Tusmo

Nabi Muxamed (scw) ma Ummi ayuu ahaa?

Dabcan jawaabta oo kooban nabi Muxamed Ummi ayuu ahaa, waxna muu qori jirin waxna muu akhrin jirin. Waxaana cadaynaya arrintaas Quraanka Ilaahay iyo sunnada rasuulka (scw):

Halkan ka daawo ama hoos ka akhriso:

Ilaahay wuxuu yiri:

الَّذِينَ يَتَّبِعُونَ الرَّسُولَ النَّبِيَّ الْأُمِّيَّ الَّذِي يَجِدُونَهُ مَكْتُوبًا عِندَهُمْ فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنجِيلِ

“Kuwa raacaya rasuulka nabiga ah ee Ummigana ah ee ay ka helayaan (sifadiisa) isagoo ku qoran Tawraad iyo Injiilka agtooda ah…”[1]

Dabcan aayadan sharafta leh waxay ku sifaysay rasuulka Ilaahay inuu yahay Ummi oo aanu waxna qorin waxna akhriyin. Arrintaasina ay kamid tahay mucjisooyinkiisa, waxaana arrintaas iyo sifooyin kaleba laga helayaa kutubta Yahuuda iyo Nasaarada.

Waxa cajiiba ereyga Alle ee ah waa laga helayaa sfadiisa Tawraad iyo Injiil, ayadoo la ogyhay in Tawraad iyo Injiilba la badalay oo la xarrifay. Ma kula tahay in Tawraad iyo Injiil oo xarrifan laga helayo sifadan?

Maadaama Ilaahay yiri: waa laga helayaa! Waa qasab inay ku jirto sifadani, mana badali karaan Yahuuda iyo Nasaaradu si kasta oo ay isugu dayaan. Bal ila akhri weedhahan soo socda ee qeexaya sifada nabi Muxamed (scw) ee kusoo aroortay Baybalka:

and the book is delivered to one who is not educated, saying, “Read this, please;” and he says, “I can’t read.” [Isaiah 29:12][2]

Kitaabka waxa la siin doonaa qof aan waxna baran, waxa lagu dhahayaa: Akhri kan, fadlan; isna wuxuu dhahayaa: ma akhrin karo”

Waa sida ku qoran Baybalka qeybta Axdiga hore ee Yahuuda iyo Kiristaankuba rumaysanyihiin, gaar ahaana kitaabka “Ishacyaah, cutubka 29aad, faqrada 12aad”

Si kastaba ha ahaatee waa kuma qof aduunka soo maray ee loo dhiibay kitaab ee lagu yiri: waan ku barayaynaaye, akhri ee yiri: anigu ma akhrin karo? Miyaanu nabi Maxamed (scw) ahayn, markuu malagu ugu yimid godkii Xiraa’ oo uuna ku dhihin: wax akhri, isaguna miyaanu dhihin: waxna ma akhriyo.

Dabcan sifada nabi Muxamed (scw) ee ah inaanu waxna akhriyin waxna qorin waxa rabbi ku cadeeyey quraanka inay ku taalo kutubta ehlu kitaabka ee xarrifan, Ilaahyna run ayuu sheegay oo sifadiisii way ku taala.

Dhanka kale aayadana Ilaahay wuxuu ku cadeeyey in rasuulkiisu Ummi yahay:

فَآمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ النَّبِيِّ الْأُمِّيِّ الَّذِي يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَكَلِمَاتِهِ وَاتَّبِعُوهُ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ (158)

“Rumeeya Ilaahay iyo rasuulkiisa nabiga ah ee Ummiga ah ee rumaysan Ilaahay iyo eraydiisa oo raaca waxaad mudantihiin inaad hanuuntaane”[3]

Waxa Quraanku sugay in rasuulku (scw) ahaa Ummi, balse isagoo kaliya kuma koobna umminimadu ee xataa qabiilkiisii lagasoo saaray waxay ahaayeen ummiyiin, oo aan waxna qorin waxna akhriyin. Ilaahay wuxuu yiri:

