Tusmo

Caqiidada Shiicada

Shiicadu waxay tiirka ugu wayn diinta Islaamka ka dhigeen waxa loo yaqaano (imaamnimada) ama (wilaayada). Maxay kala yihiin wilaayada iyo imaamnimadu shiicada agtooda?

Waxa Shiiraazi dhahay: ”Wilaayadu waa jacaylka la jeclaado ehelka baytka iyo in lagu adeeco diinta iyo in lagu daydo amarradoodo iyo in laga dheeraado wixii ay reebeen, iyo in lagu dhaqmo akhlaaqdooda iyo dhaqankooda.

Imaamnimaduna waa madaxtinimo guud oo ka ahaatay xaga Ilaahay oo ay madax ka yihiin aduunka iyo diintaba, wuxuuna Alle ka yeelay madax nabigiisa sharafta badan kadibna ehelka rasuulkiisa sharafta badan, waxa ugu horeeya imaamka amiirkii mu’miniinta ee Cali, waxaana ugu danbeeya saaxiibka zamanka ilaahay farajkiisa hasoo dadajiyee.”[1]

Markaynu fiirino hadalka Shiiraazi wuxuu wilaayada ku tilmaamay in la jeclaado ehelka baytka nabiga Muxamed (scw). Arrintaasina waa mid muslimiinta oo dhan isku waafaqsanyihiin in la jeclaado ehelka baytka rasuulka, lana ixtiraamo oo la qadariyo. Hase ahaatee booskii Ilaahay dhigay anagu (Sunniyiinta) kama qaadayno, kamana hoosaysiinayno.

Waxaan salaad kasta ku sallinaa ehelka baytka oo dhan, maaha oo kaliya caruurtii Cali ibnu Abidaalib (Rc) uu dhalay, ee waxa soo hoos galaya xaasaskii rasuulka (scw), adeeradii, ilmo adeeradii iyo reer bani Haashim iyo reer Mudalib oo dhan.

In lagu daydo ehelka baytka waxay ku xidhantahay sida ay u waafaqaan Kitaabka Ilaahay ee Quraanka iyo sunnada rasuulka (scw), mana aha ku dayshayashaadii mid u gaara ehelka baytka nabiga ee waa mid qofkasta oo muslima oo ku dhaqma diintan wanaagsan ay kala simanyihiin, sida saxaabadii rasuulka iyo taabiciintii wanaagsanayd iyo culumada islaamka ee sharafta leh.

Cida kaliya ee ku dayashada iyo isu ekaysiinta dhaqankoodii la ina faray waa nabiyada  sida Ilaahay quraankiisa ku dhahay:

أُولَٰئِكَ الَّذِينَ هَدَى اللَّهُ ۖ فَبِهُدَاهُمُ اقْتَدِهْ ۗ

”Waa kuwaas kuwa ku hanuunsan ee hanuunkooda ku dayo” [Suuratu Al-ancaam:90]

Sidoo kale waxa Ilaahay ina faray inaan ku dayano nabigeena (scw) wuxuuna yidhi:

لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا (21)

”Waxa idiin ku sugan rasuulkii Ilaahay ku dayasho wanaagsan, ruuxii rajaynaya Ilaahay iyo maalinta aakhiro ee xusa Ilaahay in badan” [Suuratu Al-axzaab:21]

Sidaas awgeed, anagu hadaanu nahay muslimiinta ehlu sunnah, ma rumaysnin in ehelka baytku yihiin macsuumiin aanu qalad ka dhicin sida rususha iyo nabiyada. Sidaas darteed qofkii wanaagsan ee ehelka baytka ka tirsan sida imaam Cali ibnu Abudaalib (Rc), Xasan ibnu Cali (Rc) iyo Xuseen ibnu Cali (Rc) waan ku dayanaynaa, waanan ku faanaynaa dhaqankoodii iyo taariikhdoodiiba, laakiin marnaba ma barbardhigayno nabiyada Ilaahay iyo saxaabadii kale ee ka fadliga badnayd sida Abubakar Sidiiq (Rc) iyo Cumar ibnu Khadaab (Rc).

Dhanka kale imaamnimada uu fasiray ama uu macneeyey wadaadkii shiiciga ahaa ee Shiiraazi, wuxuu ku tilmaamay in imaamnimadu tahay madaxtinimo katimid xaga Ilaahay oo ay madax ka yihiin diinta iyo aduunkaba.

