Tusmo

Caqiidada Muslimiintu ay ka rumaysanyihiin Ciise Masiix (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee)

Su’aal:

Maxay Muslimiintu ka rumaysanyihiin Masiixa Ciise ibnu Maryama?

 

Jawaab:

Ilaahaybaa mahadda iska leh.

Waxaan ka rumaysanahay Masiixa Ciise ibnu Maryama (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wixii naloogu sheegay kitaabka Ilaahay iyo sunnada Rasuulkayaga naxariis iyo nabagalyo korkiisa ha ahaatee.

Waxaan rumaysanahay in Ciise (naxariis iyo nabadgalo korkiisa ha ahaatee)  inuu yahay adoon kamid ah adoomada Ilaahay iyo Rasuul kamid ah rususha Ilaahay ee sharafta leh. Ilaahay ayaa usoo diray reer bani Israa’iil, isagoo ugu yeedhaya tawxiidka Ilaahay iyo cibaadadiisa.

Ilaahayna wuxuu dhahay:

( وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرائيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ مُصَدِّقاً لِمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ التَّوْرَاةِ وَمُبَشِّراً بِرَسُولٍ يَأْتِي مِنْ بَعْدِي اسْمُهُ أَحْمَدُ فَلَمَّا جَاءَهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ قَالُوا هَذَا سِحْرٌ مُبِينٌ ) الصف /6.

(Xusuusta marka (nabi) Ciise ibnu Maryama ku yidhi Banii Israa’iil waxaan ahay Rasuul Ilaahay idiin soo diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey, kuna bishaarayn Rasuul gadaashayda imanaya oo Magaciisuna yahay «Axmed», markuu xuja cad ula yimidna waxay dheheen kani waa sixir cad.) [Suuratu As-saff:6]

 

Waxa kale oo Allah dhahay:

( وَقَالَ الْمَسِيحُ يَا بَنِي إِسْرائيلَ اعْبُدُوا اللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمْ إِنَّهُ مَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنْصَارٍ ) المائدة /72

(Wuxuuna yidhi Masiix (Ciise) Reer banii Israa’iilow Caabuda Ilaahay oo ah Rabbigay iyo Rabbigiina, Ruuxii u Shariig yeela Ilaahay (La wadaajiya cibaadadiisa cid kale) wuxuu Ilaahay ka xarrimay Jannada wuxuuna ku hooyan Naarta, Daalimna ma helo gargaare.) [Suuratu Maa’idah:72]

 

Sidaas awgeed Ciise maaha Ilaah iyo wiil Ilaah toona sida ay sheegtaan Kiristaanku.

Wuxuu Ilaahay dhahay:

( لَقَدْ كَفَرَ الَّذِينَ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ هُوَ الْمَسِيحُ ابْنُ مَرْيَمَ ) المائدة /72.

(Dhab ahaantii way gaaloobeen kuwa dhahay Ilaahay waa Masiix ibnu Maryama) [Suuratu Almaa’idah:72]

Waxa kale oo uu dhahay Rabbiga Wayni:

( وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللَّهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى الْمَسِيحُ ابْنُ اللَّهِ ذَلِكَ قَوْلُهُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ قَبْلُ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ أَنَّى يُؤْفَكُونَ ) التوبة /30

(Waxay dhaheen Yahuudu Cuzayr waa wiil Ilaah, Nasaaraduna waxay tidhi Masiix waa wiil Ilaah, taasina waa hadalkooda ay afka ka sheegteen waxay shabahayaan hadalkii kuwii gaaloobay hadda kahor, Ilaahay ha laayee, xagee loo leexin) [Suuratu At-tawbah: 30]

 

Ereaygíi ugu horeeyey ee Ciise uu dhaho isagoo sabiya oo dhabta saarana wuxuu ahaa:

( قَالَ إِنِّي عَبْدُ اللَّهِ آتَانِي الْكِتَابَ وَجَعَلَنِي نَبِيًّا ) مريم /30 .

(Wuxuu yidhi anigu waxaan ahay adoon Ilaahay, wuxuu isiiyey Kitaabka igana yeelay Nabi) [Suuratu Maryam:30]

 

Waxaan rumaysanahay in Ilaahay ku taageeray mucjisooyin tusinaya run sheegnimadiisa, wuxuuna Ilaahay dhahay:

( إِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ اذْكُرْ نِعْمَتِي عَلَيْكَ وَعَلى وَالِدَتِكَ إِذْ أَيَّدتُّكَ بِرُوحِ الْقُدُسِ تُكَلِّمُ النَّاسَ فِي الْمَهْدِ وَكَهْلًا وَإِذْ عَلَّمْتُكَ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَالتَّوْرَاةَ وَالإِنجِيلَ وَإِذْ تَخْلُقُ مِنْ الطِّينِ كَهَيْئَةِ الطَّيْرِ بِإِذْنِي فَتَنفُخُ فِيهَا فَتَكُونُ طَيْرًا بِإِذْنِي وَتُبْرِئُ الأَكْمَهَ وَالأَبْرَصَ بِإِذْنِي وَإِذْ تُخْرِجُ الْمَوْتَى بِإِذْنِي وَإِذْ كَفَفْتُ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَنْكَ إِذْ جِئْتَهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْهُمْ إِنْ هَذَا إِلا سِحْرٌ مُبِينٌ ) المائدة /110 .

