Dumarku xilliga ay helaan dhiiga caadada waxay wajahaan caqabado soo food saara, waxay dareemaan casiraad, madax-xanuun iyo isbadalo nafsaaniya. Si dhibaatoyinkaasi aanay usii waynaan ayaa jariidada InStyle ee Jarmalku ku talinaysaa in laga fogaado dhawr arrimood:

Tusmo

Sariirta oo la jiifsado:

Jariiradu waxay cadaysay in sariirta oo la jiifsado xilliga xaydka ay sababto calool-xanuun, sidaas darteed ay haboontahay in la jimicsado. Socodku wuxuu dardargalinayaa dhaqaaqa dhiiga kaasoo yaraynaya casiraada.

Qaxwaha ama Bunka:

Qaxwuhu wuxuu keenaa in xidida dhiigu xidhmaan iyo in socodka dhiiga khalkhal ku yimaado, taasina waxay sababtaa in dhibaatooyinkii xaydku sii kordhaan. Qaxwaha waxa lamida cabitaanada ay ku jiraan Caffeine sida coca cola iyo cabitaanada tamarta (energy).

Welwelka:

Welwelku wuxuu sababaa saamayn taban xilliga xaydka, isagoo keena calool-xanuun, madax-xanuun iyo xaydka oo adkaata.

Hurdo yarida:

Hurdo yaridu waxay keentaa daal badan taasoo ayaduna sababta in dhibaatooyinka xaydku sii kordhaan. Sidaas darteed waxa lagama maarmaan ah in la seexdo hurdo fiican habeenkii, qiyaas ahaan 8 saacaadood.


Xigasho:

Aljaziira