta rasuulka iyo qeybtii ehelka baytka? Ma Ilaahay ayey dadka ka xigaan? Ma rasuulka ayey dadka ka xigaan? Bal inay xaaraan cunayaan waxaad ku garanaysaa magaca Ilaahay, rasuulka iyo kii qaraabada ayey ku qadhaabanayaan.

Ta sadexaad qeybta ay siiyeen agoonta, masaakiinta iyo socotada ayagana waxay ku xidheen inay noqdaan ubadkii Faadima dhashay oo haysta diinta raafida, walibana waa in lacagtaas ayaga loo keenaa, si cagahooda loo hoos fadhiisto oo ay cidii ay doonaan ay wax siiyaan, kay doonaan ay u diidaan.

Dabcan boqolkiiba labaatan xoolihii dadka waxa qaatay wadaad shiiciya oo soo cimaamadaystay, oo u badheedhsan inuu xaaraan ku cuno xoolaha dadwaynaha.

Maxay shiicadu ka rumaysantahay dadka aan siinin khumuska (boqolkiiba labaatan)?

Agoonta xoolaha laga cunay!

 

Dadka aan bixinin khumuska beenta ah waxay shiicadu ka rumaysantahay inay yihiin gaalo, ku dhashay sharcid darro (zino) oo calooshoodana ka buuxiyey naar.

قلت لأبي جعفر عليه السلام: ما أيسر ما يدخل به العبد النار؟ قال: من أكل من مال اليتيم درهما، ونحن اليتيم.

Waxaan ku dhahay Abi Jacfar: maxaa ugu fudud ee naarta adoonku ku galaa? Wuxuu yidhi: ruuxa ka cuna agoonta hal dirhan, anagana weeye agoonto[8]

 

Waxay isku sheegeen shiicadu inay agoon yihiin oo dadkuna ay ka cuneen xoolahoodii! Sidee agoon u noqday isagoo nin wayn ah oo walibana ay joogaan waalidkii? Ta labaad xoolo aanad lahayn ama waalidkaagu lahayn sideebaad u tidhi waa nalaga cunay.

Sheekadii Yahuuda iyo Nasaarada:

عن أبي عبد الله (عليه السلام) إنه قال: إني لآخذ من أحدكم الدرهم وإني لمن أكثر أهل المدينة مالا، ما أريد بذلك إلا أن تطهروا.

Abicabdillahi (Cs) waxa laga wariyey inuu dhahay: anigu midkiin kama qaadayo dirham, aniguna waxaan kamid ahay magaalada Madiina kuwa ugu xoolaha badan, kaliya waxaan rabaa inaan idin daahiriyo.[9]

Ugu horeyn: shiicada oo ka been abuuranaysa Jacfar Saadiq Ilaahay ha unaxariistee ayaa waxay dhaheen: Jacfar wuxuu ahaa maalqabeen, hadana dadka lacagta ka qaadaya si loo daahiriyo.

Diinta shiicadu waa diinta kaliya ee aduunka joogta ee nin maalqabeena lasiinayo boqolkiiba labaatan faa’idada shacabka ayadoo laga qaadayo dadkii fuqarada ahaa, subxaana Allah.

Ta labaad: shiicadu waxay ku daydeen Yahuudii iyo Nasaaradii ka urusan jirtay dadka xoolo, si loogu danbi dhaafo, bal maxay is dhaamaan shiicada iyo yahuudu?

Ta sadexaad: zakada waajibka ah waxa ruuxa muslimka ah awoodaa inuu zakada siiyo qof miskiina oo ay qaraabo yihiin oo uu isagu dooranayo, halka khumuska shiicada loo gaynayo wadaadkii soo cimaamadaystay.

Ta afaraad: xoolahan ay shiicadu xaaraanta ku cunayso darteed ayey sheegteen in imaamka laba iyo tobnaad (oo aanu Ilaahay abuurin) inuu maqanyahay mudo gaadhaysa 1200 oo sanadood, subxaana Allah. Waa si dadka masaakiinta ah loo khiyaameeyo oo loo cuno xoolahooda.

Ta shanaad: shiicadu bidcadan ay la timid darteed ee ah inay dadka ka urursanayaan boqolkiiba labaatan xoolahooda ayagoo sheeganaya in la siinayo ehelka baytka, waxay horseeday in kumanaan qof oo soo islaami lahaa inay ka noqdaan islaamnimada, kadib marka arkaan dadkan xamaalanaya, waxayna u maleeyeen in nabi Muxamed (scw) dadka faray in ehelkiisa la siiyo boqolkiiba labaatan xoolaha dadwaynaha, kadibna waxay isku qanciyaan in nabi Muxamed (scw) uu reerkiisa u danaynayey.

