Su’aal:

Ninku ma iska eegi karaa gabadha uu rabo inuu guursado? Waa maxay shuruudaha ku xidhan fiirsashadaas?

Jawaab:

Ninka way u banaantahay inuu iska fiiriyo gabadh uu rabo inuu guursado, si aan mar xeedho iyo fandhaal kala dhacay aanu u murugoonin. Nabiga (csw) wuxuu nimanka faray inay iska eegaan gabadha ay doonayaan inay guursadaan_:

 عَنْ الْمُغِيرَةِ بْنِ شُعْبَةَ رضي الله عنه : ” أَنَّهُ خَطَبَ امْرَأَةً ، فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( انْظُرْ إِلَيْهَا فَإِنَّهُ أَحْرَى أَنْ يُؤْدَمَ بَيْنَكُمَا )  ” روى الترمذي (1087) ، وابن ماجه (1865)

Muqiira ibnu Shucba (Rc) waxa laga wariyey inay u doonanayd gabadh, wuxuuna yidhi Rasuulkii Ilaahay (scw): “Iska fiiri ayada, maxaa yeelay way mudantahay inaad isku waartaane”

Waxa kale oo laga wariyey Rasuulka (scw):

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رضي الله عنهما قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( إِذَا خَطَبَ أَحَدُكُمْ الْمَرْأَةَ فَإِنْ اسْتَطَاعَ أَنْ يَنْظُرَ إِلَى مَا يَدْعُوهُ إِلَى نِكَاحِهَا فَلْيَفْعَلْ )

Jaabir ibnu Cabdilaahi (Rc) waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yidhi: “Hadii midkiin uu doono gabadh (inuu guursado) haduu awoodo inuu iska eego waxa guurkeeda ku qasbaya ha sameeyo (ha iska eego)”

Xadiisyadan waxay inuu cadaynayaan inay wanaagsantahay in ninku iska eego gabadha uu rabo inuu guursado, taasoo keenaysa inay mustaqbalka isku waaraan.

Tusmo

Shuruudaha eegmada gabadha ajnabiga ah:

  1. Waa inaan la isla khalwoonin (kali la isla noqonin) ee ay cid kale la joogtaa.
  2. Waa inaanay jirin shahwad. waxyaalaha kiciya dareenka shahwada ee ninka iyo gabadhaba.
  3. In ninka malihiisu u badanyahay in la aqbalayo. Haduu ogyahay in gabadha loo diidayo, uma banaana inuu eego gabadhaas.
  4. Ninku waa inuu fiiriyo meelaha inta badan muuqata sida gacmaha, wajiga, madaxa iyo cagaha. Wixii intaa dheer ma banaana in la eego.
  5. Ninku waa inuu go’aansaday inuu guursado gabadha.
  6. Gabadhu waa inaanay isasoo qurxinin ama cadar aanay iskusoo shubin.

Dabcan marka ninku eegayo gabadha uma banaana inuu ku dhaganyahay ama hareerteeda uu fadhiyo ama jidhkeeda uu taabto, ee meel durugsan oo ay suurto galayso inuu arki karo ayuu fadhiisanayaa. Sababtuna waxa weeye gabadhu wali ajnabi ayey ka tahay oo ismay guursanin.

Mana haboona in mudo dheer la fadhiyo goobtaas iyo in qosol badan iyo sheeko dheer la wadaago toona.

Wallahu Aclam.