Tusmo

Mahdiga Shicada iyo yaabkiisa:

Ugu horeyn shiicada aan ka hadlayno waa shiicada loo yaqaano Raafidada ama rumaysan laba iyo tobanka imaam, kuwaasoo kala ah:

  1. Cali ibnu Abidaalib (Rc)
  2. Xasan ibnu Cali (Rc)
  3. Xuseen ibnu (Rc)
  4. Cali ibnu Xuseen (AU) oo loo yaqaano Zaynu al-caabidiin.
  5. Maxamed ibnu Cali (AU) oo loo yaqaano Al-baaqir.
  6. Jacfar ibnu Maxamed (AU) oo loo yaqaano Assaadiq.
  7. Muuse ibnu Jacfar (AU) oo loo yaqaano Alkaadim.
  8. Cali ibnu Muuse (AU) oo loo yaqaano Al-ridha.
  9. Maxamed ibnu Cali (AU) oo loo yaqaano Al-jawaad.
  10. Cali ibnu Maxamed (AU) oo loo yaqaano Al-haadi.
  11. Xasan ibnu Cali (AU) oo loo yaqaano Al-caskari.
  12. Mahdiga? Ma noolyahay mise wali lama abuurinba?

Waa kuma Mahdigu?

Ninka la dhaho Cabdilaahi ibnu Saba’ oo ahaa nin asalkiisu yahuudi yahay ayaa ku tilmaamay Cali ibnu Abidaalib inuu yahay ilaah, waxaana loo bixiyey kooxdiisii Saba’yiin. Habaarqabahaasi markii loo sheegay in Cali ibnu Abidaalib geeriyooday ayuu dafiray dhimashadiisii, wuxuuna aaminsanaa in Cali dib ugusoo laabanayo aduunka, waa sida uu Noobakhti ku sheegay kitaabkiisa Firqooyinka Shiicada.

Cali ibnu Abidaalib (Rc) markuu geeriyooday, wuxuu ka tagay ubad badan, hase ahaatee sadex kamida ayaa mid walba lagu tilmaamay inuu yahay imaam iyo mahdiga, waxayna kala yihiin Xasan ibnu Cali, Xuseen ibnu Cali iyo Maxamed ibnu Cali, Ilaahay raali haka ahaadee.

Kooxda la dhaho Naawuusiya waxay mahdiga ku tilmaameen Jacfar Assaadiq, oo ah imaamka lixaad ee shiicada rumaysan 12 ka imaam.

Kooxda la dhaho Ismaaciiliya ayaguna waxay mahdiga ku tilmaameen Ismaaciil ibnu Jacfar, waxayna dhaheen wali wuu noolyahay.

Kooxda Mubaarakiya, ayaguna waxay mahdiga ku tilmaameen Maxamed ibnu Ismaaciil, ayagoo waliba si wayn ugu xadgudbay.

Waaqifiya waxay mahdiga ku sheegeen Muuse ibnu Jacafar oo loo yaqano Al-kaadim.

Caskariyya waa koox kale oo imaamka 11 aad ee shiicada raafidada ah, waxay kooxdaasina mahdiga ku tilmaantay inuu yahay Xasan al-caskari.

Kooxda imaamiyada loo yaqaano ama raafidada, waxay rumaysanyihiin in imaamkii 11aad ee Xasan al-caskari uu dhalay wiil, wiilkaasina yahay mahdiga.

Sida aynu ka arkayno kooxaha kala duwan ee shiicada, in qof lagu sheego mahdi maaha mid bilaabantay xilligii Xasan Al-caskari ee waa sheegashooyin qadiimiya.

In qof nool ama mid dhintayba lagu sheego inuu yahay imaam, waxa ku jira faa’idooyin aduunyo, sida inay dadka ku dhiigmiirtaan, ayagoo cunaya xoolaha dadweynah si gardarro ah.

Beenaalayaasha sheegta in Xasan Al-caskari uu dhalay wiil, waxay ku danayaan qolyihii hore ee baadiyoobay.

Waa kuma Mahdiga shiicada 12 ka imaam rumaysan agtooda?

