Bushaaro Bushaaro walaaladay Muslimiinta meel kasta oo aad joogtaan!

Hadii malaa’iktu soo dagto habeenka Laylatul-Qadriga, waxa maalinta Carafa soo dagaya Ilaahay (swt), soo dagistaas oo ku haboon Ilaahay, una qalanta, taasoo aan lamid ahayn soo dagista makhluuqaadkiisa.

Tusmo

Maalinta Carafo:

  1. Waa maalintii Ilaahay dhamaystiray diintiisa, ee uu kamilay nicmadiisa, diinta Islaamkana raali Ilaahay ka noqday. [Saxiixu Bukhaari: 45]
  2. Carafo waa maalin ciid u ah xujaajta baytka Ilaahay ku gudanaya waajibaadka xajka. Waa maalin dadka xujaajta ah loo ogolyahay inay cunaan oo cabaan. [Sunan Tirmadi: 773]
  3. Maalinta Carafo waxa ku dhaartay waynideeda Ilaahay (swt), wuxuuna dhahay: ” وشاهد ومشهود ” maalinta shaahidku waa Jimcaha, maalinta mashhuudkuna waa maalinta Carafo. [Tirmadibaa soo saaray, waxaana taxsiiniyey Albanai]
  4. Maalinta Carafo soonka la soomo, waxa Ilaahay ku dhaafayaa danbiyada sanadkii hore iyo sanadka soo socda. Soonkana waxa laga rabaa dadka ayagu aan gudanaynin waajibaadka Xajka. [Tirmadi: 749]
  5. Maalinta Carafo waa maalintii Ilaahay ballanta ka qaaday caruurta nabi Aadam ayagoo ku jira dhabarka aabahood nabi Aadam (csw). Ballantuna waxay ahayd inuu Ilaahay waydiiyey “Anigu Rabbigiin saw ma ahi? Waxay dhaheen: Haa”. [Musnadka Imaamu Axmed: 2451]
  6. Maalinta Carrafo waa maalintii danbi dhaafka, maalinta ugu naar-xoreynta badan ee Ilaahayna uu ku faanayey xujaajta imanaysa gurigiisa. [Muslim: 1348]
  7. Maalinta Carafo waa maalinta ducadeedu ugu khayrka badantahay. Ducaduna maaha mid ku kooban ruuxa waajibaadka xajka gudanaya oo kaliya ee qofkasta wuu ducaysan karaa. [Tirmadi:3585]

Ducada Maalinta Carafo:

 Ducada ugu khayrka badan ee maalintaas lagu ducaysto waa ducadii Rasuulkii Ilaahay (scw) uu inoo sheegay:

 لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، له الملك ، وله الحمد ، وهو على كل شيء قدير

Laa’ilaaha illaa Allahu waxdahuu laa shariika lahuu, lahu al-mulku, walahu alxamdu, wahuwa calaa kulli shay’in qadiir.

Ilaah xaq lagu caabudo majiro Allah mooyee, waana kalidii, cidna lama wadaagto cibaadadiisa, waxa u sugnaatay mulkiga iyo mahadda, isaguna wax walba wuu awoodaa.

 

Ciid wanaagsan ku ciida, ciidukum saciid. Kullu caam wa antum bil khayr.

 

WD: Abdulaziz Oogle