• Maalinta Carafo waa maalinta Ilaahay dhamaystiray Diinta xaqa ah ee Islaamka. Nin Yahuudiya ayaa wuxuu u yimid Cumar Ibnu Khadaab oo ku dhahay; Amiirkii Mu’miniintoo aayad Quraankiina aad akhridaan ku jirta haday anaka oo Yahuuda nagusoo dagi lahayd waxaan ka yeelan lahayn Ciid. Wuxuu dhahay Cumar waa Aayadee? Wuxuu yidhi: waa aayadan 

الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا ۚ

Maantaan idiin kaamilay (Dhameeyey) Diintiinna waxaana idiin Taamyeelay Korkiinna Nicmadayda waxaanan idiinka Raalli noqday Islaamka Diin ahaan

Wuxuu dhahay Cumar waanu garanay maalintay soo dagtay iyo meeshay kusoo dagtay,  waxayna soo dagtay maalin Jimce ah kuna soo dagtay ayadoo la taaganyahay Carafo.

 

  • Maalinta Carafo waa maalinta Ducadu ugu khayrka badantahay wuxuna yidhi Nabigu (N.N.K.H) 

(خير الدعاء دعاء يوم عرفة )

Ducooyinka waxa ugu khayr badan Ducada Carafa.

  • Maalinta Carafo waa maalinta ugu badan ee Ilaahay (s.w.t) uu dadka Naarta ka xoreeyo wuxuuna dhahay Nabigau:

( ما من يوم أكثر من أن يعتق الله فيه عبدا من النار من يوم عرفة)

Ma jirto maalin ay kabadantahay inuu Ilaahay adoonkiisa kaxoreeyo Naaarta maalinta Carafo.

  • Maalinta Carafo waa maalinta Xujaajta byatka Ilaahay gudato rukunka ugu wayn xajka oo ah in la istaago buurta Carafo. Cidii aan is taagina Carafona xajkii muusan gudan.  

(الحج عرفة)

Xajku waa Carafo

  • Soonka maalinta Carafo waxa Allah (s.w.t) ku dhaafaa danbiga sanadkii hore iyo danbiga sanadka soo socda wuxuuna yidhi Nabigu:-

يكفر السنة الماضية والسنة القابلة

Waxa lagu dhaafaa danbiga sanadkii tagay iyo kasoo socda.