Tusmo

Macnaha Shahaadada Tawxiidka

 

Su’aal:

Waa maxay macnaha in la qiro in Ilaahay xaq lagu caabudo iyo in Muxamadna yahay Rasuulkii Ilaahay?

 

Jawaab:

Alxamdulilaah.

Intaa kadib: Macnaha in la qiro in Ilaahay xaq lagu caabudo waxa weeye: Waa in loo diido xaqnimada cibaadada cidii Ilaahay kasoo hadhay, loona sugo Ilaahay subxaanahu kalidii, ayadoon cidna lala wadaajinayn. Wuxuu Ilaahay dhahay:

( ذَلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِنْ دُونِهِ هُوَ الْبَاطِلُ وَأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ) الحج/62 .

(Waxaana ugu wacan taas inuu Ilaahay xaq yahay, waxay caabudi ee kasoo hadhayna uu yahay baadil, iyo in Ilaahay sarreeyo oo waynyahay) [Suuratu Al-xajj: 62]

Ereyga (Ilaah xaq lagu caabudo majiro) waxay reebaysaa dhammaan waxa la caabudo ee Ilaahay kasoo hadhay, halka ereyga (Ilaahay mooyee) ay usugayso dhamaan noocyada kala duwan ee cibaadada Ilaahay kalidii. Macnaheeduna waa Ilaah xaq lagu caabudo majiro Ilaahay mooyee.

Sida Ilaahay koreeyee aanay u jirin cid la wadaagta mulkiga, saas oo kalena majiro cid la wadaagta cibaadadiisa subxaanahu.

 

Macnaha in la qiro Muxamed inuu yahay Rasuulkii Ilaahayna waa: Rumayn go’aan wadata oo ka timid qalbiga oo waafaqdayna hadalka carrabka oo ah in Muxamed yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii oo loo soo diray dhamaan uunka, jinkooda iyo insigoodaba. Waxaana waajiba in la rumeeyo wixii uu ka warramay oo ah wararkii hore, wararka soo socda, wixii uu xalaaleeyey, wixii uu xarrimay, in lagu dhaqmo oo lo hogaansamo wixii uu faray, in la joogsado wixii uu reebay, in la raaco shareecadiisa, in lagu sugnaado dhaqankiisa si qarsoon iyo si muuqataba ayadoo raali aad ka tahay wixii uu go’aamiyey oo aanad isu dhiibto, inaad ogaato in adeecidiisu ay tahay adeecida Ilaahay, macsidiisuna tahay macsida Ilaahay, maxaa yeelay isagu wuxuu farriinta ka sidaa Ilaahay xagiisa, manuusan dhiman illamaa laga dhamaystiray Diinta, uuna gaadhsiiyey gaadhsiin cad, hana ka abaalmariyo Ilaahay abaal wanaagsan oo uu ugu abaalguday nabi qoomkiisa iyo Rasuul umadiisa.

Adoonkuna masoo galo Diinta labadaas shahaado la’aantood, waana laba wada socda, sidaas awgeed shuruudaha in la qiro Ilaahay in xaq lagu caabudo waa isla shuruudaha in la qiro Muxamad inuu yahay Rasuulkii Ilaahay, waxaana lagu sheegay daliiladood su’aasha lanbarkeedu yahay (9104) iyo (12295)

 

Ilaahaybaa xaqa og.