Mahdiga Hooyadii:

Waa wiil uu dhalay Xasan Al-caskari oo aan si dhaba loo aqoonin hooyadii. Waxay shiicadu sheegteen in hooyadii ay tahay Narjas, Soosan, Xakiima, Saqiir, iyo Saqiil. Intaas waxa dheer lama garanayo ma adoomad ayey ahayd mise xorbay ahayd. Magacydaas kala duwan waxay midkasta kusoo arooriyeen riwaayado, markii riwaayadihii iska horyimaadeen waxay sheegteen in magacayadaas oo dhan ay lahayd!!

Sidee ayey hooyadii ku xanbaartay Mahdiga?

Waxyaalaha ku tusaya beenta shiicada waxa kamida inay sheegteen in mahdiga hooyadii ay ku qaaday jeeniga, ayna ka dhashay bowdada midigeed. Dabcan bani aadamka waxa lagu qaadaa caloosha, waxayna ka dhashaan farjiga. Wali miyaad maqashay qof aadame ah oo lagu xanbaaray jeeniga, kana dhashay bowdo?

Sida Duusi uu kitaabkiisa (الغيبة) uu ku sheegay, wuxuu yidhi: habeenkii mahdigu dhalan doono, waxa mahdiga aabihii la joogtay walaashii oo la dhaho Xakiima, wuxuuna ku yidhi: caawa waxa dhalanaya mahdigii!

Waxay ku tidhi: madanahygiyow, yaa dhalaya? Wuxuu yidhi: Narjas. Waxay tidhi: sayidkaygiiyow, siday u dhalaysaa uurba malahee? Wuxuu yidhi: anagu hadaanu nahay imaamyada waxa nalgu qaadaa jeeniyada, sababtoo ah dad daahira ayaanu nahay.

Ninka kitaabka qoray ee Duusi, ee lahaa mahdigu wuxuu dhashay isagoo daahira (oo aanay hooyadii dhiig helin) ayaa hadana dhahaya: hooyadii waxay u fadhiisatay sidii dumarka helay dhiiga nifaaska ee dhalmada.

Waxay sheegteen in wiilkii dhashay ee mahdiga noqonayey uu socodka bilaabay markuu jiray 40 maalmood oo kaliya. Kadibna imaamkii dhalay oo Xasan Alcaskari la dhaho ayaa amray malaga Jibriil inuu wiilka usoo celiyo hooyadii si ay unuujiso, sababtoo ah waxa laga xarrimay inuu nuugo dumarka kale oo dhan, sidii nabu Muuse oo kale.

Dabcan wiilka mahdiga shiicadu ay ku tilmaameen lama garanayo xilligii uu dhashay, waxay dhalashadiisu u dhaxaysaa sanadkii 255 kii hijriyada ilaa 260 hijriyada. Shiicadu ayagoo aan si dhaba u garanayn xilligii wiilkaasi dhashay, ayey hadana u dabaal dagaan maalintii uu dhashay!

Xaguu aaday wiilkii?

Markuu dhintay Xasan alcaskari Ilaahay ha unaxariistee, kamuu tagin wax ubada, waxaana xoolihiisii dhaxlay hooyadii iyo walaalkii Jacfar. Kadibna shiicadii waxay sheegatay inuu jiro wiil dhashay kahor ama kadib aabihii. Dabcan waxay isugu khilaafeen si aad u wayn oo aynu cadayn doono beentooda inshallah.

Dhimashadii Xasan alcaskari kadib, waxa afar iyo labaatan nin oo beenaalayaale uu midkasta uu sheegtay in wiilka la waayey inuu u yahay safiir ama uu la kulmo oo isaga loo keeno lacagaha kafaaro gudka iyo nadarka.

Sababta ku kalliftay inay sheegtaan in qof aan dhalanin inuu noolyahay waxa weeye sidii ay dadka xoolo uga qaadi lahaayeen ayagoo matalaya qof maqan oo ay la kulmaa ayagu kaligood. Mana aha kuwii ugu horeeyey ee sheegtay inay safiiro yihiin, ee waxay ku dayanayeen rag hore oo ku xadgudbay ehlul baytka.

