Qubaysku wuxuu leeyahay tiirar ama faralo iyo sunnooyin. Tiirarka qubaysku waa kuwa hadii laga tago aanu qubaysku kuu dhamaystirmayn, sunooyinkana waa kuwa ka sugnaaday nabiga (scw) hadii lala yimaadana lagu helayo ajir iyo xasanaat, hadii laga tagana aanu ubaahnayn nuu kusoo celiyo qubayska.

Tusmo

Tiirarka ama Faralka Qubaysku waa sadex:

  • Niyada, waa inaad niyeysataa qubaysaka. Niyaduna waa ta kala duwaysa qubayska iyo in biyo la isku shubo, tusaale: hadii janaabo laga qubaysanayo waa in loo niyeystaa qubayska janaabada. Niyaduna waa qalbiga, loomana baahna in afka lagaga dhawaaqo.
  • In jidhka laga tirtiro ama laga suuliyo wixii nijaaso ah, tusaale kaadi ama saxaro.
  • Biyaha in la gaadhsiiyo timaha iyo jidhka, walibana gunta hoose ee timaha ay biyuhu gaadhaan. Gabadha ka qubaysanaysa dhiiga xaydka sidaasoo kale waa inay biyaha wada gaadhsiiso timaha guntooda.

Sunooyinka Qubaysku waa shan:

  • Bisinka in la qabsado.
  • In la wayso qaato kahor qubayska.
  • Jidhka oo lagu duugo gacmaha, si loo daahiriyo.
  • In xubnaha jidhku aanay kala qalalin.
  • Dhinaca midigeed oo laga hormariyo dhinaca bidixeed.

Qubayska Sunooyinka ah:

  • Qubayska Jimcada.
  • Qubayska labada ciidood.
  • Qubayska Roob doonka.
  • Marka qorraxdu madoobaado.
  • Marka dayaxu madoobaado.
  • Marka mayd la dhaqo kadib.
  • Ruux gaala markuu soo islaamo.
  • Qof waalan markuu miyirku usoo laabto.
  • Qof suuxay ama koomo ku jira markuu kasoo kaco.
  • Qubayska marka uu xidhanayo Xajka iyo Cumrada.
  • Marka la galayo magaalada Makkah.
  • Marka la istaagayo Carafo.
  • Marka loo hooyanayo Muzdalifa.
  • Marka la tuurayo dhagax tuur.
  • Marka la dawaafayo Kacbada.
  • Marka la soconayo buurta Safa iyo Marwa.
  • Marka la booqanayo magaalada Madiina.