Ruuxa mu’minka waxa haboon inuu aqoon u leeyahay dhamaan axkaamta  cibaadoyinka uu Rabbigii ugu dhowaanayo, sidaas awgeed waxa dad badan is waydiiyaan malagu tukan karaa ayadoo la gashanyahay kabaha ama sharabaadka.

Sida saxiixa way banaantahay inuu qofku ku tukado kabihiisa hadii kabuhu yihiin nadiif oo aanay najaaso iyo wasakh toona wadanin, waxaana u daliila xadiiskan:

عَنْ أَبِي مَسْلَمَةَ سَعِيدِ بْنِ يَزِيدَ قَالَ قُلْتُ لِأَنَسِ بْنِ مَالِكٍ أَكَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يُصَلِّي فِي النَّعْلَيْنِ قَالَ نَعَمْ

Abi Maslama saciid ibnu Yaziid waxa laga wariyey inuu ku dhahay Anasa ibnu Maalik: ” Rasuulkii Ilaahay miyuu ku tukan jiray kabah? wuxuu dhahay: Haa” [Waxa soo saaray Imaam Muslim waana xadiiska lanmbarkiisu yahay 862 ]

Hadii kabuhu leeyihiin nijaas ama wasakh ma banaana in lagu tukado, waxaana u daliila xadiiskan:

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ قَالَ بَيْنَمَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يُصَلِّي بِأَصْحَابِهِ إِذْ خَلَعَ نَعْلَيْهِ فَوَضَعَهُمَا عَنْ يَسَارِهِ فَلَمَّا رَأَى ذَلِكَ الْقَوْمُ أَلْقَوْا نِعَالَهُمْ فَلَمَّا قَضَى رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَاتَهُ قَالَ مَا حَمَلَكُمْ عَلَى إِلْقَاءِ نِعَالِكُمْ قَالُوا رَأَيْنَاكَ أَلْقَيْتَ نَعْلَيْكَ فَأَلْقَيْنَا نِعَالَنَا فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ جِبْرِيلَ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَتَانِي فَأَخْبَرَنِي أَنَّ فِيهِمَا قَذَرًا أَوْ قَالَ أَذًى وَقَالَ إِذَا جَاءَ أَحَدُكُمْ إِلَى الْمَسْجِدِ فَلْيَنْظُرْ فَإِنْ رَأَى فِي نَعْلَيْهِ قَذَرًا أَوْ أَذًى فَلْيَمْسَحْهُ وَلْيُصَلِّ فِيهِمَا

Abi Saciid Alkhudriyy waxa laga wariyey inuu dhahay: “Mar isagoo  Rasuulkii Ilaahay tujinayo asxaabtiisa ayuu bixiyey kabihiisa, wuxuuna dhigay bidixdiisa, markii ay dadku arkeen ayey ayagun siibeen kabahoodii, kolkuu dhameeyey Rasuulkii (scw) salaadiisii ayuu dhahay: Maxaa idinku kallifay inaad bixisaan kabihiina? waxay dhaheen: waxaan aragnay adigoo bixiyey kabahaagii, anaguna waan bixinay. Markaasuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw): Jibriil (scw) ayaa ii yimid oo ii sheegay in kabuhu leeyihii nijaas ama dhib, wuxuuna yidhi: “Haduu midkiin yimaado Masaajidka ha eego (kabahiisa) haduu ku arko kabihiisa wasakh ama dhib ha masaxo, hana ku tukado” [Waxa soo saaray Abudaawuud, waana xadiiska lanbarkiisu yahay: 650, waxaana saxiixiyey Albaani]

Sidaas awgeed way banaantahay in lagu tukado kabaha, xitaa waa sunnadii nabigii Ilaahay ee Muxamed (scw) oo marna kabihiisa ku tukan jiray, marna iska siibi jiray, markaa waxa haboon inaad marna ku tukato kabo marna cagocadaan. Sidoo kale nabigu (scw): “Khiaalafa yahuuda maxaa yeelay kabaha kuma tukadaan iyo sharabaadka toona” [Abudaawuud: 652]

Hase ahaatee waqtigan aynu noolnahay masaajidada waxa la dhigaa roog ama karbet loogu talo galay in dadku ay ku tukadaan kabo la’aan, hadii uu qofku tukado isagoo kabo sitana wuxuu nijaasaynayaa roogii, sidoo kalena wuxuu kharribayaa meeshii dadku ku sujuudayeen, markaa waxa haboon in dadku kabaha ay labaxaan marka ay galayaan masaajidka la dhigay rooga iyo karbetka.