Ta lixaad: si aan tuhunka noocaas ah u imanin, wuxuu Ilaahay ka xarrimay nabiga (scw) iyo ehelkiisaba sadaqada iyo zakadaba.

 

من أكل من مالنا شيئا فإنما يأكل في بطنه نارا وسيصلى سعيرا.

Cidii wax ka cunta xoolaheen wuxuu calooshiisa ku cunayaa naar, wuxuuna galayaa Saciira (Naarta)[10]

Cidii aan bixinin khumuska wuxuu galayaa naarta, siday sheegteen. Waxay adeegsadeen cabsi galin si dadku ay u bixiyaan xoolahan xaaraanta ah ee aanu Ilaahay usoo dajinin wax xujo ah, ee ku dhisan been abuuradka shiicada.

Layaabka Shiicada:

Nabigii Ilaahay wuxuu inoo tilmaamay in qofka wax bixiya ka khayr badanyahay ka wax la siiyo, wuxuuna yidhi:

اليد العليا خير من اليد السفلى واليد العليا المنفقة والسفلى السائلة

Gacanta sareysa ayaa ka khayr badan gacanta hoosaysa, gacanta sareysaa waa ta wax la baxaysa, ta hoosaysaana waa ta wax waydiisanaysa.[11]

Waxa caqliguna tilmaamayaa in qofka wax la baxay uu ka khayr badan yahay kan wax waydiisanaya. Laakiin ma ogtahay in shiicada agtooda kan wax waydiisanaya inuu ka khayr badan yahay ka wax bixinaya.

Markay khumuska qaadanayaan waxa fadli badan wadaadka shiiciga ah ee qaadanaya khumuska, sababtoo ah waxay dhaheen waan idinku daahirinaynaa. Ogsoonow zakada waajibka ah markuu qofka muslimka ah bixinayo way daahirisaa xoolihiisa, ayadoo ay sidaas tahay hadana ruuxii zakada bixiyey ayaa ka khayr badan kan wax waydiistay.¨

Gabogabo:

Maadaama shiicadu ay la yimaadeen bidcada khumuska, waxa ku dhex jiraan isqabqabsi iyo dood iyo inay isku laayaan xoolaha dadka lagagasoo qaaday xaaraanta. Bidcada khumuska xoolaha, shiicadu may aqoonin waagii hore ee waxa bidcadani bilaabantay qarnigii shanaad ee hijriyada.

Markaad aragto qaabka shiicadu u cunayso xoolaha dadka, waxaad xasuusanaysaa aayadii Ilaahay kaga warramayey Yahuuda iyo Nasaarada:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ كَثِيرًا مِّنَ الْأَحْبَارِ وَالرُّهْبَانِ لَيَأْكُلُونَ أَمْوَالَ النَّاسِ بِالْبَاطِلِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۗ

Kuwa Ilaahay rumeeyayow kuwo badan oo kamida Axbaarta (culumada yahuuda) iyo Ruhbaanta (culumada nasaarada) waxay ku cunaan xoolaha dadka xaaraan, waxayna hor istaagaan jidka Ilaahay, [12]

 

Kaliya waxa inala haboon inaan waydiino shiicada dhawr suaalood:

  1. Hadii wadaad adigu dadka aad ka qaado khumus (boqolkiiba labaatan) xoolahooda, horta adigu ma bixisaa khumus? Hadaad bixiso yaad siisaa?
  2. Shiicada bixinaysa boqlkiiba labaatan xoolahooda, ma bixiyaan zakada oo ah boqolkiiba laba iyo badh?
  3. Xoolahan fara badan miyaanay wadaadada shiicadu ka qaadayn kibir iyo isla wayni?
  4. Xoolaha la siinayo wadaadada maalqabeenka ah miyeyna ku dul wareegayn isla ayagii un?

[1] Suuratu Al-anfaal: 41

[2] Suuratu Al-anfaal: 1

[3] Suuratu Al-xashri: 7

[4] Suuratu Al-anfaal: 41

[5] Bukhaari: 1420 iyo Muslim: 1069

[6]الكافي – الكليني – ج ١ – الصفحة ٥٤٥

[7] النور الساطع في الفقه النافع المؤلف : كاشف الغطاء، الشيخ علي الجزء : 1 صفحة : 439

[8] وسائل الشيعة (آل البيت) – الحر العاملي – ج ٩ – الصفحة ٤٨٣

[9] وسائل الشيعة (آل البيت) – الحر العاملي – ج ٩ – الصفحة ٤٨٤

[10] وسائل الشيعة (الإسلامية) – الحر العاملي – ج ٦ – الصفحة ٣٧٧

[11] Saxiix Muslim: 1033

[12] Suuratu Tawbah: 34