Niman iyo dumar badan waxay ka cawdaan timaha oo soo daata ayagoo ka cabsi qaba in bidaar ku dhacdo, haddaba maxaa keena timaha soo daata?

  • Tusmo

    Ma daryeeshid gunta hoose ee Timahaaga:

Rayiislaha timaha u hagaajiya dadka caanka ah ee la dhaho Nunzio Saviano wuxuu yidhi: “wax kasta waad u samaysaa dusha sare ee  timahaaga balse ahmiyad ma siisid meesha mushkiladu ka imanayso oo ay haboontahay in la daryeelo waana gunta hoose ee timagaaga”

Sida xaqiiqda ah markasta oo cimrigaagu waynaado waxa la waayaa xidida yaryar ee madaxaaga, taasoo macnaheedu tahay in timahaagu aanay helin nafaqooyinkii ay ubaahnaayeen.

Marissa Lalliberte oo maqaal ka hadlaya mawduucan ku qortay jariidada  Reader’s Digest ayaa tidhi: “Qaabka ugu fudud ee dhiigu u socon karo waxa weeye inaad shallayso ama feedho timahaaga maalintii 100 jeer. Kaliya timahaagu ma jilcayaan ee waxay shalladu dardar galinaysaa xididada madaxaaga.”

Dabcan in timaha la hagaajiyo oo laga shaqeeyo waxa ina faray rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuuna yidhi:

( مَنْ كَانَ لَهُ شَعْرٌ فَلْيُكْرِمْهُ ) رواه أبو داود (3632) وصححه الشيخ الألباني في صحيح أبي داود

“Cidii leh timo ha hagaajiso” [Abudawud: 3632, waxaana saxiixiyey Sheekh Albaani]

Hagaajinta waxa looga jeeda in la dhaqo, la shalleeyo, saliid ama duufan kale oo caafimaadka u wanaagsan in la marsado.

  • Karfeedh ama Shallo qaldan oo aad isticmaasho:

Karfeedhaha/Shallooyinka caaga ah laga yaaba inay jaban yihiin hase ahaatee waxay gooyaan timaha ayagoo jaraya oo tintii goynaya. Badalkooda waxaad iibsataa burush kicinaya oo dardargalinaya xididada yaryar ee madaxa.

  • Maalin walba waxaad dhaqdaa/maydhaa timahaaga:

Dhakhtarada cudurada maqaarka ee la dhaho Tsippora Shainhouse waxay tidhi: “Waa inaad yaraysaa dhaqida timahaaga oo aad ku koobtaa laba ama sadex jeer todobaadkii.

Dabcan arrintaas laga yaaba inay tahay sababta rasuulkii Ilaahay (scw) inooga reebay in markasta la dhaqo, la shalleeyo, la xiiro ama koofeer la geeyo timaha. Wuxuuna yidhi:

 ( نَهَى رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ التَّرَجُّلِ إِلَّا غِبًّا ) رواه أبو داود (3628) والترمذي (1678) وصححه الشيخ الألباني رحمه الله في صحيح الترمذي .

“Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu reebay in la shalleeyo timaha mararka qaar mooyee” [Abudaawuud: 3628, waxa saxiixiyey Albaani]

Ereyga nabigu adeegsaday waa (التَّرَجُّلِ ) oo macnaheedu tahay in la dhaqo timaha oo la shalleeyo maalin kasta, taas wuu reebay hase ahaatee wuxuu ina faray in mararka qaarkood la dhaqo timihii oo laga shaqeeyo.

Sheekh ibnu Baaz wuxuu yidhi: Shallaynta timaha ee maalin kasta waxa ku jirta dhib, hase ahaatee waxa jira xadiis nabigu ugu ogolaaday Abiqataadah (inuu hagaajiyo timihiisa markasta) kadib markii uu ku cawday inuu ubaahanyahay, sida muuqata reebidani waa karaahiyo. Hadii baahi jirto in la dhaqo ama la shalleeyo maalinkasta wax dhiba malaha.

