Ma tahay waalid raba in ubadkiisu ay bartaan kitaabka Ilaahay ee Quraanka, caqiiqdada islaamka iyo xadiiska. Waxaan kuu haynaa Dugsi ay ku baranayaan xifdinta Quraanka, xadiska iyo caqiidada. Meel kasta oo ay joogaan waxay qaadanayaan casharkooda, waxaan u shaqaynaa qaab online ah.

Macallimiinta wax u dhigaysa caruurtu waa kuwo khibrad u leh barista Quraanka Kariimka ah iyo kobcinta maskaxda ubadka. Waxaan waalidiinta la yeelanaynaa wada shaqayn joogta ah iyo inaan la socodsiino marxaladaha kala duwan ee ilmahoodu marayo. Waxaan xooga saaraynaa caqiidada ilmaha anagoo ka dhisayna xaga tawxiidka iyo inay jeclaadaan diintooda Islaamka.

Casharrada ay qaadanayaan waxay kala soconayaan shaashada ayagoo arkaya macalinka sharraxaadiisa. Todobaadkii 5 maalmood ayay qaadanayaan duruusta. Sadex maalmood waxay baranayaan Quraanka Kariimka ah, maalina waxay baranayaa xadiiska, halka maalinta shanaadna ay ka baran doonaan caqiidada.

Qiimaha ardaygu ku baranayo dhamaan duruusta oo dhan waa 30 dollar. Run ahaatii waa qiimo aad u jaban marka la fiiriyo duruusta ay qaadanayaan iyo dadaalka la galin doono.

Ardaydu waxay soo galayaan fasalo kala duwan oo ay kula kulmayaan macalinka iyo ardayda kaleba. Wixii Faahfaahin iyo isdiiwaangalina kala xiriir telefoonkan oo leh whatsup. 0046760552713 Ama si toosa halkan warqad noogusoo dir

Halkan Hoose iska Diiwaangali

Dawrada Barashada Caqiidada

Tusmo

Dawrada Barashada Caqiidada