Tusmo

Qaabka loo tukado Salaada Habeenkii adigoo fadhiya.

Diinta Islaamku waxay ogoshahay in qofka muslimka ah uu ku tukan karo salaadaha sunooyinka ah isagoo fadhiya, qofkaasi ha haysto cudurdaar ama yaanu haysaninbee. Balse salaada faralka ah lama ogola in fadhiga lagu tukado waxa waajiba in la istaago.

Taagnidu waa tiir kamida tiirarka salaada faralka ah oo hadii laga tago ayadoo aanay jirin wax cudurdaar sida xanuun iwm, ma ansaxayso salaadu ama lama aqbalayo sababtoo ah waxa ka maqan tiir kamida tiirarkii ay salaadu isku taagaysay. Waxaana u daliila

حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَىٰ وَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ (238)

”Ilaaliya salaadaha iyo salaada dhexe una istaaga Ilaahay idinkoo khushuucaya”[1]

Si kastaba ha ahaatee, way banaantahay in salaadaha sunooyinka ah lagu tukado fadhiga ayadoo aanay jirin wax cudurdaara, hase ahaatee ajarka salaada waxa ka nuqsaamaya kala badh.

صَلَاةُ الرَّجُلِ قَاعِدًا نِصْفُ الصَّلَاةِ

”Salaada ninku ku tukado fadhigu waa kala badhka salaada”[2]

Qofka haysta cudurdaar sida inuu xanuusanyahay waxba kama nuqsaamayo ajarkiisa, sababtoo ah Ilaahay dadka kuma kallifo wax aanay awoodin.

فَاتَّقُوا اللَّـهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ

”Ilaahay ka cabsada intaad awoodaan”[3]

salaada habeenkii oo ah salaada ugu khayrka badan salaadaha sunooyinka, waxa lagu tukan karaa fadhiga, adigoo ku fadhiisan kara kursi ama salka dhulka dhigaya ama u fadhiisana qaab kasta oo aad raaxo ku dareemayso. Waxaad u tukan kartaa qaabab kala duwan oo kala ah:

  1. Inaad fadhiga ku xidhato salaada kuna dhamaysato adigoo fadhiya.
  2. Inaad istaagto kadibna marka aad daasho ama aad u baahato fadhiga oo aad fadhiisato.
  3. Inaad fadhiga ku bilowdo salaada kadibna marka aayadaha quraanka ay waxyar ka hadhsanyihiin ayaad istaagaysa waxaad dhamaystiraysaa aayadihii kuu hadhsanaa, kadibna waad rukuucaysa oo sujuudaysa kadibna fadhigii ayaad ku noqonaysaa.

عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا قَالَتْ : ( مَا رَأَيْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقْرَأُ فِي شَيْءٍ مِنْ صَلَاةِ اللَّيْلِ جَالِسًا ، حَتَّى إِذَا كَبِرَ قَرَأَ جَالِسًا ، فَإِذَا بَقِيَ عَلَيْهِ مِنْ السُّورَةِ ثَلَاثُونَ أَوْ أَرْبَعُونَ آيَةً قَامَ فَقَرَأَهُنَّ ، ثُمَّ رَكَعَ ) رواه البخاري (1148) ومسلم (731) .

Caasha waxa laga wariyay ilaahay haka raali ahaadee inay tiri: ”maan arkin nabiga (scw) oo salaada habeenkii fadhiga wax ku akhrinaya, illamaa uu waynaaday ayuu fadhiga ku akhriyay, marka ay suurada uga hadhsantahay sodon ama afartan aayadood ayuu istaagi jiray waanu akhrin jiray kadibna wuu rukuuci jiray”[4]

[1] Suuratu Al-Baqarah: 238

[2] Saxiix Muslim: 1214

[3] Suuratu Taqaabun: 16

[4] Bukhaari: 1148 iyo Muslim: 731