(Waxaad xasuusataa markuu Ilaahay dhahay Ciise ibnu Maryamoow xasuuso nicmadayda aan yeelay korkaaga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxda Daahirka ah <<Jibriil>> oodna kula hadlaysa dadka adigoo sabiya << dhabta saran>> iyo adoo meel dhexaada, iyo markaan ku baray Kitaabka, Xigmada, Tawreed iyo Injiil iyo markaad ka yeelaysay dhoobada wax shinbir u eeg idankayga oodna afuufaysay oyna noqonaysay Shinbir idinkayga, oo aad bugsiinaysay ka ku dhashay indho la’aan iyo ka qaba Baraska idankayga, iyo markaad soo bixinaysa maydka idankayga iyo markaan kaa kaafiyey reer bani Israa’iil xagaaga kolkaad ula timid xujooyinka, oyna dhaheen kuwii gaaloobay qaar kamid ahaa kaasi waa un sixir cad) [Suuratu Almaa’ida:110]

 

Waxaanan rumaysanahay in Ciise ay dhashay Maryamadii bikrada ahayd isagoon aabo lahayn, taasina ma diidayso awooda Ilaahay ee markuu wax doono wuxuu dhahaa un ahow wuuna yahay. Ilaahayna wuxuu dhahay:

( إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آدَمَ خَلَقَهُ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ ) آل عمران /59 .

(Dhab ahaantii tusaalaha Ciise ee Ilaahay agtiisa waa sida Aadam oo kale wuxuu ka abuuray ciid/carro markaasuu dhahay ahow wuuna yahay) [Suuratu Al cimraan: 59]

Waxa kale oo Ilaahay dhahay:

( إِذْ قَالَتْ الْمَلائِكَةُ يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللَّهَ يُبَشِّرُكِ بِكَلِمَةٍ مِنْهُ اسْمُهُ الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ وَجِيهًا فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ وَمِنْ الْمُقَرَّبِينَ (45) وَيُكَلِّمُ النَّاسَ فِي الْمَهْدِ وَكَهْلا وَمِنْ الصَّالِحِينَ (46) قَالَتْ رَبِّ أَنَّى يَكُونُ لِي وَلَدٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِي بَشَرٌ قَالَ كَذَلِكِ اللَّهُ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ إِذَا قَضَى أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ ) آل عمران /45-47 .

(Xus markay tidhi Malaa’iktu Marayamooy waxa Ilaahay kuugu bishaaraynayaa kalimo xagiisa ah <wiil> magiciisuna yahay Masiixa Ciise ibnu Maryama isagoo Sharaf leh aduun iyo aakhiraba kana mid ah kuwa lasoo dhoweeyey (45) Kulana hadli dadka isagoo sabiya <dhabta saran> iyo isagoo gadh madoobe ah kana mid ah saalixiinta (46) Waxay tidhi <Maryama> Rabbiyoow sidee iigu ahaanayaa ilmo ayadoon bashar itaabanin wuxuu dhahay sidaas ayuu Allah wax u abuuraa, markuu go’aamiyo arrin wuxuu dhahayaa ahow wuuna yahay) [Suuratu Alcimraan: 45-47]

 

Waxaan rumaysanahay inuu Yahuuda u xalaaleeyey wax kamid ah wixii laga xarrimay. Wuxuu leeyahay Ilaahay:

( وَمُصَدِّقاً لِمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ التَّوْرَاةِ وَلِأُحِلَّ لَكُمْ بَعْضَ الَّذِي حُرِّمَ عَلَيْكُمْ وَجِئْتُكُمْ بِآيَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ ) آل عمران /50 .

(Waxaan rumayn wixii iga horeeyey oo Tawreeda, waxaanan idiin xalaalayn wixii laydinka reebay qaarkiis, waxaanan idiinla imid calaamad xagga Rabbigiin ka ahaatay ee Ilaahay ka cabsada oo i adeeca) [Suuratu Al cimraan: 50]

 

Waxaan rumaysanahay inaanu dhimanin, manaysan dilin cadawgiisii Yahuudeed, ee Ilaahaybaa ka badbaadiyey, wuxuuna u qaaday Samada isagoo nool.