Hadaba bal aynu eegno imaamnimadaas ay ka dhigeen tiir ugu wayntiirarka islaamnimada, bal maxay daliil ama xujo cad u haystaan:

Shiicada raafidadu waxay rumaysantahay in wilaayadu tahay tiirka ugu wayn islaamnimada. Waxa kusoo arooray kitaabkooda ay ugu kalsoonida badanyihiin ee Usuulu al-kaafi, ee uu qoray Kulayni, axaadiis (ay kaga been abuurtaan nabiga iyo ehelka baytka) wuxuuna yidhi:

عن أبي جعفر (عليه السلام): قال: بني الاسلام على خمس: على الصلاةوالزكاة والصوم  والحج والولاية ولم يناد بشئ كما نودي بالولاية.

Abujacfar waxa laga wariyey (cs) inuu yidhi: ”Islaamnimada waxa lagu dhisay shan tiir: Salaada, Zakada, Soomka, Xajka iyo Wilaayada, loomana dhawaaqin sida loogu dhawaaqay wilaayada”[2]

عن أبي جعفر (عليه السلام) قال: بني الاسلام على خمس: على الصلاة والزكاة والصوم والحج والولاية ولم يناد بشئ كما نودي بالولاية، فأخذ الناس بأربع وتركوا هذه – يعني الولاية

Abujacfar (cs) waxa laga wariyey inuu yidhi: ”Islaamnimada waxa lagu dhisay shan: Salaada, Zakada, Soomka, Xajka iyo Wilaayada, loomana dhawaaqin sida loogu dhawaaqay wilaayada, dadkuna waxay qaateen afar, waxayna ka tageen tan (wilaayada)”[3]

Dabcan hadii aynu qofkasta oo muslima waydiino waa maxay shanta tiir ee islaamka, wuxuu markiiba ku dhahayaa waa shahaadada, salaada, zakada, soomka iyo xajka. Hadii lasii waydiiyo waa maxay tiirka ugu wada muhiimsan, wuxuu kuu sheegayaa in tawxiidka ama shahaadadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan diinta islaamka oo dhan, waana ta dadku ku kala baxayaa maalinta Qayaame.

Hadaba shiicadan baadiyeysani waxay badaleen xadiiskii nabigeena (scw) ee ku sugnaa Bukhaari iyo Muslimba:

عَنْ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ شَهَادَةِ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ وَإِقَامِ الصَّلَاةِ وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ وَالْحَجِّ وَصَوْمِ رَمَضَانَ.

Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ”Islaamnimada waxa lagu dhisay shan: in la qrio in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee, muxamedna yahay rasuulkii Ilaahay, in salaada la oogo, zakadana la bixiyo, xajka iyo soomka ramadaan”[4]

Hadaba waxa inoo cadaaday in ereygii tawxiidka ee Ilaahay dadka ku kala saaray maalinta Qayaame inay meesha ka saareen oo ay soo galiyeen Wilaayada, ayna ka dhigeen tiirka aasaaska u ah diinta islaamka, ayagoo ka been abuuranaya nabigeena Muxamed (scw) iyo dad wanaagsan oo ehelka baytka rasuulka ka tirsanaa.

Maadaama ay tiirka aasaaska u ah diinta islaamka ay ka dhigeen Wilaayada, waxa dadkii caamada ahaa ay waydiiyeen: Hadii wilaayadu tahay tiirka ugu wayn diinta Islaamka, markaa maxaa loogu sheegi waayey Quraanka Kariimka??

Su’aashaasi waxay ku noqotay laf dhuuni gashay, sababtoo kitaabka Ilaahay meelnama kagama taalo wilaayado, iska dhaaf inay tahay tiirka ugu wayn ee islaamkee, ee xitaa si dadban looguma sheegin kitaabka Ilaahay (swt).

Waxa cajiib noqotay in dhamaan tiirarkii rasuulku inoo sheegay ee shanta ahaa ay ku tilmaamanyihiin ayagoo cadcad kitaabka Ilaahay ee Quraanka.