هُوَ الَّذِي بَعَثَ فِي الْأُمِّيِّينَ رَسُولًا مِّنْهُمْ يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِهِ وَيُزَكِّيهِمْ وَيُعَلِّمُهُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَإِن كَانُوا مِن قَبْلُ لَفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (2)

“Isagu (Alle) waa kii kasoo bixiyey ummiyiinta (carabta) rasuul ayaga kamida oo ku dul akhrinaya korkooda aayaadkiisa, oo daahirinaya oo baraya kitaabka (Quraanka) iyo xikmada (Sunnada) ayagoo markii hore ahaa kuwo ku dhex sugan baadi cad”[4]

Sidoo kale ereyga ummi waxa sii qeexaya macnihiisa aayadan sharafta leh:

وَمَا كُنتَ تَتْلُو مِن قَبْلِهِ مِن كِتَابٍ وَلَا تَخُطُّهُ بِيَمِينِكَ ۖ إِذًا لَّارْتَابَ الْمُبْطِلُونَ (48)

“Maad ahayn adigu (rasuulkii Ilaahayow) mid akhriya hadda kahor kitaab manaad ku qorin midigtaada, markaas oo ay shakiyaan (ehelka) baadilku (dadka xumaanta ku dhex sugan)”[5]

Aayadan sharafta leh waxay shaaca ka qaaday in rasuulka Ilaahay (scw) aanu waxna qori jirin, waxna akhrin jirin. Arrintaasina ay tahay mucjisadiisa oo isaga oo aan waxna qorin waxna akhriyin ayuu Ilaahay siiyey cilmi, aqoon, khibrad, xikmad iyo kartida ugu sarraysa ee Aadame ku sifaysmo.

Hadii nabigu (scw) uu yaqaanay dhigaalka ama qorniinka waxa shakiyi lahaa ehelka baadilka ayagoo xujo ka dhigan lahaa in Muxamed ahaa aqoonyahan kasoo baxay dugsiyo oo wax ka bartay dad kale, sidaas darteedna quraanka uu isagu qoray, maadaama uu ahaa nin aqoon soo bartay.

Si aan arrintaasi u dhicin iyo tuhunkaas liitaa, waxa Ilaahay quraankiisa ku cadeeyey in Muxamed yahay Ummi aan waxna qorin waxna akhriyin. Arrintaasi rasuulka waxay u tahay wax uu ku faano, iyo mid kamida waxyaalaha cadaynaya nabinimadiisa.

Ayadoo umminimada rasuulka Ilaahay ay cid walba u cadahay, haddana waxa jira dad raba inay dumiyaan diinta Islaamka. Kuwaasoo nabiga (scw) ku eedeeyey inuu wax qori jiray, waxna akhrin jiray si ay mucjisada quraanka ay meesha uga saaraan, ayna u hirgasho ficilkooda xun ee ah in Muxamed (scw) kitaabka quraanka meelo kale ka keenay oo aan ahayn mid kayimid xaga Ilaahay.

Haddaba dadkaas hadafkoodu wuu cadyahay, hase ahaatee waxa jiray dad dameeri dhaan raacday ah oo meeshii durbaan laga tumaba dul hoganaya. Dadkaasi waxay sheegtaan muslimiin, waxayna isugu jiraan laba nooc:

Qolo ayagu jaahiliina oo aan aqoon u lahayn diinta Islaamka. Kuwaas kaliya waxa ku filan in wax loo cadeeyo, loogana digo dadka baadiyeysiinaya.

Qoloda kale ayagu waa kuwo ajandayaal kale leh, kuwaasoo raba inay gabi ahaanba dumiyaan diinta Islaamka ayagoo ugusoo gabanaya shaatiyada Cilmaaniyada, Quraaniyada, Tanwiiriyiinta, Libraaliyada, Shuuciyada, Shiicinimada iwm.

Kuwaasi ayagaa ka khatar badan mustashriqiinta ayagu hadafkoodu cadyahay ee ah in la diraaseeyo Islaamka, kadibna isaga la isku dumiyo. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan radinaa shubuhaatka lagu qaldayo dadka jaahiliinta ah:

 

Shubhada: 1aad

 

Waxay dhaheen: Nabi Muxamed (scw) muu ahayn ummi, ee waxbuu qori jiray waxna wuu akhrin jiray.

