Tusmo

Dugsiga Nasteex Online School.

Dugsiga Nasteex Online School, waxa kale oo uu qaadanayaa ardayda baranaysa xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo barashada higaada iyo afsoomaaliga.

Macalimiinta ku baraya xifdiga Quraanka kariimka ah, waa macalimiin aqoon iyo khibradba u leh barista quraanka kariimka iyo xifdigiisaba.

Qiimaha:

Ardayga raba inuu barto quraanka 7 maalmood todobaadkii waxa laga qaadayaa lacag dhan 50 dollar. Ardayga raba 3 maalmood todobaadkii waxa laga qaadayaa 30 dollar. 

Ardayda wada socoto sida 3 caruura, waxa dugsiga nasteex online school u samaynayaa qiimo dhimis iyo saayiraad.

Qalabka la adeegsanayo:

Macalimiinta iyo ardaydu waxay ku xiriirayaan qaab online ah ayagoo adeegsanaya hadba barnaamijka u fududaada ardayga iyo macalinkaba.

Jadwalka:

Ardayda baranaysa 5 maalmood todobaadkii, waxa xifdiga quraanka la barayaa 3 maalmood, hal maalina waxay baranayaan higaada ama tajwiidka iyo Afsoomaaliga. Hal maalina waxay leeyihiin tarbiyad iyo aqoon korodhsi xaga diinta ah.

Macluumaad Dheeraada:

Hadii aad u baahato macluumaad dheeraada, waxaad soo wacaysaa telefoonkan: 0046760552713, , 00966509880497. Dhamaan telefoonadu waxay leeyihiin Whatsup.