Maxaa jidhkaaga ku dhacaya hadaad si maalinle ah u cabto casiirka Kaarootaha?

Kaarootka waa mid kamida khudaarta ugu caansan aduunka, wuxuuna leeyahay midabyo kala duwan sida midabka liimiga ah, casaan, madow, cadaan iyo jaale. Inkasta oo sifiican loo yaqaano khudaartan, hadana si waafiya ama dhamaystiran looma cuno.

Faa’idooyinka uu leeyahay Kaarootaha:

  1. Wuxuu xoojiyaa difaaca jidhka.
  2. Wuxuu isu dheelitiraa kolestaroolka iyo sonkorta dhiiga.
  3. Wuxuu nadiifiyaa beerka.
  4. Wuxuu dhalaaliyaa maqaarka jidhka.
  5. Lafaha ayuu adkeeyaa.
  6. Wuxuu kordhiyaa dheefshiidka (metabolism).
  7. Sare ayuu u qaadaa caafimaadka Afka.
  8. Wuxuu kor uqaadaa caafimaadka wadnaha.
  9. Wuxuu difaacaa caafimaadka Isha.

Xigasho:

Daily Health Post