Tusmo

Maxaa waajibiya Qubayska?

Waxyaalaha qubayska waajibiya waa lix arrimood oo kala ah:

Ta koowaad: In labada xubnood ee la guday ay kulmaan. Hadii labada xubnood ee taranku ay kulmaan xitaa ayadoo aanay wax biyo ah imanin, waxa ninka iyo gabadhaba ku waajibaya inay qubaystaan.

( إِذَا جَلَس بَيْن شُعَبِها الْأَربَعِ ثُمَّ جَهَدَهَا فَقَدْ وَجَبَ الْغَسْلُ ) رواه البخاري ( 291 ) ومسلم ( 348 ) وزاد ( وَإِنْ لَمْ يُنْزِلْ )

”Hadii ninku fadhiisto afarteeda lugood (bawdada iyo lugaha) oo uu hawshodo (galmo sameeyo) waxa ku waajibaya qubays” Muslim wuxuu raaciyey: (xitaa hadii aanay biyo ka imaninba)

Sidaas darteed waxa inoo cadaatay hadii nin iyo xaaskiisu ay xidhiidh gogoleed sameeyan oo xubnaha tarankoodu kulmo, xitaa hadii aanay wax qoyaana aanay arkin, waxa ku waajibaya inay ka qubaystaan janaabo.

Ta labaad: waa biyaha manida oo yimaada, soojeed ama hurdaba haku yimaadaane. Hadii ninka iyo gabadhu ay arkaan biyaha manida, waxa ku waajibiya qubays.

عن أبي سعيد الخدريّ أنّ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ ( إِنَّمَا المَاءُ مِنَ المَاءِ ) . رواه مسلم ( 343 ) .

Abi Saciid al-khudriyy waxa laga wariyey in nabiga (scw) yidhi: ”Biyuhu waxay ka yimaadeen biyo”

Xadiiska macnihiisu waxa weeyey; biyaha qubaysku waxay ka yimaadeen biyaha manida. Hadii la arko qoyaanka manida, waxa waajibaya qubayska. Hase ahaatee xiriirka galmo wuu ka duwanyahay oo xitaa hadii aanay biyaha manidu imanin oo labada xubnood oo kaliya ay kulmaan waxa waajibaya qubayska.

Fiiro Gaara: biyaha xubnaha taranka ka yimaada waa sadex nooc. Nooca 1aad waa biyaha manida: waana biyaha Ilaahay ka abuuro ilmaha, waxaana lagu yaqaana inay adagyihiin ayna kusoo baxaan dareen jacayl.

Nooca 2aad waa biyaha loo yaqaano Madyiga: waa biyaha kusoo baxa fikir shahwadeed iwm. Nooca 3 aadna waa Wadyiga: waana biyo soo raaca kaadida.

Dabcan biyaha manidu waxay waajibiyaan qubays, halka madyiga iyo wadyigu ay ka jabiyaan waysada, oo qofka muslimka ah looga baahanyahay inuu istijoodo, kadibna uu wayso qaato.

Waxa biyaha manida soo hoos galaya siigada oo dabcan xaarana, balse hadiiba qof uu ku kaco falkaas foosha xun, waxa ku waajibaya qubays.

Ta sadexaad: dhimashada, qofka muslimka ah ee geeriyooda waa in la dhaqo maydkiisa, waxaana u daliila xadiiskii Umu Cadiya, markii ay maydhaysay Saynab bintu Muxamed, Ilaahay raali haka ahaadee. Dabadeedna Rasuulkii Ilaahay (scw) uu ku yidhi:

اغسلنها ثلاثا أو خمسا أو أكثر من ذلك

”Waxaad  dhaqdaa (maydhaa) sadex ama shan ama ka badan”  [Muslim:939]

Waxa culumada islaamku isku waafaqeen inay waajib tahay in la dhaqo maydka muslimka, waana waajib la iska furan karo. Hadii muslimiinta qeyb kamida ay maydkii dhaqaana, waxa waajibnimadii ka dagaysaa kuwii kale. Waxa lagasoo reebay ruuxa shahiidka ah ee ku geeriyooday goobta dagaalka.

Ta Afaraad: dhiiga xaydka: dhiiga xaydku waa dhiig dabiiciya oo ku yimaada caafimaad, marka dhiigu istaago waxa gabadhii ku waajibaysa inay qubaysato.

وَلَا تَقْرَبُوهُنَّ حَتَّىٰ يَطْهُرْنَ ۖ فَإِذَا تَطَهَّرْنَ فَأْتُوهُنَّ مِنْ حَيْثُ أَمَرَكُمُ اللَّهُ

”Ha u dhowaanina (xubinkii taranka) ilamaa ay iska daahirinayaan, markay daahirtana uga taga meeshii Ilaahay idin amray” [Suuratu Albaqarah: 222]

Ta Shanaad: dhiiga nifaaska: waa dhiig yimaada dhalmada kadib, wuxuuna badanaa socdaa mudo dhan afartan maalmood, waanu ka badan karaa ama ka yaraan karaa. isla markii ay daahirto gabadhu waxa ku waajibaya inay qubaysato.

Ta Lixaad: ruuxa gaalka ee soo islaamay waxa culumada qaarkood ay ku waajibiyaan inuu qubaysto, kuwo kalena waxay u arkaan inay tahay sunne.