Tusmo

Qaabka saxiixa ah ee loo wayso qaato

Hadaynu eegno dhanka waysada, waxaa jira laba qaab:

Qaabka koowaad:

Qaabkani waa qaabka waajibka ah, waana sidan:

  1. In la dhaqo wajiga si dhamaystiran hal mar, oo ay ku jirto luqluqashada iyo in biyaha sanka lagu raariciyo.
  2. In la dhaqo labada gacmood illamaa laga gaadhayo labada suxul hal mar.
  3. Madaxa oo la masaxo dhamaantiis, oo ay ku jiraana labada dhagood.
  4. In la dhaqo labada lugood oo ay ku jiraan labada canqow/kuraankurta hal mar. (Hal mar -waxa looga jeedaa in la dhaqo dhammaan xubnahaas.)
  5. In tartiib la isugu xajiyo, waana inuu wajiga dhaqaa marka hore, kadibna labada gacmood, kadibna madaxa la masaxo dabadeedna lugaha la dhaqo, sababtuna waxa weeye nabiga ayaa waysada qaabkaas isugu xajiyey.
  6. Isu dhowaan: waxaana looga jeedaa in xubnahaas lasoo sheegay loo dhaqo si isku xigta, oo aanay u dhaxaynin waqti dheer oo ay kala qalalayaan xubnahii la dhaqayey, taasina waa waajibaadka waysada ee aan ayaga awgood waysadu noqonayn mid ansaxda.

Waxaana waajibnimadaas u daliila aayadan:

( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قُمْتُمْ إِلَى الصَّلاةِ فَاغْسِلُوا وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَرَافِقِ وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى الْكَعْبَيْنِ وَإِنْ كُنْتُمْ جُنُبًا فَاطَّهَّرُوا وَإِنْ كُنْتُمْ مَرْضَى أَوْ عَلَى سَفَرٍ أَوْ جَاءَ أَحَدٌ مِنْكُمْ مِنَ الْغَائِطِ أَوْ لامَسْتُمُ النِّسَاءَ فَلَمْ تَجِدُوا مَاءً فَتَيَمَّمُوا صَعِيدًا طَيِّبًا فَامْسَحُوا بِوُجُوهِكُمْ وَأَيْدِيكُمْ مِنْهُ  مَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيَجْعَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ حَرَجٍ وَلَكِنْ يُرِيدُ لِيُطَهِّرَكُمْ وَلِيُتِمَّ نِعْمَتَهُ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ ) المائدة/6

(Kuwa (xaqa) Rumeeyow Haddaad u Kacdaan Salaadda Dhaqa Wajiyadiina, iyo Gacmihiinna illaa iyo Jiqilka (Xusulka), Masaxana Madaxiinna (Dhaqana) Lugihiina Tan iyo canqawyada, haddaad Janaabo qabtaan isdaahiriya, Haddaad Buktaan ama Safartihiin ama ka timaadaan xaajo gudasho (suuliga) ama Istaabataan haween oo ydaan helayn Biyo, ku Gagabaysta ciid/carro daahira kuna Masaxa Wajigiinna iyo Gacmihiinna, idin lama doonayo Ilaahay inuu yeelo korkiina Dhib wuxuuse dooni inuu idin Daahiriyo idina dhammeeyo Nicmadiisa korkiinna si aad u Shugridaan Darteed.)

 

Qaabka Labaad:

Waa qaab la jeclaysto, kuna soo arooray sunnada nabiga (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee), waxayna tahay sidan:

  1. Inuu qofku niyeysto inuu ka wayso qaadanayo wixii waysada jabiyey oo uu is daahirinayo, kumana dhawaaqayo niyada sababtoo ah saldhigeedu waa Qalbiga. Waana sidaas cibaadooyinka kale oo dhan.
  2. Wuxuu dhahayaa Bismillah (Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabayaa)
  3. Wuxuu dhaqayaa labadiisa gacmood (kafka) sadex jeer.
  4. Wuxuu luqluqanayaa sadex jeer (Luqluqashaduna waa inaad afka biyaha ku celceliso), wuxuuna biyaha sanka ku raaricinayaa sadex jeer (san daarsasho), wuxuuna biyihii sanka kusoo saarayaa gacantiisa bidixda, sanka oo biyaha lagu shubaana waxa weeye inaad biyaha gaadhsiiso gunta hoose ee sanka, biyaha lasoo saarayaana waa in sanka biyaha lagasoo bixiyaa.
  5. Wuxuu dhaqayaa wajigiisa sadex jeer, dhererka xuduuda wajiguna waa meesha timuhu asalkooda kasoo baxaan illaa laga gaadho gadhka ama gafuurka, ballaciisuna waa laga bilaabo dhagta midigta illaa iyo dhagta bidixda. Ninkuna waa inuu dhaqaa timaha gadhkiisa sababtoo ah wajiga ayey ka tirsanyihiin, hadii timuhu yaryihiin waxa waajiba in la maydho kor iyo hoosba, hadii ay badanyihiin oo ay awdayaan maqaarka, markaa waxa la dhaqayaa inta muuqata oo kaliya, kadibna faraha ayaa la dhexgalinayaa.
  6. Kadibna wuxuu dhaqayaa labadiisa gacmood illaa iyo laga gaadhayo suxulka (jiqilada), xuduuda gacantuna waa madaxa faraha gacmaha oo ay ku jiraan cidiyuhu ilaa laga gaadho cududa. Waxaana waajiba in la tirtiro waxyaalaha gacanta ku dhagsan intaan la maydhin gacanta kahor sida daqiiqda/burka ama dhoobada, rinji iyo wixii lamida oo diidaya in biyuhu ay gaadhaan maqaarka ama haraga.
  7. Kadibna wuxuu masaxayaa madixiisa iyo dhagihiisa hal mar kaliya oo biyo cusuba oo aan ahayn qoyaankii gacanta ku hadhsanayaa ee gacantiisa uu ku dhaqay. Qaabka loo masaxayo maduxuna waxa weeye; inuu gacanta biyuhu ay ugu jiraan uu mariyo fooda madixiisa uuna gaadhsiiyo illaa qadaadka, hadana uu dib ugusoo celiyo meeshii uu ka bilaabay, kadibna waa inuu labadiisa murdiso (farta u dhaxaysa suulka iyo farta dhexe) galiyaa daloolka dhagtiisa, waana inuu labadiisa suul uu ku masaxaa dhagta dusheeda. Gabadha timaheedu ha ahaadaan kuwo dhaadheer ama kuwo duuban, ayadu waxay ka bilaabaysaa masaxaada fooda timaheeda illaa ay ka gaadhayso meesha timuhu kasoo baxaan ee qoorteeda, waajibna maaha inay korka ka masaxdo timaheeda wixii dheeraada.
  8. Dabadeedna wuxuu dhaqayaa labadiisa lugood sadex jeer ilaa uu ka gaadho canqawga (kuraankuraha), canqawguna waa labada lafood ee kasoo taagan xaga hoose ee lugta.

Waxaana u daliila qaabkan loo wayso qaadanayo xadiiskii Xumraan oo ahaa mawlihii Cusmaan ibnu Caffaan (Ilaahay raali haka ahaadee), markuu ka dalbaday wayso, waanu wayso qaatay isagoo maydhaya gacmihiisa (kafka) sadex jeer, markaasuu luqluqday oo biyahana sanka kasoo bixiyey, kadibna wajigiisa ayuu dhaqay sadex jeer, kadibna gacantiisa midigta ayuu maydhay ilaa laga gaadhayo suxulka sadex jeer, kadibna gacantiisa bidixda ayuu maydhay sidii oo kale, markaasuu masaxay madixiisa, markaasuu dhaqay lugtiisa midiga ilaa canqawga sadex jeer, hadana wuxuu dhaqay lugtiisa bidixda sidii oo kale, markaasuu dhahay: waxaan arkay Rasuulkii Ilaahay (naxariis iyo nabadglayo korkiisa ha ahaatee) oo u wayso qaadanaya sidaan u wayso qaatay oo kale, markaasuu dhahay Rasuulku (naxariis iyo nabadglayo korkiisa ha ahaatee): ”Ruuxii u wayso qaata sida waysadaydan oo kale oo istaaga, kadibna rukuuca laba rukuucood oo aanu naftiisa aduunyo ugu sheekaynin, waxa loo dhaafaa danbigiisii hore oo dhan” [Waxa soo saaray Muslim: 332]

Shuruuda waysa qaadashadu waxa weeyey: Islaamnimo, caqli, qaangarnimo, niyada. Sidaas awgeed wayso kama ansaxayso ruux gaala ama ruux waalan, ama ilmo yar oo aan qaangaarin, ama ruux aan niyeysanin wayso qaadashada sida qofka niyadiisu tahay inuu is qaboojiyo tusaale ahaan.

Waxa kale oo lagu shardiyaa waysada in biyaha laftigoodu nadiifyihiin, maxaa yeelay biyaha nijaasta ah kuma ansaxayso waysadu, waxa kale oo loo shardiyaa sidoo kale in la tirtiro wixii diidaya in biyuhu gaadhaan maqaarka jidhka ama cidiyada, sida madoobaysada dumarku ay marsadaan cidiyaha.

Culumada badankooduna waxay qabaan in lagama maarmaan tahay in bisinka loo qabto waysada, waxayna isku khilaafeen ma waajibaa mise waa sunne, waxaana haboon in ruuxii xasuustaa uu qabsado bilowga waysada ama intuu ku gudo jiraba, mana jirto farqi u dhexeeya waysada raga iyo dumarka.