Tusmo

Hurda la’aanta iyo Caruurta:

Dhamaanteen waxaan ubaahanahay hurdo si aan u soo kabano. Carruurtu waxay kaloo u baahan yihiin hurdo si ay u koraan. Ilaa intee in leeg ayey hurdo u baahanyihiin, waxay ku xidhantahay; cimrigooda, marxaladaha koritaanka, dhaxal, xanuun, welwel iyo xiriirka oo xun. Dadka badankoodu waxay mararka qaarkood la kulmaan dhibaatooyin xaga hurdada ah,  xitaa kuwa sida fiican u seexda.

Intee in la eeg ayey caruurtu u baahanyihiin hurdada?

  • 0_3 bilood: caruurta jirta hal maalin ilaa sadex bilood waxay u baahanyihiin 15 ilaa 18 saacadood maalintii inay hurdaan. Caruurtu xilligan aad bay u kala duwanyihiin, sababtoo ah hurdada waxa xakamaynaya dharagta iyo gaajada ilmaha haysa.
  • 3_7 bilood: ugu badnaan 17 saacadood ayey u baahanyihiin caruurta u dhaxaysa sadex bilood ilaa todoba bilood. 9 ilaa 12 saacadood oo habeenkiiya iyo 2 ilaa 5 saacadood oo maalintiiya.
  • 1_3 sanadood: ilmaha jira hal sano ilaa sadex sanadood wuxuu u baahanyahay inuu hurdo 12 ilaa 13 saacadood.
  • 6_12 sanadood: caruurta jirta lix sanadood ilaa 12 sanadood waxay u baahanyihiin inay hurdaan 10 ilaa 11 saacadood.
  • 12 sanadood iyo wixii ka wayn: waxay u baahanyihiin inay hurdaan 8 ilaa 9 saacadood maalintii. Caruurta qaangaadhka ah waxa qaarkood u baahanyihiin hurdo intaa ka badan.

Dabcan sida dadka waaweyn hurdada ugu kala duwanyihiin ayaa caruurtuna u kala duwantahay. Ubadkaaga u ogolow inay seexdaan goor hore hadaad ogtahay inay hurdo badan u baahanyihiin, hadii aad ogtahay inuu waqti xadidadan hurdana u ogolow inuu seexdo xilli danbe. Hadii ilmahaagu fasax yahay waad u ogolaan kartaa inuu soo jeedo waxoogaa.

 

Markaynu hurudno waxaynu marnaa afar marxaladood oo soo noqnoqda, waxaana loogu yeedhaa wareega hurdada. Waxayna kala yihiin:

  • Marxalada 1aad: lulmo, caruurtu marxaladan way seexdaan, waxayna marxaladani qaadataa daqiiqad ilaa ugu badnaan labaatan daqiiqadood. Marxaladan hurdadu way sahlantahay, ilmuhuna si fudud ayuu u kici karaa.
  • Marxalada 2aad: hurdo sahlan, maskaxda firfircoonideedii hoos ayey u dhacaysaa, murquhuna way dabcayaan, garaaca wadnuhuna wuu gaabinayaa, heer kulka jidhkuna hoos ayuu u dhacayaa.
  • Marxalada 3aad: hurdo qoto-dheer, waxay hurdadani bilaabantaa dhawr daqiiqo kadib markuu ilmuhu seexdo, wayna adagtahay in caruurtu si fudud u kacaan. Hurdadan qotoda-dheer waxay muhiim u tahay jirka si uu usoo saaro hormoonada koritaanka.
  • Marxalada 4aad: riyo, waxa marxaladan loo yaqaana REM oo macnaheedu tahay in indhuhu u dhaqdhaqaan si degdeg ah xilliga riyada.

 

Waalidiinta qaar badan oo kamida waxay ka cawdaan in ubadkooda ay hasato hurdo xumo, xitaa caruurta sida fiican u seexda. Tusaale ahaan; qaar badan oo waalidka kamida waxa hurdada u diida caruurtooda oo saqda dhexe soo kacaya.

Waxa kale oo jirta in caruurta ay dhibaato ka haysato inay seexdaan habeenka bilowgiisa. Caruurtu waxay maraan marxaladaha hurdada oo ka dheer ama ka gaaban marxaladaha dadka waawayn maraan, sidaas awgeed waxa badan in caruurtu ay hurdada ka kacaan habeenkii.