Sidaan soo sheegnay Cali ibnu Abidaalib markuu dhintay, waxay ku tilmaameen inuu yahay mahdiga oo aanu dhimanin, sidaasoo kale Jacfar Assaadiq, Muuse Alkaadim, Xasan alcaskari intaba waxay ku tilmaameen inaanay dhimanin ee ay noolyihiin, ayna soo noqonayaan.

Markaa filinkan waa looga horeeyey, sidaas darted ayey ku farxeen in Xasan alcaskari aanu wax ubada ka tagin si ay dadka u jiho habaabiyaan.

Nimankii mid walba safiirka sheeganayey waxa la rumaystay mid kamid ahaa oo la dhaho; Cusmaan ibnu Saciid Alcamri, kadibna markuu dhintay waxa uga danbeeyey wiilkiisii Maxamed ibnu Cusmaan. Maxamedna waxa uga danbeeyey Xuseen al-noobakhti, isagana waxa ugasii danbeeyey Cali ibnu Maxamed Ass-samri.

Nimanka safiirada ah waxay sheeganayaan inay arki jireen mahdiga oo uuna dadka ka dhuumanayo. Dadkuna waxay u iman jireen nimanka safiirada ah ama wakiiladooda ayagoo lacagaha sooryada, kafaaro gudka iyo nadarka u keeni jiray si ay ugusii gudbiyaan mahdiga. Sidoo kale dadku waxay mahdiga ka dalban jireen fatwooyin inuu uga jawaabo.

Nimankii safiirada ahaa ayaa dadka ka qaban jiray waraaqahooda iyo su’aalahooda, kadibna dadka waxa lagu odhan jiray: mahdigii wuu idiisoo jawaabay, waana tan jawaabtaadi. Illamaa dad badani ay rumaysteen beentii ay sheegayeen safiiradaasi.

Afartaas nin ee safiirnimada sheegtay waxay hawshaas wadeen mudo dhan todobaatan sanadood, kadibna safiirkii ugu danbeeyey ee Cali ibnu Maxamed Assamri ayaa dadkii u sheegay in mahdigii uu galay dhuumashadii waynayd.

Dabcan, nin la sugayey mudo todobaatan sanadood oo aan mar qudhas soo bixin, ayaa galay dhuumashadii waynayd, todobaatankii horena waxay ahayd dhuumashadii yarayd!!

 

Daliilada cadaynaya beenta shiicada iyo safiiradaas:

 

  1. Markii uu geeriyooday Xasan Al-caskari oo ahaa imaamka 11aad ee shiicada raafidada, waxa dhaxalkiisii loo qaybiyey hooyadii iyo walaalkii Jacfar. Dabcan hadii Xasan ilmo ka tagay, waxa dhaxalka la siin lahaa wiilkiisa oo meesha walaalkii mabuu soo galeen oo waa la xijaabi lahaa.

In dhaxalkii Xasan hooyadii iyo walaalkii lasiiyey waxay ku taalaa kitaabka Alkaafi ee shiicada agtooda ugu saxiixsan:

 فلمابطل الحمل عنهن قسم ميراثه بين أمه وأخيه جعفر

”Markii uurkii la waayey ayaa dhaxalkii loo qaybiyey hooyadii iyo walaalkii Jacfar”[1]

  1. Ehlul baytkii la dhashay Xasan al-caskari iyo ilmo adeeradii ayaa beeniyey in Xasan uu ka tagay wax ubada, oo ninkii safiirnimada sheegtay ee Cusmaan Alcamari uu been sheegayo.

Markii Cusmaan warkiisii fashilmay ayuu alifay xadiis uu sheegtay inuu mahdigu uga warrmay, wuxuuna yidhi:

عن محمد بن يعقوب الكليني، عن إسحاق بن يعقوب قال: سألت محمد بن عثمان العمري رحمه الله أن يوصل لي كتابا قد سئلت فيه عن مسائل أشكلت علي، فورد التوقيع بخط مولينا صاحب الدار عليه السلام. أما ما سألت عنه أرشد الله وثبتك من أمر المنكرين لي من أهل بيتنا وبني عمنا، فاعلم أنه ليس بين الله عز وجل وبين أحد قرابة، ومن أنكرني فليس مني، وسبيله سبيل ابن نوح عليه السلام. وأما سبيل عمي جعفر وولده، فسبيل إخوة يوسف على نبينا وآله وعليه السلام. وأما الفقاع فشربه حرام ولا بأس بالشلماب. وأما أموالكم فما نقبلها إلا لتطهروا فمن شاء فليصل، ومن شاء فليقطع، فما آتانا الله خير مما آتاكم