Ilaahayna wuxuu ka sheegay Yahuuda isagaa awooda iska lehe inay dhaheen:

( وَبِكُفْرِهِمْ وَقَوْلِهِمْ عَلَى مَرْيَمَ بُهْتَانًا عَظِيمًا (156) وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ اللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَكِنْ شُبِّهَ لَهُمْ وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُوا فِيهِ لَفِي شَكٍّ مِنْهُ مَا لَهُمْ بِهِ مِنْ عِلْمٍ إِلا اتِّبَاعَ الظَّنِّ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًا (157) بَلْ رَفَعَهُ اللَّهُ إِلَيْهِ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا ) النساء /156-158 .

(Iyo gaalnimadooda darteed iyo hadalkoodii ay ku tureen Maryama korkeeda ee ahaa been abuuradka wayn (156) iyo hadaloodii ahaa annagaa dilnay Masiixa Ciise ibnu Maryama Rasuulkii Ilaahay, manaysan dilin manaysan salbinin (Isku tallabta kumay dilin) laakiin waa loo shabbahay (way is moodsiiyeen un), kuwii isku khilaafay Ciise waxay kaga sugan yihiin shaki, umanalaha wax cilmiya aan ka ahayn inay raacayaan malo, manaysan dilin xaqiiqdii (157) Saas maahee waxa sare u qaaday Ilaahay xaggiisa, Ilaahayna waa adkaade falsan) [Suuratu Annisaa: 156-158]

 

Waxaan kale oo rumaysanhay inuu asxaabtiisii ugu bishaareeyey nabigayaga Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

( وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرائيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ مُصَدِّقاً لِمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ التَّوْرَاةِ وَمُبَشِّراً بِرَسُولٍ يَأْتِي مِنْ بَعْدِي اسْمُهُ أَحْمَدُ فَلَمَّا جَاءَهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ قَالُوا هَذَا سِحْرٌ مُبِينٌ ) الصف /6.

(Xusuusta marka (nabi) Ciise ibnu Maryama ku yidhi Banii Israa’iil waxaan ahay Rasuul Ilaahay idiin soo diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey, kuna bishaarayn Rasuul gadaashayda imanaya oo Magaciisuna yahay «Axmed», markuu xuja cad ula yimidna waxay dheheen kani waa sixir cad.) [Suuratu As-saff:6]

 

Waxaan rumaysanahay inuu soo dagayo aakhiru zamaanka, oo uuna beeninayo cadawgiisii Yahuudeed ee sheegtay inay dileen, waxa kale oo uu beeninayaa Kiristaanka sheegtay inuu yahay Ilaahay iyo wiilka Ilaahay, mana aqbalayo waxaan Islaam ahayn.

Waxay soo saareen Bukhaari (2222) iyo Muslimba (155) in Abuhurayra Ilaahay raali haka ahaadee lagasoo wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu dhahay: (Waxaan ku dhaartay kay naftaydu gacantiisa ku jirtee, waxay ku dhowdahay inuu idinku soo dago wiilkii Maryama, (Riwaayo kale waxay leedahay: Saacada Qayaame dhicimayso illamaa uu kasoo dago Wiilkii Maryama) isagoo cadaalad wax ku xukumaya, wuxuu jabinayaa Iskutallaabta, wuxuu dilayaa Doofaarka, wuxuuna diidayaa Jizyada, waxaana badanaya xoolaha illamaa aan cidina ka qaadanin)

(Waxay ku dhowdahay): waxa loogaa jeedaa waxa lagama maaraan ah inuu usoo dago si degdeg ah.

(Inuu idinku soo dago): waa Umadan

(Isagoo cadaalad wax ku xukumaya): Wuxuu soo dagayaa isagoo shareecadan wax ku xukumaya, sababtoo ah shareecada Islaamku waa baaqi lamana nasakhayo, ee Ciise wuxuu noqonayaa garsoore kamid ah garsoorayaasha Umadan.

(Wuxuu jabinayaa Iskutallaabta, wuxuuna dilayaa Doofaarka): Wuxuu baabi’inayaa diinta Nasaarada ama Kiristaanka, isagoo si dhab ah u jabinayaa Iskutallaabta, wuxuuna Meesha ka saarayaa waxay Nasaaradu sheegato oo ah waynayntiisa.

(Wuxuuna diidayaa Jizyada): Wuxuu dhahay Nawawi: macnaheeda saxda ah waa inaanu aqbalayn Jizyada, kamana aqbalayo gaalada waxaan Islaam ahayn, cidii bixisa Jizyadana kama joojinayso, mana aqbalayo Islaam mooyee ama dil. Sidaas ayuu dhahay Imaamu Alkhaddaabi iyo culumo kaleba Ilaahay ha u naxariistee.

