Haweenayda hesha dhiiga caadada mudada lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaana tobanka danbe waxay la iman kartaa dhamaan cibaadooyinka marka laga reebo salaada, soonka, dawaafka kacbada iyo inay masaajidka ku ictikaafto.

Nabiguna (scw)  wuxuu noolayn jiray habeenada danbe ee Ramadaanka, sida Caasha soo warinayso, Ilaahay raali haka ahaadee:

عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا قَالَتْ كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا دَخَلَ الْعَشْرُ شَدَّ مِئْزَرَهُ وَأَحْيَا لَيْلَهُ وَأَيْقَظَ أَهْلَهُ

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: “Nabigu (scw) markuu soo galo tobanku (danbe ee Ramadaan) wuxuu giijisan jiray guntintiisa, wuxuuna noolayn jiray habeenkiisa, wuxuuna kicin jiray ehelkiisa” [Saxiixu Bukhaari: 1920]

Gunti giijiska iyo noolaynta habeenkuna waxa looga jeedaa cibaadooyinka ayuu Rasuulku (scw) ku dadaali jiray, isagoo habeenka kusoo jeedi jiray salaada, quraan akhrinta iyo dikrigaba.

Salaada habeenkii la tukado ayaan ugu khayr badan wax lala yimaado tobanka danbe ee Ramadaanka, siduu cadeeyey Rasuulkii Ilaahay (scw):

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال من قام ليلة القدر إيمانا واحتسابا غفر له ما تقدم من ذنبه 

Abuhurayra waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ” Cidii istaagta habeenka laylatul qadriga, isagoo iimaan laga helay oo Ilaahayna kaga ajar dalbaya, waxa loo dhaafaa danbigiisii hore” [Bukhaari: 1920]

Maadaama haweenaydii caadada heshay aan loo ogolayn inay tukato salaada habeenkii waxay la iman kartaa daacooyinkii kale sida:

  • Akhrinta Quraanka Kariimka ah.
  • Dikriga sida: tasbiixda, tahliisha, takbiirta, taxmiida iwm.
  • Ilaahay oo la waydiisto danbi dhaaf.
  • Ducada oo la badsado, wixii khayr ah aduun iyo aakhiraba. Ducaduna waa cibaadooyinka ugu qaalisan siduu Rasuulkii Ilaahaba (sc) tilmaamay:

 ( الدعاء هو العبادة ) رواه الترمذي ( 2895 ) وصححه الألباني في صحيح الترمذي ( 2370 )

“Ducadu waa cibaado” [Tirmadi: 2895] waxaana saxiixiyey Albaani.

Cibaadooyinkaas ayey haweenkii qaban karaa habeenkii Laylatul Qadriga.