Waxa laga wariyey Maxamed binu Yacquub Alkulayni, wuxuu kasoo wariyey Isxaaq ibnu Yacquub inuu dhahay: waxaan waydiiyey Maxamed binu Cusmaan alcamari Alle ha unaxariistee, inuu isoo gaadhsiiyo kitaab aan ku waydiiyey masalooyin aanan fahmin, waxa soo baxay saxeexii mawlaheena saaxibkii daarta (Mahdiga Shiicada oo leh): ”Wixii aad i waydiisay Alle haku hanuuniyee ee ayna ii sugnaatay arrinka kuwii i inkiray oo ehelka baykanaga katirsan iyo ilmo adeeraday. Ogsoonow in Ilaahay hortiisa aanay naga dhaxay wax qaraabanimo ah, cidii i inkirta igama tirsana aniga, jidkiisuna waa kii wiilkii Nuux, adeerkay Jacfarna iyo ubadkiisuna waa sidii Yuusuf walaaladii oo kale. Fuqaaca aad i waydiisayna cabidiisu waa xaaraan, shalaamkuse wax dhiba malaha. Xoolihiinana, uma qaadano inaan idinku nadiifino mooyee, cidii doontaa ha keento kii doonaana ha goosto, wixii Ilaahay nasiiyo ayaa nooga khayr badan[2]

 

Jacfarka la dafiray ee lamid noqday sida nabi Yuusuf walaaladii ama wiilkii gaalka ahaa ee nabi Nuux (csw) waa kuma? Waa mahdigan beenta ah adeerkii, waa Xasan walaalkii. Markii uu cadeeyey in walaalkii wax ubada aanu ka tagin ayey bilaabeen inay ceebeeyaan oo ay ka been abuurtaan, maxay Jacfar ka sheegeen?

ومن جعفر فتسأل عن خبره؟ أو يقرن بالحسن جعفر معلن الفسق فاجر ماجن (3) شريب للخمور أقل من رأيته من الرجال وأهتكهم لنفسه،

”Ma Jacfar ayaad i waydiinaysaa warkiisa? Oo ma Xasan ayaa la barbardhigaa Jacfar, waa nin muujistay faasiqnimadiisa, nin xun oo aan aqoonin wuxuu ku hadlayo, oo caba khamriga, dad aan arkaba ka ugu liita ee naftiisana ugu been badan[3]

Maxaa lagu maagay Jacfar Ilaahay ha unaxariistee? Sababtoo ah wuxuu yidhi: walaalkay wax ubada oo uu ka tagay majiro.

  1. Waxa kutubta shiicada ku taala in Xasan Al-caskari uu ku dhahay: mar danbe ma arki doontaan.

أما إنكم لا ترونه بعد يومكم هذا.

“Mar arki doontaa maanta wixii ka danbeeya”[4]

Hadiiba lagu dhahay Shiicada: waligiin dib uma arkaysaan, sideebay ku sheeganayaan inuu wiilkaasi noolyahay? Hadii ay dhahaan: imaanshiisa ayaa nala xoog badan, waxaan leenahay: kutubtiina way iska hor imanaysaa! Waxayna cadaynaysaa inaanay ahayn wax Ilaahay xagiisa kayimid.