Waxayna daliishadeen xadiis kusoo arooray saxiixa Bukhaari iyo Muslimba. Xadiiskaas oo ka warrmaya xilligii heshiiskii Xudaybiya markii la qorayey ayuu Cali binu Abudaalib Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu diiday inuu masaxo ereygii ahaa “Rasuulkii Ilaahay” ee reer Qureesheed ay dalbadeen in la masaxo oo lagu badalo Muxamed binu Cabdilaahi, kadibna rasuulka ayaa gacantiisa ku masaxay si heshiiskaasi u dhaco loona fuliyo amarkii Ilaahay.

Si aan uga jawaabno su’aashan waxaynu ubaahanahay inaan soo bandhigno xadiisyada dhacdadan ka warramaya iyo riwaayadahooda kala duwan ee kusoo arooray saxiixa Bukhaari iyo Muslim, Ilaahay ha unaxariistee.

Xadiiska 1aad

حدثنا عبيد الله بن موسى عن إسرائيل عن أبي إسحاق عن البراء بن عازب رضي الله عنه قال اعتمر النبي صلى الله عليه وسلم في ذي القعدة فأبى أهل مكة أن يدعوه يدخل مكة حتى قاضاهم على أن يقيم بها ثلاثة أيام فلما كتبوا الكتاب كتبوا هذا ما قاضى عليه محمد رسول الله فقالوا لا نقر بها فلو نعلم أنك رسول الله ما منعناك لكن أنت محمد بن عبد الله قال أنا رسول الله وأنا محمد بن عبد الله ثم قال لعلي امح رسول الله قال لا والله لا أمحوك أبدا فأخذ رسول الله صلى الله عليه وسلم الكتاب فكتب هذا ما قاضى عليه محمد بن عبد الله…..

Waxa noo warramay Cubaydillaah binu Muuse, wuxuu kasoo wariyey Israa’iil, wuxuu kasoo wariyey Abi Isxaaq, wuxuu kasoo wariyey Baraa binu Caazib Ilaahay raali haka ahaadee inuu yiri: ”Waxa cimraystay nabiga (scw) bishii DulQicda, reer Makkana way diideen inay u ogolaadaa inuu galo Makkah illamaayo uu kula heshiiyey inuu sadex maalmood joogo, markii ay qoreen kitaabkii waxay qoreen (waa kan heshiiskii Muxamed oo ah rasuulkii Ilaahay) waxay dhaheen (reer Qureesh): Ma qirayno (nabinimadaada) hadii aanu ognahay inaad tahay rasuulkii Ilaahay kuumaan diidneen, laakiin adigu waxaad tahay Muxamed binu Cabdilaahi. Wuxuu yiri: ”Anigaa ah rasuulkii Ilaahay, anigaana ah Muxamed binu Cabdilaahi” Markaasuu ku yiri Cali: Masax rasuulkii Ilaahay. Wuxuu yiri: maya, Ilaahbaan ku dhaartee, kuma masaxayo waligayo. Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa qaatay kitaabkii wuxuuna qoray waa kan heshiiskii Muxamed binu Cabdilaahi…[6]