Tiirarka Islaamka:

Tiirka 1aad ee (Qirida Ilaahay in loo gaaryeelo cibaadadiisa iyo qirida in Muxamed yahay Rasuulkii Ilaahay) waxay ka buuxdaa kitaabka Ilaahay ee Quraanka, tusaale:

  • Qirida Ilaahay:

فَاعْلَمْ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ [5]

اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ ۚ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ[6]

شَهِدَ اللَّهُ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَالْمَلَائِكَةُ وَأُولُو الْعِلْمِ قَائِمًا بِالْقِسْطِ ۚ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (18)[7]

قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ (1)[8]

إِنَّنِي أَنَا اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاعْبُدْنِي وَأَقِمِ الصَّلَاةَ لِذِكْرِي (14)[9]

  • Qirida Rasuulka (scw):

مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ ۚ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاءُ عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاءُ بَيْنَهُمْ[10]

مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَا أَحَدٍ مِّن رِّجَالِكُمْ وَلَٰكِن رَّسُولَ اللَّهِ وَخَاتَمَ النَّبِيِّينَ ۗ وَكَانَ اللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا (40)[11]

وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِ الرُّسُلُ ۚ[12]

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَآمَنُوا بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٍ وَهُوَ الْحَقُّ مِن رَّبِّهِمْ ۙ كَفَّرَ عَنْهُمْ سَيِّئَاتِهِمْ وَأَصْلَحَ بَالَهُمْ (2)[13]

مَّن يُطِعِ الرَّسُولَ فَقَدْ أَطَاعَ اللَّهَ[14]

وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ (7)[15]

وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَىٰ (3) إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَىٰ (4)[16]

 

 

Tiirka 2aad ee Salaada: tiirka salaada waxa Ilaahay quraankiisa kaga warrmay aayado aad u faro badan,waxaana kamida:

وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَأَقْرِضُوا اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا[17]

وَاسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى الْخَاشِعِينَ (45)[18]

حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَىٰ وَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ (238)[19]

Tiirka 3aad ee Zakada: tiirkana meelo badan ayaa Ilaahay ku xusay kitaabkiisa:

وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَارْكَعُوا مَعَ الرَّاكِعِينَ (43)[20]

لَئِنْ أَقَمْتُمُ الصَّلَاةَ وَآتَيْتُمُ الزَّكَاةَ وَآمَنتُم بِرُسُلِي[21]

فَإِن تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ ۗ وَنُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ (11)[22]

Tiirka 4aad ee Soomka: tiirkana meelo badan ayuu rabbi ku qeexay waajibnimadiisa Quraanka Kariimka ah:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (183) أَيَّامًا مَّعْدُودَاتٍ ۚ فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ ۚ وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ ۖ فَمَن تَطَوَّعَ خَيْرًا فَهُوَ خَيْرٌ لَّهُ ۚ وَأَن تَصُومُوا خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ (184) شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَىٰ وَالْفُرْقَانِ ۚ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ ۖ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ ۗ يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُوا الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُوا اللَّهَ عَلَىٰ مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ (185)[23]

Tiirka 5aad ee Xajka: tiirka xajka, waxa loogu magac daray suurad dhan oo la dhaho suuratu al-xajj.

وَلِلَّهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلًا ۚ[24]

إِنَّ الصَّفَا وَالْمَرْوَةَ مِن شَعَائِرِ اللَّهِ ۖ فَمَنْ حَجَّ الْبَيْتَ أَوِ اعْتَمَرَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِ أَن يَطَّوَّفَ بِهِمَا ۚ وَمَن تَطَوَّعَ خَيْرًا فَإِنَّ اللَّهَ شَاكِرٌ عَلِيمٌ (158)[25]

 

Sida idiin muuqata waxa Ilaahay quraankiisa xusay dhamaan shanta tiir ee Islaamka, waana sababta ay u noqdeen rukumada diintan wayn ee islaamku ku taagantahay. Dhanka kale majirto hal aayad oo Quraanka Ilaahay kamida oo ka warrantay Wilaayo!! Sidaas awgeed, markii shiicada la waydiiyey waxay jawaabtoodu noqotay, quraanka waa la badalay oo waxna lagu daray waxna laga jaray. Ilaahay habaar haku rido, dadka caqiidada noocaasa rumaysan.

Shiicadan habaarka qabtaa waxay dureen Quraankii Ilaahay, markii ay awoodi kari waayeen inay tiirkan beenta ah ay daliil u helaan.

Shiicada badankoodu waxay qabtaa in quraanka la badalay oo saxaabada rasuulku ay badaleen, sababtoo ah waa qiilka kaliya ee ay kaga baxeen su’aashii lamid ahayd laf dhuun ku jirta.