  1. Nimanka safiirada isku tilmaamay ee afarta nin ahaa, ma aha culumada shiicada. Manay qorin wax kitaaba, ayagoo sheegnayey inay todobaatan sanadood ay la joogeen mahdiga oo uu wax barayey.
  2. Mid kamida wakiiladii lacagta usoo ururin jiray safiirkii sadexaad oo ahaa Xuseen Al-noobakhti ayaa cadeeyey inay isku layn jireen safiirnimada iyo wakiilnimada, wuxuuna yidhi:

ما دخلنا مع أبي القاسم الحسين بن روح رضي الله عنه في هذا الامر إلا ونحن نعلم فيما دخلنا فيه، لقد كنا نتهارش على هذا الامر كما تتهارش الكلاب على الجيف

”Waxaan hawsha ula galnay Abi AlQaasim Xuseen ibnu ruux (safiirkii sadexaad) sababtoo ah waxaan ogsoonayn waxa aan la galayno. Waxaan isugu layn jirnay arrinka sida ay eydu isugu layso bakhtiga”[5]

  1. Saxeexa oo xal loo helay. Dabcan afar nin ayaa ukala danbeeyey safiirnimada, mid kasatana wuxuu leeyahay saxeex u gaara. Markaa si aan loo ogaanin saxeexa iyo khadka kala duwan, waxay dhahay:

 ولا تظهر على خطنا الذي سطرنا

”Ha muujinin khadkayaga”[6]

Hadii la muujiyo khad kala duwan ayaa la arkayaa, sidaas darteed waxa la farayba inaan dadka tusin.

Qaabka shiicadu ugu xadgudubta mahdiga mala-awaalka ah:

Ugu horeyn waxa gaalaysiiyeen qofkii inkira mid kamida imaamyada laba iyo tobanka ah, waxayna dhaheen:

واتفقت الإمامية على أن من أنكر إمامة أحد الأئمة وجحد ما أوجبه الله تعالى من فرض الطاعة فهو كافر ضال مستحق للخلود في النار

”Waxa imaamiyadu isku waafaqeen cidii inkirta mid kamida imaamyada ama diida wixii Ilaahay u faral yeelay oo ah in la adeeco, inuu yahay gaal baadiyeysan oo xaq umutaystay inuu ku waaro naarta”[7]

Waxay gaalaysiiyeen qofkii beeniya mahdiga khuraafaadka ah ee cimrigiisu dhanyahay 1185 sanadooda. Ayagoon wax cadayna ama xujo cad ahna aan ka haysanin kitaabka Ilaahay ee Quraanka iyo sunnada saxiixa ah ee ka sugan rasuulka (scw).

Qaabka ay ugu xadgudbeen mahdigooda:

  1. Mahdigu waa nuur dhalaalayaa.
  2. Nasabkiisu sharaf ayuu leeyahay, aabihii waa ehlul bayt, hooyadiina waxay ku abtirsataa qaysaradii Roomaanka, waxayna abtirseenteedu ku dhamaata Shamcoon Daa.
  3. Guri la dhaho guriga mahadnaqa ayuu leeyahay.
  4. Wuxuu salbinayaa oo uu karooska ku dilayaa Abubakar iyo Cumar oo uu dib usoo celinayo. Waxayna qiranayaan inay ka danbeeyeen wixii dhulka danbi ka dhacay, laga bilaabo geedkii nabi Aadam cunay, dilkii Haabiil, Nabi Ibraahiim kii naarta ku tuuray, kii dilay nabi Yaxye, kii salbiyey nabi Ciise, kii dhirbaaxay Faadima ee feedheedana jabiyey, gurigeedana ku gubay, wiilna yarna kasoo riday, markaasay qiranayaan Abubakar iyo Cumar inay danbiyadaa ayagu ka danbeeyeen, waana la salbinayaa![8]
  5. Markuu mahdigu soo baxo wuxuu noolaynayaa Caasha, wuxuuna ku oogayaa xadkii zinda.[9] Shayaadiintaas cadaawada ay uqabaan saxaabadan nabiga bal ufiirso! Waxay ku eedeeyeen hooyadeen Caasha bal ufiirso? Hooyadeen Caasha oo Ilaahay bari yeelay, ayey ku tureen qadfi iyo colnimo, bal inay habaarqabaan maxaa u geeyey haweenkii Rasuulaka (scw).
  6. Madaxweyna daalima bayco lama galayo mahdigu.
  7. Wuxuu soo saaraya mahdigu kitaabkii Quraanka ee Cali, kaasoo ay ku qorantahay todobaatan reer Qureesheeda magacyadoodu.
  8. Waxa hadhinaya daruuraha.
  9. Wuxuu la noolyahay xayawaanada.
  10. Waxa soo raacaya markuu soo baxo shan iyo toban kamida qoomkii nabi Muuse, todobadii axaabul kahfiga iyo eygoodii, Yuushac ibnu Nuun, Abu Dujaana, Miqdaad iyo Maalika Al-ashtar.
  11. Todobaatan kun oo reer Kuufa ah oo kamida sidiiqiinta.
  12. Cudurada ayuu suulinaya.
  13. Dhulka cadaalad ayuu ka buuxinayaa.
  14. Wuxuu dilayaa Dajaal Cawarka! SubxaanaAllah, cida Dajaalka dilaysaa waa nabi Ciise. Hase ahaatee cida Dajaalka raacaysa waa shiico.