Xadiiska 2aad

حَدَّثَنِي عُبَيْدُ اللَّهِ بْنُ مُوسَى عَنْ إِسْرَائِيلَ عَنْ أَبِي إِسْحَاقَ عَنْ الْبَرَاءِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ لَمَّا اعْتَمَرَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي ذِي الْقَعْدَةِ فَأَبَى أَهْلُ مَكَّةَ أَنْ يَدَعُوهُ يَدْخُلُ مَكَّةَ حَتَّى قَاضَاهُمْ عَلَى أَنْ يُقِيمَ بِهَا ثَلَاثَةَ أَيَّامٍ فَلَمَّا كَتَبُوا الْكِتَابَ كَتَبُوا هَذَا مَا قَاضَى عَلَيْهِ مُحَمَّدٌ رَسُولُ اللَّهِ قَالُوا لَا نُقِرُّ لَكَ بِهَذَا لَوْ نَعْلَمُ أَنَّكَ رَسُولُ اللَّهِ مَا مَنَعْنَاكَ شَيْئًا وَلَكِنْ أَنْتَ مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ فَقَالَ أَنَا رَسُولُ اللَّهِ وَأَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ ثُمَّ قَالَ لِعَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ امْحُ رَسُولَ اللَّهِ قَالَ عَلِيٌّ لَا وَاللَّهِ لَا أَمْحُوكَ أَبَدًا فَأَخَذَ  رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الْكِتَابَ وَلَيْسَ يُحْسِنُ يَكْتُبُ فَكَتَبَ هَذَا مَا قَاضَى عَلَيْهِ مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ

Waxa noo warramay Cubaydilaahi binu Muuse, wuxuu kasoo wariyey Israa’iil, wuxuu kasoo wariyey Baraa Ilaahay raali haka ahaadee inuu yiri: Markuu cimraystay nabigu (scw) Dulqicda, waxa diiday reera Makkah inay u ogolaadaan inuu galo Makkah illamaayo uu kula heshiiyey inuu sadex maalmood joogo, markii ay qoreen kitaabkii, waxay qoreen: (waa kan heshiiskii Muxamed oo ah rasuulkii Ilaahay) waxay dhaheen: kuuma qirsanin taas, hadii aanu ognahay inaad tahay rasuulkii Ilaahay waxba kuumaanaan diidneen, laakiin adigu waxaad tahay Muxamed binu Cabdilaahi. Wuxuu yiri: ”Anigaa ah rasuulkii Ilaahay, anigaana ah Muxamed binu Cabdilaahi” Markaasuu ku yiri Cali binu Abidaalib Ilaahay raali haka ahaadee: ”Masax rasuulka Ilaahay” wuxuu yiri Cali: Maya, Ilaahbaan ku dhaartee, ma masaxayo waligay. Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa qaaday kitaabka, mana hagaajinin wax qorida, wuxuuna qoray (kani waa heshiiskii Muxamed binu Cabdilaahi)…[7]

Xadiiska 3aad

حدثني عبيد الله بن معاذ العنبري حدثنا أبي حدثنا شعبة عن أبي إسحق قال سمعت البراء بن عازب يقول كتب علي بن أبي طالب الصلح بين النبي صلى الله عليه وسلم وبين المشركين يوم الحديبية فكتب هذا ما كاتب عليه محمد رسول الله فقالوا لا تكتب رسول الله فلو نعلم أنك رسول الله لم نقاتلك فقال النبي صلى الله عليه وسلم لعلي امحه فقال ما أنا بالذي أمحاه فمحاه النبي صلى الله عليه وسلم بيده

Waxa ii warramay Cubaydilaahi binu Mucaad Al-Canbari, waxa noo warramay aabahay, waxa noo warramay Shucba, wuxuu kasoo wariyey Abi Isxaaq inuu yiri: waxaan maqlay Baraa binu Caazib oo leh: Cali binu Abi Daalib ayaa qoray heshiiskii u dhaxeeyey nabiga (scw) iyo mushrikiintii maalntii Xudaybiya, wuxuuna qoray (waa kan heshiiskii Muxamed oo ah rasuulkii Ilaahay) markaasay dhaheen: ha qorin rasuulkii Ilaahay. Hadii aan ognahay inaad tahay rasuulkii Ilaahay, kulamaan dagaalamneen. Wuxuu nabigu (scw) ku yiri Cali: ”Masax” wuxuu yiri: Anigu ma ahi ka masaxay, waxa gacantiisa ku masaxay nabiga (scw).[8]

