Tusmo

7 caado oo aad ku yarayn karto baruurta kahor intaanad seexan.

Jidhkaagu wuxuu gubaa habeenkii 300 ilaa 400 oo kalori, waa wax u dhigma tamarta aad lumiso markaad ordayso hal saac. Khubarada cilmi baadhistan samaysay waxay rumaysanyihiin in hurdada fiican ay ka qaybqaadato yaraynta miisaanka culus, sida jimicsiguba u dhimo miisaanka. Hadii aad rabto inaad ka faa’idaysato hurdadaada waa inaad raacdaa 7 caado oo aad la imanayso kahor intaanad seexan. Caadooyinkan waxay kaa caawin doonaan inaad dhinto miisaankaga balse waa hadii ay la socoto jimicsiga maalintii.

Qolka aad seexanayso waa in heer kulkiisu hooseeyo ama qabawyahay.

Khubaradu waxay ku talinayaan in habeenkii aad seexato qol heer kulkiisu yahay 18 °C digrii. Diraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday in deegaanka heer kulkiisu hooseeyo uu firfircooni galiyo unugyada maskaxda ee ka masuulka ah xaraarada jidhka, markaad seexato qol qabow ama adigoo dhar khafiifa sita, waxa jidhkaagu bilaabayaa inuu gubo tamar badan si loo ilaaliyo xaraaradiisa meel dhexaadka ah.

Cabitaanka casiirka cinabka

Casiirka cinabku wuxuu kaa caawinayaa inaad dhinto miisaankaaga maadaama ay ku jirto maado kiimika ah oo la dhaho Resveratrol, maadaadaas oo duxda cad u badalaysa duxda kaakiga ah. Habeenkii intaad hurudana jidhkaagu wuxuu isticmaalayaa duxda kaakiga ah si loo ilaaliyo heerkulkiisa.  Inaad cabto hal koob oo casiirka cinabka ah kahor intaanad seexanin waxay jidhkaaga ka saaraysaa baruurtii dheeraadka ahayd halkii badalkeeda la kaydin lahaa.

In la seexdo lana soo kaco waqti cayiman.

Diraasadaha qaar ayaa tilmaamaya in jadwalka qarriban ee hurdadu uu keeno in culayska miisaanku siyaado. Hormoonka melatonin ayaa masuul ka ah in la seexdo iyo in hurdo lagasoo kaco, waxa kale oo uu caawiya unugyada maskaxda si ay u gubaan kalooriyada.

Hadii jadwalka hurdadu kaa xumaado waxay saamayn xun ku yeelanaysaa hormoonka melatonin, kumana raaxaysanaysid hurdada, subaxiina waxaad soo kacaysaa adigoo daalan oo wahsanaya. Hadii aad rabto inaad ka fogaato dhibaatooyinkaas waa inaad waqti jadwalaysan ku seexataa kuna soo toostaa.

Ha isticmaalin aaladaha elektarooniga habeenkii.

Aaladaha elektarooniga sida talefoonada ama tiifigu waxay leeyihiin ilays raad ku keenaya hormoonkii qaabilsanaa hurdada iyo inaad si fudud u seexato sababtoo ah maskaxdu waxay u malaynaysaa in ilayskii qorraxdu soo jeedo, gaabisbaana ku imanaya imaanshaha hormoonka melatonin, taasoo keenaysa inaad subaxii soo kacdo adigoo daalan. Si aad mushkiladahan uga fogaato waa inaad damisaa nalka guriga iyo telefoonada ay kasoo baxayaan ilaysku laba saacadood kahor intaanad seexanin.

Cunto fudud oo aad cunto oo ay ka buuxda borotiin.

Dhib malaha inaad cunto cunno fudud oo ay ka buuxdo borotiin kahor intaanad seexanin, sida yoogartiga (ciir) ama hilib digaag iyo cuntooyinka lamida ee ka qaybqaadanaya koritaanka muruqyada.

Jimicsiga

Waxa la cadeeyey in jimicsiga wadnaha iyo hawo mareenku ay dawr wayn ku leeyihiin in miisaanka la yareeyo. Jimicsiga xooguna wuxuu gubaa dufanka ama baruurta kahor intaanad seexanin.

Cabitaanka shaaha cagaaran

Shaaha cagaaran ee dabiiciga ah waxay dhimaan miisaanka xilliga hurdada sidoo kale waxay ka qaybqaataan in caafimaadka jidhkaagu hagaagsanaado.


Xigasho:

Aljazeera.net