Sanadkasta maalinta 15 aad ee bisha Oktoobar waxa loo dabaal dagaa maalinta faraxalka aduunka. Wax ka yar laba qarni kahor ayaa la ogaaday xidhiidhka ka dhexeeya faraxalka iyo caafimaadka.

Dhinaca kale mudo laga joogo afar iyo toban qarni kahor ayaa diinta Islaamku amartay in muslimiintu dhaqaan gacmahooda, kuna dadaalaan faraxalka marka la istijoodo kadib, kahor iyo kadib cuntada iyo isla marka hurdada lagasoo kaco.

Sidoo kale waxa caado u ahayd dhakhaatiirta muslimiinta inay wayso qaataan kahor intaanay qalliin samaynin si cudurradu aanay u faafin oo aanay ugu gudbin dadka kale.