Mararka qaarkoodna waxa jira waxyaalo kale oo saamaynaya hurdada caruurta:

Caruurta yaryar waxa dhibaatooyinka hurdo xumada u keena :

  • Waxa haya infection ama caabuq ku meel gaar ah, sida hargabka.
  • Waxa cuncunaya ciridka marka ilkaha caruurnimo soo baxayaan.
  • Marka ilmuhu bilaabo koritaan.
  • Iminka un bilaabay iskuulka ama xanaanada caruurta.
  • Marka hooyadu dhasho ilmo kale oo ay walaalo yihiin, caruur badan ayey arrintaasi saamaysaa, waxayna jecelyihiin inay dib u yaraadaan.
  • Marka uu la kulmo waxyaabo ka yaabiyey.
  • Markay dareemaan cabsi sida; sheekooyinka bahalada, tuugta, musiibooyinka dabiiciga ah, fashilaad iyo fikirka dhimashada.
  • Hilib dalqaha oo waynaada.
  • Marka ay habeenka ka cabsadaan ama ay ku riyoodaan riyooyin cabsi leh.
  • Caruurta oo ilkahoodu is xoqaan ama is cadaadiyaan markay hurdaan.
  • Markay isku kaajaan.
  • Dabada oo cuncunta.
  • Ilmaha oo canbaari ku dhacdo.
  • Lugo xanuun, waxaana dhici karta in marka ilmuhu korayo uu dareemo lafo xanuun gaar ahaana jilbaha, waxayna ku keentaa ilmaha inuu seexan kari waayo.
  • Xasaasiyad uu ka qabo cuntooyinka qaar.

Caruurta kurayda ah iyo dhalinyarada waxyaalaha ku keena hurdo xumada:

  • Khuurada
  • Riyooyin cabsi leh.
  • Walwal iyo walaac.
  • Cabitaanka khamriga.
  • Isticmaalka daroogada (maandooryayaasha).
  • Niyad jab iyo dareen xun.
  • Xiriir burburay ama dhibaato ka taagantahay.
  • Musiibo ama dhibaato lasoo daristay.
  • Isticmaalka telefoonka, tabska, ama tvga oo waqti danbe lagu raago.

In maalintii ilayska qorraxda loo baxo waxay keentaa hurdo fiican:

Hormoonka qaabilsan hurdada ee Meltonin, waxa maskaxdu soo daysaa habeenkii markaynu seexanayno, ama marka meel mugdiya aan ku jirno mudo dheer. Hormoonkani wuxuu istaagaa markaynu dibada u baxno ee aynu aragno ilayska qorraxda.

In maalintii dibada loo baxo oo la arko ilayska qorraxda iyo in habeenku madoobaado waxay inaga caawinaysaa in jidhkeeno kala saaro maalin iyo habeen. Waxay inaga caawinaysaa in maalintii aynu firfricoonaano, habeenkiina aynu daalno.

Caruurta iyo dhalinta hela maalintii ilays ku filan waxa u sahlanaanaysa inay maareeyaan maalintooda, sidaas awgeed waxay caruurtu u baahanyihiin inay dibada u baxaan maalintii ugu yaraan hal saac. Ilayska subaxii ayaa ka muhiimsan ka galinka danbe. Waalidkuna waa inuu u ogolaado ilmaha yar inay ku seexdaan xoolka ama baabuurka caruurta maalintii, si ay uhelaan qorrax iyo ilays ku filan.

Shaashadaha la daawado kahor intaan la seexanin waxay ku keenaysa caruurta hurdo xumo:

Ku dadaal inaad ilamahaaga ka fogayso shaashadaha la daawado sida Tv-ga, telefoonka, Komibiyuutarka ugu yaraan hal saac kahor intaanu seexanin. Nalalka buluuga ah ee shaashadaha la daawado inooma ogolaanayaan inaynu si sahlan ku ogaano in jidhkeenu daalanyahay, sidaas awgeed ayeynu usoo jeednaa xilligii jidhkeenu u baahnaa hurdada.

Fadlan dami ama naaqus nalalka iyo laanbadaha gurigaaga hal saac kahor intaan la seexanin.

Wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw):

عن جابر قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم أطفئوا المصابيح بالليل إذا رقدتم وغلقوا الأبواب وأوكوا الأسقية وخمروا الطعام والشراب 

Jaabir waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ”Waxaad damisaan faynuusyada habeenkii markaad seexataan, waxaadna xidhaan albaabada, daboolana haanmaha (foostooyinka[1]) cuntada iyo cabitaankana daboola” [2]

Jadwalka hurdada caruurta

Caruurta firfircoon ee tamar badani ku jirto waxay ku qaadataa inay seexdaan mudo dheer. Markaa waa inaad ilmahaaga seexisaa markuu daalanyahay, dharagsanyahay ee xafaayadiisuna qallalantahay. Kana fogow in ilmuhu aad u daalo. Mararka qaarkood waxa dhici karta in ilmuhu soo jeedo waqti ka badan xilligii loogu talo galay, markaa waa inaad la sugtaa waxoogaa intuu mar labadaad ka daalayo.

Habeenkasta ilmahaaga si isku mida ugu diyaari hurdada. Waa inaad raacdaa jadwal aad u dajisay ilamahaaga, oo shaqada u danbaysa ay tahay inaad seexiso.

Jadwal wanaagsan waxa noqon kara:

  • Xafaayad qallalan inaad u galiso.
  • Dharka hurdada oo aad u galiso.
  • Jidhka ilmaha oo aad duugto.
  • Casho fudud oo aad siiso.
  • Inaad u weysaysto.
  • Inaad u akhriso ducooyinka habeenkii.
  • Inaad sheekooyinka habeenkii aad u akhrido. _ habeen walba isla sheekadii, taasoo kawarramaysa diintiisa iyo dhaqankiisa, sida qisadii Luqmaan.

Caruurta badankoodu hadii ay dabaashaan ama loo qubeeyo ama ay wayso qaataan way daalaan, ee adiga ka waalid ahaan waa inaad jadwal ku haboon ilamahaaga aad u samaysaa. Muhiimaduna waxa weeye in ilmuhu dareemo daganaasho iyo inuu u diyaar garoobo inay tahay waqtigii la seexanayey.

Qolka ilmuhu seexanayo waa inuu yahay meel qabow, aamusan oo mugdiya. Laanbadaha waa inay dansanyihiin, hadii ilmuhu diidanyahay in la damiyo laanbadaha, waxaad u furta albaabka qolka.

Hurdadu waa inaanay noqonin mid lagu ciqaabo caruurta:

Sariirta ilmuhu seexanayo waa inay tahay meel nabada oo lagu raaxaysanayo.

Ilmahaygu ma ila seexan karaa sariirtayda:

Ilmaha ka yar sadex bilood wuu ku seexan karaa sariirta isagoo u jiifa dhabarka, waxayna yaraynaysaa dhimishada caruurta.

Waalidiinta qaarna waxay jecelyihiin inay la seexdaan caruurtooda, gaar ahaan hadii ilmuhu si fudud u gam’ayo. Sidoo kale caruurta qaarna si wanaagsan ayey u seexdaan marka ay wehel helaan. Hadii ay suurtagal tahay waxaad sariirta ilmaha dhinac dhigtaa sariirtaada, si ilmuhuna kuugu soo dhowaado oo aad cunto u siin karto habeenkii. Ilmahana ka ilaali inaad dusha ka saarto bustahaaga, iyo go’a aad huwantahay.

Caruurta dhowaan dhashay qaar kamida waxa la seexiyaa sariirta waalidkooda, taasna waxa ku jirta halis. Hadii waalidku is rogo habeenkii waxa dhici karta inuu ilmaha neefta ku celiyo oo ayna sababto in ilmihii dhinto. In ilmuhu ku seexdo sariirtiisa gaarka ah (xoolka) ayaa uga amaan fiican inuu la seexdo sariirta waalidkiisa.

Waxa kale oo wanaagsan inaad ogaato in dharka hurdada ee caruurtu ay noqdaan kuwo aan kululayn. Bijaamaha iyo bustaha caruurtu waa inuu yahay mid khafiifa oo dabacsan.

Ilmuhu wuu kula seexan karaa markuu awood u yeesho inuu is rogi karo

Khatarta ah in ilmuhu si kadis ah u dhinto waxay yaraataa markuu ilmuhu bilaabo inuu is rogi karo. Caruurtu markaa way kula seexan karaa sariirtaada laakiin iska jir inaad madaxaaga agtiisa jiifiso.


[1] Weelkii barigii hore biyaha lagu shuban jiray waxay ahaayee qarbad laga sameeyey harag oo daboolkooduna yahay xadhig.

[2] Saxiixa Bukhaari (5938 )