Tusmo

Su’aal:

asc, Walal susheyda was mid sad madaxa igawareerisay anau bahanahy soda ugu xaqsan ama ugu cilmiga badan in aad uga jawabto, jazzakukah khair, waxan ahay hooyo haysata vital nin ayaan gursaday marka San joogay wadamada galbeedka ah ninkani was nin so muslimay alxamdulilah 4 ayuu muslin ahaa markan gursaday, aniga ilaah ayaan ugu so hadeyay wadamada galbeedka ah sad ayuun sunndah iyo quranka u raacsana o manhajka Salafi ama culumada islanka was weyn ayan dhageysan jiray, waxan lajulmay ninkeyga po aad Modi in u Tara qasna sufinimada xagedana u jarjeero islamkana waxbadan la aqoonin ninki sxb ahaa oo so muslimay aya Asian Sufi ahaa marka wada hadalnay waxaan Ka arkay in an  wax Ka badalo, wan gursaday waxu yay qof aad u aqlaal fican sabar badan adaab fican dhaqan ahaan, marka u gurkena cusbay wax badan ayaan kabadaly ama wa isqarinayay Maharani karo familigis aad ayeey Ola diriren marka say ogadeen in u sa I’d isku badalay iyo sida aan dinta ugu adaghay, waxu bilabay in iskool Islamic Ka shaqayo Kaas oo sufida aad ugu badneed, dagalkena aad ayuu u batay ilaah an is dhahay waxan Muslim sida sacudi gey in u isbadalo, waxba iskama badalin sidi iyo so kadaran ayuu qabiga ama cabsi you aniga iga cabsa magran karo book u heysto was Sufi English books, wuxu amisanyayhay in dhaladhada nabiga lo dabaldagi karo iyo marka aan Madina tagno Rasulka SAW in u kumaqli karo waxu isticmala tusbaxa waxu dhageysta culimada sufiyda was ween si kasta aan u lahadlay Wu Murma ama xanaq ayaay just dhamane ama sixun, si dagan ama si xanaq leh waxan go aan kugaray in anan Kala hadlin ilaah in aan katagayo mahee, alxamdulilah aniga iguma qasbo waxaan rabaan dhageysta ama aqriya ama adaa ilmahna bara, waxan tusbaxa Ka ahen kuma sameyo guriga melana matago qof dadka in u lakulma jacel mags ama social ah guriga iyo shaqada ayu u dhaxeya marka aan isku dayo nimam wanagsan labax oo lashekeyso KU dhaho waxu Yuri aniga dadka majecli in aan kaligey ahadan jecelahay, salada watukada lakin kuma ficana sida masajidka in u kutukado salat kasta aniga was in aan xasuusiyo ama subixi kiciyo ilaah aan kiciyo mahe asiga makacayo, anigana waxan aminsanhay in ninka wajib kutahy in u masjida kutukado,cabadoyinka kale kuma wanagsan ula sadaqada mahe,salad sunndah soon subah ama dinta barashadeda quranka xafidka, iskuma dayo, hada wan Wal walsanahay ilmahna yaryar aan heysto iyo mustaqbalkoda, hadi an Kala tagno ilmahayga was in aan wadan galo u cilya kaligey mana rabo tas aniga Somalia na cid wax ugu sindonta malha ama hafu aniga agolabdono,calaqdisa ama sidaila dhaqmo aniga iyo reerkeyga was wanagsanthay ilhana aad ayeey u jecelahay ihin was abo aad ufican was kataxadara rabitankoda iyo farxadoda, waxu jeclan laha in you wadanku u dhashay u noqdo balse ana kahortagan, oo ilmahayga halkan muslimaka ah iyo caqida iskama saxan school ayan u rabaan, ila tali Allah dartis maxan samrya Jazzakukah Khair

Jawaab:

Alxamdulilaah:

Sida aan ka fahmay su’aashaada, waxaad ka warwarsantahay ninkaaga oo soo islaamay Afar sano kahor, isagoo u janjeedha dariiqada Suufinimada, waxaanan hadalkaaga ka fahmay in odaygaagu yahay nin Akhlaaq wanaagsan, sabir badan jecelna caruurtiisa waa hadii aan sifiican u fahmay qoraalkaaga.