  • Timahaaga dib ha u xidhin:

Timaha oo loo xidho dib sida dibka faraska oo kale waxay keentaa cadaadis badan, taasoo keenaysa in timuhu soo daataan. Hadii lagama maarmaan ay tahay in timaha dib loo xidho fadlana dabci oo ha adkayn.

  • Shaamboo engegan oo aad isticmaashay:

Saviano wuxuu yidhi: “Shambooga egegan waa mid kamida waxyaabaha ugu xun ee la isticmaalo sababtoo ah wuxuu awdayaa daloolka tinta” Si looga hortago toxobta fuulaysa timaha, ku dadaal inaad dhaqdo timahaaga dhawr jeer todobaadkii.

Taasina waa ta islaamku faray muslimiinta inay dhaqaan gunta hoose ee timahooda markay ka qubaysanayaan janaabada iyo dhiiga xaydka.

  • Timahaaga oo aad qorraxda u dhigto:

Dr Shainhouse waxay tidhi: “Maaha inaad dibada u baxdo adigoon jidhkaaga daboolin, sidaas oo kale maaha inaad dibada u baxdo adigoon daboolin timahaaga. Khatarta ay leedahay falaadhaha cadceeda ee Ultra violet (UV) waxay sababaan fuuq-bax timaha ama in gunta hoose ee timuhu qallasho.

Waxayna ku talinaysaa in la gashto koofiyad si looga hortago dhibaatooyinka qorraxda sababtoo ah waxay difaacaysaa wajigaaga dhagaha iyo madaxaba. Xubnahaas oo u bandhigan in qorraxdu ay gubto iyo in jactad kasoo baxo wajiga iyo in gabowgu soo dagdago iyo ta ugu daran oo ah in kansar ku dhaco jidhka” Hadalkaas waxa tidhi Dr Shainhouse ayadoo dadkooda ku waaninaysa inay daboolaan madaxooda iyo jidhkoodaba.

Haddaba Islaamku markuu faray dumarka inay xijaabtaa miyuu dulmiyey? Mise asturaadaada iyo caafimaadkooda ayuu ka talinayey!

Laga yaabaa inaad is tidhaahdo dhibaatadu waa maalinkii inaty qorraxdu soo jeedo balse u diyaargarow arrinta yaabka leh!

Cilmi baadhis cusub oo ay sameeyeen jaamicada Yale University School of Medicine oo uu hogaaminayo Douglas Brash ayaa cadaysay in falaadhaha qorraxda ee loo yaqaano UV ay xataa habeenkii joogaan oo ay isku mid tahay dhibta ay gaystaan maalin iyo habeenba.

  • Dabaylaha iyo hawada wasakhaysan ee ku dhacaya timahaaga:

Dabaysha iyo isbadalka cimiladu waxay timaahaaga ka dhigi karaan timo adag. Hawada wasakhaysan waxay dhibaato u gaysanayaan timahaaga ayagoo u gaboojinaya timaha si dhakhso badan sababayana in timuhu soo daataan.

  • Timaha oo lagu qallajiyo kaawiyad ama feerada dabka.

Timahaaga oo aad ku qallajiso kaawiyad ama feerada dabka ku shaqaysay waxay timaha ka dhigaysa kuwo egegay taasoo keenaysa inay soo go’aan.

  • Cuntooyin aan nafaqo lahayn:

Cuntooyinka aad cunto hadii ay ka maqanyihiin macdanada Kaashiyuum (Clcium) iyo xadiidu waxay timuhu waynayaan nafaqooyinkii ay ku korayeen. Cuntooyinka ufiican timaha waxa kamida beedka/ukunta iyo isbinaajka.

  • Jimicsi la’aanta:

Jimicsigu wuxuu muhiim u yahay wadnaha, caqliga iyo dhamaan xubnaha jidhka oo ay ku jiraan timuhu, isagoo ka hortagaya gabowga degdega ah wuxuuna firfircooni galinayaa dhiiga taasoo keenaysa in dhiigu soo gaadho gunta hoose ee timaha.

 


Xigasho:

Reader’s Digest

Aljazeera

youthhealthmag

Binbaz.org