Tusmo

Qaababka loo tasbiixsado Salaada kadib:

Waxa jira afar qaab oo loo tasbiixsan karo salaada gadaasheed, kuwaasoo kusoo arooray xadiisyo ka sugan nabigeena Muxamed (scw).

Qaabka 1aad

In la tasbiixsado (SubxaanaAllah) 33 jeer, in la taxmiido (Alxamdulilaah) 33 jeer, in la takbiirto (Allahu akbar) 33 jeer; isugayn waa sagaashan iyo sagaal, waxa boqol lagag dhigayaa in la dhaho: laa ilaaha ilaa Allahu waxdahu laa shariika lahu lahul mulku walahu alxamdu wahuwa calaa kulli shay’i qadiir.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قال : ( مَنْ سَبَّحَ اللهَ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ ، وَحَمِدَ اللهَ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ ، وَكَبَّرَ اللهَ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ ، فَتْلِكَ تِسْعَةٌ وَتِسْعُونَ ، وَقَالَ تَمَامَ الْمِائَةِ : لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ غُفِرَتْ خَطَايَاهُ وَإِنْ كَانَتْ مِثْلَ زَبَدِ الْبَحْرِ(

Abuhurayra ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyay inuu kasoo wariyay rasuulka (scw) inuu yiri: qofka u tasbiixsada Ilaahay salaad kasta gadaadheed sadex iyo sodon jeer, oo ilaahayna u mahad celiya (Alxamdulilaah dhaha) sadex iyo sodon jeer, Ilaahna wayneeya (Allahu akbar dhaha) intaasi waa sagaadhan iyo sagaal, oo dhaha ta boqolaadna ” laa ilaaha ilaa Allahu waxdahu laa shariika lahu lahul mulku walahu alxamdu wahuwa calaa kulli shay’i qadiir” Ilaah xaq lagu caabudo majiro Ilaahay mooyee, waana kalidii mana laha shuraako, isaga ayay u sugnaatay mulkiga iyo mahadduba, wax walbana wuu awoodaa, waxa loo dhaafaa danbiyadiisii xataa hadii ay lamid yihiin daad xoorta oo kale”[1]

Qaabka 2aad:

Inaad tasbiixsato 33 jeer, taxmiidsato 33 jeer iyo inaad takbiirato 34 jeer:

عَنْ كَعْبِ بْنِ عُجْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( مُعَقِّبَاتٌ لَا يَخِيبُ قَائِلُهُنَّ – أَوْ فَاعِلُهُنَّ – دُبُرَ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ ، ثَلَاثٌ وَثَلَاثُونَ تَسْبِيحَةً ، وَثَلَاثٌ وَثَلَاثُونَ تَحْمِيدَةً ، وَأَرْبَعٌ وَثَلَاثُونَ تَكْبِيرَةً ) .

Kacab binu Cujrah waxa laga wariyay Ilaahay raali haka ahaadee inuu kasoo wariyay rasuulkii Ilaahay (scw) inuu yiri: “Xuska soo noqnoda ma dhaho midkiin ama ma sameeyo salasd kasta oo faral ah gadaasheed sadex iyo sodon jeer oo tasbiixa, sadex iyo sodon jeer oo taxmiida,iyo afar iyo sodon jeer oo takbiira”[2]

Qaabka sadexaad:

Waa inaad tidhaahdo tasbiix 25 jeer, taxmiid 25 jeer, takbir 25 jeer iyo tahliil (laa ilaaha ilaa Allah) 25 jeer.

فَأُتِيَ رَجُلٌ مِنَ الْأَنْصَارِ فِي مَنَامِهِ ، فَقِيلَ لَهُ : أَمَرَكُمْ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنْ تُسَبِّحُوا دُبُرَ كُلِّ صَلَاةٍ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ ، وَتَحْمَدُوا ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ ، وَتُكَبِّرُوا أَرْبَعًا وَثَلَاثِينَ ؟ قَالَ : نَعَمْ ، قَالَ : فَاجْعَلُوهَا خَمْسًا وَعِشْرِينَ ، وَاجْعَلُوا فِيهَا التَّهْلِيلَ ، فَلَمَّا أَصْبَحَ أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، فَذَكَرَ ذَلِكَ لَهُ ، فَقَالَ: ( اجْعَلُوهَا كَذَلِكَ ) ، وصححه الألباني في ” صحيح النسائي ” .

“Nin reer Ansaareeda ayaa riyo loogu yimid, waxaana lagu dhahay: rasuulkii llaahay wuxuu idin amray inaad tasbiixsataan salad kasta gadaasheed 33 jeer, taxmiidana 33 jeer takbiirtana 34 jeer, wuxuu yiri: haa. Wuxuu yiri:ka yeel labaatan iyo shan jeer, kuna dar tahliisha. Markuu waabariistay ayuu uyimid nabiga (scw) wuuna u sheegay: wuxuuna yiri: ka yeela sidaas.”[3] Waxa saxiixiyay Albaani.

Qaabka 4aad:

In la tasbiixsado 10 jeer, taxmiidsado 10 jeer iyo takbiirta oo ah 10 jeer:

عن عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رضي الله عنهما عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( خَصْلَتَانِ أَوْ خَلَّتَانِ لَا يُحَافِظُ عَلَيْهِمَا عَبْدٌ مُسْلِمٌ إِلَّا دَخَلَ الْجَنَّةَ ، هُمَا يَسِيرٌ وَمَنْ يَعْمَلُ بِهِمَا قَلِيلٌ : يُسَبِّحُ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ عَشْرًا ، وَيَحْمَدُ عَشْرًا ، وَيُكَبِّرُ عَشْرًا ، فَذَلِكَ خَمْسُونَ وَمِائَةٌ بِاللِّسَانِ ، وَأَلْفٌ وَخَمْسُ مِائَةٍ فِي الْمِيزَانِ .

Cabdilaahi binu Cumar ilaahay haka raali ahaado isaga iyo aabihiibee, waxa uu kasoo wariyay nabiga (scw) inuu yiri: “laba arrimood hadii qof Muslima uu ilaaliyo jannada ayuu galayaa, way fudud yihiin iyo kuwa ku camal falaya waa la yaryihiin: wuxuu tasbiixsanayaa salad kasta gadaasheed 10 jeer, taxmiiduna waa 10, takbiirtuna waa 10. Carrabka waxay ku noqonaysaa 150 (waa marka shanti salaadood la isu geeyo) iyo kun iyo shan bqol ayay ku noqonaysaa miisaanka (Qayaamada)”[4]

[1] Saxiix Muslim: 597

[2] Saxiix Muslim: 596

[3] Sunanu Nisaa’i: 1350

[4] Sunanu Abuudaawuud: 5065