Shiicadu waxay alifeen riwaayado lagaga been abuurtay rasuulka iyo ehelka baytka si ay fikradan gaalnimada ah ay xujo ugu helaan.

Culumada shiicada ee caqiidadan gaalnimada ah rumaysan waxa kamida:

  • Cali ibnu Ibraahiim al-qummi, wuxuuna yidhi: ”waxyaalaha khilaafsan wixii Ilaahay soo dajiyey waxa kamida (كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ ۗ) wuxuu yidhi Abucabdullahi[26]: ma sidaasbay ummada u khayr badan u yihiin, ayagoo dilay amiirkii mu’miniinta, Xasan iyo Xuseen (labadii wiil ee Cali) markaasaa lagu yidhi: sidee ayey kusoo dagtay wiilkii rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yidhi: waxa kusoo dagtay (waxaad tihiin imaamyada ugu khayrka badan)[27]
  • Maxamed ibnu Mascuud alcayaash: wuxuu yidhi: ”Abujacfar waxa laga wariyey: hadii aan kitaabka Ilaahay wax lagu siyaadinin, waxna laga nuqsaaminin kamuu qarsoonaan lahayn qof caqli leh.[28]
  • Maxamed ibnu Yacquub al-kulayni, wuxuu yidhi: Abucabdullahi wuxuu dhahay: ”Quraankii uu Jibriil kusoo dajiyey Muxamed (scw) waa 17 kun oo aayadood.”[29]
  • Abu Xasan alcaamili, wuxuu yidhi: ”Ogsoonow xaqa aan shakiga ku jirin ee lagasoo xiganayo wararka (Tawaaturka ah) ee soo socta iyo kuwo kaleba, in Quraanka horteena yaalaa in wax laga badalay rasuulkii Ilaahay (scw) kadib, waxayna kuwii ururiyey ka saareen wax badan oo erayo, aayado ah. Quraanka la xifdiyey ee waafaqsan wixii Ilaahay soo dajiyey waa kii Cali ururiyey, ee uu xifdiyey ilaa intuu ka gaadhsiinaayey wiilkii Xasan, sidaasbayna u socotay ilaa laga gaadho Qaa’imka (mahdiga shiicada), isagaana maanta haya.[30]
  • Xuseen nuur Dabrasi isaguna wuxuu alfay kitaab dhan oo uu ugu magac daray ” فصل الخطاب في تحريفكتاب رب الأرباب” kaasoo lagu qoray hadalan wada gaalnimada ah.
  • Dabrasi wuxuu kitaabkiisa (الاحتجاج) wuxuu ku yidhi: ”Cali wuxuu yidhi: wuxuu rasuulkii Ilaahay i faray inaan u dhiibo (kitaabkii ay shiicadu sheegatay inuu Cali qoray) qofka ugu mudan dadka aniga kadib waana wiilkayga Xasan, kadibna wiilkayga Xasana wuxuu u dhiibayaa wiilkayga Xuseen, kadibna caruurta Xuseen, kadibna mid kamida ubadka Xuseen ayuu aadayaa…”[31]

 

Dabcana ereryadan duraya kitaabka Ilaahay ee ku tilmaamay in la xarrifay shaki kama taagna inay yihiin ereyo gaalnimo, sababtoo ah waxay beeninaysaa hadalkii Ilaahay (swt) ee ahaa:

إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ (9)

”Annagaa soo dajinay Quraanka, annagaan ilaalinayna” [32]

Iyo aayadan cajiibka ah ee uu Rabbiga wayn inoo sheegayo in Quraanka hor iyo gadaal aanu baadilku kaga imanayn:

وَإِنَّهُ لَكِتَابٌ عَزِيزٌ ﴿٤١﴾ لَّا يَأْتِيهِ الْبَاطِلُ مِن بَيْنِ يَدَيْهِ وَلَا مِنْ خَلْفِهِ ۖ تَنزِيلٌ مِّنْ حَكِيمٍ حَمِيدٍ ﴿٤٢﴾

“waan kitaab sharaf leh (41) kagamana yimaado baadilku xaga hore iyo xaga danbe toona, waana soo dajintii Allaha xikmada badan ee la mahadiyo”[33]

Aayadaha Ilaahay ee cadcada uma baahna cid difaacda ee ayagaa baadilkasta iyo been kastaba iska difaacaya. Hase ahaatee waxaan is waydiinaynaa dadka qaabka uduraya kitaabka Ilaahay ee hadana sheeganaya islaamnimada, xageebay usoo mareen diinta islaamka?

Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban!! Nin Quraanka Ilaahay ka madhan oo aan hal sanada oo xidhiidhsan u haysanin, oo aan quraanka Ilaahay qiimo la lahayn oo hadana ku dooday inuu jecelyahay ehelka baytka nabiga.

Waaan idiin cadaynayaa qaabka ay u necebyihiin ehelka baytka rasuulka (scw) ee ayagana ay u durayaan.

Dabcan sida ay sheegteen, waxay dhaheen kitaab ayuu imam Cali (Rc) uu qoray, kitaabkaasoo ahaa Quraankii saxda ahaa, sida ay sheegteen, kadibna wuxuu u dhiibay wiilkiisii Xasan, xasana wuxuu usii dhiibay Xuseen, ilaa loo soo gacan galiyey mahdiga shiicadu sugayso kun iyo laba boqol oo sanadood.

Dabcana ayagu markay qaabka u doodayaan waxay raadinayeen inay duraan kitaabka Ilaahay ee Quraanka, balse Ilaahay (swt) wuxuu kashifay cadaawada ay u hayaan ehelka baytka iyo diinta islaamka.

Sababtoo ah hadii aynu nidhaahno Imaam Cali (Rc) ayaa kitaab qoray oo dadka ka qriyey, kadiban 11 caruura oo uu dhalayna waxay ka qariyeen kitaabkii ummada Islaamka ah, kitaabkaasina uu ahaa sida ay sheegteen kitaabkii saxda ahaa, bal waxaad qiyaastaa intee in la eeg oo danbiya ayey galeen ehelka baytku.

Waxay ku eedeeyeen inay qariyeen waxyigii Ilaahay, Ilaahayna lacnad ayuu dusha ka saaray dadka qariya waxyigiisa, wuxuuna dhahay:

إِنَّ الَّذِينَ يَكْتُمُونَ مَا أَنزَلْنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ وَالْهُدَىٰ مِن بَعْدِ مَا بَيَّنَّاهُ لِلنَّاسِ فِي الْكِتَابِ ۙ أُولَـٰئِكَ يَلْعَنُهُمُ اللَّـهُ وَيَلْعَنُهُمُ اللَّاعِنُونَ ﴿١٥٩﴾

”Kuwa qariya waxa aan soo dajinay ee aayado (xujooyina ah) iyo hanuunka kadib markii aan ugu cadaynay dadka kitaabka dhexdiisa, kuwaas waxa lacnadaya Ilaahay, waxaana lacnadaya dhamaan makhluuqa oo dhan”[34]

Bal qiyaas hadii warka shiicadu sheegayso uu yahay run, maxaa lacnad ku dhacaysa Imaamu Cali iyo ubadkiisa! Ma aragtaa cadhada iyo cuqdada ay u hayaan saxaabada iyo ehelka baytka, run ahaantii waa dad cadaw ku ah diintan islaamka ee wayn.

Sidoo kale Ilaahay wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya dadka qariya aayaadkiisa:

إِنَّ الَّذِينَ يَكْتُمُونَ مَا أَنزَلَ اللَّـهُ مِنَ الْكِتَابِ وَيَشْتَرُونَ بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا ۙ أُولَـٰئِكَ مَا يَأْكُلُونَ فِي بُطُونِهِمْ إِلَّا النَّارَ وَلَا يُكَلِّمُهُمُ اللَّـهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَلَا يُزَكِّيهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ ﴿١٧٤﴾

”Kuwa qarinaya wixii Ilaahay kuso dajiyey kitaabka ee ku gadanaya qiimo yar, kuwaasi calooshooda ma galiyaan waxaan naar ahayn, Ilaahayna lama hadlayo maalinta Qayaame, mana daahirinayo waxayna mudanyihiin cadaab kulul” [35]

Marka la waydiiyo maxaa ku kallifay imaamu Cali (Rc) in kitaabkii uu qoray uu dadka uga faa’ideeyo, waxay dhaheen: Cali wuu cabsanayey, oo wuxuu ka baqayey Abubakar iyo Cumar.