– Ugu horeyn ninkaaga kumuu dhalinin diinta Islaamka ee Ilaahay ayaa soo hanuuniyey,  wuxuuna muslim ahaa mudo gaadhaysa Afar sano oo kaliya, marka loo fiiriyo isaga xaaladiisa waa waqti aad u yar inuu ku fahmo diinta Islaamka oo dhan, sidoo kalena waxaan dareemayaa in cidii soo islaamisay ay ahayd ruux haysta dariiqada suufinimida, hadaba walaashayeey arrinkan wuxuu u baahanyahay sabir iyo dulqaad fara badan, iyo in si dabacsan wax loogu sheego odaygaaga. Ilaahayna wuxuu dhahay:

ادْعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ ۖ

“Ugu yeedh Jidka Rabigaa si xigmada iyo Wacdi fiicana..” [Al-naxli:125]

Walaashayeey, Ilaahay wuxuu ina farayaa inaan dadka ugu yaboohno uguna yeedhno qaab xikmadaysan oo wacdi iyo waanaba ku dheehantahay, inagoo adeegsanayna cadaymo iyo xujooyin iyo daliilo.

– Ta labaad: Walaashayeey marka hore ee bilowga naftaada haku mashquulinin waxyaalo yaryar, ee waa inaad kaga bilowda kuwa waaweyn ee muhiimka ah sida inuu Salaada ilaaliyo, kuna tukado masaajidka haduu awoodayo, haduu muran ka keenana waa inaad u sharraxdaa oo u bayaamisaa in nabigeena Muxamed (scw) sidaas ina faray.

عبد الله بن عمر أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال صلاة الجماعة تفضل صلاة الفذ بسبع وعشرين درجة

Cabdilaahi ibnu Cumar waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: Salaada Jamaacada ayaa ka fadilan salaada kalida ah todoba iyo labaatan darajo” [Bukhaari:619]

– Ta sadexaad: Walaashayeey, haku bilaabin hadalkaaga marka aad lahadlayso inaad caydo suufinimada, adigoo og in dariiqa suufinimadu khaldanyahay oo aanu ahayn jidkii saxiixa ahaa, hadana waa inaad dhowrtaa afkaaga, oo aad hadal dabacsan ugu yeedhaa. Ilaahayna wuxuu dhahay:

وَلَا تَسُبُّوا الَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّـهِ فَيَسُبُّوا اللَّـهَ عَدْوًا بِغَيْرِ عِلْمٍ ۗ

“Ha caayina waxay caabudayaan Ilaahay sokodii oo kolkaas ay caayaan Ilaahay colnimo iyo cilmo la’aan…”

Walaashayeey, bal kawarran hadii xitaa laynoo diiday inaan gaalada cayno Ilaahyadooda, sidaas awgeedna ma caynayno dadka aqoon darradu ka hayso Islaamka, ee waa inaynu ugu horeyn dhagaysanaaa kadibna loo sharraxa  dariiqa xaqa ah.

– Ta Afaraad: Waa inaad tustaa inaad jeceshahay Rasuulka (scw), sababtoo ah suufiyada qaar waxa ka dhaadhacsan inaynaan jeclayn nabigeena xabiibka Muxamed (scw), sidaas awgeed waa inaad dareensiisas inaad raacsantahay jidkii nabigii Ilaahay ee Muxmaed (scw). Adigoo siinaya ama u hadyadayna kutubta siirada nabiga (scw), ama dhagaysiinaya qisooyinkii nabiyada, saxaabada, taabiciinta iyo dadkii wanaagsanaa ee Islaamka meel fiican kaga jira.

