Tusmo

Su’aal:

Shikh  Maxay Kaqabta  Islamku  in  Labada  Waalid  Mid  Dhinto  In  Wax  loo Qalo

Jawaab:

Su’aahan oo kale waxa lagu waydiiyey Sheekh ibnu Baaz Fatwa Nuur calaa al-darbi wuxuuna dhahay sheekhu:

“Sharci maaha in loo sameeyo ruuxa dhintay cunto, waxna looma qalayo iyo wax kale toona, hase ahaatee marka ruux geeriyoodo waxa loo sharciyeeyey dadka qoyskaas la qaraabada ah ee ay is xigaan iyo jiiraankooduba inay u keenaan  cunto reerka laga geeriyooday. Laakiin reerkaas laga dhintay waxna ma qalayaan mana samaynayaan cunto, dadkuna isuguma imanayaan. Sababtoo ah nabigu (scw) markuu u tacsiyeynayey inaadeerkii Jacfar ibnu Abudaalib oo ku dintay dhulka Shaam, wuxuu faray qoyskiisa inay cunto u sameeyaan reer Jacfar wuxuuna dhahay:

عن عبد الله بن جعفر قال لما جاء نعي جعفر قال النبي صلى الله عليه وسلم اصنعوا لأهل جعفر طعاما فإنه قد جاءهم ما يشغلهم

Cabdilaahi ibnu Jacfar waxa laga wariyey inuu dhahay: markuu yimid (nabigu) isagoo u tacsiyeynaya Jacfar wuxuu dhahay nabigu (scw):”U sameeya reer Jacfar cunto, maxaa yeelay waxa ku timid wax mashquuliya” [Nisaa’i: 998]

Sunnadu waa in jiiraanka iyo qaraabada reerka laga geeriyooday inay u sameeyaan reerkaas cunto. Balse hadii reerkii laga geeriyooday ay sameeyaan cunto, oo dadkii jiiraanka ahaana ay isugu yimaadaan, taasi maaha wax fiican, ee waxay kamid tahay bidcooyinka. iyo tacsiyooyinka la inkiro. Wuxuu dhahay Jariir ibnu Cabdilaahi al-bajali:

( كُنَّا نَعُدُّ الِاجْتِمَاعَ إِلَى أَهْلِ الْمَيِّتِ ، وَصَنِيعَةَ الطَّعَامِ بَعْدَ دَفْنِهِ : مِنْ النِّيَاحَةِ ). رواه أحمد (6866) ، وابن ماجه (1612) .

“waxaan ku tirin jirnay in laysugu yimaado ehelka laga geeriyooday, iyo cunto la sameeyo marka ruuxii dhintay lasoo aaso kadib: inay kamid tahay baroorta” Axmed (6866), ibnu Maajah (1612).

Sidaas awgeed saxaabigaas Jariir waxay ku tirin jireen isu imaanshahaas iyo cunto sameyntaasba baroorta. Arrintaasina waxay ina tusaysaa in reerka laga geeriyooday aanay samaynayn wax cunto ah, layskugumana imanayo, laakiin dadka jiiraankooda ah iyo qaraabadooda ayaa la jeclaystaa inay ukeenaan cuntada maxaa yeelay way mashquulsanyihiin.

– Hadiise qofku uu qalo xoolo ay ujeedadiisu tahay inu sadaqo ka bixiyo ruuxii dhintay, uuna ku sadaqaysanayo dadka fuqarada iyo masaakiinta, markaas wax dhib ah malaha, hase ahaatee arrintaas ma yeelanayso waqti khaas u ah (waqti u cayiman), iyo in layskugu yimaado toona ee xoolha ayaa la gawaracayaa kadibna la siinayaa fuqarada iyo masaakiinta xilligii la doono, manalaha waqti u go’an.

Sidoo kalena maaha in lagu gaar yeelo maalinta ruux dhinto, ee waa xilligii uu la doono isagoo ujeedadiisu tahay inuu ku sadaqaysto fuqarada oo uu siiyo lacag, dhar ama cunto.

– Sadaqadaasina way anfacaysaa ruuxii dhintay, waana laga abaal marinayaa cidii samaysa falkaasna, waxaana ka sugan nabiga (scw) in la waydiiyey arrintan.

عَنْ عَائِشَةَ أَنَّ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ أُمِّيَ افْتُلِتَتْ نَفْسُهَا وَإِنِّي أَظُنُّهَا لَوْ تَكَلَّمَتْ تَصَدَّقَتْ فَلِي أَجْرٌ أَنْ أَتَصَدَّقَ عَنْهَا قَالَ نَعَمْ. رواه البخاري (1388) ، ومسلم (1004) .

Caasha waxay warisay in Nin ku yidhi Nabiga (scw): hooyaday ayaa si kadis ah u dhimatay, waxaanan u malaynayaa in hadii ay hadli lahayd ay sadaqaysan lahayd, ee ajar maku leeyahay hadaan u sadaqeeyo? wuxuu yidhi “Haa” [Bukhaari:(1388) iyo Muslim: (1004).

Sadaqada loo sadaqaysto ruuxa geeriyooday way anfacaysaa sida Muslimiintu isku waafaqsanyihiin, laakiin waxa haboon inaan waqtiga dhimashada lagu soo koobin, si aanay unoqonin caado ama sunne, ee waa in la  bixiyo xilliyo kale, idinkoon u gaar yeelayn waqti cayiman, sida maalinta uu dhintay, marka todoba casho kasoo wareegto, marka 40 casho kasoo wareegto.

Balse waxakan ay dadku ku kacaan ee ah in maalinta ruux dhinto, ama maalinta todobaad, ama maalinta afartanaad loo sameeyo maydkii tacsi laysugu imanayo oo laguna gawracayo adhi iyo wixii lamid ah, taasi wax banaan maaha waana bidco.”  Ibnu Baaz [1]


[1] فتاوى نور على الدرب لسماحة الإمام عبد العزيز بن عبد الله بن باز (268-267)