Dabcan waan ujeednaa qaabka ay ugu xadgubeen qof aan Ilaahayba abuurin. Sifooyinkana waxay ku yaalaan kutubta shiicada, gaar ahaan kitaabka  (الغيبة – الطوسي) .

 

Magcayada Mahdiga:

Duusi kitaabkiisa Al-Qaybah wuxuu kusoo bandhigay in mahdigu leeyahay 181 magac, oo ayna mamnuuc tahay in loogu yeedho Maxamed. Qofkii maxamed ugu yeedhaana waa gaal.

”Axmed, Al-aslu, Ooqeedamoo, Iizda Shanaas, iistaadah, Abu alqaasim, Abu Cabdalle, Abu Jacfar,Abu Muxamed, Abu Ibraahiim, Abu Xasan, Abu Turaab, Abubakar, Abu Saalix, Amiiru al-imra, Al-ixsaan, Al-udunu alwaaciyah, al-aydii, Baqiyatu Allah, Bi’run Mucaddalah, Al-baladu al-amiin, Bandah Yazdaan,Barwiiz, Burhaanu Allah, Albaasid, Baqiyyatu Al-anbiyaa,Altaali, Altamaam, Al-thaa’ir, Jacfar, Jumce, Janbi, Jiwaar al-kunnas, Al-xujjah, Al-xaqq, Al. Xijaab, Al-xaamid, Alxamdu, Alxaashir, Khaatamu al-awsiyaa, Khaatamu Al-a’imah, Khajasto, Khasroo, khuda Shanaas, Al-khaazin, al-khalaf, Al-khaliifa, Al-atqiyaa, Daabatu al-ardhi, Al-daacii, Al-rajul, Raahinma, Rabu Al-ardhi, Zanda Afrees, Saroosh iizda,Al-suldaan, Al-ma’muul, Sidratu Al-muntaha, Al-sinaa, Al-sabiil, Al-saaca, Al-samcu, Shamaadeel, Ash-shariid, Alsaaxib, Saaxibu al-qiibah, Saaxiibu Al-zamaan, Saaxibu Arrajca, Saaxibu al-daar, Saaxibu al-naaxiya, Saaxibu al-casri, saaxibu al-kurratu al-ardhiya, saaxibu al-dawalatu alzahraa, Saalix,Saaxibu al-amri, Assubxu almusfar, assidqu, assiraadu, Al-dhiyaa’u, Al-dhuxaa, Daalibu al-turaath, Al-dariid, Al-caalim, Al-cadlu, Caaqibatu al-daar, Al-cizzatu, Al-caynu, Alcasru, Al-qaa’ibu, Al-qulaam, Al-qariimu, Al-qawthu, Qaayatu al-daalimiin, al-khaliil, qawthu al-fuqaraa, al-fajru, Al-firdawsu al-akbar, Fayruuz, Farkhanda, Faraju Al-mu’min, Al-faraju al-acdam, al fatxu, al-faqiidu, Feedamo, Al-qaa’imu, Al-qiyaama, Al-qisdu, Al-quwatu, Kaashifu al-qidaa,kalimatu alxaqq, Keeqbaad dawam, Kooka, Kaaz, Al-liwaa al-acdam, Maashic, Mahmiidu al-ardhu, masiixu alzamaan, miizaanu al-xaqq, al-mansuur, Muxamed. Waana gaal ruuxa ugu yeedha Muxamed:

عن أبي عبد الله عليه السلام قال: صاحب هذا الامر لا يسميه باسمه إلا كافر.