(Waxaana badanaya Xoolaha): Sababta xooluhu la badanayaana waxa soo dagaysa barakooyin, iyo khayraad isdaba jooga, maadaama ay cadaalad jirto oo aan la isdulminayanin, markaas ayaa dhulku soo bixinayaa Khasnadaheedii, waxaana yaraanaysa baahida in la badsado xoolaha maxaa yeelay saacadii Qayaame ayaa soo dhow.

 

Kadibna wuu dhimanayaa Ciise Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee, waxaana ku tukanaya Muslimiinta.

Wuxuu Imaamu Axmed soo saaray (9349) in Abuhurayra kasoo wariyey Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee inuu dhahay: (Anigaa dadka ka mudan Ciise ibnu Maryama, sababtoo aha aniga iyo isaga wax nabiyo ah noomay dhaxaynin… kadibna wuxuu sheegay soo dagistiisa naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, markaasuu dhahay: Wuxuu joogayaa intii Alle doono inuu joogo, markaasuu dhimanayaa waxaana ku tukanaysa Muslimiinta oo aasaysa) Waxa saxiixiyey Albaani. [Silsilada Saxiixa: (2182)

 

Waxaan kale oon rumaysanahay inuu bari ka noqonayo kuwa sheegtay inuu yahay Ilaah maalinta Qayaame.

Wuxuu dhahay Ilaahay:

( وَإِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ أَأَنتَ قُلْتَ لِلنَّاسِ اتَّخِذُونِي وَأُمِّي إِلَهَيْنِ مِنْ دُونِ اللَّهِ قَالَ سُبْحَانَكَ مَا يَكُونُ لِي أَنْ أَقُولَ مَا لَيْسَ لِي بِحَقٍّ إِنْ كُنتُ قُلْتُهُ فَقَدْ عَلِمْتَهُ تَعْلَمُ مَا فِي نَفْسِي وَلا أَعْلَمُ مَا فِي نَفْسِكَ إِنَّكَ أَنْتَ عَلامُ الْغُيُوبِ (116) مَا قُلْتُ لَهُمْ إِلا مَا أَمَرْتَنِي بِهِ أَنْ اعْبُدُوا اللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمْ وَكُنتُ عَلَيْهِمْ شَهِيدًا مَا دُمْتُ فِيهِمْ فَلَمَّا تَوَفَّيْتَنِي كُنتَ أَنْتَ الرَّقِيبَ عَلَيْهِمْ وَأَنْتَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ ) المائدة /116-117.

(Waxaad xustaa marka Ilaahay dhahay Ciise ibnu Maryamoow ma adigaa ku dhahay dadka iga yeesha aniga iyo hooyaday laba Ilaah oo kasokeeya Ilaahay, wuxuu dhahay adaa (xumaan ka nasahan Rabbiyow) iima haboonayn inaan dhaho waxaanan xaq ulahayn, hadaan dhahayna waad ogtahay, waad ogtahay waxa ku sugan naftayda anaguse kuma ogin, adigaa ah kan og wixii qaybah (waxa maqan og) (116) Kumana dhihin wixii aad i fartay waxaan ahayn, oo ah inay caabudaan Ilaahay oo rabbigay iyo rabbigiina ah, waxaanad ka ahayd markhaati intaan la joogo dhexdooda, markaad i oofsatayna adigaa ahaa waardiyaha korkooda, adigaana wax kasta marag ka ah) [Suuratu Al-maa’ida: 116-117]

 

Kumana dhihin wixii aad i fartay waxaan ahayn, oo ah inay caabudaan Ilaahay oo rabbigay iyo rabbigiina ah, waxaanad ka ahayd markhaati intaan la joogo dhexdooda, markaad i oofsatayna adigaa ahaa waardiyaha korkooda, adigaana wax kasta marag ka ah.

Waa taas caqiidada Muslimiintu ay ka rumaysantahay Masiixa Ciise ibnu Maryama, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.

 

Waxa ay soo saaree Bukhaari (3435) iyo Muslimba (28) in Cubaada Ilaahay raali haka ahaadee kasoo wariyey Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee inuu dhahay: (Cidii qirta in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee, uuna yahay kalidii, iyo in Muxamedna yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii, iyo in Ciise yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii iyo inuu yahay (Ciise) kalimadiisii uu ku tuuray Maryama iyo ruuxdiisii, iyo in Jannaduna xaq tahay, naartuna xaq tahay, Ilaahay wuxuu Jannada ka galiyaan sideedeeda albaab kuu doono)

 

Ilaahay waxaan waydiisanaynaa inuu inagu sugo iimaanka, naguna dilo iimaanka.

Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelo nabi Muxamed.


Islam Q&A