Hadyada ugu qaalisan ee Ilaahay bixiyo waa ubadka marka laga yimaado Islaamnimada. Caruurta yaryar ee soo korayo wuxuu Islaamku siiyey ahmiyad gaara, wuxuu daryeelay sidii loo korin lahaa ee ay gaashaan qaad u noqon lahaayeen. Diinta Islaamka ee wayn ayadoo daryeelaysa caafimaadka caruurta ayaa waxay mamnuucday in waqtiyada qaar aan ubadka dibada loo saarin sababo jira awgeed.

Xilliga qorraxdu dhacayso ee waxyar kahor salaada Maqrib ilaa laga gaadhayo waqtiga salaada Cishaha waa xilli ay diinta Islaamku reebtay in caruurta dibada loo saaro, sababtoo ah waa xilliga ay soo rawaxaan shayaadiinta kasoo baxay shirkii albaabadu u xidhnaayeen ee Ibliis u qabtay.

Shirkaas oo Ibliis ku xogagaal wareysto shayaadiinta wixii ay qabteen maalintaas iyo inta qof ee ay baadiyeysiiyeen, ayadoo Ibliis uu taaj madaxa ka saaro shaydaanka ugu fitnada badnaa.

Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay:

 قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا كَانَ جُنْحُ اللَّيْلِ أَوْ أَمْسَيْتُمْ فَكُفُّوا صِبْيَانَكُمْ فَإِنَّ الشَّيْطَانَ يَنْتَشِرُ حِينَئِذٍ فَإِذَا ذَهَبَ سَاعَةٌ مِنْ اللَّيْلِ فَخَلُّوهُمْ وَأَغْلِقُوا الْأَبْوَابَ وَاذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فَإِنَّ الشَّيْطَانَ لَا يَفْتَحُ بَابًا مُغْلَقًا

Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay: marka habeenku madoobaado ama aad galabaysataan, celiya caruurtiina, maxaa yeelay shayaadiinta ayaa xilligaas faafsan (fara badan), markay saacad habeenka kamid ah tagto sii daaya, waxaanad xidhaan albaabada, kuna xusa magaca Ilaahay, sababtoo ah shayaadiintu ma furaan albaab xidhan. [Muslim: 2012 ]

Wuxuu dhahay Imaamu Nawawi: Xilligaas habeenku soo qaabilo, waa in la xareeyaa caruurta sababtoo ah waxa looga cabsanayaa in shayaadiinta faraha badan ay dhib u gaystaan caruurtii.

Sidoo kale waxa laga soo wariyey xadiiskan Rasuulkii Ilaahay (scw):

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَا تُرْسِلُوا فَوَاشِيَكُمْ وَصِبْيَانَكُمْ إِذَا غَابَتْ الشَّمْسُ حَتَّى تَذْهَبَ فَحْمَةُ الْعِشَاءِ فَإِنَّ الشَّيَاطِينَ تَنْبَعِثُ إِذَا غَابَتْ الشَّمْسُ حَتَّى تَذْهَبَ فَحْمَةُ الْعِشَاءِ

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ” Ha dirin xoolihiina mayeedhaanka iyo ubadkiinaba marka ay qorraxdu dhacdo, illamaa ay habeenka mugdigiisa hore tagayo, maxaayeelay shayaadiinta ayaa soo baxda marka qorraxdu dhacdo, illamaa habeenka mugidigiisa hore tagayo”

Wuxuu dhahay Imaamu Nawawi: Habeenka mugdigiisa hore waa xilliga u dhaxaysa salaada Maqrib iyo salaada Cishaha. Sidaas daraadee xilliga la reebay in ubadka dibada loo saaro waa xilliga u dhaxeeya salaada Maqrib iyo salaada Cishe.