”Abi Cabdilaahi waxa laga wariyey inuu yidhi: Talada ninka iska leh (mahdiga) uguma yeedho magiciisa mid gaal ah mooyee”[10]

Niyyatu assaabiriin, Almuntaqim, almahdi, Cabdilaahi, Al-mu’mal, al-muntadar, maa’u almaciin, al-khabaru bimaa yuclinu, al-majaazi bil acmaal,al-mawcuud, mudhiru alfadaa’ix,mublii alsaraa’ir, al-muxsin, al-muncim, Al-mufadhal, Almannaan, Al-mootoor, Al-mudiir, Al-ma’muur, Al-maqdirah, Al-mukhriju al-acdam, Al-mudhar, Al-muqtasuru, Al-misbaaxu shadiidu Dhiyaa’, Al-naaquur, Al-naadiq, Al-nahaar, Al-nafsu, Nuur Aal Muxamed, Nuur Al-awsiyaa, Al-najmu, Al-naaxiyatu almuqadsah, Waaqbad, Al-witru, Al-wajhu, Waliyyu Allah, Al-waarith, Al-yaddu al-baasidah, Hoohal.”[11]

Shayaadiintu waxay magacyo beena u bixiyeen ufiirso, subxaanaAllah.

Muxuu Mahdigu usoo bixi waayey?

Waxay shiicadu sheegtay dhawr sababood:

  1. Waa cabsi: wuxuu ka cabsanayaa in la dilo, waana sababa ugu wayn ee culamadoodu ay ku tageen, wuxuu yidhi Duusi:

لا علة تمنع من ظهوره إلا خوفه على نفسه من القتل، لأنه لو كان غير ذلك لما ساغ له الاستتار

“Sabab kale majirto oo udiidan inuu soobaxo, aana ka ahayn inuu naftiisa uga cabsoonayo in la dilo, hadii kale dhuumasho umay banana lahan.

Radinta beentooda:

  • Hadii cabsi lagu maqnaanayo maxay rususha iyo nabiyadu usoo baxayeen iyo xitaa imaamyadii isaga kahoreeyey.
  • Waxa jiray dawlada xoog lahaa oo taariikhda soo maray, sida Buwayhiyiintii, Cubaydiyiin, Safawiyiintii, Faadimiyiintii, iyo dawladan Khumayni ee iran.
  • Imaamyadu waxay ogyihiin waqtiga ay dhimanayaan sida ku taala kutubtiina, hadii ay cabsi tahay, waxaan leenahay waa fulay. Fulaygana uma banaana inuu difaaco dalka.
  • Markii ay joogeen safiiradii afarta ahaa, maxaa loo daba gali waayey oo loosoo qaban waayey.
  • Waqtigan aynu noolnahay, imisa qof ayaa Mahdi sheegta? Lamana dilo, dhibna looma geesto. Muxuu usoo bixi waayey oo uu cududiisa u muujin waayey.

 

Walaalayaal, waad aragtaan shiicadu halka ay hawshoodu marayso. Inay imaamyadoodii ay gaadhsiiyeen martabad ka sarreysa nabinimada.


[1] الكافي – الشيخ الكليني – ج ١ – الصفحة ٥٠٥

[2] الغيبة – الشيخ الطوسي – ج ١ – الصفحة ٣١٣

[3] الكافي – الشيخ الكليني – ج ١ – الصفحة ٥٠٤

[4] بحار الأنوار – العلامة المجلسي – ج ٥٢ – الصفحة ٢٦

[5] الغيبة – الشيخ الطوسي – ج ١ – الصفحة ٤١٣

[6] حياة الإمام المهدي عليه السلام – الشيخ باقر شريف القرشي – ج ١ – الصفحة ٧٥

[7] أوائل المقالات – الشيخ المفيد – الصفحة ٤٤

[8] مختصر بصائر الدرجات – الحسن بن سليمان الحلي – الصفحة ١٨٨

[9] حق اليقين للمجلسي ص ٣٤٧

[10] الكافي – الشيخ الكليني – ج ١ – الصفحة ٣٣٣

[11] الغيبة – الشيخ الطوسي