Dabcan Abubakar, Cumar iyo Cusmaan intuba markii ay geeriyoodeen, Ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodbee, miyaanu Cali ibnu Abudaalib (Rc) ahayn khaliifkii ama madaxweynihii xilligaa talada hayey, ee waliba galay sadex dagaal oo uu intaba gacanta sare lahaa, muxuu dadka u tusi waayey quraankii uu qoray?

Haduu wiilkiisii Xasan ibnu Cali (Rc) u dhiibay miyaanu isaguna ahayn khaliifkii ku xigay aabihii, ee watay ciidamo aad u badan oo miyaanay iska hor imanain Mucaawiya ibnu Abisufyaan (Rc)? Oo waliba Xasan ibnu Cali (Rc) miyaanu ahayn kii isagu u tanaasulay Mucaawiya ibnu Abisufyaan (Rc)?

Sida idinku aad hadalka u dhigtaan ee aad gaalaysiiseen saxaabada Rasuulka (scw), ma nin gaala ayuu Xasan ibnu Cali ku aaminay xilkii talada muslimiinta? Hadii Mucaawiya aad gaalaysiiseen, miyaanu ka darnaanayn ninkii caleemo saaray?

Waar shiicooy, caqligiinu ma shaqeeyo miyaa? Xagee la idiin wadaa? Markaad Quraankii Ilaahay beeniseen, oo saxaabadii rasuulka gaalaysiiseen, oo ehelkii baytka dad cabsanaya oo khiyaano ku kacaya ka dhigteen, oo nabigii Ilaahay ka dhigteen nin aan saxaabadiisa edbinin oo aan warba u hayn dadka isaga ku xeersan?

Xagee la idiin wadaa Shiiicoooy? Goormaad xaqa usoo noqonaysaan oo wadaadada cimaamadaha sita ee albaabada naarta idiin taagan, goormaad kasoo hadhaysaan oo caqligiinu mar un uu shaqaynayaa.


[1] Shiiraazi, boggiisa gaarka ah ee shirazi.ir, qeybta fatwooyinka, caqiidada iyo waxyaalaha soo raaca, imaamnimada iyo wilaayada. http://arabic.shirazi.ir/upload/masael/subject/aghaed/letter29.htm

[2] اصول الكافي باب دعائم الاسلام/ ح1

[3] اصول الكافي باب دعائم الاسلام/ 3ح

[4] Bukhaari: 8 iyo Muslim: 16

[5] Suuratu Muxamed: 19

[6] Suuratu Al-baqarah: 255

[7] Suuratu Aala-Cimraan: 18

[8] Suuratu Al-ikhlaas:1

[9] Suuratu Daaha:14

[10] Suuratu Al-fatxi: 29

[11] Suuratu Al-axzaab:40

[12] Suuratu Aala-Cimraan:144

[13] Suuratu Muxamed:2

[14] Suuratu Nisaa’:80

[15] Suuratu Al-xashri: 7

[16] Suuratu Najmi: 3,4

[17] Suuratu Muzamil: 20

[18] Suuratu Albaqarah: 45

[19] Suuratu Albaqarah: 238

[20] Suuratu Albaqarah: 43

[21] Suuratu Al-maa’idah: 12

[22] Suuratu At-Tawbah: 11

[23] Suuratu Albaqarah: 183, 184, 185

[24] Suurau Aala-Cimraan: 97

[25] Suuratu Albaqarah: 158

[26] Abucabdullahi waa imaamka lixaad ee shiicada raafidada ah waan Jacfar assaadiq Ilaahay ha unaxariistee, oo ah ninka ugu badan ee shiicadu ka been abuurato.

[27] Tafsiirka Qummi, muqadamada kitaabka, bogga 29aad, ee dabcada mu’assasatu imaamu mahdi.

[28] Tafsiirka Cayaashii, Mujaladka 1aad, Xadiiska 6aad.

[29] Usuulu al-kaafii, mujaladka 2aad, kitaabka fadliga quraanka, baabka nawaadir, Xadiiska 29.

[30] Kitaabka Mir’aatu al-anwaar (مراة الانوار), bogga 62

[31] Dabrsi kitaabka ixtijaaj, mujalada 1aad, bogga 225.

[32] Suuratu Xijri: 9

[33] Suuratu Fussilat: 41,42

[34] Suuratu Albaqarah:159

[35] Suuratu Albaqarah: 174