– Ta Shanaad: Hadaad arrin isku qabataana waa inaad usoo celisaan Ilaahay iyo Rasuulkiisa (scw) siduu Alllaah leeyahay:

فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّـهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّـهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ

“haddaad ku Dooddaan (isku qabataan)  Arrin u Celiya Ilaahay iyo Rasuulka haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Ilaahay iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada)..” [Al-nisaa:59]

Ta Lixaad: Sida aan ka fahmay hadalkaaga, waxaa tidhi ninku malaha saxaabo oo wuxuu jecelyahay inuu kali ahaado. Dabcan arrintaasina dhibkeeda ayey leedahay, oo waxa dhici karaysa inay keento caafimaad darro iyo in shaydaanku ka faa’idaysto qofkaas kalida ah sidaa awgeed waxa haboon inuu ninkaagu yeesho asxaab fiican oo ay isu raacaan masaajidka sidoo kalena ka saacida oo ka caawisa barashada diinta Islaamka.

– Ta todobaad: Dariiqada Suufinimada waa waxyaalo nakaaro ku jirto, kuwo kufriya, iyo waxyaalo kale oo bidco ah laakiin aan gaadhsiisnayn gaalnimo. Dariiqa xaqa ah ee ay waajibka tahay in la raacaana waa dariiqadii nabi Muxmaed (scw).

Ilaahay wuxuu yidhi:

وَأَنَّ هَـٰذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ ۖ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَن سَبِيلِهِ ۚذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ ﴿١٥٣

“Kaasina waa Jidkayga toosan ee Raaca, hana Raacina wadooyinka oo idin la kala Taga (Idinka leexiyo Jidka Allah) Saasaana Allah idin faray inaad Dhawrsataan.” [Al-ancaam/153]

Sidoo kale Ilaahay wuxuu dhahay:

وَهَـٰذَا كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ مُبَارَكٌ فَاتَّبِعُوهُ وَاتَّقُوا لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ ﴿١٥٥

“Kanna (Quraanku) waa Kitaab aan soo Dejinnay oo Barkaysan, ee Raaca  Dhawrsadana in laydiin Naxariisto.[Al-ancaam/155]

Sidoo kale Ilaahay wuxuu leeyahay:

وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا ۚوَاتَّقُوا اللَّـهَ ۖ

“Wuxuu Rasuulku (Muaxmed) idin siiyo ama faro waa inaad qaadataan, wuxuu idinka reebana waa inaad joojisaan, Ilaahayna ka dhowrsada..” [Al-xashri/7]

Sidaas darteed waxa ku waajiba ruuxa ku abtirsanaya islaamka inuu raaco manhajkii Rasuulka (scw), iyo in lagu toosnaado jidkiisii iyo siiradiisii, wuxuuna Allah leeyahay:

قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللَّـهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّـهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ ۗ وَاللَّـهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ﴿٣١

“Waxaad dhahdaa (Rasuulkii Ilaahayow) haddaad tihiin kuwo jecel Allah  i raaca haydin jeclaado Rabiye hana idiin dhaafo dambigiinee, Ilaahayna waa dambi dhaafe Naxariista.” [Al-cimraan/31]

Jidka toosanin waa kii Rasuulka Ilaahay inoola yimid, waana jidka dadka loo nicmeeyey ee lagu sheegay Quraanka Kariimka ah, gaar ahaan suurada 1 aad ee Al-faatixa.

(اهْدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ * صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ)

“Nagu hanuuni jidka toosan** jidka kuwii aad korkooda u nicmaysay..” [Alfaatixa/6&7]

Dadka loo nicmeeyeyna waa nabiyada, runsheegayaasha, shuhudada iyo  saalixiinta.

Jidkaas ayaa ah ka xaqa ah, laakiin dariiqada suufiyada waxa ku dhex jira shirki, sida in la caabudo wadaadooda qaar kamid ah, ama in gargaar la waydiisto wadaadooda qaar kamid ah, iyo culumadooda qaar oo ka haajiray sunnada nabiga (scw). Tusaale ahaana waxa kamid ah erayada ay dhahaan qaar kamid ah suufiyadu: Qalbigayga ayaa ii sheekeeyey, isagoo ka warinaya Rabigay, iyo qaar diidan ama aan ictiraafsanayn sharcigii uu la yimid nabi Muxamed (scw) iwm. {Abdulaziz ibnu Baaz, Fataawa nuur al-darb,  (1/21 ،22).}


Xigasgo:

Fatwadii Abdulaziz ibnu Baaz, (fataawa nuur al-darb)

Islamqa 132603