Xadiiska 4aad

حدثنا محمد بن بشار حدثنا غندر حدثنا شعبة عن أبي إسحاق قال سمعت البراء بن عازب رضي الله عنهما قال لما صالح رسول الله صلى الله عليه وسلم أهل الحديبية كتب علي بن أبي طالب بينهم كتابا فكتب محمد رسول الله فقال المشركون لا تكتب محمد رسول الله لو كنت رسولا لم نقاتلك فقال لعلي امحه فقال علي ما أنا بالذي أمحاه فمحاه رسول الله صلى الله عليه وسلم بيده وصالحهم

Waxa noo warramay Maxamed binu Bashaar, waxa noo warramay Gandar waxa noo warramay Shucba wuxuu kasoo wariyey Abi Isxaaq inuu yiri: waxaan maqlay Baraa binu Caazib Ilaahay raali haka ahaadee inuu yiri: markuu rasuulkii Ilaahay la heshiiyey ehelkii Xudaybiya waxa kitaab dhexdooda u qoray Cali binu Abi Daalib, wuxuuna qoray Muxamed oo ah rasuulkii Ilaahay. Waxay dhaheen Mushrikiintii: ha qorin muxamed oo ah rasuulkii Ilaahay, hadii aad tahay rasuulk kulamaan dagaalaneen, wuxuu ku yiri Cali: ”Masax” wuxuu yiri Cali: anigu ma ahi ka masaxay. Waxa gacantiisa ku masaxay rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuuna kula heshiiyey…[9]

Xadiiska 5aad

حدثنا أحمد بن عثمان بن حكيم حدثنا شريح بن مسلمة حدثنا إبراهيم بن يوسف بن أبي إسحاق قال حدثني أبي عن أبي إسحاق قال حدثني البراء رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم لما أراد أن يعتمر أرسل إلى أهل مكة يستأذنهم ليدخل مكة فاشترطوا عليه أن لا يقيم بها إلا ثلاث ليال ولا يدخلها إلا بجلبان السلاح ولا يدعو منهم أحدا قال فأخذ يكتب الشرط بينهم علي بن أبي طالب فكتب هذا ما قاضى عليه محمد رسول الله فقالوا لو علمنا أنك رسول الله لم نمنعك ولبايعناك ولكن اكتب هذا ما قاضى عليه محمد بن عبد الله فقال أنا والله محمد بن عبد الله وأنا والله رسول الله قال وكان لا يكتب قال فقال لعلي امح رسول الله فقال علي والله لا أمحاه أبدا قال فأرنيه قال فأراه إياه فمحاه النبي صلى الله عليه وسلم بيده

Waxa noo warramay Axmed binu Cusmaan binu Xakiim, waxa noo warramay Shariix binu Maslamah, waxa noo warramay Ibraahiim binu Yuusuf binu Abi Isxaaq inuu yiri: Aabahay ayaa ii warramay isagoo kasoo warinaya Abi Isxaaq inuu yiri: Baraa binu Caazib ayaa ii warramay Ilaahay raali haka ahaadee, in nabiga (scw) markuu doonay inuu cimraysto (cid) ayuu u diray rer Makkah si uu ogolaansho uga dalbado inuu galo Makkah, waxayna ku shardiyeen inaanu joogin sadex habeen mooyee, iyo inaanu la galin galka seefta mooyee iyo inaanu cidna u yeedhin. Wuxuu yiri: waxa qoray shardiga u dhaxeeya Cali binu Abi Daalib, wuxuuna qoray: waa kan heshiisii Muxamed oo ah rasuulkii Ilaahay. Waxay dhaheen: Hadii aanu ognahay inaad adigu tahay rasuulkii Ilaahay kumaaanan diidneen, baycana waan kula gali lahayn, hase ahaatee qor waa heshiiskii Muxamed binu Cabdilaahi. Wuxuu yiri: ”Anigu, Ilaahbaan ku dhaartee waxaan ahay Muxamed binu Cabdilaahi, Ilaahbaan ku dhaartee anigaana ah rasuulkii Ilaahay” (nabiguna) waxna muu qori jirin, wuxuu yiri: Cali ayuu ku yiri: masax rasuulkii Ilaahay, Calina wuxuu yiri: Alle ayaan ku dhaartee masaxi maayo waligay. Wuxuu yiri: itus, wuxuu yiri: waanu tusay isaga, markaasuu ku masaxay nabigu (scw) gacantiisa…[10]

 

Si aan usoo koobno farqiga u dhaxeeya riwaayadaha kala duwan, waxaan hoos ku qoranay meelaha ay ku kala duwanyihiin xadiisayadu.

Rasuulkii Ilaahay ayaa qaatay kitaabka wuxuuna Qoray

 

Xadiiska 1aad:

 

Mana hagaajinin wax qorida, wuxuuna qoray Xadiiska 2aad:
Waxa gacantiisa ku masaxay nabiga (scw) Xadiiska 3aad:
Waxa gacantiisa ku masaxay rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuuna kula heshiiyey Xadiiska 4aad:
itus, wuxuu yiri: waanu tusay isaga, markaasuu ku masaxay nabigu (scw) gacantiisa Xadiiska 5aad:

 

Markaynu eegnay shanta xadiisba waxa inoo soo baxaya: Nabigu (scw) isagaa Cali ibnu Abu Daalib Ilaahay raali haka ahaadee faray inuu tuso meesha ay ku qorantahay ereyga ah ”Rasuulkii Ilaahay” waanu tusay, kadibna isagaa gacantiisa ku masaxay, badalkeedana qoray ama faray cid kale inay qorto ereyga ah ”Muxamed binu Cabdilaahi”

Haddaba ereyga ah ”wuxuu qoray”  waxa macnaheeda sii cadeeyey ereyga ah mana hagaagsanayn wax qoridiisu. Taasoo cadaynaysa in xataa hadii nabigu (sccw) uu qoray in qoridiisu aanay hagaagnayn, qoraalkaas uu qorayna kama saarayso xayndaabkii ahaa Umminimo, sababtoo ah waxa badan dad qori karta magacooda balse ummiyiina oo aan wax kale qori karin, waxna aan akhrin karin.

Culumo kale waxay dhaheen: lagasoo bilaabo maalintii rasuulku (scw) dhashay ilaa uu ka geeriyooday majiro wax uu qoray. Markuu u baahdo inuu wax qorana, wuxuu amri jiray saxaabadiisa inay qoraan.

Ereyga ah ”Wuxuu qoray” ee xadiiska Bukhaari iyo Muslim kusoo aroorayna waxa loo celinayaa asalka oo ahaa in nabigu (scw) markuu u baahdo inuu wax qoro inuu saxaabadiisa u yeedhi jiray oo ayaguna ay qori jireen.

Sidaa darteed ayaa Ibnu Kathiir Ilaahay ha u naxariistee wuxuu tafsiirkiisa ku sheegay in nabigu (scw) uu faray qof kamida saxaabadiisa inuu qoro heshiiskii.

Guud ahaan markaan eegno xadiisyada, riwaayadaha soo arooray majirto xadiis si cad u qeexaya inuu rasuulku (scw) noloshiisa wax qoray. Sidaasna waxa ku cad mucjisadiisa umminimadiisa, Ilaahay nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha yeelee.


[1] Suuratu Al-acraaf: 157

[2] World English Bible, Isaiah 29:12

[3] Suuratu Al-Acraaf: 158

[4] Suuratu Al-Jumcah: 2

[5] Suuratu Al-Cankabuut: 48

[6]  صحيح البخاري / كتاب الصلح / باب كيف يكتب هذا ما صالح فلان بن فلان وفلان بن فلان وإن لم ينسبه إلى قبيلته أو نسبه/2553

[7] صحيح البخاري / كتاب المغازي / باب عمرة القضاء ذكره أنس عن النبي صلى الله عليه وسلم/ 4005

[8] صحيح مسلم / كتاب الجهاد والسير / باب صلح الحديبية في الحديبية/1783

[9]  صحيح البخاري / كتاب الصلح / باب كيف يكتب هذا ما صالح فلان بن فلان وفلان بن فلان وإن لم ينسبه إلى قبيلته أو نسبه/2551

[10] صحيح البخاري / كتاب الجزية / باب المصالحة على ثلاثة أيام أو وقت معلوم/3013